Ethiopia waa deris aan wax kala barannay.
Marka laga soo tago erayo afkeenna ku milmay sida dooro iyo wanjal iyo qaar kale, waxyaabaha aan ka
barannay waxaa ka mid ah nidaamka Federalka ee ku saleysan haybta. Oo aad mooddo in sidiisii loo soo min guuriyay marka laga tago in meeshii qowmiyad ahayd loo qaato qabiil.
Keenna Soomaaliya waxaan qabaa in haddi qabiil lagu saleeyo uu ka liidan doono kan Ethiopia. Waayo?
Keenna Soomaaliya waxaan qabaa in haddi qabiil lagu saleeyo uu ka liidan doono kan Ethiopia. Waayo?
Dalka Ethiopia wuxuu ka kooban yahay in ka
badan 80 qowmiyadood. Tirada guud ee dadka Ethiopia marka 4 loo qeybiyo, saddex
qeybood waxaa ah afarta qowmiyadood ee dalkaas ugu waaweyn oo kala ah Oromo iyo
Soomaali oo Kushutic isku ah iyo Amhara iyo Tigray oo Semetic ah.
Qowmiyad kasta oo iyadu af gooniya leh waxaa loo qoondeeyay in uu
degaankeedu noqdo qeyb Federal ah oo dalka ka tirsan.
Tusaale Soomaalida oo ah qowmiyadda
saddexaad ee ugu tiro badan Ethiopia, waxaa laga soo qaaday hal qowmiyad oo
waxaa la siiyay hal Dowlad Goboleed oo xarunteedu ay JigJiga tahay. Ogowna shanta beelood ee Soomaaliya ay siyaasadda qaar ku qeybsatay,
shantuba Ethiopia wey deggen yihiin.
U fiirso Soomaalida Ethiopia waa qowmiyad
Soomaali ahaan Dowlad Goboleed u wadaagtay.
Dooddeeydu ma aha Federaal ma noo fiican
yahay mise maya? Mana aha ha la is hor taago. Su’aalahaas waxaa laga doodi
doonaa maalinta la gaaro in cod loo qaado, Insha Allah.
Hadda dooddeydu waxay ku saleysan tahay in aan la
isku khadlin qowmiyad iyo beel. Yaan Federaalkeenna hayb lagu saleyn ee degaan
ha lagu saleeyo. Laba ama ka badan beelood ee degaan wadaaga, wey jiraane ha
barteen in ay Dowlad Goboleed wadaagaan. Taas oo sahli doonta isdhexgalkooda
iyo is fahamkooda mustaqbalka. Taas oo iyaduna mustaqbalka dhimi doonta coolaadaha.
Haa, waad u qaadan kartaa in aan ka hadlayo Mudug, weyna dhici kartaa in uu isagu i soo xasuusiyay. Ka muwaaddin ahaan xaq waan u leeyahay in aan
ka dhiibto aragtideyda.
Laakiin Soomaaliyadaada ha ka dhigin Mudug uun. Marka la fiiriyo tirada guud ee qabaa’ilka isla deggan hal Gobol, waxaa Mudug ka qabiillo badan Galguduud iyo Hiiraan. Iyagana waxaa siyaasiyiintooda ka mid ah qaar u durbaan tumaya in soohdimaha hadda lagu saleeyo qabiil.
Waxyaabaha iga yaabiyay ee aan Xamar ku maqlay waxaa ka mid ah Matabaan ha laga gooyo Hiiraan oo ha lagu daro Galguduud? Waxaa kale oo aan maqlay Ceel-Dheer ha laga gooyo Galguduud oo ha lagu daro Shabeellada Dhexe. Maxaa dhacay?
Waxaan qabaa Gobollada Soomaaliya in loo daayo sida ay ahaayeen maalintii Dowladda Dhexe ay burburtay 1991. Kolley shacabku wa dulmane oo waxba lama weydiiyee, Gobolladii ay Madaxdoodu oggoshahay markaas Dowladda Federaalku ha aqbasho in ay is raacaan.
Miyaan la baran karin in qabiilku hakad mooyee aanuu joogsi aqoon? Haddii Gobollada loo kala jarjaro beelaha dega, maanta halkaas wuu ku hakanayaa laakiin ma ku joogsan doonaa? Nidaamka Federaalka yaan laga dhigin, sida qabyaaladda, mid aan Joogsi lahayn.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlan argtidaada isla boggaan qeynta hoose ku reeb si ay u waarto.
