Total Pageviews

Tuesday 21 October 2014

Madaxweyne ma isaga guurnaa?

Gobolka Uttar Pradesh ee India ugu dadka badan waxaa ku nool 204 milyan oo ruux.  Nigeria oo Afrika ugu dad badan, Gobolka Kano oo ah kan ugu sii dadka badan 36-da Gobol ee Nigeria, waxaa ku nool in ka badan 9 milyan.  Labada mas’uul ee fadhiya labada caasimadood ee Gobolladaas waa Allahabad, UP, iyo Kano, midkoodna ma aha Madaxweyne.


Madaxweyne aan u talin Dowlad madax bannaan ee maamula Gobol ama Gobollo, isla markaana Madaxweyne kale hoos taga waxaan ka barannay Ethiopia. Ha la iska daayana lagu deyn maayo.

Markii horeba ereyga Madaxweyne ma ahayn eray qurxoon oo Madax weyn  xikmaddu ma aha. Ee waa u sarreyn. Haddana waa la sii macna dilay oo waxaa jira dhowr Madaxweyne oo isku dhererinaya xilka Madaxweynaha Qaranka.

Marka maaddaama Dastuurka hadda dib loo eegayo, maxay kula tahay in Dowlad Goboleedyada loo daayo derejadaan ay janteen ee Madaxweyne, isla markaana Madaxa Qaranka loo raadiyo magac kale. Madaxweynaha Qaranka ma ula bixi karnaa kelmadda carabiga ah ee sawaxiliguna uu adeegsado ee Ra’iis? Ahna ereyga aan isleeyahay markii horeba waa meesha laga soo tarjumay ereyga Madaxweyne.

Hadday taasi dhacdo, marka la maqlo Ra'iiska ayaa yiri ama yimid, waa la kala garan lahaa ma'suulka laga hadlayo, qof kale oo ku jago ahina dalka ma jireyo.

Arrintani kuma wajahna Gobol gooni ah ee waa Dowlad Gobleedyada oo dhan, kuma wajahna qabiil gooni ah ee xilalku waa meerto. Midda saddexaadna kuma saabsana xilliga maanta aan joogno oo keliya ee waa mustaqbalka Dowladnimadeenna.

Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlan aragtidaada ku reeb qeybta hoose ee isla boggan.

29 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb aragtidaada. Mahadsanid

    ReplyDelete
  2. Waa aragti wanaagsan, lkn ra'iisyaal kale amey soo baxaan haddana? mushkilladda magaca maahan ayay ila tahay, waa dad kala qeybsan oon is aaminsaneyn, in la is aaminsiiyana ayan suuragal aheyn, illa ayaka dhexdoodaay iska aaminaan.

    ReplyDelete
  3. aniga oo ah Adan Ismail Dualeh. Yussufow anigu inkastoo aanan dastuur akhrin warna u hayn kan kumeel gaadhka ah ee wax laga badali doono.horta maamul goboleedyadu waa wax qabiil ku dhisan ee yaan waxba lagu daalin.wax walba wakhti ayay leeyihiin sida hogaamiye kooxeedyadii,kacaankii iyo gumaysigiiba ay wakhtigooda u qaateen!lkn waxaa iswaydiin mudan meeqa qarni,meeqa sano ayay qaadan doonaan?horjooge qabiil han sareeya lagu gaadhi maayo caalamkana lama jaanqaadi karo.waxaan qabaa magaca madaxwayne ha iska jiro hadii eray bixin cusub lasamaynayo waa goonideeda lkn bal halaysku dayo sidii loo yarayn lahaa sheegashadiisa.taasna waxaan filayaa inay ku iman karto cadaalad iyo sinaan ay dawlada dhexe ku dhaqaaqdo iyo Dastuurka oo sida uu yahay loo raaco.markaa cidii dawladnimada lid kunoqota cidkasta hanoqotee waa la arkayaa.midho nin aan cunin ma qabtaan dawlada dhexe hala timaado wado toosan oo umada loogu adeego cid gaarana yaysan u dhimrin ee umadu ha u sinaato.

