Total Pageviews

Sunday 16 June 2013

Eedeyni xal ma keento


Xalku eedeyn kuma yimaado
Inqaasta Yusuf-Garaad 


Waxaa sii badanaya eedeymaha loo jeedinayo siyaasiyiin dhowr ah oo Soomaaliya madax ka soo noqday. Waxaa lagu eedeynayaa in ay hadda u dhaqmayaan si qabiileysan. Eedeymahaas oo saxaafadda bulshada lagu soo bandhigay waxay inta badan ka imaanayaan Muqdisho ama dad ka soo jeeda.

Dadka la eedeynayo waxaa ka mid ah, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo labaduba Raiisal Wassare ka soo noqday Soomaaliya iyo Maxamed Cabdi Gandi oo ahaan jiray Wasiirka Difaaca, haddana ah mudane ka tirsan baarlamaanka. Waxaan filayaa in aad garatay in eedeyntaasi ay tahay mid la xiriirta waxa ay siyaasiyiintaasi ka yiraahdeen am ay ka qabteen khilaafka hadda u dhexeeya Dowladda iyo Shirkii Kismaayo lagu soo gebagebeeyay bishii May.

Isla dadka eedeymahan jeedinayaa waxay hore ugu daaleen eedeynta iyo cambaareynta Axmed Maxamed Islaan oo shirkii Kismaayo ka socday uu u doortay Madaxweynaha Jubbaland oo laga wado Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Mas’uulka kale waa Madaxweynaha Puntland oo looga soo horjeedo taageerada uu la garab istaagay Jubbaland.

Anigu sadarradan kuma qiimeynayo sax iyo khalad waxa ay sameeyeen mas’uuliyintaasi. Laakiin waxaa ila habboon in inta eedeyneysaa ay aqbalaan in waxa la isku hayaa ay yihiin fikir iyo dano siyaasadeed. Si xal looga gaarana ay marka hore tahay in la is aqbalo qof walbana lagu tixgeliyo mowqifkiisa, iyada oo aan beel dadka lagu riixin. Midda kale oo aqbalaadda u baahan waxay tahay in ninka siyaasiga ahi uu fikir iyo dano labada leeyahay, una madax bannaan yahay in uu ku dhaqaaqo wixii aan xad gudub ku ahayn sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.

Haddii ay noqoto in beel lagu riixo, waxay markaas ahaaneysaa inta iyaga beelnimada ku eedeyneysa laftoodu in ay ka soo jeedaan beel kale. Markaasna waxaa la noqoneyaa beelo is haya.

Qormadeydu kuma saabsana in aan qof ama ka badan ama xataa qabiil aan daafaco. Waxaan uga dan leeyahay in la dhimo eedeynta dadka kala fogeynaysa. Waxaa habboon in laga hadlo waxa la isku hayo iyo sida xal looga gaari karo. Cidda ay mas’uuliyadda xal raadintu ay saran tahayna, gacan lagu siiyo hawshaas culus muhiimkana u ah Soomaali oo dhan.

19 comments:

  1. Yuusufow waad noo sheegtay eedda loo jeedinayo dad xilal kala duwan soo qabtay oo soomaali ah eeddaasi sax iyo qalad waxay doonto ha ahaato kuwa aad leedahay wax bay eeddaynayaan iyaga lama eeddeeyo miyaa mise adigu waxad tahay 'NIN MEELI U MUUQATO MEELI KA MADOW' Dadka soomaaliyeed wax badan bay isku hayaan. Meelaha gabalna eedba waa dhaaftay oo aflagaado sinji caay ayayba maraysa hanjabaadina ay sii dheertahay. Marka waxaa fiican inaad qudhaadu wax badan qooraansato, oo aad dhinacyada ishaya aad u cadaalada samayso mise waxaad isleedahay armaa lagu yiraa ciddiisa ayuu u xaglinayaa? Ogaw maanta dadka xasaasiyadoodu waa 100% soomaalidana waxkasta waa ay qoonsanayaan, adiguna waxaad kow ka tahay dadka warka ay sheegaan uu saamaynta dag daga ah uu samaynayo qoraaladaadana maalmahaan danbe waxaa laga sheegayanaa inaad carab dalab leh aad wax ku sheegayso inkhaas dab ahna aad wax ku qorayso aadna dirayso fariin aad dad gaara ku raali galinayso dad kalena aad ku durayso ujeedo kasta ka lahow. Sidaas daraadeed waxaa haboon in wax badan maanta la xeeriyo xasaasiyadana aysan dadka aqoonta sheeganayaa aysan sii hurin haddii aanay waxba la qaban karin shartooda in laga amaan helaa wanaagsan.

