Total Pageviews

Monday, 9 November 2015

Buug ku saabsan Soomaaliya 1941 - 1969


Bishaan aakhirkeeda waxaa soo baxaya buug taariikh ah oo uu magaciisu yahay "Somalia Untold Story, 1941 - 1969". Waxaa qoray Maxamed Trunji.

Buugga oo ka kooban 608 bog, waxaa daabacday Looh Press. Sida cinwaankiisa ka muuqata, buuggu wuxuu soo bandhigi doonaa taariikh Soomaaliyeed oo aan hore loo shaacin oo dhacday intii u dhaxaysay 1941 – 1969.

Waxaan akhriyay qoraal hordhac ah oo buugga ku saabsan. Qoraaga buuggana waxaan fursad u helay in aan bishii July kula qadeeyo London, markaas oo uu xoogaa yar iiga taabtay buugga. Qormadani waxay ku saleysan tahay qoraalka hordhaca ah, kulanka qadada iyo aqoonta kooban ee aan u leeyahy qoraaga.


Sannadihii 1941 - 1969 waa xilli muhiim ah oo aad u saameeyay Soomaaliya iyo in kaleba, wiixii markaa ka dambeyay. Qoraagu wuxuu muddadaas u qeybiyay saddex xilli oo saddex maamul oo kala duwani ay dalka ka jireen. Muddo uu dalku ku jiray maamul militeriga Ingiriiska, muddo uu dalku ahaa Maxmiyad Qarammada Midoobay iyo muddo uu dalku lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo xor ah oo rayid ah.

Qoraagu wuxuu ku tilmaamay in saddexdaa xilli ay saameyn ku yeesheen dalka iyo weliba dadka Soomaaliyeed.

Taariikhda xilligaas muhiimka ah wax badan lagama qorin. Inta ka qoranna waa qoraallo ajnebi diyaariyay. Waa xilli loo baahnaa in wax badan laga ogaado, oo weliba aan ka maqalno aqoonhayan Soomaaliyeed. Isaga oo arrintaa muujinaya wuxuu qoraaga buuggani ku tilmaamay in jiilal dhan oo Soomaali ahi ay korayaan iyaga oo aan aqoon taariikhdooda iyo hiddahooda marka laga reebo mid sawir gurracan ka bixineysa dadkooda iyo dalkooda.

Buuggani ma soo wada qaadayo dhacdooyinkii xilliga uu ku saabsan yahay dhammantood, wuxuuse culeyska saarayaa isbeddelladii siyaasadeed iyo kuwii bulsho ee dalka ka dhacay xilligaas.

Baaritaankani wuxuu eegayaa doodihii dhaadheeraa ee aadka u cuslaa ee ka dhacay Qaramada Midoobay, isaga oo si gooniya diiradda u saaraya mowqifyadii is diiddanaa ee Afarta Quwadood oo isku af garan waayay in ay isla meel dhigaan waxa laga yeelayo mustacmaradihii Talyaanigu uu dagaalkii labaad ka hor ka talinayay ee ku yaalla qaaradda Afrika. Waxaa go’aanka mowduucaas loo gudbiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si uu uga gaaro go’aan kama dambeys ah.

Cutub dhan oo buugga ah waxaa uu ka hadlayaa soo ifbixii dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee ugu horreeyay dalka iyo tartankoodii aan naxariista lahayn ee ay u galeen in ay shiiqiyaan masraxa siyaasadda, taas oo mararka qaar keeni jirtay isku dhac uu dhiig ku daato.

Taariikhdan muhiimka ah marka aad akhriso, waxaa kuu fududaanaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in aad wax ka aragto dhinacyo badan oo kala duwan. Waxaa kuu fududaaneysa in aad si miisaaman u falanqeysid waxyaabihii dhacay xilligaas iyo saameynta ay dadkeenna iyo dalkeenna ku leeyihiin ilaa maanta. Weliba falanqeyntaasi waxay noqoneysaa mid ka reebban caaddifad ama ay ku yar tahay, maaddaama sidii ay berigaas wax u dhacayeen aanad hadda waxba ka qaban karin.

Dabcan haddii aad si wanaagsan u fahamto sababaha ay u dhaceen wixii dhacay, waxay kuu bidhaamin kartaa fahamka waxa hadda socda iyo sidii aad ula falgeli lahayd.

