Total Pageviews

Monday 23 November 2015

Gaalkacyo ma tebi doontaa Mowtada?

Gaalkacyo waxaa iigu dambeysay 1996. Waxaan dhowr cisho joogay oo aan degganaa Hotel ku yaalla dhinaca woqooyi ee Gaalkacyo, si wanaagsan ayaana laiigu soo dhoweeyay. Waxaan dood u qabtay oo meel isugu keenay wakiillada afar jabhadood oo magaalada taageerayaal ku lahaa. Waxay wakiilladu kala ahaayeen Xaarin, Xabeeb, Cabdullaahi Carrab-buro iyo Axmed Diiriye Alloore.

Maalintaas magaalada waa la wada joogay. Waxaa heshiis lagu wada ahaa in aan la isku dhex dgaalin oo la is nabad geliyo. Waxaa odayaasha guud ee nabadda magaalada ahaa oo kor ka hayay Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid.  Heshiis labadooda iyo Cali Ismaaciil Cabdi ay wada saxiixdeen ayaa magaalada lagu degganaa. Welibana ma jirin ciidammo shisheeye iyo Dowlad Dhexe oo Soomaaliyeed oo la kaashado ama la isula noqdo.

Maanta Gaalkacyo waxaa ka taliya Madaxweynayaal aan ahayn Madaxweynaha Soomaaliya. Laba Madaxweyne ayay magaaladu u qeybsan tahay. Waa Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweynaha GalMudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Haddii maanta la isku dilo Gaalkacyo, waa fashilka labada Madaxweyne. Waxaana la tebi doonaa Cabdullaahi Yusuf iyo Maxamed Faarax Caydiid. Nin maqan in la tebo, waa nin jooga liidnaantiisa. Haddii ay ku guuleystaan in ay nabad dhex dhegaan shacabka Gaalkacyo ma noqon doonto keliya in ay waajibkooda guteen, laakiin waxay u noqon doontaa abaal looga hayo.

Waxaa kale oo mas’uuliyadda in colaadda la soo afjaro ay u taallaa qof kasta oo wax ku tari kara nabadda degaankaas. Colaad haddii ay sii socoto waxay salfan doontaa dad badan oo maanta nool. Xanuunka geeriduna wuxuu gaari doonaa ehel aad uga sii badan inta dhimata. Maanta ayay dabaqabasho leedahay. 

Inta dhimatay ee aan magacooda soo qaaday Allah ha u wada Naxariisyo.

30 comments:

  1. Fadlan aragtidaada iyo / ama taladaada isla boggan ku qor adiga oo mahadsan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Galkacyo waxay masuuliyad kasaarantahay laba madaxwayne Gass iyo guuleed, waxaan leeyahay dabka gaaska kadaaya , maantay labada shacab waxaa kahaysataan ama idiin hayaan taageero wanaagsan , marka dhagta midig wax ugu sheegay , waan ku rajo waynahay inay idinka qaadanayaane

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete

    3. Soomaali waa mid Meel ay joogtaba, In Dadka reer gaalkacyo lagu kala geeyo Xaafadaan waxay ka tirsan tahey Maamaaul Hehel Iyo Maya ee Maamul Hebel kale, Waa Caqli Xumo Soomaali Dib ugu laabatey, Arintaas Waxaan Ku Eedeynaa Aniga Dowladda Dhexe Ee Federal Gaar Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Awoodi weydey Ama ka gaab Satey in Dadka Reer Galmudug iyo Reer puntland ay Kala Saari weydo wax kala.

      Mahad weyn haka gaarto odayaasha Deegaanka oo Ku guuleystey in Damiyaan Colaadi Qaraxdey.

      Delete
  2. Hogaamiye kooxeedyo nabad ay keeneen oo aqoonyahano colaad u badaleen waxay galaysaa diiwaanka sooyaalka Cabdullaahi iyo Caydiid waxay ahaayeen dagaal oogayaal illaahay ha u naxariisto dhamaantood aamin laakiin diktoorada aqoonyahanada ah waa prof Cabduwali iyo Dr Cabdikariim ayaa colaad u horseedahaya umaddii illaahay nabad ha keeno aamin

    ReplyDelete
  3. Hogaamiye kooxeedyo nabad ay keeneen oo aqoonyahano colaad u badaleen waxay galaysaa diiwaanka sooyaalka Cabdullaahi iyo Caydiid waxay ahaayeen dagaal oogayaal illaahay ha u naxariisto dhamaantood aamin laakiin diktoorada aqoonyahanada ah waa prof Cabduwali iyo Dr Cabdikariim ayaa colaad u horseedahaya umaddii illaahay nabad ha keeno aamin

    ReplyDelete
  4. alaha u naxariisto intii dhimatay waxa shalay gaalkacayo ka dhacay waa wax aan wanaagsaneen dib ha iskugu laabteen dadka deegaanka gadaal in loo noqdo waa ayaan daro 20 sano kadib in dadkaan horumar la gaarsiiyo u baahan yihiin

