Waxyaabaha adduunka ka dhacayaa ma ahan madow iyo caddaan keliya. Ma
ahan muslin iyo kiristaan keliya. Ma ahan annaga iyo iyaga keliya. Wax kastaa
ma ahan khalad iyo sax keliya.
Caalamka waxa ka dhacayana ma ahan kuwo la is wada barbardhigi karo.
Marxaladaha, xaaladaha, jilayaasha iyo sababta la isu hayo ayaa kala duwan.
Marka aan ka reebo Soomaaliya oo aan u soo joogay xadgudubyo aad u culus oo murugo igu reebay, caalamka kale oo aan aad ugu safray meelaha aan booqday waxaa iigu calool xuma badnaa saddex goobood. Saddexda oo aan xadgudubyada ka dhacay aanay isku baaxad ahayn, waxa keliya oo ay wadaagaan waa in dad rayid ah lagu dilay ama bahdil iyo gumaad la isugu daray.
Ghana
Waxay ahayd magaalada Cape Coast ee dalka Ghana oo 150 km galbeed
ka xigta caasimadda Accra. Horena u ahaan jirtay caasimadda Ghana. Waxay ku taal Badweynta Atlaantigga. Waxaan tegey 1998 meel dadka madow markii la
addoonsan jiray lagu ururin jiray iyaga oo qool bir ah oo sida silsilad u taxan
uu midba meel qoorta kula jiro. Kuna qabbiran dabar bir ah haddana is wada haysta. Waxaa
halkaa lagu hayn jiray intii ay sugayeen maraakiib loogu dhoofiyo qaaradda Ameerika si
beero loogu fasho loona lahaado. Maaddaama ay isku wada xiran yihiin oo aan kaadida iyo
qashinka kale la fogeyn karin qof waliba meeshiisa ayuu ku kaadinayaa markaas
ayaa loo sameeyay jeex yar oo sida durdur ah oo dhammaantood soo dhex mara inta
aanuu badda ku darin kaadida.
Dadkaas waxaa laga dhigtay hanti qof leeyahay, oo uu iibin karo, xaq aan u lahayn in ay guursadaan, markhaatina aan gelin. Inkasta oo aan tirakoob sugan laga hayn, haddana Afrikaanka qaaraddeenna laga dhoofiyay ee la geeyay Ameerika si loo addoonsado waxaa lagu qiyaasaa celcelis ahaan 10 milyan oo ruux.
Aakhirkii William Wilberforce ayuu ahaa Xildhibaankii dhowr iyo
toban sano waday olole uu doonayo in lagu mamnuuco addoonsiga dadka. Inkasta oo
Baarlamaanka Ingiriiska lagu jebiyay, haddana kamuu harin wuxuuna 25-kii March 1807 ku
guuleystay in gebi ahaanba dhulalka Ingiriisku gumeysto oo markaas uu Mareykanku ka mid ahaa laga mamnuuco
addoonsiga. Wilberforce madow ma ahayn, muslinna ma ahayn. Isaga waxaa waday dareen aadminnimo oo cuskan diin Kiristaan.
Rwanda
Lafo dad |
Xafiisyada qaar aan booqday waxaa ka soo urayay
dhiig dad. Waddooyinkana waxaa lagu iibinayay kabaha iyo dharka dadkii la
dilay. Dadkii aan la macaamilay ee aan wax ka iibsaday ama iigu adeegayay
dayaaradda, hoteelka, makhaayadaha iyo tagaasida ma arag mid ii dhoolla
caddeeyay ama cid kale u dhoolla caddeynaya. Qosol warkiiba daa. Dhulka aniga oo ku safraya waxaan gaaray ilaa soohdinta dalka Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.
Kaniisadaha Rwanda waxaa lagu eedeeyay in ay gumaadka sababtiisa ay ku lug lahaayeen. Waxaana dad badan lagu dilay Kaniisado dhexdood
ama agtood.
Kigali intii aan joogay waxaan booqday Masjidka magaalada ugu weyn.
Masjidkaasi wuxuu caan ku ahaa in dadka wax leynayay oo ahaa Hutu xagjir ah iyo
muslimiinta Hutu ah ay isku dagaaleen ka dib markii xagjirku uu soo weeraray muslimiin Tutsi ah iyo qaar aan Muslim ahaynba oo Masjidka soo magan galay. Muslimiintu waxay dagaal u galeen in ay
daafacaan dadka u maganta ah. Waxay doorbideen in ay dilaan kuwa qowmiyaddooda ah ee gardarrada wada si ay u badbaadiyaan dad qowmiyad kale ah.
Berigaas aan tegey Rwanda bil kasta dad badan ayaa Ashahaadada
qirayay oo muslimayay. Taasna dad dilid kuma imaan ee waxay ku timid dad badbaadin. Waxaa dadka soo
jiitay badbaadinta ay muslimiintu badbaadiyeen dad la xasuuqi lahaa.
Safarkeygii koowaad 10 sano ka dib, waa sannadkii 2004 ayaan ku
laabtay Rwanda. Waxaan tegey runtii dal aad u soo kabtay xag amni, dhaqaale iyo
horumar.