    ReplyDelete
  2. waxaan aad oga xumay inay noqotay arista somalia mid aad u cakiran jubland iyo niil ay saba u yihiin /edeynata ma,uuliyiinta aad ku ku xustay waxaa mid aan wax ku ool aheyn wayo ninka edeynayo waa mid aan ogeyn waxa uu yahay asaga ma,oga inuu yahay nin ay ka degi weysay somalia 22 sano prof maxamed cabdi gandi dr cumar cabdirasahid iyo prof cabdi weli gaas iyo dr maxamed yusuf aw/libaax
    waxay go,aan sadeyn inay bad badiyaa dadka somaliyeed ee aad ay u dhibateyeen kuwa etamayo hada marka waxay ila tahay yusuf garadow ree tolkaa talo u bahan la tali fadlan midka kale cadalad waxaa u bahan xamar oo dulmi aad u badan uu weli kajiraa waxay ilatahay marka kobaad iyo marka labaad guduntii reerkeda lugu odaa reer walaal lakaliyaa horta inta ay ugu tun weyn yihiin ree xamar dadka aad ku shegtay ee ah beesha aad ka soo jedo tala mideysan ha u kenaan haba ahatee mid aan loo dhaneyn ?

    ReplyDelete
  3. Dear Yussuf,
    I do respect your individual opinion which you are entitled to but a times you sound Hippocratic so be authentic as much as you can in order the readers to understand where you are coming from. at one point i read your writings and think you are a perfect presidential material at the same to you disqualify your self.

    ReplyDelete
  4. yusufow hadaan ku soo laabto horta waxan aad ugu mahad celinayaa adiga iyo inta kula midka ah sida maxamed xaji cag madhige se waxaan kaga digayaa hadii aad sidaan ku sii wado howsha aad wado ree abahada waxay kala noqonayan dhalashada nin yahow runta daa aad shegeyso waad la socotaa waxa ku dhacay cagmadhige xitaa waxaa lugu macabay dameer ha dhow waxaan ka baqayaa dadka aad lahadleyso haday wax qoonsadaan inay kudilaan mase ay ku cayaan oo waxaan ku qalmin laga sameyo waxaan ka baqayaa inaad ka hadasho arimaha guryaha lakala haasto iyo dadka haasto dad waxaas gasho u diyaar garow dhibta towkada oo aad aan ugaranayo inbadana aan ku dhexnola adoon qald ii arkin waxaan hubaan hayaan ee wax kale soo soo gudbi

    ReplyDelete
    Replies
    1. Salaan kadib,
      Aniga oo aan Yusuf iyo nin kale difaacayn, waxaan filayaa qormaddu inay kusaabsanayd qof walba inuu fikirkiisa iyo mowqifkiisa xaq uleeyahay eynatahay inlaiskuxurmeeyo, qofka siyaasiga ahna uu dan gaarha yeelan karo. waxaan maqlijiray wixii hadda loogafalaxalayey ayey faraha kulajidhaa, ee maxaa Yusuf Eada loolamagay waxaana muhiim ah inlaqirto ama lagarto dhibaatadda si xal loogaaro.