    ReplyDelete
  5. Runtii waa su'aal wanaagsan, waana arin laga noxo in maanta dadka shacabka ahaa dhaxdiisa laysku laayo.
    Waxaan rajaynaynaa in Alle intii dhimatayna u naxariisto, Galkacyana aysan Tabin Mowtadeedii oo kuwa iminka jooga ay noqdaan kuwa caqligoodu shaqeeyo

    ReplyDelete
  6. Waqtiyo kala duwan ayey ahaayen Yusuf Garaadow! Waagas caydiid iyo cabdillahi yusuf waxay hogaaminayen laba kooxod oo isku tabar ah! Lkn imika sidii ma ahan. Baraxley waa minority xaafad galkacyo kadagan. Puntland na wa state within a state.
    Baraxley na Dhagax tuurkoodi ayaa batey, marka sidii dowlad in looladhaqmo ma ahan ee waa OUTLAWZ ubaahan in tabartooda latuso. Aniga galkacyo joogey iweydii. Habeyn walba intey magaalada soo galaan ayey dad ku xasuuqan gabdho na ku kufsadaan baabur iyo xoolo na ka kaxeystaan. Luuqad xabad mooyaane idaa iyo nabad mayaqaanan. Marka yuusuf Garad you are ignorant about the current affairs of Galkacyo now. 1996 ayaa kugu dambeysey marka waaqica soo arag ama jaahilnimadaada dadka kala tag. As for puntland, they have the right to protect their citizens at all costs. Enough is enough!

    ReplyDelete
  7. Waa Cajiib, Waa dagaal Fool Xun, https://www.youtube.com/watch?v=hskv_0LCUJk

    ReplyDelete
  8. Aniga waxey ila tahay in nabad la qaadan doono idin Alle, sababtoo ah waxaan ku kalsoonahay labada hogaamiye Mr.Guleed iyo Mr. Gaas oo runtii ah labo masuul oo leh khalfiyad cilmiyeed oo aan is lee yahay waxey uga faa'iideyn doonaan shacabka labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo.

    ReplyDelete
  9. ALLAHA unaxiisto dhammaan intii ku dhimatay dagaalka hore aya waxaa lo yiri federaal hormar ma keeno marka halmagaalo oo labo madax leh walee waa yab

    ReplyDelete
  10. Dowladuhu waligoodba waa ilaalin jireen heshiisyada aan wax u dhimeynin isbadala siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, illaa waagii Islaamka ka horreeyay.

    Gaalkacyo waxaa in badan lagu cawryay ineey aad u ilaaliyeen heshiiski 20 sano kabadan odayadoodu gaareen. Waxaanse dareen sanahay in Cabdiwali Gaas oo qurbo joog ah iyo Cabdikariin Guuleed oo bulsho rayid ahaa ay fahansaneyna qiimaha ay reer gaaljacyo ugu fadhiso nabada ay soo haysteen xilli aan beelaha halkaa wada daga beelaha ay ka tirsanaayeen aysan isa salaami jirin, salaad isku xiran jirin oo magna kala qaadan jirin saa dhiihoodaa isku banaanaay. Waxaan leeyahay ilaalibta nabadda Gaalkacyo haloo daayo raggii maali jiray.

    ReplyDelete
  11. Waxaan ba la yaabanahay anagoo haysana dhul saas u wayn oo la yiraahdo qofkasta oo somaali ah hadii dhulka laynoo qaybin lahaa waxaa ku soo aadi lahayd 12km square, hadana maalinkasta dhul isku dilaynaa caqli liitee dadkaygu.
    Nabada halaga wada shaqeeyo hadii kale Gunimo iyo Gumaysi ayaa laga dhaxli doonaa.

    ReplyDelete
  12. Absolutely . Nabad galayo ayaa loo baahanyaahay . Waa.inaan wax kabaramaa.xanuunadi badna.ee.in.soo.maray. dadka alla ha walaaleeyo.

    ReplyDelete
  13. Ilaahay wuxu yiri "" wa idaa qultum facdiluu....." Nebigu scw wuxu dhahay " qulil xaqa wa low kana muran"" hadan runta la shegin cadaaladana lagu dhawaaqin guul iyo gobonimo la gaari maayo.
    # yusuf garaad wa raga baraxley Ama Gamudug u dhashay ee weliba fara kutiriis ka wax u bartay ah haduu xaqa ugu hiilin lahaa ee uusan gardaro garab ku siiyeen maanta guulo la taaban karay kaari lahaayeen.
    Glkcyo over 75% wa pland ma wax laysu bar bar dhigi karaa? Dhalin yaro aan dowlad jiheysa school, shaqo iyo mustaqbal qurux badan uga muuqan galkacayo una haysta inay temporary ku joogan rajona ka qabin quruxda iyo aayaha magaalada haday caadeystaan Xabad iyo bililiqo ma in kan qabiil u xiga waxna soo bartay uu garab ku siiya mise wa inu qabtoo sida u dhaamo? Shekadu yeysan noqon fiqi bahdeed kama jana tagto. 2015 wa xiligi aynu runta iyo xaqiiqada ku dhaqmi lahaynn wa iga talo.

