Total Pageviews

Tuesday, 10 November 2015

Soomaaliya ma sida Jannadaa?

Soomaaliya iyo Jannada maxaa ka dhexeeya?

Ha soo boodin. Sug aan isfasiree. 

Haddii aad u fiirsato qof waliba wuxuu rabaa in uu jannada galo. Laakiin qofna ma rabo in uu dhinto. 

Malaha taas waa marka laga reebo Shabaab.

Soomaalidu waxay rabtaa in ay Soomaaliya hagaagto oo ay amni darrada iyo dib u dhaca ka baxdo. Laakiin qofna ma oggola in uu howlihiisa iyo danahiisa u daayo, si uu ugu gacan bannaanaado Soomaaliya oo uu gacan uga geysto in dhibka aan ka baxno.

Dadka siyaasadda ku howlan waxay u badan yihiin dad siyaasadda qabaa'ilka iyo musuqmaasuqa ku dhisan mehered aan ahayn aan aqoon iyo dad iyaga oo aan iyagu niyeysan in ay Soomaaliya u shaqeeyaan loo magacaabay xil oo markaas aqbalay. 

Is weydii maxaad ku darsatay in dhibka laga baxo?

Jawaab iiguma filna in xil laguu magacaabay aad aqbashay. Taasi waa nooc kale oo ah in aad shaqeysato adigu. 

Tusaalaha ugu fiican waa qurbajoogta iyaga oo aan Soomaaliya wax tarin oo dibadda isaga nool mar qura soo duula marka xil loo magacaabo, marka laga qaadana halkii ay ka yimaadeen dib ugu laabta.

Waxqabadka aan ka hadlayaa waa ka hor inta aan qofka xil loo magacaabin ama ka dib marka xilka laga qaado ama uu ka dego.

Qormadan ujeeddadeedu ma ahan dhaliil siyaasiyiinta hadda jira, laakiin waa mid aan ku tilmaamayo in loo baahan yahay in la niyeysto in Soomaaliya laga saaro marxaladda adag ee ay mareyso, si taas looga dhabeeyana lala yimaado waxa ay u baahan tahay oo ah in loo daayo dano kale oo aad heli karto.

Howli ma qabsoonto, haddii aan howl kale loo deyn.

26 comments:

  1. Waxaa dhab ah in haddii aan wax la qaban wax ba hagaageyn. Ruux waliba waa inuu dalkan iyo dadkan wixii uu tari karo taro qasab na ma aha in ruuxu uu mansab dowladeed hayo ee isaga oo shacab ah ayuu wax badan qaban karaa. Xitaa ugu yaraan waa in qof waliba ka dhabeeyo in laga nabad galo taasoo runtii ah wax qabad.
    Aan idin xasuusiyee aad ayay muhim u tahay in qaranka Soomaaliyeed loogu duceeyo uu RABBI madax toosan ka soo dhex saaro bulshadana ka dhigo kuwo wanaagsan.
    Yuusuf, aad ayaad ugu mahadsan tahay guubaabaada.

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Sax. Fariin cad oo faalo ka dhan.

    Nin da' yar oo cadaan ah ayaan maalin isku aragnay magaalo ka mida magaalooyinka dalkeena. Wuxuu i waydiiyay; "qashinka magaalada dhex yaala maxaa loo qaadi la'yahay"? In kastoo jawaabo badani igu soo dhaceen, hadana asagii ayaa jawaabtii ku celiyay. Wuxuu iigu jawaabay; "in la qaado ayaan la doonayn". Aad iyo aad ayaan u garawsaday jawaabtaas.

    Hada, dalkeena inuu hagaago waxa kaliya oo hortaagani waa anaga oo doonayn inuu hagaago.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa tusaale aad u wanaagsan oo waafaqsan xaaladda dalka. Waad ku mahadsan tahay.

      Delete
    2. Ahmed hilowle waxaad noo keentay tusaale cajiib ah waa ku mahadsan tahay sxb

      Delete
    3. ma waxaynaan doonaynin in dalkeeno uu hagaago, misa waxaynaa gaarin bislaanshihii, xifradii iyo xigmadii (intellect) dal lagu hagaajin lahaa ama lagu dhaqi lahaa?

      Delete
  4. Haa soomaliya Waa Janada Oo kale, Oo in loo dhinto , loo qado, AMA xitaa loo hawl daayo haddaan la Rabin hagaagi mayso.

    ReplyDelete
  5. Ahmed hilowle iyo yusuf been baad isugu markhaati furteen hadii shaqinka qarax ku jiro ka wrn naftadda halig so maahan iyo meel xun ku dhimo.
    Markaan sidaas leeyahay waxan u hadlayaa dhalinyaradda somali ee aan ka mid ahy qaar ay tahr├Čiben qaar badaha ku dhinteen qaar shabab ku shaqaysato oo danta laga faaidaysto. Sax dalkayga inan wax qabto wan jeclahay talada dad haya iyo kuwa u ordaya ee 30 jir ka wayn meel fariista nawaasha e.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Wax badan oo aan is lahayn ayaad isku dartay, kulligoodna ay wax ka jiraan. Qormadeydu waxay ku saabsan tahay dadka kara in ay dalka wax ka qabtaan laakiin ka doorbidaya iyo in ay danahooda shakhsiga ah ka shaqeystaa, rajeynayana in cid kale ay xallin doonto. Laakiin dad badan oo niyadda ka jecel wanaag laakiin aan awood ay keligood ku fuliyaan aan lahayn weyn badan yihiin.