      Delete
    2. Yusufow hadaladada si xanaf uma lahan sina xanaf ayey u leeyihiin rag siyaasiyiin ah oo isku hayb ah ayaad tirisay Farole.gaas.sharmake, gaandi ,ahmed madoobe kuwa canbaareenaya oo isku haybta ah xamar fadhiya magalo soo qaaday mana aadan magac dhabin sida raga xukunka hayo oo qaab beelaysan wax ku diidan sida madaxweynaha xasan culusow wasirka arimaha guDAHA abdikarin abdiqasin salad booy iyo dhamaan beeshaada inta diidan dastuurka iyo in Somalia maamulgaboleed yeelato waxan ku oran lahaa dadka xamar ku haybta ah waa inay iska dayaan riyadii hore oo ahayd in xamarkaliya magaalo noqota eee adinka waqti galiya gobaldiina inaad waxun maamul ah samaysataan xamar ilaa koonfurta galkayo Somalia intaas ayey ka dagi ladahay

      Delete
    3. Yusuf Garaad si ikhyaar ah buu Wax Uqoray Hadii ay Dhabthay Waa Qorma Fiican oo ka Turjumaysa Xaaladda Hadda Taagan

      Delete
  5. Yusuf Garaad,
    Mahad balaaran Alle Weyne Ayaa iska leh.
    Is eedayn iyo is tuhun waxaa aas-aas u ah quluubta oo kala shakisay. Quluubtana waxaa ay ku jirtaa Alle Gacantiisa ee ha laga raadiyo. Is cafis, Isu tanaasul iyo Wada tashi waa qaabka ugu haboon ee loo maro.


    ReplyDelete
  6. mahadsanid mudane yusuf
    qormadan wa aqriyay waxayan iila egtahay farin k u socota madaxda dowlada maxa dhacay baryahanba xagooda ayay ka soo baxaysay eedu
    hadan ka hadlo eeda
    eeda marna waxa lagugugu eedayaaa wax sax ah marna wax aan sax ahayn hadii aan fiirini waxa ragaan somaliyeed iyo kiwa la mid ah lagu eedeeyay waa sax waana eed qabata maxa dhacay wixi dadku wada doorteen ayay ka so horjeesteen waxay wadan wixi 20 sano iyo ka badan dalka ka taagnaa oo laga so gudbay ayay hada dib noogu celinayaan sida darteed in la eedeeyaa waa wax mesha ku jira
    dhinaa kale dadka ka xun in la edaa ragaan kor lagu xusay
    waa inay i waydiiyaan war yaa eedeynaaya niman kaan hadi ay yihin dadka eedaynaaya dad u qlma eeda waa sax hadiise ay ahayn ma ahan sax
    marka yaa edaynaaya nimankaan
    waxa eedaynaaya dowlada somaliya oo umadu ay raalu ka wada tahay oo nin ka hada is leh war nimnkaani hal beel aya ka so jeedaan ha is waydiiyo beeshu ma dhisatay oo wax ku darsatay dowlda hadi ay haa tahay adeer ninka ku eedaaya waa nin aad shalay tiri dalka adaa hogaaamiya wax kastana raali ayan kaaga nahay
    hadi aadan sidaas qabin cade inad ka mid ahayn dowlada la bax xildhibaandaada
    oo kala cadee mowqifkaaga
    lkn xaga waxan ka ahay wasiir xildhibaan iyo xilal kale waana edaynayaa ma soconayso shekadaasi
    hada nahay somali waxan maantay haysana dowlad lo wada dhan yahy

    ReplyDelete
  7. MA WAAN KU JIRAYNAAA RER HEBEL IYO RER HEBEL WAR DADKU GOORMAY CAQLI YEELAN
    WAXAASE WAX LAGA XUMAADO AH NINK AXAALDAAN SOMALIYEED OO MANTAY MARAYSA MEESHII UGU XUMAYD INU JAGO KUI RAADIYO QAAB QABILL

    ReplyDelete
  8. dear mr garaad,

    It's a shame and disgusting to criticize or worse insult someone solely they express their point of view of something. to be civil, one should always express their opinion without dehumanizing and degrading others! I say that, because frequently that happens in our comments on issues and writings.
    Mr garad expressed his ideas on the the issue @hand and how he things it should be tuckled. hence, nobody has the right to disdain him or to call him names.

