Total Pageviews

Friday 14 August 2015

Halbeeg

Waxaan si deggan u akhriyay sagaalka bog ee dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay u gudbiyeen Guddoonka. Waxaan si taxaddar leh u dhegeystay labaatameeyo daqiiqo oo ah jawaabta Madaxweynuhu uu ka bixiyay arrinkaas.

Waxaa ii soo baxday kala war la’aan. Waxaa ii soo baxday in aan isku mowjad laga hadleyn.

Labadii Dowladood ee tan ka horreeyay waxay galeen qulub markii uu soo dhowaaday dhammaadkii xilligoodu. Qulubkaas waxaa uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ku kallifay in uu isagu iskiis isu casilo. Halka Madaxweyne Shariif uu isagu helay sannad kororsiimo ah, ka dib markii uu aqblay in Ra'iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi uu dibadda dhigo.

Laakiin hadda waxaa ii soo baxday in la galay marxalad siyaasadeed oo aanuu jirin siyaasi Soomaaliyeed oo khibrad u leh. Waa markii ugu horreysay ee Guddoonka Baarlamaanku uu si rasmi ah u qabto mooshin la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne muddadii loo doortay aanay dhammaan.

Waxaa ii soo baxday in aanay jirin Maxkamad Dastuuri ah oo is hor taagta mooshinka ama u qirta in uu haysto qiil sharci ah oo ay tahay in Baarlamaanku uu dood ka furo aakhirkana cod u qaado.

Waxaa ii soo baxday masiirka umadda Soomaaliyeed in uu aad gacanta ugu sii galay tiro yar oo aan saanta isla haysan.

Wuxuu mar kale marayaa meel u baahan in inta yar ee go’aanka ku lihi ay aad uga baaraan degaan waxa ay ku dhaqaaqayaan, sida ay sharciga dalka u waafaqsan yihiin iyo sida ay ugu adeegayaan danaha dadka Soomaaliyeed. Meel u baahan in ay ka dhowrsadaan nin jecleysi ama nin iska dhicin.

Waxaa ii soo baxday in loo baahan yahay in laga dhowrado oraah ama fal kasta oo xaabo u noqon kara dabka la shiday in uu sii qaxmo.

Waxaa ii soo baxday in amniga loo baahan yahay in la xoojiyo si aan khilaafkan looga faa’iideysan.

Waxaa ii soo baxday in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in hey’adaha Dowladda iyo dalkaba aanuu ku sii dheereyn dhiig baxa ee arrinkaan dhakhsa u soo afjaro.

Waxaa ii soo baxday in go’aan kasta oo la qaadanayo ay tahay in laga baaraan dego sida uu meel mar ku noqon karo.

Waxaa ii soo baxday halbeegga lagu jimeyn karo xalku in uu yahay in la is weydiiyo waxa u dan ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed marxaladda uu 2015 marayo.


Waxaan xusuusinayaa jilayaasha siyaasadda maanta, in aanay dalka keligood lahayn. In in badan oo fahamsan waxa socda, xog ogaal ah, dalkooda daneynaya, bannaanka ka ah xeyndaabka siyaasaddu ay daawanayaan cayaarta garoonka ka socota iyo garsoorayaasheeda. In ay daawanayaan qofka si sharci ah u cayaaraya iyo midka sharci darrada ku socda. In dadka Soomaaliyeed ugu yaraan qaar ka mid ahi ay gartaan qofka dadka u adeegaya iyo kan ka adeeganaya sida in aan berri la gaari doonin.

18 comments:

  1. Fadlan aragtidaada ku reeb isla boggan. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Yuusuf sxb warkaaga ma cadda, waxbaad madmadoobeysay ii is cadee mooshinka maa kula sax san mise ku qaldan waxa aad tiri dhaqso haloo kala tuuro ma waxey tahay madaxweynaha dhaqso haloo rido mise haloo daayo, ogoow ma ahi taageerayaasha madaxweynaha laakiin muwaadin u arka waxa socda iney yihiin wax ay dabada ka riixayaan daneystayaal ay reer puntland ugu horeeyaan.

