Total Pageviews

Sunday 25 June 2017

Xorriyaddeenna, Midnimadeenna iyo Aayaha Ubadkeenna

Caawa waa habeenkii ugu horreyay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la taago. Waxay ahayd magaalada Hargeysa 26-ka June 1960.

Halgamayaashii suurta geliyay ee dhidibbada u aasay neecawda xornimada ee aan maanta haysanno Allah ha ka abaalmariyo.

2017 waxaa habboon in aynaan annaga oo keliyihi isu muuqan ee aan eegno horumarka ay dalalka asaaggeen ah oo qaarkood ay naga xorriyad dambeeyeen ay ku tallaabsadeen.


Qof kasta isaga oo aan cid iska dhicineyn, cidna aan u sheegeyn, keligiis ha isu weydiiyo in uu ku qanacsan yahay xuquuqda iyo adeegga uu ka helo Qaranka Soomaaliyeed marka uu isbarbardhigo muwaaddinka dal asaaggeen ah.

Markaa ha is weydiiyo waxa ka hor taagaan in uu la xuquuq ahaado oo uu helo adeeg la siman kuwa uu helo muwaaddinka dal kasta oo horumar ku tallaabsaday.

Qodku ha is weydiiyo in sida aan u nool nahay ay tahay tabta ugu fiican ee ubadkeenna u suurta gelin karta in uu la jaanqaado asaaggiis kulana tartamo fursadaha caalamka.

Inteenna maanta joogta shacab iyo siiba Madaxda aan ka mid ahay ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay in aan taabba gelinno midnimo mirodhal ah oo la isaga raalli yahay.

Sida aan maanta go'aansanno ayaa cayimi doonta inta uu la ekaan doono cadka ay carruurteennu ka kasban kari doonto kheyraadka adduunka.


Asaaggeen heerka uu caalamka ka marayo waan aragnaa ee aan higsanno welibana waan karnaaye aan ka dheereyno.

Xornimada, Midnimada iyo Aayaha Ubadkeennu waa kuwo is khuseeya oo uu xiriir toos ahi ka dhexeeyo.

No comments:

Post a Comment