Adiga oo ku mahadsan in aad akhrisay, fadlan aragtidaada halkan hoose ku qor si ay u waarto.
ReplyDeleteSomaali waa mid waa ul iyo meyrax kala maarmi meysoo hal meelbeey kawada timid ,inkasta aad tiri federaal doodeeydu kuma saabsana. hadana marka lafiiriyo qodobka doodda federaal in laga hadlaa waa laga maarmaarn . carabka allaha ka jaro kii federal iyo four point five noo keenay. federaalku waxa uu sabab noogu noqday inaan dhulkii ku heshii weeyno four point five waxa uu sabab noogu noqday inaad qabiil u heshii weeyno.
ReplyDeleteYuusuf lagama lee leexan karo dhibaatada federalkan ethiopia noo soo baastay,haddii ethiopia sidaad tiriba qoomiyado tahay,anaguna hal qoomiyad oo qabiilo u qaybsan nahay,aniga waxay igula muuqataa waa naloo taliyee aan talada oo aan waxba ka bedelin sideeda u qaadano haddii kale aan raacno oo garabsino ciddi taas bedelkeed u halgamaysa anagoon cidna ka baqin tani layskuma raacayo waan ogahay waxaase taala hadaan hadalnana waa af sallax ku dheg hadaan aamusnaan ariga sida laga deyn maayo.
ReplyDeleteSomali waa qabiilo badi iswada dhexda waana kala irdhoobeen,falaartaana waa lasoo dhex dhigay marka haddii taladeena anaga wax nalaga siin lahaa waxbaa noo cayman lahaa mase dhicine nin walbow hadaad kaalin ka qaadan karto sidii dalkaan iyo dadkaan wada jirkiisa lagu badbaadin lahaa qaato oo u istaag.
aaaaaaaaaaaaaaa
ReplyDeleteYuusuf waxaan ku darsan lahaa haloo istaago sidii loo fashilin lahaa federalka noocaan ah ilaa anaga talada naloo soo celiyana aan ku hayno looma dhama,ma qabo inaan ku qasaari dono fashilintiisa.
ReplyDeleteFashilin looma baahna. Haddii aadan dooneyn Federaal waxaad xaq u leedahay in aad sidaa codkaaga ku dhiibato marka shacabka loo soo bandhigo.Dhankii loo bato in aad hoggaansanaatana waa in aad u diyaar garowdaa.
DeleteWAX walba oo aan ku hishiino waxaa ay dhaamaan in aanan waxba ku hishiin, taa tan aan ku jirno maanta e'
ReplyDeleteAbdifatah, waa runtaa in la heshiiyo ayaa ka wanaagsan in aan la heshiin. In la faaqido oo la lafa guro waxa lagu heshiinayo, keliya waxay horseedi kartaa in heshiisku uu ahaado mid wanaagsan. Laakiin heshiis wax ka wanaagsan oo lagu doorsadaa ma jiraan.
DeleteIntaas wax aan ku darro magaranyo, mudane Yusuf. Mahadsanid
ReplyDeleteNinbaa waxaa laga sheegay "ADEEROOW WADAADDAA NA WAREERIYAY" ...
ReplyDeleteWaa runtaa yuusufow dadka shacabkaa wax lama weydiiyo ee siyaasiyiintooda iyo inta hadba makarafoonku codkooda gudbiyo ayaa hadasha ...
Lkn dhibka jira waxa weeye ma jiro qof soomaali ah oo masuul ah oo aan labo hadal oo iska hor imaanaya laga hayn... marka markeebuu runta sheegayay??? Waxaa kugu adkaanaysa labadiisii hadal midkaa dooran lahayd.
Horta qabiilku ma aha xal lkn markii dowladdii dhexe meesha ka baxday wuxuu noqday nidaamka la aaminay ee cid walba dhisatay, runtii haddaan la iska indha tirayn boos ayuu buuxiyay waxtarkiisu haba yaraadee...
Haddaba waxaan qabaa dadka loogama tirtiri karo in qormooyin qabiilka liddi ku ah la qoro ee dowlad dhexe oo booska buuxisa ... wax tarta dadka, xaqsoor u samaysa, amni u keenta baahiyaha dadka oo dhanna wax ka qabata uun baa lagu ilaawi karaa markaasaana is dhexgal iyo kalsooni imaanaysaa.
War niman yohow waxbaa iskaga kiin khaldan. Federla systeem waxaa loodoortay waa Xal kumeel gaar ah. xalkaas markii lagaaro ayay shacbigu referendum uqaadayaan oo ama la tuuri ama lagu nagaan. marka xal diid ahow ama xalka ogolow ileen musiibaa dalka kajirta eh.
