Soomaaliga haddaad u fiirsato dadka qaar waxay
yiraahdaan barkin qaarna barshin. Qaar waxay yiraahdaan bukaan qaarna bushaan
ama bushi. Ma ahan in lagu wareero. Ma ahan in loo qaato kala duwanaasho af.
“K” iyo “Sh” waxay ka mid yihiin shibanayaasha
iseddeli kara mararka qaar ee Afafka Kushitigga oo Soomaaligu ka mid yahay.
Tusaale waxaa noogu filan ereyga konton oo aan
dhammaanteen adeegsanno. Xaggee ka yimid is weydii? Afartan waxay ka timid
afar. Lixdanna waxay ka timid lix. Konton waxay ka timid shan. Halkaas ayaad ka
arkeysaa in "Sh" iyo "K" ay isbeddeli karaan.
Tusaale kale waxaa ah, meesha Soomaaligu uu "shimbir" leeyahay Cafartu waxay dhahdaa "Kimbir". Labada afna waa isku asal oo waa Kushitig.
Tusaale kale waxaa ah, meesha Soomaaligu uu "shimbir" leeyahay Cafartu waxay dhahdaa "Kimbir". Labada afna waa isku asal oo waa Kushitig.
Qayb kale oo aan uga hadlayo sida ay "W" iyo "B" ay isu beddelaan oo aan Facebook ku daabacy iyadana waxaa laga bixiyay aragtiyo qaarkood ay macno badan xambaarsan yihiin.
Adiga oo mahadsan wixii ra'yi iyo aqoon aad nala wadaagi karto, fadlan ku qor isla qeybta hoose ee boggaan.
Post by Yusuf Garaad.
Fadlan halkan ku reeb ra'yigaaga si markii la doono dib loogu soo laaban karoodo.
ReplyDeletewalaal yuusuf maku soo qori karaa qoraalkan boggeyga facebook anigoo kuu ilaalinaya xuquuqdaada qoraal kuna xusaya inaad adigu leedahay si ay asxaab badan oo aan leeyahay uga faa'iideystaan ma hadsanid
ReplyDeleteMohamed, waad ku soo qori kartaa. Qof kasta oo doonaya in uu soo xigto ama uu soo dabacana wey u furan tahay. Waadna ku mahadsan tahay in aad i soo weydiisatay oggolaasho.
Deletethanks million times
ReplyDeleteYuusufow, Canfartana maxaa isku keen galay? lol
ReplyDeleteYuusuf sxb ereyada ay ugu danbeyso ''L'' sida ''Kal'' Maqal'' Cal'' Hal'' dhammaan waxaad arkaysaa ''L'' in ay isku bedesho ''SH'' sida Kasha ceelka laga Cabo, Maqasha adhiga, Casha madow ee buuraha golis, Hasha geela ee Maandeeq, waa aad aragtaa ''L'' in ay is ku bedeshay ''SH''
ReplyDeleteAsalka ereygu waxa uu ahaa sida kor ku xusan, sida ''Hal'' marka wax is bedelayaan waxa loo noqdaa ereyga asal kiisa. hadaad u fiirsato culimada Afka Soomaaliga marka ay hadlayaan qaybtood waxaad ka dareemaysaa sidan Maqalsha, halsha, kalsha, Calsha.. LOl...
Ahmed M Shire, walaal, qayb ka mid ah aragtidaadu waa sax, lkn qaybta ka maqan aan kuugu daro: erayga ku dhammaada xarafka L wuxuu isu beddelaaxarafka SH, marka uu dhaddig yahay ama qaab dhaddig loogu dhawaaqo. Tusaale hal(neef), bil, iyo maqal. Lkn hadduu lab noqdo shaqalka L isma beddolo. Tusaale: gool, goosha(dhaddig) goolka(lab), bahal, bahasha(dhaddig), bahalka(lab). Ama wax aan noolayn oo kuna dhammaada L, lehna dhawaaq lab ama dhaddig. Tusaale: ul, usha(dhaddig), kul, kulka(lab). Waxbaan ka qoraa naxwaha soomaaliga, walina ma daabicin waayo wxn ahay wali af barad. Wxn ku hadlaa 6 af.
Deletewaa sax waa ay jiraan laakiin tusaalahan awees iyo abees ani waxaan aminsanahay inuusan isku micno ahayn xitaaa
ReplyDeletewaayo abees waa eray sax ah oo micno gaar ah leh asalkiisan waa abeeso
awaysna waa eray carabi asalkiisa yahay oo laga keenay yeyda yar ama dhalka ah ayaa la dhahaa m
waa runtaa Yuusuf. Tusaale kale waxaa loo soo qaadan karaa si erayag (Bukaan) dadka qaar waxey ''dhahaan, waan bukaday halka qaar dhahaan waan bushaday''.
ReplyDeleteAfafka isku bahda ah, dad aqoon dheer u leh ayaa qora, horumariya, cusbbonaysiiya saxana. Ciyaar ma aha hawshu.