      Delete
  6. Waa qormo xaqiiqa ah oo qof waliba oo muwadina oo garawsan in xaqa lagu leeyahay mar waliba isweydiiyo marka uu arko Qurba joogo iyo Qorax joog ku mash quulsan dhaliil aan dhamaan kalintoodina gabay marka kalinta shacabka la eego, ayadoo aan ognahay aduunka in qofka muwadinka uu qimo ku leeyahay oo codkisana uu Socon kara marka uu kalintisa qaato canshuurta bixiyo , waqtina u huro dalkisa. Dhanka hogaanka aniga aragtideyda yarta markaan cabiro labo inta ka xorobeeno xaalka sidaan uu ahaana 1. Aqoonyahan (Ismood) iyo Siyaasi (Af mishaar) . Yusuf waa sida hadalka ku soo af jartay "Howli ma qabsoonto, hadii aan howl kale loo deyn" waan riyoonerna wali runta waxa ay tahayna waan ku qanci la'nahay.

    ReplyDelete
  7. @ Yusuf Garaad,

    Aniga oo si xurmad leh jeclaan lahaa in aan ku waydiiyo su'aal si toos ah kuna saabsan dhibaatadda dalkeena in ka badan 1/4 Qarni Jilbaha dhulka u dhigay oo aysan jirin badbaadin ama u Hiilin Arligeena, jirin oo aan jirin Shaqsi si soomaalinimo nadiif ah ka buuxa wadnahiisa iyo dareenkiisa qofeed, ha ahaado siyaasi howl Qaran hayo ama muwaadhin caadi ah.

    Dhab ahaan, hadalada Blog-aad ku qoran si niyad sugan ah ayaan ula dhacay oo aan ugu riyaaqay wax badan oo nuxurka oraahdaada ku xusan waan kugu waafaqsanahay, laakiin Aniga oo aan ogeeyn wadnahaada Guntiisa hoose waxa ku jira aan ku su'aale :

    Adiga Yusuf ahaan, dalkaan dhalinyarada wax u baratay oo aan u maleeynayo fursad wanaagsan in aad ka heshay " Maxaad gacan ama waxqabad dhab ah oo la taaban karo ka qabatay dalkaan oo aan dhihi karno talaabooyinka Yuusuf waa kuwa maangal ah oo aan dhamaan ku bad-baadin karno dalkeena Hooyo ? Mahadsanid

    F.G.
    Hadii hadalkeyga wax gaf ama khalad u aragtay Waxaan ku waydiisan si maamuus ah in aad iga raali noqoto !!��

    ReplyDelete
  8. Waagii uu ka talin jiray wadankii Midoowga Soviet-iga ninkii la oran jiray Nikita Khrushchev ayaa maalin isagoo qudbad jeedinaya waxa uu aad u canbaareeyay una caayay ninkii xilka uga horeeyay ee Stalin, isagoo ku canbaareeyay inuu ahaa nin arxan daran ummaddana caburin jiray.
    Waxaa loo dareeray wax yar oo nasasho ah, miiskii uu fadhiyay Khrushchev ayaa waxaa nin ka mid ahaa raggii fadhiga fadhiyay wuxuu u saaray waraaq ay ku qoran tahay " Adigu waagaa waad joogtaye maxaad wax uga qaban weeysay". Markii la soo laabtay ayuu Khrushchev waraaqdii aqriyay wuxuuna yiri " ni ka waraaqdan qoray waxaan kuu sheegayaa in fadhiga aan kaga fadhiyay kursiga aad maanta fadhidid" Soomaaliya nin maanta wax ka qaban kara wuu jiraa laakiin ma waari karo.

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  10. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  11. Aniga aragtideyda waxan kusoo koobi lahaa hadii aynaan ogolaan sida nalaga doonayo ma ka samata bixi doono dhibta.

    ReplyDelete
  12. Qof aanan rabin inuu wadanka wax u qabto dibedda iyo gudahaba waa yar yahay, laakiin raggaas waxaa kuraasta fadhiisiyay ama caloosha ama cabsi...