Mareykanka
New York, goobta loo bixiyay Ground Zero ayaan tegey 2002. Sidoo
kale waxay ahayd sannad gudihiis markii laba daarood oo middiiba 100 dabaq kor
u dhaafay oo ah xafiisyo ay dadkii ku jiray la soo dumeen kuna habsadeen dadkii hoos ama aga joogay ka dib markii laba dayaaradood oo rakaab ah oo ay ka buuxaan dad isugu jira carruur, waayeel, dumar iyo ragba iyo dad diinteey doonaan haysta middiiba mid lagu
qarxiyay sidii gantaal.
In ka badan 2,600 oo ruux ayaa ku geeryooday buqcad yar
oo ah halkii ay daaruhu ka dhisnaayeen. God ka qodmay ayaan soo kor istaagay.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii halkaa ku geeriyooday ehelkooda ayaa goobta keenay kab, shaar, koofi, jaakad, surwaal, boorso ama shey kale oo uu lahaa qofka dhintay. Waxay markaa ku dhejiyeen meel uun ka mid ah derbiyada aaggaas ah. Waxaa kale oo lagu dhejiyay sawirrada dadka dhintay qaarkood iyo qaarkood iyaga oo la jooga carruurtooda, waalidkood ama qof ay is qabeen. Waxaa kale oo derbiyadaa lagu dhejiyay farriimo ay ehelku ku murugo baxayaan ayaga oo u qoraya qofka ka dhintay. Waa lagu jecel yahay, Kuma Illoobi doono iyo Mahadsanid ayaa ka mid ahaa erayada. Dad badan oo goobta taagan murugo ayaa wejiyadooda ka muuqatay. Qaarkood caro ayaa u wehlisay.
Saddexdaas goobood midkoodna midab iyo diin uguma murugoon ee waxaan
ugu muragooday aadamnimo.
Dunida Muslimka
Haddii aan dunida muslimka u soo laabto, Muslimiin badan oo adduunka
ah waxaa lagu hayaa xadgudubyo aan la soo koobi karin oo dil, dhac, barakicin
iyo bahdil kale isugu jira. Qaar waxaa ku haya dowlado aanay isku diin ahayn sida Israel weerarrada iyo bahdilka ay ku hayso Falastiiniyiinta.
Muslimiinta qaar dhibka ugu badan wuxuu uga yimaadaa muslimiin kale. Ha noqdeen Madax
keli talisnimo iyo naxariis la’aan isku darsaday. Ama ha noqdeen mucaarad
hubeysan amaba kooxo xagjir ah oo inta badan dadka ay dilaan ay yihiin
muslimiin kale.
Muslimiintaas qaar badan oo ka mid ahi waxay u qaxaan waddammada
reer galbeedka maaddaama aan dalal kale oo muslimiin ah oo qaarkood uu qani
yahay aanay soo dhoweyn qaxootiga.
Tusaale waxaa kuugu filan Suuriya oo ku taal bilaad Shaam, Bariga Dhexe ah, dalal Islaam ahi ay ku hareereysan yihiin, qaar ay carab yihiin. Qaxootiga Suuriya waxaa deggenaasho laga siinayaa Yurub, Mareykan ilaa Canada. Inkasta oo dalalka deriska la ah qaarkood uu aqbalay Qaxootiga Suuriya, haddana dalalka Khaliijka adigu is weydii.
Tusaale waxaa kuugu filan Suuriya oo ku taal bilaad Shaam, Bariga Dhexe ah, dalal Islaam ahi ay ku hareereysan yihiin, qaar ay carab yihiin. Qaxootiga Suuriya waxaa deggenaasho laga siinayaa Yurub, Mareykan ilaa Canada. Inkasta oo dalalka deriska la ah qaarkood uu aqbalay Qaxootiga Suuriya, haddana dalalka Khaliijka adigu is weydii.
Faransiiska
Weerarka ka dhacay France ma aha kii adduunka ugu horreeya ee
noociisa ah. Mana aha kii ugu darnaa. Laakiin waa mid lagu laayay dad badan oo
rayid ah. Waa mid dhib u abuuri kara muslimiinta ugu badan Yurubta galbeed oo
ah kuwa ku nool Farnsiiska. Waa mid dhib badan oo shaki iyo cadaawad leh u
abuuraya muslimiinta Galbeedka ku nool oo dhan iyo weliba kuwa u taga socdaal caafimaad, qaraabo salaan ama waxbarasho iwm. Waa mid dadka aan Islaamka aqoon fahamsiin kara khalad ah in diinta Islaamku ay raalli ka tahay in rayid dariiq iskamaraya la laayo. Sidaas darteedna ay tahay in muslim oo dhan cadow loo arko ugu yaraan la iska jiro haddii kalena la iska dhiciyo oo lagala hormaro.
Dareen aadminnimo ka sokow in Muslimiintu ay weerarkaas cambaareyso waa mid keeni karta in
dadka Faransiiska iyo caalamka kale ee aan muslimka ahayni ay fahmaan in aan diinta Islaamku ahayn diin arga-gixiso. Sidaa darteedna aan muslimiintu isku waafaqsanayn kana sinneyn weerar argagixiso.