    ReplyDelete
  3. Salan sare mudane wariye yusuf garaad waxaa isweydiin mudan horta ma hayeen dan somaliyed waa villa somalia iyo golaha barlamaanka wax ka ma jiraan umada ssomaliyedwaxa faaiidaya ama khasaaraya waa guruubyo iyo shakhsiyaad hadalkaaguna ma cada oo waxaan filayaa waxaad ka mid noqon kuwa khasaaraya ama faaiidaya

    ReplyDelete
    Replies
    1. Horta waxa musiiba ah in guriga ninkii lahaa / dhisay uu dumintiisa ugu hormaro ayado tariikhdu xusidonto beri

      Delete
    2. Horta waxa musiiba ah in guriga ninkii lahaa / dhisay uu dumintiisa ugu hormaro ayado tariikhdu xusidonto beri

      Delete
  4. Socod barad inuu kufaa dhacaa layaab malahan.

    Ku dhawaad 20-sano waxay noogu dhamaatay Qori isku muquunin. Intaa oo kale ayaan isku muquuninaynaa mooshin dano badan laga leeyahay, meelo kala duwana laga soo abaabulay.

    Wax degdeg ah majiraan marka laga hadlayo xal u helida xaalada Somalia. Every year is ninteen ninety one, difference is the tactics only.

    Haada cirka maraysaa waxay ku dagi doontaa hadba kii aan kor eegin.

    ReplyDelete
  5. soomaaliya waxa ay ubaahantahay hoggaamiye daacad ah oo dadku soo doortaan hadii la waayo soomaaliya waxa ay ubaahantahay hoggaamiye gacan adag sidii Allaah ha u naxariistee General Maxamed Siyaad Barre wixii intaas ka soo haraa waa (Deerooy xaalkeenu ma iska daba wareegbaa?)

    ReplyDelete
  6. Arrintan oo kale waxba kama dhihi karo hadaan ka dhahana ma aqaan mid aan eeda saaro wayo xasan wuxuu falay oo xumaana waa muuqdaan banaankayna yaalaan, nimankan leh mooshin baan keenayna ayagana waan ka dheregsanahay intey xumaantoodu gaarsiisan tahay umana malaynayo iney dan soomaaliyeed meesha u joogaan kana shaqaynayan sababahan cuskanayana waa badan yihiin, waxan isleeyahay waxay ku kala bixi doonaan waa waxay horay ugu kala bixi jireen oo ahayd in xasan jeebkiisa dib ugu noqdo kuwaan qayqaylinayana hade markay arkaan xasan oo xaaltamaya waa ku qasban yihiin iney dhinacooda hawsha ka dejiyaan, haddii ay heshiiyaan iyo haddii murmaanba sidiibaa shisheeyuhu dhalinyaradeena u leyn gabdhaheenana u fura xumeyn, sidii baa shisheeyuhu dhulkeena maamulo u dhisin una samaysan rag ayaga ka amar qaata kuna xiran, sidii baa dalkeenu gacanta uga sii bixin hadaan rag kale alle nagu bixin, marka aniga wax walba waxa igala qatarsan ayaga joogitaankooda oo gudinta daabkeeda si naloo gumeysto oo naloo duleysto ee ma arko barwaaqo ay kuwani noo horseedi karaan.