    ReplyDelete
  13. Asc ceelna uma qodma cidna uma maqna
    Waqti aan u malaynayo dhamaadkii 1991 mise horaantii 1992 ayaan yusuf ku kulaney meel train station ah suaal ayuu i waydiiyey waxa meeshan cidlada i dejiyey? Waxaan ku idhi waa ka xamaashaa caruurna waan ku korsadaa, wuu ii garaabey, xaafadiisa uu safar ugu yimid ayaan geeyey markiiba isugu kaayo dambeysey, saacadan aan kula hadlaayana anigoo shaqadii maanta soo dhameystey ayaan qaar caruurtii ka mid ah jamacadda ka soo qaadey.
    waxaan ugu jeedaa miyaanan somaliya wax u qaban hadaan intaas caruur ah u koriyey oo wax u barey? Mise intaan dayaco sida ragga qaarkii ayaan wasiir ka doontaa? Ninkii tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara. Halgankana ninba meel buu kaga jiraa

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. Samanter, magaala ay ahaydba waad ku mahadsan tahay maalintaa aad i tilmaanta. Sax, wax weyn ayaad u qabatay Soomaali haddii aad carruur dhashay oo tirada ku soo kordhisay welibana aad waxbarasho iyo tarbiyad wanaagsan aad siisay. Waana mas'uuliyad culus. Laakiin haddii nin waliba iyo gabar waliba ay isku koobto carruurteeda, yaa danta guud ka shaqeynaya? Yaa amniga dalka sugaya? Yaa dadkii diriray heshiinaya ama u kala garnaqaya? Yaa waxbarashada, biyaha iyo cuntada ka shaqeynaya? Yaa carruurta aan waalidka lahayn daryeelaya? Yaa waayeelka ka warqabaya? Yaa dalka dejinaya dabadeedna u suurta gelinaya in ay qaxootigu ilaa maalintaa aan is aragnay ku jiray xero qaxooti dib u soo celinaya? Yaa dalkeenna horumarinaya?

      Weli kaama dalbayo in aad dayacdo carruurtaada oo aad isaga soo tagto. Laakiin howsha socota ayaad qeyb ka ahaan kartaa. Talo, dhaqaale, dhiirri gelin, ka reebid mid xumaan dalka ka wada, tilmaamid qofka khaldan diidana in uu joojiyo, taageero dadka u taagan waxa aad xal u aragto iyo run u sheegid dadka aad isku beesha tihiin iyo inta wax kaa maqleysa, intuba waa wada dan guud. Mahadsanid mar kale.

      Delete
  14. dhibaatada Soomaaliya waa dhinacyo badan laakiin waxaan isleeyahay waxaa madax u ah labadaan qodob oo kala ah 1. JAAHILNIMO iyo 2.WADDANIYAD LA'AAN.
    waayo qofka leh labadaan sifo middood waxba kama sariiganaayo

    ReplyDelete
  15. "Qofkii cudur dilaayo, dawaddaa bogsiisee, haddey Dawo bukooto, maxaa laguu dabiibaa?? Waa tilmaan la daahoo deg deg kuma haboonee, adoo degen u fiirsoo, ujeedada i deeqsii. Dalaa'imadda diintiyo, dastuurka iyo xeerka, haddii dabool la saaro, Dawo bukeetey weeye. Waa su'aal da'weynoo madaxa daalinneysee, wixii lagu sabiibi dadweynahaa la weydiin? 1966 Hassan Sh Muumin AUN.
    Xalka qeybihiisa ugu muhiimsan waa in ummadda wax la baro oo la baraarujiyo, si ay wanaaga u doortaan.

    ReplyDelete
  16. "Qofkii cudur dilaayo, dawaddaa bogsiisee, haddey Dawo bukooto, maxaa laguu dabiibaa?? Waa tilmaan la daahoo deg deg kuma haboonee, adoo degen u fiirsoo, ujeedada i deeqsii. Dalaa'imadda diintiyo, dastuurka iyo xeerka, haddii dabool la saaro, Dawo bukeetey weeye. Waa su'aal da'weynoo madaxa daalinneysee, wixii lagu sabiibi dadweynahaa la weydiin? 1966 Hassan Sh Muumin AUN.
    Xalka qeybihiisa ugu muhiimsan waa in ummadda wax la baro oo la baraarujiyo, si ay wanaaga u doortaan.

    ReplyDelete
  17. Ciwaanka qormadan aad baan ula dhacay. Yusufow in badan ayaad u soo taagnayd Soomaliya iyo hawlaheeda, in dan gaar dan guuud loo dhaafo waan kula qaatay waxaan se jecelahay inaan laba tusaale oo aan u arkay xal idinla wadaago anoo sal uga dhigaya qormadaada.

    Tusaale 1: in hal qabiil ay qabiilada kale ee soomaliyee talada guud ee wadanka uga hadhaan isla markaana talada gobol kastana loo dhaafo qabiilkiis

    Tusaale 2: Nin kasta oo xil loo idmaday uu iska ilaawo dantiisa gaar (ta qabiil iyo tan hunguri)
    Tusaale 3. In ay wadanka loo raadiyo garac soomaliyee (aabo aan la garanayn dhalay) si ay u hogaamiyaan

    ReplyDelete
  18. Somalidu waxey u baahan yihiin in afkaarta khaldan ay nolosha Ka haystaan wax laga bedelo markaa Ka dib bay wax qaban Karaan.

    ReplyDelete
  19. Yusuf Waad mahad san tahay

    See loo heli karaa in la aruuriyo dadka wadaniyiinta ah si fikir midaysan lo helo

    ReplyDelete