Muslimiinta cambaareysay weerarka Paris waxaa ka mid ah Muftiga al
Azhar, Dowladda Dalka adduunka ugu muslimka badan Indonesia, Dowladaha
Soomaaliya, Iran, Sucuudiga, Qatar iyo dowlado kale oo badan oo Muslim ah.
Taas macnaheedu ma ahan Dowladda Faransiisku xad gudub weligeed kuma
sameyn dad ama dowlad muslim ah. Taas macnaheedu ma ahan weerarka Paris ka
dhacay in uu ka mudan yahay kuwa sida joogtada ah uga dhaca magaalooyinka
Falastiin iyo goobaha kale ee muslimiintu ay ku caddiban yihiin.
Waxaa habboon in la cambaareeyo ama ugu yaraan laga murugoodo weerar kasta oo
dad rayid ah oo aan Maxkamad caaddil ihi xukumin lagu dilo. Mana habboona in
marka dad ehelkoodii la laayay ay murugoonayaan lagu mashquulo dood aan aad
loogu meel dayin oo u muuqan karta in raalli laga yahay in dad rayid ah oo dariiq
iska maraya la laayo. Haddii dalal kale iyo goobo kale ay sidaasi ka dhacdo waa
in iyagana la cambaareeyaa marka ay dhacdo.
Annaga Soomaali ahaan Faransiisku wax badan nama tarin waa la dhihi karaa. Laakiin ugu yaraan xusuuso berigii Koofurta dalkeenna siiba Baay gaajada loogu dhimanayay 1992. Faransiisku wuxuu sameeyay tallaabo kolleey aniga i damaqday. Iskuullada Faransiiska ayaa loo sheegay in carruur iyaga oo kale ahi ay baahi u dhimanayaan. Waxaa markaa laga codsaday in arday waliba uu bariis ceeriin ah uu iskuulka keeno. Ka dibna inta la isu geeyay ayaa 9,000 oo tan oo bariis ah loo dhoofiyay Soomaaliya. Xamaaliyaalkii bariiska Faransiisku soo dhiibay ka dejiyay dekedda macmalka ah ee Ceel Macaan ee dhabarka ku soo qaaday biyahana kula soo lugeeyay waxaa ka mid ahaa Wasiir Faransiis ah Bernard Kouchner.
Markii dagaalkii Muqdisho ee January 1991 uu aad u qaraaraaday hey'adaha samafalka oo dhan wey ka baxeen caasimadda iyo koofurta oo dhan marka laga reebo MSF.
Annaga Soomaali ahaan Faransiisku wax badan nama tarin waa la dhihi karaa. Laakiin ugu yaraan xusuuso berigii Koofurta dalkeenna siiba Baay gaajada loogu dhimanayay 1992. Faransiisku wuxuu sameeyay tallaabo kolleey aniga i damaqday. Iskuullada Faransiiska ayaa loo sheegay in carruur iyaga oo kale ahi ay baahi u dhimanayaan. Waxaa markaa laga codsaday in arday waliba uu bariis ceeriin ah uu iskuulka keeno. Ka dibna inta la isu geeyay ayaa 9,000 oo tan oo bariis ah loo dhoofiyay Soomaaliya. Xamaaliyaalkii bariiska Faransiisku soo dhiibay ka dejiyay dekedda macmalka ah ee Ceel Macaan ee dhabarka ku soo qaaday biyahana kula soo lugeeyay waxaa ka mid ahaa Wasiir Faransiis ah Bernard Kouchner.
Markii dagaalkii Muqdisho ee January 1991 uu aad u qaraaraaday hey'adaha samafalka oo dhan wey ka baxeen caasimadda iyo koofurta oo dhan marka laga reebo MSF.
Ciraaq
Tusaale ahaan weerarrada ka dhanka ah waddan ay dadkiisu muslim u
badan yihiin oo si gardarro ah loogu duulay waxaa waayadan dambe ugu caansan
weerarkii horraantii 2003 lagu qaaday Ciraaq. Waxaa hormuud ka ahaa
weerarkaas labada Dowladood ee Mareykanka iyo Britain.
Dowladda sida ugu adag isu hortaagtay, ku hanjabtay in ay diidmada
qayaxan ee Veto ay saari doonto marka la keeno Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay ilaa xadna carqaladeysay qorshaha weerarka waxay ahayd Dowladda
Faransiiska.
Dhanka kale, magaalada London oo ka mid ahayd caasimadaha looga duulay Ciraaq, waxaa haddana ka dhacayay bannaanbaxyadii ugu
waaweynaa ee dagaalkaas looga soo horjeeday. Waxaa kale oo London ay aragtay iscasilaado heerar kala duwan ah dagaalka awgiis. Dadka waxaa sameynayay muslim ma wada ahayn xataa barkood ma ahayn. Dad ayaa u
bannaanbaxay, u dhafray, shaqooyinkoodii uga tagey si aan Ciraaq loo weerarin.