ReplyDeleteTusaale afafka isku bahda ah, sida kushitigga(canfar, soomaali iyo oromo), semitigga(tigree, amxaari, carabi, yibiri) ama germanic(english, swedish, german), waxaa fududud inaad arargtid inay isku jirrid yihiin, kana wada laamoobeen(farcameen) hal geeg(af).
Tusaale xunbaha jidhka inan-Aadan (anatomy).
Dhiig, laf, madax, il, ilig, jilib, carrab.
afafka isku bahda ahi 95% waa isku mid, inkastoo kala si ay ugu dhawaaqi karaan.
Soomaalidu waa labo: dad dhalad ah oo isku dhiig(DNA), Waana "affarta" waaweyn. Iyo "badhka", oo dhiig gaar ah(DNA).
Soomaaliguna waa labo: af miyyi iyo af magaal. Midka saxda ahna waa kan miyyiga ee affarta "bahood", in kastoo qaar ku doodaan inay carab yihiin(oo ay kuwaygu ka mid yihiin).
Af soomaaliga saxda ah waxaa laga heli miyyiga " affarta" bahood.
Eryyada qalaad, ee ergisada ah, sida magacyada gobolba si baa loogaga dhawaaqaa.
Tusaale: Maxammed-Mahamedd (Baay/Bakool), qalbi- khalbi, khamri-qamri, Faysal-Feesal, mayd-meed(koonfurta qaybo ka mid ah).
Waxaa muuqda in erayyada ergada ah, sida kuwa kore ee caribaga la khalday dhawaaqqooda.
lkn marka la isku haysto ari-adhi ama
bari-badhi qolona ma saxsana waa eray asalkiisu hal af yahay lkn kala lahjado uun ah.
Tusalaale ahaan soomaaliga waxaa >95% ergo ku ah erayyada ka kaca xarafka -KH-.
Marka soomaaligu wuxuu inooga baahanyay, 1. Barsho 2. Baadhid 3. Horumarin(barbaarin, qorid, saxid, kaydin).
Af keennu waa guun waana hodan, ee fadlan aynu ka dayno laablakacca iyo far isku fiiqqa. Mahadsanidin.
Maxamed-Badawi.
Afafka isku bahda ah, dad aqoon dheer u leh ayaa qora, horumariya, cusbbonaysiiya saxana. Ciyaar ma aha hawshu.
Tusaale afafka isku bahda ah, sida kushitigga(canfar, soomaali iyo oromo), semitigga(tigree, amxaari, carabi, yibiri) ama germanic(english, swedish, german), waxaa fududud inaad arargtid inay isku jirrid yihiin, kana wada laamoobeen(farcameen) hal geeg(af).
Tusaale xunbaha jidhka inan-Aadan (anatomy).
Dhiig, laf, madax, il, ilig, jilib, carrab.
afafka isku bahda ahi 95% waa isku mid, inkastoo kala si ay ugu dhawaaqi karaan.
Soomaalidu waa labo: dad dhalad ah oo isku dhiig(DNA), Waana "affarta" waaweyn. Iyo "badhka", oo dhiig gaar ah(DNA).
Soomaaliguna waa labo: af miyyi iyo af magaal. Midka saxda ahna waa kan miyyiga ee affarta "bahood", in kastoo qaar ku doodaan inay carab yihiin(oo ay kuwaygu ka mid yihiin).
Af soomaaliga saxda ah waxaa laga heli miyyiga " affarta" bahood.
Eryyada qalaad, ee ergisada ah, sida magacyada gobolba si baa loogaga dhawaaqaa.
Tusaale: Maxammed-Mahamedd (Baay/Bakool), qalbi- khalbi, khamri-qamri, Faysal-Feesal, mayd-meed(koonfurta qaybo ka mid ah).
Waxaa muuqda in erayyada ergada ah, sida kuwa kore ee caribaga la khalday dhawaaqqooda.
lkn marka la isku haysto ari-adhi ama
bari-badhi qolona ma saxsana waa eray asalkiisu hal af yahay lkn kala lahjado uun ah.
Tusalaale ahaan soomaaliga waxaa >95% ergo ku ah erayyada ka kaca xarafka -KH-.
Marka soomaaligu wuxuu inooga baahanyay, 1. Barsho 2. Baadhid 3. Horumarin(barbaarin, qorid, saxid, kaydin).
Af keennu waa guun waana hodan, ee fadlan aynu ka dayno laablakacca iyo far isku fiiqqa. Mahadsanidin.
Maxamed-Badawi.
1 Aboorkuba alaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
ReplyDelete2 Markuu ururo daartuu abyey baa la ashqaraaraaye
3 Uli muusa line isku xidhay aragti waagiiye
4 Iyaguba talyoo idil miday kaga adkaadeene
5 Ilko wadajirkooday hilbaha adag ku gooyaane
6 Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene.
Naxariistiisa ilaah ha siiyo
xaaji Aadan axmed ( Af qalooc)