    Frankly speaking, Mr garaad has valid point.As he puts eloquently, most of the so called Somali politicians are to be BLAMED. President Hassan Sheikh in my humble opinion, is the source of the problem. He lowered himself by siding with one clan over the others. He forgot he is the president of all SOMALIS. I don't want to go in details but i think if Mr president wants justice for all, he should be starting with his own backyard (middle shabelle region) where the minority are being abused by his own clan militia in the name of SOMALI MILITARY. In my opinion, the so called Somali politicians, don't deserve to be called politicians rather they are bunch of crooks, whose main objective is to enrich themselves and have no regard for neither Somalis- in general nor their own clans. To sum up, we should grow up and learn how to express our selves without hurting anyone's feelings because that is what civility is all about. thanks you in advance

    ReplyDelete
  9. yuusuf waxaan umalaynayaa inaad ayaantaan ka caga jiidayso taageerada dowlada markaad kawaysay wax xil ah waxaa marqaati madoonto ah inaad maalin walba mucaaradnimo laduljoogto dowladda adigoo taageeraaya rag aan wax dan ah uhayn bulshada somaliyeed

    ReplyDelete
  10. Yusuf soomaali mar ay dulqaad iyo isfaham danta dalka iyo umadda ku dhisan ay gaarto allaha nagaarsiiyo kala shaki iyo is fiirfiiris lee ku jirnaa 23-sanno.

    ReplyDelete
  11. Salama Alikum, Yusuf Garaad iyo Asxaabta kaleba.
    Talo Soo jeedin ku socota Yusuf Garaad iyo Shacabkaba
    Waxaan aad iyo aad uga tiiraanyoonayaa dhulkeenii Soomaaliyeed iyo dadkeenii dhamaan markii laga baxay ku meelgaarkii lana doortay madaxweyne Xassan Sheekh dadka oo dhan waxaa soo gashay yididiilo horleh oo ay lahaayeen hada ayaad wadankiinii nabad iyo horumar iyo dawladnimo helaysaan laakiin iyadoo uusan dhamaysan hal sano Madaxweyne xassan sheikh dadkii waxay gadaal u noqdeen 90 digree waxay taagan yihiin quus iyo dagaal sokeeye in uu dib bilaabmo.
    Ma garanayo murugadan har iyo habeen I in la ila wadaago kolba dad badan ayaa ila qaba oo wadankoodii iyo dadkoodaba jecel laakiin qaybo kalena waxay u durbaan tumaayaan in xoog iyo xeelad fikirkooda ku meelmariyaan laakiinse dadkaas hadii faraha looga qaado sida ay ku socdaan iyaguna meel kuma gaarayaan shacabkii waxay u horseedi dagaalo horleh iyo burbur intii aan ku rnaacsanayn oo ku daawanaysay sidaasna burbur iyo dagaalkaas ayay nasiibkooda ka qaadan.
    Talo:
    Hadii aynu fiirino dawladeena iyo dadkeenii madaxda ahaa ha ahaato DF ama Maamul goboleedyada raga u madaxda ah ama Qabiilooyinka kuwa sheegta in madax ay u yihiin dhamaan saan saantoodu ma fiicana waana qar iska xoornimo sida ay hada u dhaqmayaan oo uu nin walba ugu jiro taada meel mari marka waxaan talo kuugu soo jeedin Yusuf Garaadoow maanta waxaan kaaga baahanahay in wadankeenii Soomaaliya iyo dadkeenaba iyo dawladeenaba badbaadino Ilaah ayaa wax badbaadiya maanta waanu kugu ogahay in aad nin caqli badan tahay maanta ayaa la isticmaalaa caqliga saliimka ah waxaan kaaga baahanahay Yu ufoow in aad shan nin oo aad ku jirto dhex dhexaadisaan Dowlada Federalka ah iyo dhamaan wixii mucaarad sheegta oo dowlada talaabooyinka ay qaadayso ka soo horjeeda idinka oo ka kooban shaqan oo dhaxdhexaad ka ah iyo shan xubnood oo DF ah iyo Shan xubnood oo Mucaaradka ah idinkuna ku dhexjira hadii ay is garan waayaana wixii la lagu aragti duwanaado loo dumin maayo ee idinka dhexdhexaadka ah talo ay labaduba qaadan karaan oo dadka iyo wadanka dan ugu jirto uguna horayso nabada, xasiloodida, dowladnimada,
    Marka hadii aad Yuusuf Garaadoow arintaas qabadid Somali oo dhan waxay kugu qori doontaa baal dahab ah wax badana taariikhda ayaad geli doontaa ilaahna waxaan ka baryayaa in aad arintaa dhabarka u ridatid ilaahna kugu guulaysiiyo adigoo adeegsanaaya Teem ka badan shanta qof aan kuu soo sheegay.
    Wabilahi Towfiiq.
    Issa Mohamed