    ReplyDelete
  4. Kawaran hadii shaqsiga ugu darajada sareeya wadankoo dhan sida Hassan sheikh loo bixiyo magac supreme ah sida Ayatollah Khomeini, Inta soo hartayna magaca madaxweyne iygau qaataan xitaa kuwa degmooyinka yar yar maamula

    ReplyDelete
  5. Magac bixin firkad ka weybaa meesha ku laaban.Taasina waa marka Qabyaalada laga xoroobo,iyo Quwadaha jaarka.

    ReplyDelete
  6. yuusufow walal waa xaqiiqo jirta in lugu cayaarey magaca madaxwayne , lkn in magac labedelo arrintu way kawayntahay , qofka dalka ugu sareeya waxa lugu haystaa mahan oo kaliya magaca ee salaaxiyaadkiisana waa lugu haystaa , tankale , hadaan bedelo magaca madaxwayne , waxaa nalaga rabaa inaan bedelno ayadana magaca DOWLAD , babtoo ah waad aragtey disa tuulooyinka maamulmo DOWLAD loobixiyey looga dhisey , shalay ayaan arkeyney 2dowladood oo somalia wada ah oo heshiis galaya ! oo isku darajo ah , marka arrinti magac bedel kawayn ee fowdada hala soo afjaro inlaka dambeeyana dadka hala baro , mahadsanid

    ReplyDelete
  7. Yuusuf waad mahadsantahay waxaadna ka hadashay arin mudan in laga hadlo dhab ahaantii.
    Aniga waxey ilatahay in marka dastuurka dib u eegis lagu sameeynaayo kow laga bilaabo waxa looogu yeerayo madaxada maamulgoboleedyada. su aashaasi waxaan weydiinay godoomiye jawaari ciidii soonfur xili uuyimid Norweyn. Si fiican oo aan ku qanacnay ayuuna nooga jawabay taas oo aheed in xiliga dasturka labadalayo war cad laga soo saridoono wadankuna uu yeelan dono hal madaxweyne magac ahaan. waxaana rajeeynaa intaasi rumowdo.

    ReplyDelete
  8. Burburkii Qaranimada ayaa u sabab ah jaha-wareerka aad soo sheegtay. In taas xal loo helaa na waa wax wanaagsan. Laakiin ma luqad shisheeye, weliba tan carbeed oo waqtiyadaan baabi'in xoog leh ku heysa Af-keena hooyo, aan mar walba maciin badnaa? Maxaase lagu diidan yahay Af-soomaaligii "Khani"-ga ahaa? Mise meeshii laga rabay luqaddeena in la horumariyo aan mar walba waxaan ilbaxnimo iyo horumar moodnay inaan af-shisheeye dugaashano?...
    Si kastaba ereybixintii la doono ha lagu bedelo magac-darajeedka " Madaxweyne" waa kii uun la isku dhereriyaa inta ay jirto Dowlad tabar yar sida tan hadda jirta oo beryahaan Soomaalida hadda jirta waa u dhaqan in wax walba la iska "Bareejeeyo".

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  10. Nur Jama: Aloow sahal Amuuraha

    ReplyDelete
  11. Anigu waxan qabaa in madaxda gobollada loo helo magac kale oo jagadaas loo waqlalo/wanqalo isla markaana magaca 'Madaxweyne' uu sidiisa gaar ugu ahaado mas'uulka xilka qaran qabta.

    ReplyDelete
  12. dhibtu maaha magaca ee soomildii ayaan is aaminsanayn yuusufoow inta dadku qabiil ka sheekaynayo somali hagaagi mayso alle ayaa inoo maqan

    ReplyDelete
  13. Aniga waxaan qabaa in maamul goboleedyada loo bixiyo magaca ah 'Wakiil' oo la yiraahdo Wakiilka dowladda ee Maamul goboleedka Hebel.