Dadkaas qaar badan oo ka mid ahi waxay hadda weli u daba taagan yihiin Ra’iisal
Wasaarihii berigaas Tony Blair in dembi dagaal lagu soo oogo.
Sax ma tahay in dadkaas loo dilo in Dowladdoodu ay dagaalkii Ciraaq,
oo ay ayaguba diiddanaayeen, ay ka qeyb qaadatay? Sax ma tahay in loogu aaro Ciraaqi ku dhintay duqeyntii Mareykanka iyo Ingiriiska? Mase tahay sax in loo dilo in
aanay muslim ahayn?
Maskaxda qofku waxaa wanaagsan in ay u furan tahay in ay su’aalo
badan is weydiiso, jawaabtuna ay ku timaado u fiirsasho madax furan iyo baaris
xaqiiqa raadis ah oo qota dheer si uu qofku u gaaro faham buuxa.
Haddii aad dib u milicsato William Wilberforce oo wakhtigiisa iyo inta uu awood leeyahay isugu geeyay in la mamnuuco addoonsiga dadka, kuwaas oo dad madow ahaa, marka aad eegto muslimiinta Hutu ee Hutu xagjir ah ka hor istaagay in ay laayaan Tutsi-ga muslimka u maganta ah, marka aad eegto milyan-ka ruux ee isugu soo baxay in Ciraaq laga badbaadiyo weerar, marka aad eegto Kelitaliye Muslim ah oo dadka muslimiinta ee dalkiisa leynaya qaarna barakicinaya, marka aad aragto dalal muslim ah oo qani ah oo aan oggoloeyn in dalkoodu qaxooti aqbalo, marka aad aragto dalalka Galbeedka oo soo dhoweynaya qaxooti ay qaar badani Muslim yihiin siinayana xorriyad ka badan midda ay dalalkooda ku haysteen, waxaad arkeysaa in aan wax waliba caddaan iyo madow, muslim iyo gaal annaga iyo iyaga aanay wada ahayn.
Waxaa kugu dhalanaya su'aalo u baahan jawaab ka culus annaga iyo iyaga. Fiirso, feker oo fahamkaaga kobci.
Ugu dambeyn waxaa muhiim ah in qofka bani'aadamka ah oo Ilaahay sharfay ay ugu yaraan naftiisu kaa magan gasho.
Waad ku mahadsan tahay in aad soo booqatay barteyda, qormadana aad akhrisay. Fadlan faalladaada isla boggan ku reeb.
ReplyDeleteYusuf garad waad mahadsan tahay runtii waa maqaal anfacaya cidii aqrisaa illaahay hakaa abaal mariyo dadkeena soomaliyed waxaan nahay dad samir yar dulqaad yar dagdag badan waxaynaan cilmi iyo aqoon ulahayna galitaankeda waa noo fudud yahay illaahay swc waxaan karajaynayaa in isbadal umadeed dhaco oon kagudubno marxalada maanta soomali taagan tahay
DeleteAad & Aad Yusuf Qormadaan wax badan ayaan Ka Faa'iidey. MAHADSANID Somalia ma Nihin DAD DHAXDHAXAAD AH . AMA waan jeclaanaa ama Waan diidnaa... marka dadku isku Faham mahan . AABAAA YAABAY?
ReplyDeleteSaakay markii aan arkay profileka facebookgada adoo saartay calanka faransiiska runtii waan yara naxay lkn hadana waxaan kuugu cudur daaray in dalkaasi aad wax kusoo baratay in aad udamqato ineey ok tahay. Lkn hada markaan aqriyay qormadaan runtii wax badan ayaa iska keeybadalay . Thanks #Yuusuf.
ReplyDeleteruntii waa faalo wax fahan siineysa dadkii malmahan sida walida ah u xaayay dadka ka diiqooday dhibkii ka fhacay halkaas. somalideena ciladoodu waa seef la bood nimo iyo shalaay dambe. yusuf dad baad indho u tahay ee haka daalin soo gudbinta runta mhdsnid
ReplyDeleteMasha allah waa qormo xiisableh oo taarikhdana dib noogu celisay lkn waxa hubaal in faransiisku uu haatan ku howlanyahay burburinta dalal badan oo islam ah ujeedada ma garan karno lkn ayagu waxey ku doodayan in bacsanayan dambiile yaal !
ReplyDeletefaaladaas Haa Baan ku siiyey. Mahadsanid Mr Garaad.
ReplyDeleteYusuf waa qormo xog farabadan aa noogu soo bandhigtay sida dadka muslimka ay u jecel yihiin in loo kala saaro qofka danbiga geestay iyo midkaana geesan waxa haboon in anaan mar waliba lagu farxin qof aan wax galabsan dilkiisa diintii uu rabo ha heeste . Dad ka qaar ma ogaan karaan sida loo fahmaayo muslimiinta waxa ogaan karo qofka la noolaaday dad diimo kala duwan leh waa ku mahadsantahay qormadaan qiimaha badan leh.
