Total Pageviews

Thursday 1 June 2017

Afur iyo Casho Arrimaha Dibadda


Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir Axmedkheyr ayaan caawa waxaan afur iyo casho la qaaadannay dhowr iyo soddon mas’uul oo isugu jira Agaasimayaal Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Danjirayaal Soomaaliyeed oo isugu jira qaar hadda xil haya oo dalka shaqo u yimid iyo qaar xilkaas hore u soo hayn jiray muddo dheer.

Waxaa uu ahaa kulan aan rasmi ahayn haddana aan isku weydaarsannay macluumaad ku saabsan shaqada Wasaaraddu sida ay ula jaan qaadi lahayd isbeddellada dalka ka socda ee xagga maamul wanaagga iyo horumarinta dalka, welibana ay Wasaaraddu horseed uga noqon lahayd isbeddellada qaar sida sare u qaadidda habmaamuuska Qaran si loo sugo sumcadda Dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxaa la tilmaamay dhaliilo hadda jira oo ay leeyihiin Safaaraduhu.  Sidoo kale dhaliilo ayaa loo soo jeediyay Xarunta Wasaaradda iyo sida ay ula macaamisho Safaaradaha.  Labadaba waxaa la isla gorfeeyay sida loo toosin karo, sarena loogu qaadi karo waxqabadkooda.

Waxaa kale oo la isla soo qaaday wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaradda iyo hey’adaha kale ee Dowladda siiba Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Waxaan mas’uuliyiintaas la wadaagay in sida Golaha Wasiirradu ay maanta go’aansadeen ay Wasaaraddu hirgelin doonta Sharciga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay 2014 hase yeeshee meel la iska dhigay oo aan la fulin hadda ka hor.

Marka aan arkay sida ay u falgalayaan khibradda gaammurtay ee diblomaasiyiinta ruug caddaaga ah iyo firfircoonida dhallinyarada aqoonyahannada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo weliba wadatashiga waxaa ii korortay yididdiilo hor leh oo kor u qaadday hammigeyga waxqabad taabba-gal ah.

Waxaan howlwadeenna Wasaaradda aan u sheegay in sida keliya ee aan ugu guuleysan karo gudashada xilkeygu ay tahay in aan wada guuleysanno.

Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Shiikh Nuur oo munaasabadda Afurka iyo Cashada nagala qeyb qaatay.

No comments:

Post a Comment