    ReplyDelete
  14. Waxay ila tahay in Madaxwayne, sidii sa loo daayo, ee nagu soo kordhay waa Dowlad goboled, tas ayaana ah in magac looradiyo.
    Waxaa u bixin lahaa sida. Horjoogaha mamul goboledka. Ama. Hogaamiyaha Dowlad goboled
    Waa
    Bashiir ali

    ReplyDelete
  15. Anigu waxaan qaba arinku madaxweyne kaliya maisaga guurnaa ma ahee somaliya maisa guurna inuu marayo waayo dhibka ereyga madaxweyne loogeystay waxa kadaran baa qabaa kan soomaaliya loogeystay teeda kale hadiiba maanta aan ereyga madaxweyne aan isaga guurno oo erey bixin kale aanu uhelno, sideeba kii wadankana kayeeli doonaa iyo kii ugaasyada, boqorada, malaaqyada, weberada, suldaanada iyo isamadii somaliyeed ee iyana magacyadoodii sida madaxweyne lawada qaatay ee qofba sidu rabo isugu caleemo iyo caano shubay, marka waxan kusoo afmeeri laha magacyada mudankeenu laha ee madaxweyne lahaa ee suldaano iyo ugaasyo lahayeen iyo malaaqyo iyo qaarkaloo badan in aanu raadino si aanu sharafkii ay lahaayeen ugusoo celin lahayn ee aanu isku dayin hor iyo horaan si anu ubadali lahayn. Maxweynayaasha batay ee haatan dhulkeena kajiraahi ee keenii guud hareeyey aanu kuwada dadaalo sidii looga gudbi lahaa harkaa, oo keenii guud umuuqan lahaa.

    ReplyDelete
  16. Raga ama dumarka madaxda ka ah maamul goboleedyada hoostaga dowlada dhexe haloogu yeero u qeybsane ama hogaamiye Madaxweynana halooga haro qofka haya xilka ugu sareeya dalka.

    ReplyDelete
  17. aniga waxay ila tahy in magackale loradiyo o ahayn Rais lkn kor iyo wa kaguris madaxweyne

    ReplyDelete
  18. Waa arin wanaagsan Yussuf, waxay ubaahantahay in waqti badan legeliyo si dadka loo fahansiiyo in dhib kaasi wadanka ka jiro waayo markaad wararka maqashid oo ay soo hadal qaadaan erayga Madaxweyne waa kuma baad is weydiisaa markiiba ilaa ay ku sheegan waayo 10 Madaxweyne sheeganaya baa dalka ka buuxa waana arin wareer keeda leh. Alla ha inoo sahlo Somalia mustaqbal keeda ma wajifiicna.

    ReplyDelete
  19. Waxay ila tahay magucu hadba wuxuu raacaa qofka ku muuqda... waxbadan waxaa aragtaa labo nin oo isku naynaas ah haddana naynaastii ay halmid raacday oo hadday isla joogaan iyo hadday kala maqanyihiinba marka naynaasta la sheego hal mid kugusoo dhoco illaa kan kale u daayo naynaastii...
    Madaxweynayaasha gobollada waxaa magaca Madaxweyne iyo Dowladba u hirgaliyay waxay ka muuqasho, shaqo iyo kartiba bateen kii qaranka.
    Sida aan qabo iyadoon magaca la badin haddii la helo hoggaamiye maarayn iyo dad isku wadba leh magaca isagaa la haraya...
    In maamullada gobollada magaca looga tago waxay igala dhigantahay in aan la helayn hogaamiye shaqadiisa iyo hogaanintiisu u keento inuu magaca la kaliyoobo.
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  20. waxa haboon in madaxwayne loo daayo ka qaranka kuwan jantay magacana iyaga loo raadiyo magac kale marba hadii dastuurkii lagu noqday