ReplyDeleteYaa ku yiri islaamku adoonsiga ma ogola
ReplyDelete
ReplyDeleteYusuf garaad aad ku mahadsantahay faaladaan qiirada badan aad ayaan uga naxay dhamaan dhacdooyinkii aad soo tirisay
Hadana anagu hadaan somali miyaysan habooneen inaan u baroor diiqno dadkeena lagu xasuuqayo qaraxyada sida kii hotel saxafi kii SYL kii SHAMOW iyo mida amisom ka gaysato dalkeena taas oo ka baxsan mandateka ay haystaan
Way fiicantahay in laga murugoodo qof xaqdaro lagu dilay hadana dadkeenaa mudan
wa qormo indhaha noo wada fureyso.mahadsanid Yusuf
ReplyDeleteEsh-calaa maqaal. Waa qoraal noociisu naadir yahay oo aad u wanaagsan, laakiin hal mid baan is leeyahay sida loo dhigo si ka cadaalad roon baa loo dhigi karaa : Qaxootiga Suuriya kasoo cararay oo Yurub yimid hadii la isku wada daro waxaa ka badan ama ku dhaw inta Turkiga joogta. Waxaa kaloo aan kuwa Yurub yimid ka tiro yarayn kuwa Lubnaan oo faqri ah jooga. Qadar waxa sheegtay in dad Suuriyaan ah oo 50 kun kor u dhaafay ay dalkeeda joogaan oo nolol iyo daryaalba ka helaan laakiin aysan qaxooti u aqoon sanayn aysana sidii shisheeyihii ilu dhaqmayn ee ay walaalahood marti ah u arkaan . Sidaa darteed waxaan u arkaa qasab maahan in qaxooti ahaan dadka loo qaabilo la isku qasbo ee waxaa muhiim ah in dadka lasoo dhaweeyo oo ay daryeel helaan.
ReplyDeleteYussuf Garaad Waad Mahadsantahay warbixintaan waa muhiim waxee anfacee kuwa badan aan meel aan ogahay kula kulmay si doodooda eheed anigaasa gaarsiihaya lol
ReplyDeleteRunti Waa qormo isugu jirta taariikh, fahamsiin xaqiiqooyin hore iyo kuwo dambe , lagana dheehan karo xaqiiqda iyo runta biyo kama dhibcaanka ah , aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad u faahfaahisay Yusuf Graad Waa waajib in laga damqado dulmi kasta oo bini aadanimada ka hor imanaaya.
ReplyDeleteYusuf garaad aad ayaad ugu mahad sanyahay falada wax badan ayaad noo faa ideeysay
ReplyDeleteLama oran karo qoraal ama qormo kaliya waa cashar iyo hogotusaalayn wanaagsan. Yusuf Garaad aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay waana qormo dhabtii faahfaahsan caqli iyo aqoon iyo garasho iyo waayo aragnimo ku salaysan.
ReplyDeleteyusuf garad horta mahadsanid SU,AL aya ku waydinaya mahan in suashas adiga si gaar ah ku ku khusayso
ReplyDeletewaxa ka mid ahaa dadka dhaliilsan in la xerto muuqalo calanka france ah, mana diidanayn in la laayay dad an danbi galin mana ahan ina daacish taagero u ahay ama ku farxsanahay waxa ka dhacay paris,adunka waxa ka dhacaya wa.mid lawada arkayo xasuuq caruur,dumar,odayaal iyo dad biri magydo ah, waliba dadlka islaamka ah sida falastiin,seyria,iraq,somalia,burma,yeman iyo kuwa kale ba, maxaa dunida muslimka ah iyo kuwa heer galbedka ah sida france logu baroordiiqay si lamid ah kuwas lo sin wayay, maxa muftiga azhar uga hadli wayay weerarada iyo tacadiyada ka dhaca dunida islaamka ah, madamda u yahay mufti islaami ah.....