ReplyDeleteKu dayashada Ethiopia waa waxa soomaali hoday!!!
ReplyDeleteilmuhu markuu dhasho macalinkiisa koobaad waa labadiisa waalid macalinkiisa labaadna waa bulshada uu ku dhex barbaaro, macalinkiisa sadexaad ayaa noqonkara macalin Dugsiga, iskuulka, iyo jaamacada hadiiba uu helo.
Bi'ada aad kusoo dhex kortay waxaad yeelataa hab dhaqankeeda, garaadkaaguna wuxuu u shaqeeyaa sida bulshadaas aad ku dhex barbaartay, waxaa laga yaabaa inay jiraan waxyaalo bulshooyinku ka midaysan yihiin,sida maxaa sax ah, maxaa khalad ah,? (Common morality) oo ah damiir Fidri ah oo illahay bini'aadamka siiyay waana waxyaalaha ay xawaanka ooga duwan yihiin.
sida Yusuf sheegay fikirka cidhiidhyoon ee ku salaysan ama ku dhisan ANIGA, (anaaniya) wuxuu yaqaanaa kaliya qoyskooda, deegaankooda, Ogaygooda, waana halka soomaali isku seegtay ee nin walba kibir iyo anigaa kaa tol, iyo dad fiican ay isu laynayeen mudada dheer, waxaa laga yaabaa qofkaas dadka uu yaqaano oo dhan inuu kuu sheegi karo magacyadooda hadii aad waydiiso, waayo waaba number kooban.
Hadaba ummada soomaaliyeed ee qaran dunku ku dhacay iyagoo kolkii hore xadaaradoodu ku ekayd uun sifooyinka aan kor kusoo xusnay, waxaa ka faa'iidaystay cadawgoodii koobaad oo ah Ethiopia waxayna u kala qaybisay dowlado yar yar oo wada col ah, Adis ababa na looga wada taliyo, waxyaalaha ay u sheegtay maamul goboleedyada jira waxaa kamid ah wax layidhaahdo Dawlad Ethiopia oo xoogbadan dadkuna waa inay adeecaan waxkasta ooy keento, wixii ka horyimaadana waa Nabad-diid waa inaad soo sheegtaa.
sidaas daraadeed Siyaasiyiintii soomalida, aqoonyahankii, culimadii iyo dhamaan hogaankii soomaalida waxaa hogaanka u qabatay Ethiopia waxayna aaminneed wax ayna raali ka ahayn inuuna socon karin, nidaamyada Ethioipia ay soomaalida u yeedhisay waxaa kamid ahaa 4.5 oo booli ahaa aragtidayda, iyo nidaamkan hada doodiiso socoto ee Federalka ood moodo in Ethiopia horay u sii diyaarisay markaad eegto goboladii siijiray iyo kuwa ka daba samaysmayba.
Waxaan qabaa in Fedaralku yahay caqabad horleh oo soomaalida intii qorta ahayd wax qaybiya loogu raadinayo, soomaalidu waa umad mucjiso ah markaad u fiirsato waa hal jinsi oo hal afkuwada hadlaya hal dal noqonkara oo ayna jirin wax qaybiga bad iyo barin toona waxay kuyaalaan bogco strategy ah mana jiraan qoomiyado kale oo ku kala dhex nool.
gabagabadii soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Hal booli’ihi Nirig xalaal ah ma dhasho” kolaba uma malaynayo in Nidaam Ethiopia inoo yeedhisay ama laga soo min guuriyay hormar iyo cadaalad lagu gaadhi karo, Ethiopia iyadaa burbursay dawladii dhexe ee Soomaaliya inay dhisto ninka sugayoow adigaa circa roob ku og, “ nin ku dilay hadh kuuma jiido” halka sartu ka qudhuntayna waxaa weeye qadiyadii soomaali u burburtay ee Ogaden (soomaali galbeed) iyada oon xal loo helina Ethiopia faragalinta iyo carqaladaynta dayn mayso Ethiopia.
marki horaba fikrikan fedarlismka kama una imaan somalida waxaa watay dowladaha daneya arimaha somaliya gaar ahaan kuwa gobalka waxuna u daneynayaa danahooda
ReplyDeletewaa aay ogyihiin in somalia ayan qadan karin fedaralka.