    ReplyDelete
  21. La yaab ma laha waxaa ka jira waddanka marka loo eego wixii ay umaddu soo martay dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay. dhibaatada waddanka u baaba'ay waxay salka ku haysay damac loo qabay darajada madaxweynaha, taasaana keentay in shacabka soomaaliyeed lagu celiyo qabyaalad iyo anaaniyad fool xun. in la daaweeyana wakhti badan bay u baahan tahay.
    Waxay ila tahay magaca ninka ugu sarreeya hoggaaminta qaranka oo la beddelo inaanay daweyneyn aragtida kuwa ku suufiyoobay madaxnimada iyo qabiilka. Haddii dastuurka la beddelayo ha loo ololeeyo in madaxda dawlad goboleedyada lagu qeexo darajadooda GUDDOOMIYE MAAMUL GOBOLEED, kuwa gobolladana GUDDOOMIYE GOBOL, kuwa degmooyinkana guddoomiye degmo IWM. Bulshada soomaaliyeedna ha loo diro dad cilmiga bushada yaqaan oo ka dhaadhiciya dawladnimadu inay ka sharaf badan tahay qabiilnimada. Madaxda qarankana lagu xushmeeyo diintooda, aqoontooda, caddaaladdooda iyo daacadnimadooda oo aan la xushmeyn masuulkii intaa laga waayo, shaqadiisna uu meeshaa ku waayo.

    ReplyDelete
  22. Fadlan aqri Read Read Read aqristoow.

    Horta, waxaa nahay Soomaali leh luuqad u gooni ah oo hodon ah, magac wanagsan oo aan ubixino qofka dalka ugu sareesya malaga wayay Af-Soomaaliga. Aniga waxaa kadhigu lahaa sidatan

    3-Madax-uwayne: madax waxaa ladhahaa dadka xilka haaya midkuu rabo ha ahaadee, markaa raacino kalmada uwayne micneheedu waa qofka ugu wayn madaxda dalka ee ugu awooda badan.

    2-Madaxwayne: madax wayne waxaa u aqaan qof madax wayn oo si caadi ah ha uwaynaado madaxiisa ama si xanuun ah oo haleelay.

    3-Ra'iis: waa tilmaam aan Soomaali ahayn oo kamid ah luuqada carabiga asal ahaan, marka madaama aanu nahay Soomaali oo leh luuqad hodon ah uma baahnin eray qalaad ama tilmaam luuqad kale laga sooqaatay.

    Ugu danbayn: waxaa iga talo ah in dastuurka dalka lagu cadeeyo oo loo bixiyo magacyo kale raga ugu sareeya maamulada kamidka ah Dowlada Federaalka ah, sida gudoomiyaha maamulka hebel.

    Fiiro gaar ah: Dalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba dan uguma jirto maamul goboleedyo, waxaa wanaagsan in Federaalka loobadalo gobol kaliya oo dadka gobolkaas dagan ay soodoortaan gudoomiyaha gobolkooda iyo ku xigeenkiisa, iyo in magaalo kasta oo gobolkaas katirsan ay soo doorato duqa magalada iyo golaha deegaanka ee magaaladaas. Waxay ilatahay in sidaas ay dantu ku jirto, lagana heshiiyo qaabkii looqaybsan lahaa khayraadka gobolkasta uu leeyahay, waliba lawada lahaado dhamaan khayraadka dalka.

    Mahadsanidiin.

    ReplyDelete
  23. Asc aniga waxey ila tahay wali wax somali ledahay wali ma aanan dooran diyaar na uma nihin marka aan ku dadaalno dadaal niyad ah.oo fcn thnks

    ReplyDelete
  24. waa talo wanaagsan waxyaabaad badan baa horay looga fiirsan waxay ku quman tahy in madaxweynaha dawlada dhexe looo daayo taytalkiisa laakiin waa in laga badalaah madaxeweynayaasha dawlad goboleedyada oo loo badala sida ; gudoomiyaha fulinta ee maamul hebel . saas bay aniga ila tahy

