Dhinac walba waxaa farriimo iiga soo diraya Soomaali
dadkooda u damqanaya. Waxay i leeyihiin Ebola ha la iska ilaaliyo.
Dowladdu ma dhega la'a. Waxaan u maleynayaa in Ebola
uu noqon karo khatartii ugu darneyd ee na soo marta haddii uu dalka soo galo,
Allah naguma keenee.
Waxaan ogahay soohdinta dhulka iyo xeebaha aan
magaalooyinka ahayn in aan cidina ka warheyn dadka dhinaca ay doonaan uga
tallaabaya, marka laga reebo kuwa argaggixisada ah ee uu reer galbeedku daba
joogo.
Dhanka gegooyinka dayaaradaha inta badan maamul
beeleedyo ayaa gacanta ku haya qaar tiro yarna ajnebi ayaa maamula magaciisa
AMISOM la dhaho sida Muqdisho oo AMISOM ay hayso.
Kan Muqdisho laftiisa, dadka ka shaqeeya xeyndaabka
aan dalka aad uga tirsaneyn ee Xalane, ka warqabka Dowladdu kuma badna.
Marka aan soo koobo khatarta Ebola haddaan dadaal weyn
oo deg deg laga sameyn, oo sidan aan wax laga beddelin, khatartu wey jirtaa.
Allow naga nabad geli.
Post by Yusuf Garaad.
Aamiin,Yuusuf wax wanaagsan ayaad nagu baraarujisay.
ReplyDelete