ka muwadin ahaan waxan rumeysnahay in fedaralku marnaba somali u ficneyn wana aan ogahay inaan la ii sii donin fursada aan ku cadeeyo nidamka aan rabo.
walal Abdifatah Adeed waa nasiib darrada nahaysata in nala yiraa federalka somali ayaa kuheshiisey , cid wax nawaydiiseyna aaney jirin , aragtidaada federalka waa kugu waa faqsanahay . mahadsanid
DeleteSalaan sare, Garaad. Soomaali haddaan nahay, dalku wuu nagu filanyahay baaxad iyo khayraad intaba. Cilladda jirtaa waa kalsooni darro u dhexaysa qabaaillada. Assal boogtu waa halkaa. Doodahan kale, ee federalka, soohdimaha iyo kuraasta la isku haysto taasay farac u yihiin. Dawadu waa dibuheshiisiin dhab ah. Haddii taas Alle suurtagaliyo, muhiim ma aha magaalo ama tuulo -land ka ay ka tirsanahay iyo ninka xukuma cidda uu ku abtirsado. Nin walbaa dantiisa gaarka ah ayuu ku foofi lahaa. Wxn qabaa inaan wali la garowsa in dalka iyo dadkub u baahanyahay dibuheshiisiin dhab ah.
ReplyDeleteFederaalkaan baas yaa noo soo hindisay horta?? Alla maxay haadaan inta noo qodeen nagu tuureen kuwaan siyaasiyiinta sheegta,
ReplyDeleteyuusuf walal qoraalkaagu waa habooonyahay , intiisa badana waan kugu waa faqsanahay , laakiin anigu maanan fahmin waxa looga xishoonayo oo dad badan oo siyaasiyiin ah ay afka uga dhowranayaan iney sheegaan mashaakilka federalka somalia uu leeyahay oo layimid , tankale waxaan ogahay in erayga "ethiopia ayaa waxaan nabartey ama nookeentey " inaan lagaa maqli doonin maalintaad jago qabato sababtuna cidna kama qarsoona , aragtideyda somalia waxaa hugaaminkara rag siyaasad cad kaleh : faragelinta dibada siiba tan ethiopia iyo kenya , qab-qablayaasha qabiil , iyo faqriga , intaas raggii umadda kaqaban kara wadanka hoggaankiisa ha usoo istaago . tankale federalka qabiilka inuu jufo iyo jilib ukala bixi doono shaki iigama jiro , waxaan ubaahanahy huggaan ilaahay kabaqaya geesinimo iyo aragti dheerna leh , ninkii siyaasad rajo kaqabow 10kii sano ee naso dhaafey wixii madax nasoo marey yaa sheeg-sheega waa cidna , ninii dadka wax tara iyo dalka ayaa lasheeg sheegaa , waxaan layaabey in dadka qaxootigaa ee malyanka kabadan aan cid qorshaha kudarsatey aaney jirin , rabi talo kufilan .
ReplyDeleteTalo culus. Waxaan filaa inaad si hoosana ugu gudbisay dadka jaangooya siyaasada dalkeena. Allaha na garansiiyo wanaaga wadajirka iyo wax islawadaaga.
ReplyDeleteMarka laga soo tago in federalism ku ahaa wax ay ku heshiiyeen qabqablayaal dagaal oo aan ka fakarin danta dadka Soomaaliyeed rayi iyaga ka yimina aysan ahayn haddana sidii uu ahaa looma fulin. Dowladdu sharci uma laha dhisidda maamul goboleedyada, kaaga sii darane waxa ay ku jaangoysay qabiil, dhul boob iyo nin jeclaysi. Hadaba ma madaxda Soomaaliyeed ayaan wali fahmin dowladnimada mise gacan shisheeye ayaa qasaysa? Waa axqiiq in ay wali faro galin jirto waxaa daliil u ah israacii Jubooyinka iyo Gedo oo lagu khasbay in aysan ku imaan rabitaan shacbi iyo mid dowladda hadda jita ay leedahay toona. Isku darkii Shabeelada hoose, Bay iyo Bakool iyana waxay ahayd tijaabo najaxday ku darso dadka deegaanka in wax la waydiiyo iska daaye waxay layimaadeen ayaa loo diiday. Kadib waxaa dhacay in si qaawan qabiil loo meel mariyo. Hadaba Yuusufow dadka Soomaaliyeed lama bari waayin in ay wax wadaagaan ee waan larabin way jaqaaniin sida wax loo wadaago wayna wadaagi jireen.
ReplyDelete