    ReplyDelete
  25. Yusuf Garaad marka hore waad ku mahadsan tahay doodaan. marka xiga aniga oo kaa raali galinaya, hadana iga ogolow inaan iraahdo hagar baad ka gashay dawaynta mashaakiladka Somalida manta ka dhexjira. iskama kaa'eedayn ee waxaan tuhmayaa in garashadaada iyo khibradaaduba garan kartay inaad utunta hoos ka eegto; waa mare, Somalidu waa isdishay waana la kala guuley, halka kaliya oo muwadinkii Somaligu oo ku nabad-galay waxay noqotay deegaankii kasoo jeeday beel ahaan, waana mida keentay in meelaha qaarkood ay ka hirgalaan nidaam dawladnimo shabaha, aanse ka fogayn heyb beeleedyo, waana sidaas sida uu ku yimid in magac looga dhigo DAWLAD iyadoo horjoogahaasna lagu boqray magaca madaxweyne. su'aashaydu waxaa weeye mar hadii aan Somaliyi si dhab ah isugu soo noqon oo aysan ku heshiin in ay markale dawlad dhexe Unkaan sharcina ka dagsadaan maxaa ku jaban in magacyada DAWLAD AMA MADAXWEYNE wali laga isticmaalo meelo soomaliya ka mid ah oo wax'un nidaama ka jiro muwaadiniin somaliyeedna ku badbaadeen mudo dheer oo dhib weyne dalka ka jirtay. Su'aasha labaad waxaa weeye, hadiiba maanta dhawaaqa magaca Madaxweyne laga cidkasta oo kale aan ka ahayn madaxweyne xasan shiikh maxaa iska badalaya xaalka somaliya tahay oo aan ka wada dharagsanahay sida uu yahay maanta dhankasta oo laga eego. hadii falaari isku mar kaaga dhacdo isha iyo salka lagu fariisto waxaa la yiri marka hore tan salka ayaa la iska saaraa si'aad mar xaladaas adag u awoodo bal inaad salka dhulka dhigto. waxaan ka wadaa ma waxaan ka bilownaa ha la mamnuuco isticmaalka magaca MADAXWEYNE, mise waxay tahay in dawada iyo shifada la baadi doono oo somaliyi si buuxda isu calool-baarato? waadna mahadsan tihiin aidga iyo asxaabta kalaba

    ReplyDelete
  26. Scw, Garaad. Anigu wxn qabaa, in Madaxeeynayaasha la badiyo, macal gudd. dedmooyinka laga dhigo Madaxweyneyaa degmooyin. Waayo ninka xilka hayaa inuu magacu awood dheeraad ah siinayuu moodaa, taageerayaashiisuna, haddaan madaxweyne la odhan way ka xumaadaan. Tusaale. Hoggaamiyaha Jubba iyo Madaxweynaha Jubba. Maxaa u kordhay ama ka dhinmay kii la adeegdadaba?

    ReplyDelete
  27. Waa arin runtii u baahan in Ummadda somaliyeed laga dhaadhiciyo mihnadda ay leedahay arintan waana lagama maarmaan. Horta in la bedelo micnaheeda waa in ay kala gartaan dadka ay isga khaldan tahay, laakiin dhinacyo badan dadka waa laga fahansiin karaa ayaan qabaa, anagoon kala bedelin dadku waa loo fahan siin karaa MADAX iyo MAJO in la kala yahay. Tankale waxay tahay in dadka loo sheego sharaxaad ku wajahan hanaanka dowladnimo WAA MAXAY MAGACA UU SITO HOGAAMIYE DOWLADEED WAASE MAXAY MAGACA UU SIDAN KARO HOGAAMIYE GOBOLEED "PROVINCE OR STATE LEADER" . Markaa anagoon bedelin oo aan u maleynayo hada in aan wakhti ku filan loo helayn waxaa ka dhow in tastuurka uu ogol yahay in loogu yeero MADAXWEYNAHA DOWLADDA FS IYO MADAXWEYNAHA MAAMUL GOBLEEDKA. Tani waxay keenaysaa in ay dadku xeerka dhigaalka dastuurka ay raacaan ayna noqoto maahmaah waxaasi dastuurku dhigi maayo ee khalad ayaa looyiri.

    ReplyDelete
  28. Magac bixin markii ey imaado waxaa qasab ah in erayga la alifayo loo helo tarjumaad caalami ah, marka hadii Madaxweyne lagu bedelo Ra'iis waa isla hal tarjumaad caalamka, English President, Arabicالرئيس, Chinese 總裁 sidaasi daraadeed waxaa ila tahay in lagu bedelo U'adeegaha Shacabka
    Ahmed Mucjiso

    ReplyDelete