Qormadada wa ino muhiim
Yusuf Garaad Aad bad umahadsan tahay runtii waa qoraal anfacaya cidii aqrisaa umadeena soomaliyeed waxaan nahay dad samir yar dulqaad yar dagdaguna kubadan yahay waxaynaan cilmi iyo aqoon ulahayna waa noo fudud yahay galitaankisa illaahay waxan karajaynaya isbadal umadeed
ReplyDeleteWaxey ila tahay iney tahay qormo aad iyo aad aad uga so firsatay dhankada yusufow waxeyna ku dhisantahay aqontada maadiga ah lkn waxaan ka dhihi lahaa aniga qormadan waa mid aad qiil ugu raadineyso dowlada fransiska iyo shacabkoda dulanka u geysanaya umada musliminta ah, saakey diyaradaha fransiska waxey duqeyen siriya ma hubtaa dadka ey duqeyen iney yihin daacish oo kaliya waxaan ku dhihi lahaa dhanka diinta inaad wax badan ka barato ayaa wangsanan laheyd taladasna aad iiga qaado mahad sanid
ReplyDeleteYuusuf dadyowga reer galbeedku waxay soo doortaan dowladahooda waxayna leeyihiin codad ay siyaasadaha arrimaha dibeda ee dowladahooda ay kaga hadli karaan xadgudubyada ay geeysanayan marka haddii dadka faransiisku ay ka hadli lahaayeen oo ay canbaarayn lahaayeen siyaasadaha dowladooda ee cadowtooyada u abuuraysa waa la garaysan kari lahaa in kuwana la canbaarayn karo lakin xadgudubka reer galbeedku waa gar kan dadka kalana waa denbi ay tahay in lawada canbaareeyo gar ma ahan waana meesha sartu ka quruntay, tusaale dowladaha ethiopia iyo kenya iyo uganda ee ciidamadoodu gabood falada ka geystaan soomaaliya har iyo habeenba dowlada soomaalida kuwa lagu sheego kama hadlan mana canbaareeyaan mana dalbadaan baaritaan lakin waxay lasoo boodaan sidii matagoo kale markii wax la gaarsiiyo dad kenyan ah ama ugandese ah ama xabashi ah canbaarayn iyo oohin wada socda, yey ayagu matalan waa su'aal?, dadka soomaalidu layntooda iyo bahdilkooda ma sharci buu noqday?, dhibaatadii faransiiska ka dhacday in xasan canbaareynteeda la qurxoonaato waa gar oo wuu raaligelinayaa lakin dadka soomaalida raaligelintoodu micno uguma fadhido, falkasta falcelis buu leeyahay dowladahan gardarada aan cidna kula xisaabtamin caadaystay iney waxanoo kale ku dhacaan lama baciidsan karo wayo waa la ogyahay ayaga sababta gacmahooda kula yimid, dowlad dal kale military-geeda u dirtay dadkii wadankaas dil, kufsi, barakicin iyo bahdil isugu dartay waxay filan kartaa waa falcelis kaga yimaada kooxaha wax iska caabinaya iney ka aargutaan oo ayaguna shacabkooda xanuunijiyaan, waxa faransa ka dhacay waa falceliska siyaasada arrimaha dibeda ee faransiiska ee ku wajahan dadyowga muslimiinta shucuubta faransiiskuna horay ugama guban oo ma canbaareyn oo kama hor imaan tacadiyada iyo gardarooyinka dowladooda si lamida shucuubta dowladahoodu gardara caadaysteen, marka maanta xanuunka waa lawada dareemayaa dhamaan ee kaligeen naguma ahan oohinta lakin weli dhinaca xooga badani ma fahamsana ama wuu iska indha tirayaa inuu abaaro meesha xalku jiro ee wuxuu ku adkaysanaya inuu sii wado dulmigii waxan dhalay waxana hubaala in dhibku nawa saamayn doono.
ReplyDeleteFeisal wll waad asaabtay inta aniga ay ilatahay waana kula qabaa fekerka ah waa gardaro garab og dowladaha awooda is biday ee kutacadinaya dowladaha iyo dadka masaakiinta ah ee weliba muslim ka ah kuma duulayaan wadanka la dhaho Burma oo la ogyahay waxa tacadiyo iyo gabood fal ka dhan ah aadamiga loo gaysanayo dadkaa muslimiinta ah ee aan waxba galabsan dhulkoodii laga barakacinayo sidoo kale waxaynu aragnaa waxa ka dhacaya falastiiin oo iyadana aan cidna waxka waydiinayn. cida qudha ee la weerarayona ay tahay dowladaha islam ka ah oo laga leehaya dano shakhsiyadeeed iyo islam neceyb, wax kasta oo kudhaca waxaan filayaa dowlahadaas iyagu sida inay aduunka police ka yihiin meelkasta oo weliba laynaya,kufsanaya barakicinaya iska weeraraya inay iyagu masuulka yihiin waxa kudhaca shacabkooda iyo dalkoodaba
Deletewaan la dhacay warbixinta guud ahaan, gaar ahaan in muslimiinta dhaleeceeyaan waxaa dhacay waxay dadka tusi kartaa in dadka islamka ahi aysan waxan raali ka ahayn diintuna kabadalan tahay sidaan. waxaan aminsanahay qoraalada noocan oo kala ah dad badan ayeey waxay kabadali kartaa wax yaabo khlad ah oo ay amin san yihiin. sidaa darteed hanaloo badiyo
ReplyDeleteAsc Yusuf Garaad Aad Ayaan Kaaga Mahadnaqayaa Maqaalkan Isugu Jira Taariikhda Iyo Xaqiiqooyinka Dhab Ah ee Imika Iyo Horeba U dhacay ee Aad Noo Soo gudbisay , Waa qalad in dulmi iyo dil lagula kaco qof rayid ah oo aan waxba galabsan diinteena islaamkuna ma ogola.
