Total Pageviews

Tuesday 6 June 2017

Kormeer Kedis ah

Maanta (Isniin) waxaan xafiiskeyga ku soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre oo kormeer kedis ah ku yimid xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ka dib markii uu kormeeray qaar ka mid ah Waaxyaha Wasaaradda ayuu Xafiiskeyga fariistay ka dib markii aan anigu ku casuumay in uu kursigeyga fariisto ayuu aniga iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cabdulqaadir AxmedKheyr uu kulan nagula yeeshay, sida ka muuqata sawirka.

Ka dibna wuxuu shir la qaatay Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Isbrasho mid-mid ah ka dib, Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu fasiray siyaasadda Dowladda Cusub.

Wuxuu ku tilmaamay in ay maanta fursad noo tahay in aan taariikh wanaagsan ka tagno dalkana u horseedno isbeddel ka saara xaaladda.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in ay Wasaaraddu dejiso siyaasadda Dibadda ee Soomaaliya oo ku saleysan Istaraateejiyada aan kula dhaqmeyno Dowladaha Caalamka kana tarjumeysa marxladda uu dalku marayo, meesha aan higsaneyno iyo sida aan ku gaari lahayn.

No comments:

Post a Comment