Total Pageviews

Friday 2 June 2017

Afur iyo Casho Danjirayaasha Muslimka ah

Goor dhow waxaan soo gebagebeeyay Afur iyo casho aan u sameeyay Safiirrada Muslimka ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Cashada ka dib waxaan uga mahadceliyay wadashaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda iyo guud ahaanba Dowladda. 

Wuxuu ahaa kulan si wanaagsan looga soo qeyb galay wadahadallo gaa-gaaban oo saaxiibtinnimo oo mid mid ama laba iyo saddex annaga oo ah aan qaadannay.

Intaa ka dib waxaan wada daawannay nalalka cusub ee lagu xiray dhabbaha ay dayaaaraduhu ku rooraan ee gegida dayaaradaha ee Aden Cabdulle si habeennimada loo adeegsado.  Howshaas waxaa ammaanteeda leh Wasaaradda Gaadiidka. 

Danjirayaasha goob joogga ahaa waxaa ka mid ah Turkiga, Masar, Sudan, Djibouti, Ethiopia, Libya iyo Yemen.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa goobjoog ahaa kulan iyo Ku Simaha Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Xersi Xaaji Culusow.


Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaan uga mahadcelinayaa in uu Afurka iyo cashada nagala qeyb galay.

Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Shaqaalaha Waaxda Habmaamuuska Wasaaradda Dibadda oo howshan suurta-gal ka dhigay iyo shaqaamalaha iyo maamulka Hotel Jazeera oo iyaga oo soomman haddana noo sameeyay adeeg soo jiitay Danjirayaasha Muslimka ah.

No comments:

Post a Comment