ReplyDeleteQormadan waa qorma qurxoon waqtina so galisay lakin aniga ahaan igama gadmin sababta na waa macluumaadka ku xusan qormadan oo aanan 100% la i sku halayn karin isha macluumaad kaas aad ka so xigatay na ay tahay iclaamka ama wakaaladaha wararka laga soo xigto oo aynan eheen kuwa dhex dhexaad ah oo aduunyada sida ay doonaan oogu dhiga warka iyo warbixinada; Tusaale Qaxooti ay Carab ama wadan Islaam kale diiday ayaa reer galbeed soo dhaweeyay taasi waxay u baahan tahay in aad ku labatid warka xaqiidisana aad soo heshid, cid dhex dhexaad ah oo madax banaan oo la isku halayn karo oo warka/warbixinta saxdeeda laga heli karo ma jirto,qola walba waxay sheegata in qaxootiga Suuriya ay soo dhawaysay hadaba qabarki reer galbeed ba wa inoo so tabisay maxaa diiday in aad ku dheeraatid qormadaada na aad ku xustid qabarki Turkey iyo dowladaha kale ee carabta ee ayagana sheegtay in ay so dhaweeyeen qaxootiga suuriya waliba aysan qaxooti u aqoon san ay shaqooyin, waxbarasho, caafimaad intaba ku haystaan. Taasi waa mid, mowduuca kale meesha yaala waa mowduuc qoto dheer oo waxa uu hoos galayaa waxa ay diintu ku magacowday "Al Walaa wal baraa" ama "hawiyatu Muslim" oo ay tahay "Qofka Muslimka ah waa kuma" qofkee ayuu maciisa noqonayaa, u hiilinaya, u danqanayaa, codkiisa iyo aftahnimadiisa oogu adeegayaa IWM. FG; Taasi micnahdeda ma aha in qofka Muslimka ah uu gabood falada aduunyada maanta ka socda uu raali ka wada noqdo oo cid walba oo bari ka ah wax ay dowladooha ku kacaayaan loo gaysto, Marka waxaa ku soo gaba gabayn lahaay in wax badan aynu u baahan nahay in maskaxdeena waasicino cilimiga diineed na aa kordhino ama ugu yaraan cilmi baaris ku soo samayno mowduuca aynu markaas ka hadleeno waxa ay ka qabto Diin teena suuban oo wax waliba u dhamaystiran yihiin. Anigoo og in umaddan colaadaha diimeed soo maray ay diintaba sas ka qabaan waliba anigoo og inta qoraalkaan aqrisanaysa ay maskaxdooda waxyaala kale u sawirayso markaan eray bixinada qaar ku soo xusay qoraalkeega lakin xaqiiqda ayaa ah in cilmi baaris ka xeel dheer intaan aynu u wada baahanahay. Mahadsanidiin.
ReplyDeleteAad iyo u mahadsantahay Mudane Yusuf, waa qorma faahfaahsan oo inta aragtida gaaban ay u baahanyihiin inay marar badan aqristaan.
ReplyDeleteRuntii waa qormo aad qiimo badan, xaqiiqdana ku fadhida. Somalidu waxay dhahdaa qof aan dhul marin dhaayo maleh. Walaal waxaan xauustaa markii wareerarkii 9/11 uu dhacay waxaan ahaa nin yar, oo somaliyana aan meelna uga bixin, xitaa somalia inta aan ka arkay baa yarayd, marka laga reebo magaalada aan ku dhashay. Weerarkaas waxuu ila ahaa wax aan maqlo waxii iigu farxada badnaa. Inkasta oo weerarkaas dadkii ku dhintay xitaa muslim kujiray, hadana maalinkaas ma arag qof somalia ah oo aan warkaas kufarxin. Dadka wajigooda farxad iyo isku hambalyayn ayaa ka muuqatay. Somalida waxaan dhihi karaa badi waa dad fikirkooda ku adag. (Conservative) Qofka Somaliga ah majecla fikirkiisa wax kasoo horjeeda. Waxaan shalay aad uga naxay runtii markaan arkay boqolaal qof oo bartaada FB kugu dhaliilaysa calanka France oo aad saaratay datriis. Dhalinta somalida waxaa looga baahan yahay inay noqdaa dad maskax furan kufakara, waxkastana aan ka eegin hal dhinac.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteCodkaenimada waa haybad Alle bixiyo. Elequant is God's gift. Aqoontuna waa wax loo dadaalo lana barto loo dhabar adeygo. Yuusuf You're great absolutely meek and mild person
ReplyDeleteQaniinyo Qaniinyo ayaa kaa fujisa waxba gidaar ha isku xoqin adiga waxaad tahay liberal inta aad Paris waxa ka dhacay ka faallonayso Maanta caruurta Raqa lagu xaquuqay maad ka faallotid
ReplyDeletewaa qormo wanaagsan oo bildhaamisay meelo badan, aad iyo aad ayaan kugu waafaq sanahay in laga xumaado qof kasta oo sabab la'aan loo dilo isaga oo aan waxba galabsan,
ReplyDeletewaxaa kale oo aan ku darayaa inay jiraan kuwo badan oo muslim iyo gaalba leh oo dad tiro badan ku laynaya sabab la'aan maalin kasta meelo ka mida wadamada soo koraya iyo kuwa dunida sadexaad ah