    ReplyDelete
  7. Salan sare kadib:
    Waxaa hubaal ah oo inta waxgaradka ahi arkayaan in masiirkii ummadda Soomaaliyeed meel usan welgii gaarin ka laalaado. Wadanka waxaa jooga ciidamo shisheeye oo aan tiradooda la garaneyn aadna u hubeysan, u fiirso gobolada dhexe ila iyo Hiiraan iyo xaduuda kiilka dadkii waa la laynayaa ayado diyaarado loo adeegsanayo, welina ma maqlin dawlada ama Baarlamaanka oo ka hadlaya. Webigii Shabeelle waa la jaraya oo biyo xireen aya laga sameynayaa kiilka Baarlamaan iyo dawlad ka hadleysana ma maqal. Shabeelada Hoose Shacabkii aya lagu xasuuqaya ayadoo loo adeegsanayo magac argagixiso, Bay iyo Bakoolna warkoodaba daa. Jubooyinka ila iyo xaduudka Kenya waxaa ka socda xasuuq, kufsi iyo boob bahsan oo aan loo meel dayin, duqeyntuna waa u dheertahay, welina ma maqal Baarlamaan iyo dawlad ka hadlaya. Haddaba su’aashu waxay tahay mooshinkaani mecnihiisu waa maxay? Aniga aragtideyda waxay ila tahay in mudaneyaal baarlamaanka ku jira oo markoodi hore qurbajoog (Diaspora) aha reerohoodina N. America iyo Europe joogaan aya dawlada ruxruxayoo xoolo ka raba, waana isla kuwii raysalwasaarihii hore mooshinka ku riday. Anigoon cidna la safaneyn ayan waxaan u sheegaya kuwa mooshin ku noolka ahi inay dib u eegaan dib u dhaca siyasadeed ee mooshinku keenayo. Waxaan kaloo indin sheegayaa inaad ka hadashaan arrimaha cidamada shisheeye iyo waqtiga ay dalka ka baxayaan iyo la socodka dhibaatooyinka baahsan ee ay shacabka u geysanayaan.
    Wwa billahi tawfiiq

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  9. Madaxweyne waqtiiga u haray uu fara ku tiris yahay, baarlamaanka raba inuu shaqo ka dhigto intuu qabsan lahaa howlaha faraha badan ee u yaalo, waxaan u arkaa socon weynayee aan oridno. Sanadka haray maku filan yahay in madaxweyne la rido, mid kalana la doorto, xukuumad cusubna lasoo dhiso, isla markaana ay september 2016da na gaarsiiyaan doorashooyin xaq iyo xalaal ah. Hadeysan dhaceynin, waan hubaa dhiciba meeysee, waxaan xildhibaanada keeyahay baarlamaanka cayaarta ka daaya.

    ReplyDelete
  10. Doodii jimcaha(BBC Somali 14/8/15) waxa iiga baxday in ay jiraan qabyo badan oo ah haayaddaha xeer ilaalinta,dajinta iyo fulinta qudheeda.
    Garo'oo maxkmaddii dastuuriga ahayd ee xalinlahay marxaladan mabajiro.
    Waana sababta sahashay xayntan ciyaaraysa siyaasadda waddanka in ay kubadda dhinacaydoonaan ulaadaan, inana ilkaha Ku dhowrno..

    ReplyDelete
  11. mudane yuusuf salaan sare arintu waa xadhig maran

    ReplyDelete
  12. Barlamaanka intiisa badan ma ahan dad qibrad u leh hoosha ay umada u hayaan taa waxay keentay in ay markasto ku daalaan waxa dhib u ah umada soomaaliyeed oo ay ka shaqeeyaan dana hooda qaska ah

    ReplyDelete
  13. waxaan qabaa fikir ahaan ama an ku tali lahay in madaxwaynuhu baneeyo kursiga wayo waxaa laga sugayay inu wax badan ka qabto Garsoorka oo hadda inta badan dadku ka sheegto, waxaa laga sugayay inuu afti dad wayne u qaado Dasturkan ku meel gaarka ah si looga boxo ku meel gaar Dastuur ah, waxaa laga sugayay inuu Dorasha qabto qof iyo cod ah waxa una leyahay ma dhici karto dorasha qof iyo cod ah. Marka awixii lay dirana ma qaban karo meshana wan sii jogaya waxay u muqata inaysan eheyn arin maan gal ah. Mudane Madaxweyne 3-dada sano Allahu kugu anfoco ayan dhihi lahaa.

    ReplyDelete
  14. waaa caada dood madaxda dalka in ay abuuraan xiisad marka ay dhamaat ku dhawaato mudada shaqada xafiiska lkn waaa saa sheegtay mr garaad waxaaaa jiro dad ciyaarta kor kala socdo ,, somaliya somali baaaleh

    ReplyDelete
  15. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  16. I am Hwa Jurong, a Private Money Lender do you need a loan to start up business or to pay your bills and a corporate financial for real estate and any kinds of business financing. I also offer Loans to individuals,Firms and corporate bodies at 2% interest rate. I give out loan to serious minded people that are interested of loan if interested contact this email: hwajurong382@yahoo.com or hwajurong12@gmail.com

    ReplyDelete