    ReplyDelete
  14. Aqoonyahano Ma jiraan ee dalka hada waxaa ka taliya niman qabqablayaal ah oo danahooda waxay ka arki waayaan burburinaya

    ReplyDelete
  15. Mr Garaad Tanks sida wanaagsan aad u cabirtay , Ani waxaa dhihi lahaa Dagaal Wiil Kuma dhashto ee wiil ayaa ku dhinta Caqligana ha shaqeeyo

    ReplyDelete
  16. Mr Garaad Tanks sida wanaagsan aad u cabirtay , Ani waxaa dhihi lahaa Dagaal Wiil Kuma dhashto ee wiil ayaa ku dhinta Caqligana ha shaqeeyo

    ReplyDelete
  17. Mr Garaad Tanks sida wanaagsan aad u cabirtay , Ani waxaa dhihi lahaa Dagaal Wiil Kuma dhashto ee wiil ayaa ku dhinta Caqligana ha shaqeeyo

    ReplyDelete
  18. Waxaa moodaa hadba baal cusub oo dagaalka qabaa'ilka ah in ay Soomaalidu sii furayaan.Waagaas waa sagaashanaadkiiye Dagaalkeena waxaa wxaa saldhig u ahaa Jabhado qabiilo ku salaysan, maantana maamul goboleedo.

    ReplyDelete
  19. Waxaa iigula qaab daran oo iigu tala xun inta ilaah abuuray 25 sano ka bacdi ninka dhalin yara ah ee inta qori qaata qabqable magac madax weyne wata u dhimanaa😫

    ReplyDelete
  20. Mahadsanid mudane yousuf garaad talada fican oo aad siisay dadka somaliyeed .
    mida galkacayo iyo ma naxayaasha masuuliyeenta sheegta oo jooga Somalia gar ahaan potand iyo galmudug waa ineey fiiriyaan shacabka somaliyeed dantooda

    ReplyDelete
  21. Reer gaalkackyo nabada iyo isfahanka iyo in lais jeclaado hasoo dhaweeyan

    ReplyDelete
  22. waa mahadsan tahay Garaad. Gaalkacyo hurinta colaadeeda waxaa masuuliyadeeda qaadaya dhalinta hadda jirta ee waxyaalaha fawaaxishka ah barta bulshada ku kulanta oo aflagaado iyo qabyaalad isugu jawaabaya. dhalinyarada maanta waa ay gabeen doorkoodii waxa ayna ugu abaal gudeen wadankoodii qabyaalad iyo caadifad qabiileed. gunaanadkayga waxaan oran lahaa magaalo sideedaba ma xumaato mana amni la aato ee hadba waxaa sidaa ka dhiga dadka iyo bulshada ku hoos nool.

    ReplyDelete
  23. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  24. waxaa qurux badan in laga fikiro amniga iyo hurumarinta umada soomliyeed maantana daagal diyaar uma haya ee halaga daayo dhibta

    ReplyDelete
  25. dowlada dhexe miyeysan lahayn laan dambi baaris oo cadayn karta waxa sababay dagalka galkacyo waxan filayaa dambiilayaashi dhibkas abaabulay in ay xoriyad dadka ku dhex mushaxayay kaalinta dowlada ma aha waan waan kaliya maxa saabay in wasaradaha shaqadaas leh ay dayacan howshoda qaran

    ReplyDelete

  26. Abdullahi Yusuf iyo Ceydiid Allaha u naxariisto! heshiiskii ay gun dhigga u ahaayeen wax badan ayaa lagu moodey..... Manta oo ay joogaan dad iyagii ka aqoon badana meeshii HESHIISKII 1993 la sii horumarin lahaa ayaaba isagii la burburinayaa.

    Colaado Galkayo waxay Sawir ka bixineysa Kala tagsanaanta Soomalida Guud ahaan iyo dadka BARIGA iyo KOONFURTA maahan Wax reer Galkacyood ku gooni ah...

    DOWLADDA soomaliya Haddii ay rabto in REER ay REER KALE howsgeyso waa mid aan suurtagal noqoneyn...

    SIdii ABDULLAHI YUSUF iyo CEYDIID ay u arkeen xalka xiligoodii; KALA DUWANAANSHAHEENA aan ixtiraamno aanan wada noolaano!.

    Soomaliya hasoo noolaaato!.

    ReplyDelete