    ReplyDelete
  12. yuusuf Markaad Blogan Qoraysay Macaafimaad Qabtay????

    ReplyDelete
  13. waxaan filayaa inaad dhammaantiin wada garaneysaan sida loogu talo galay in loo isticmaalo Social Media, waa faafin iyo gaarsiin ra`yigaaga qof kale ama koox kale, dooddiinnu ka ahaato "WAXAY ILA TAHAY" anna waan idiin duceynayaa mahadsanidin.

    ReplyDelete
  14. Xalku ku ma yimaado in ladifaaco danbiile yaal doonaya in Da nahooda gaarka ah dadk aad sheegtay waa dad somaliyeed lkn somalida ma wada ahan kuwa nadiif wada ah Kuwa aad leedahay halagadaayo eeda waakuwa nagu soo hogaamiayay ciidamda keenya mana doonayaan dadkaas aad sheegtay in nabad kacdo koon furta Somalia mar wan maqalnaa waxa ay ku hadaaqayaan maxaa in qof somalia uu tagi waayo mogadisho asagoo tagaya addis ababa iyo nayroobe miyaysan aheen combiyuutar wixi larabo lagu shubanayo

    ReplyDelete
  15. Asc, Bismilah, Yusuf aad bad uu mahad-santahay Great articale manshaa Allaah,Waad fahamtey waxaa la isku hayoo. Su,aal aan ku weydiyee Beelaha Soamalidu ma heshiis ban misee Colaad ba dhaxeysaa? sidoo kale farqigaa uu dhaxeyaa madexweynahaa iyo Shacabkisa waxaa weeyaan Xurmoo la,aan. Madexweynahuu ma fahamsanaa sidaa soamaali la iskugu keeni karoo maalinka maanta. Waa maxey Hadaal wanagsan iyo Xurmoo Walalnimoo Wada hadal iyo baryoo in wax ku raadiyoo ma ahaa in dagaal ogee noqdoo waa mahadsantahay

    ReplyDelete
  16. asc yusuuf horta weey ficnaan la aheyd in ruunta lagawad hadllo odayaasha xata markeey hadlayeen sii xushmaad leh uma hadleyn sida ciyalka ah ayey uu hadlayyen waan waxas qoff weeyn kuma hadlin xitaa isma qabnin adiga oo madax weyne usoo istagay ayaa cadifad qabilka kugu jirta oo qabilo kale wax ka shegaayo ee horta dan bilah wax qarxiyo maxkamad hal soo istajiyo adigah iyo rerkinah iska samra waxaad uu dodeysaan oo carurtina ka jeclateen waa odey haduu ugu bato oo mowdka dayo 30 sano garen away sharcigii wax la garacaay wa dadkii dowlada ka soo shaqeyaay seey dowlada ku dhisme seey uu hadlayaan waad argta dadka sas ah qabilka joojiya sxb waxx eyb ah ayaa jiro adigab markaad jogtay bbc dadak uma sineyn wixii qabilkiina wato waad buun bunin jirtay muqdisho waa mamul goboleed ee dadka dagan uu daya ayaag wax kasta qabsan karo ku noqo gobolkaagi iyo meshad ku dhalatay hadaad xxil inaad qabto rabto

    ReplyDelete