Waxaan rajeynayaa in aqoonyahanno Soomaaliyeed oo xilliyadaa shaqeeynayay iyo qaar xilliyadii ka dambeeyay shaqeynayayba ay qoraallo ka sameeyaan dhacdooyinka soo maray, sida ay ayagu wax u arkayeen, go’aammada ay qaateen, sababta iyo wixii ka dhashay.


Qoraaga Buugga 


Mohamed Trunji, qoraaga buuggani wuxuu ku dhashay Beledweyne. Ka dib markii uu Dugsi Sare ka baxay ayay 1962 Wasaaradda Waxbarashadu u qaadatay macallin. Laba sano ka dib wuxuu ku biiray shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo uu ka noqday turjubaan. Baarlamaanka waxaa xilligaas lagu hadli jiray af Soomaali laakiin waxaa doodaha baarlamaanka ka dhaca lagu tarjumi jiray af qalaad si loo diwaan geliyo. Xilkaas wuxuu hayay ilaa la gaaray 1969.

Wuxuu ka qalin jebiyay Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ka dibna wuxuu 1972 ku biiray Wasaaradda Garsoorka asaga oo noqday Garsoore ilaa la gaaray 1980.

Sannadkii 1981 ayuu Jaamacadda UCL ee London uu ka qaatay Diploma ku saabsan qaanuunka badaha. Wuxuu markaa xubin ka noqday ergada Soomaalida ee Shir Qaramada Midoobay oo sannadle ahaa oo ku saabsan sharciga badaha oo lagu qabtay Geneva, New York iyo Kingston oo ah Jamaica. Shirkaasi wuxuu dhalay in 1982 uu soo baxo oo la hirgeliyo Axdiga Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha.

Maxamed Trunji waxaa sannadkii 1983 lagu xoojiyay Hey’adda Qaxootiga Qaranka, wuxuuna madax u noqday Guddiga qaabbilsan qofka ay Soomaaliya Qaxootinnimo u aqoonsanayso. Soomaali badani waxay aragtay Soomaali magangelyo doon ah oo loo aqoonsanayo qaxooti ama loo diidayo, laakiin ma ogeyd in Soomaaliya ay iyadu lahaan jirtay xafiis aqoonsada qaxootiga dalkeeda soo gala? Ilaa 1991 ayuu Maxamed xilkaas hayay.

1992 ilaa 2005 wuxuu ahaa sarkaal sare oo qaabbilsan xafidaadda Qaxootiga oo ka tirsan hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay UNHCR, wuxuuna ka shaqeeyay dalalka Iran, Iraq, Sudan, Ethiopia iyo Zambia.

2005 markii uu shaqada ka fariistay, wuxuu galay Jaamacad isaga oo baranaya Qanuunka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Master ayuu maaddadaa uga qaatay Jaamacadda Essex ee UK sannadkii 2006. Buuggiisa qalin jebinta wuxuu ka qoray Maxkamadeynta [dadka geystay] xadgudubyo xuquuqul Insaanka oo hore u dhacay, taas oo ah mowduuc xiriir dhow la leh waxa Soomaaliya ka dhacayay soddonkii sano ee ugu dambeeyay. Qoraagu wuxuu hadda ku nool yahay London.

Maxamed Trunji, waa aqoonyahan khabiir ah oo af gaaban oo dhacdooyin badan u soo joogay, haddana sameeyay baaritaan qoto dheer. Waxaan rajeynayaa in buuggiisa laga baran doono wax badan, isla markaasna uu dhalin doono doodo iyo lafa-gur ku saabsan go’aammadii xasaasiga ahaa ee xilliyadaas dhacayay. Dooduhu waxaa kale oo ay ku saabsanaan karaan go’aammadii beryahaas la qaatay hadday ahaan lahaayeen qaar ka duwan kuwii berigaa,s waxa laga yaabo in ay dhici kari lahaayeen. Waxaa kale oo aan rajeynayaa in aan ka baranno waxa sababay in dadweynaha Soomaaliyeed ee geeska Afrika ay ku kala qeybsan yihiin dalal kala duwan.  Sababta ma Soomaali baa leh mise duul kale?