1) waxaa ka mida dadka lagu laynayo inay muslimiin yihiin ee wadanka Myanmar
2) waxaa ka mida dadka sida macno darada ah loo yaynayo ee dalka Somalia
3) waxaa kale oo ka mida kuwa lagu laayo huteelada iyo jamacadaha dalka Kenya
4) waxaa kale oo ka mida kuwa lagu laynayo maalin kasta South Sudan
5) yaman, liibiya syria massar iyo kuwa lagu laayo dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee dalaka Pakistan iyo Afghnistan ee inta badan laaya dadka shacabka ah cid ka hadashaana ma jirto
way tiro badan yihiin mana la soo koobi karo, dadka inta u muuqata waxaa ka badan inta aan muuqan ee maalin walba si naxariis daro ah loo laynayo ama loo bahdilyo ama muslim ha laayo ama gaal ha laayo, waan ka xumahay dhamaan dadka sida arxan darada ah loo laynayo iyaga oo aan waxba galab san
Yusuf Garaad waan kugu waafaqsanahay in masuuliyadda fashalka dunidda islaamka leeyihiin Madaxdda iyo Hogaanka Muslimiinta,markaad adiga aad dooneysid in isbedel caqli iyo mandiq ku dhisan in la sameeyo, sunanka Allaha ee isbedelkana loo raaco, dhanka kale ee abuuray xalaadaan xag-jirnimadda ah wuxuu ka shaqeynayaa in aanay suura galin isbedelka nabadda ku saleysan, Reer galbeedka waad arkeysaa weydiideen in dunidda muslimka ee si nabad ah iyo dimoqaraadiyad isku bedesho, markaa inta ay awooda dadka isbedel nabadeedka doonayo ay yartahay, arrinka is xasuuqaan ayuu ku jirayaa, lkn waxaa kama dambeyn guuleysanaayo dadka isbedel ka nabadda ku saleysan doonaayo. reer galbeedka waxay qorsheynaayeen in dhibta iyo xag jirnimadda ay dunnida muslimka ay la degto, lkn iyagay u soo gudubtay, xalka bilowgiisa gacantooda ayuu ku jiraa, waa in ay aqoonsadaan farahana kala baxaan dimoqoraadiyadda soo koreysa ee dunnida muslimka, lkn haddi ay sii wadaan taageerida dekteytorada, iyagay ku soo noqneysaa dhibta xag jirnimadda. waad aragtaa jara'idka reer galbeedka ee u janjeera dowladahooda in ay si xun uga hadleen guushii Turky ee Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka, waad aragtaa sida ay u soo dhaweynayaan Siisi oo maalin gelinkeeda waxa ka badan 2000qofood xasuuqay. haddii ay iyaga noqdeen kuwo wax magarad ah, siiba siyaasiyiintooda, dhanka kale wax magaradkooda ay falcelin sameynaayo. markaa waxaan ku soo gaba gabeynayaa reer galbeed waxay guranayaa miraha ay ku dhex abuurteen dunnida muslimiinta, iyaaga diiday in ay isbedel nabadeed u hiiliyaan, waa runtaa innaga waxba kuma gaareyno xag jirnimadda, lkn iyagaana dhibka xag jirnimadda way arkayaan. taladda iyagay u taal waa in ay kala doortaan in ay la dhaqmaan dadka Islaamiyiinta ah wax garadka ah ee dimoqoraadiyadda doona dalkoodana horumar la doonaayo, haddii kale waxay kala kulmaayaan xag-jirinta mayalka adag cawaaqiib xumo aysan ka soo waaqsan doonin, runtii argagixiso laguama joojin karo talaabo amni keliya. sidaa darteed walaal aniga iyo adiga iyo kuwa nagu ra'yiga ahba maanta wax fara kuma hayno, sida ku wax garadka ah reer galbeed gacanta talo ugu jirin, siyaasadaha reer galbeedka waxaa jaan gooya rag xag jir ah, markaa in dhanka kale xag jir ka soo baxo waa sunnada Allah. Mahadsnid
ReplyDelete
ReplyDeleteWaa qormo dhaxal gal ah, mahadasanid Yuusuf.
aad iyo aad aad baan kaaga mahad celinayaa tusaalayaalka badan iyo xaqiiqda dad badan ka dahsooneed eed noo ifisey, aniga midda icajabisey ayaa aheed xiligii abaartii kadhacdey soomaaliya sagaashameeyadii, marka ardey faransiis ah loo sheegey caruur asaagood ah iney u dhimanayaa gaajo kadibna laga codsadey qofkii awooda inuu keeno bariis ceeyriin, eey ardadii keeneen marka la'isku geeyey bariiska eey keeneen noqdey 9,000tan kadib laga soo dajiyey dakadii macmalka aheed ee ceel macaan ragga xamaalka ahaana uu kamid ahaa wasiir faransiis ah
ReplyDeletemasha allah waa faallo qiimo leh oo tusaalayaal macquula wadata si qotodheerna wax u iftiimisay waanad ku mahadsantahay #yusuf_garaad.
ReplyDeleteMahad sanid Yusuf Garaad waad noo faa'iidaysay alaha kaa abalmariyo
ReplyDelete