Total Pageviews

Thursday 11 December 2014

Dhallinyaradu maxay ku riyootaa?



Hadaf in la gaaro waxaa ka horreeya hammi. Si kale haddii aan u dhigo, in aad ku riyooto ayaa ka horreysa in aad wax ku dhaqaaqdo. Haddii riyadu ay tahay mid bulsho oo ummad dhami ay isku wax ku wada riyootana waa hammiga ummaddaas.

Qoraa Talyaani ah ayaa ku tilmaamay in dhallinyarada Talyaanigu ay ku riyoodaan 5 E ama shan waxyaabood oo xarafka 'E' ka billowda, shantubana ay ku saabsan yihiin Yurub.


Waa Euro oo ah lacagta Midogwa Yurub, Email, Erasmus oo ah deeq waxbarasho oo dal kale oo Yurub ah lagu tago, Easy Jet oo ah dayaarad raqiis ah oo Yurub isaga gooshta iyo English oo ah afka Ingiriiska.

Waxaan markaa is weydiiyay – Tolow dhallinyarada Soomaalidu maxay ku riyootaa?

Ma jirtaa riyo ay ka mideysan yihiin?

Sawirrada waxaa ka muuqda dhallinyaro aan magaalada Muqdisho ku kulannay 2012 ka dib markii aan ku martiqaaday in aan kala warqaadanno. Iyaga iyo kuwa la midka ah ayaan ku martiqaadayaa in ay su'aasheyda uga jawaabaan isla boggaan qeybtiisa hoose.

9 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan hoose ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Anigga waxaan kuriyooda inaan isbadal wanaagsan sameeyo in sha allah

    ReplyDelete
  3. Yusuf beenta ma ahan helida hamigada waxa ka horeyso inad ku riyooto, tusale ani in badan intan jamacada dhiganayey waxan kuriyon jiray sidi Master aan u diyarin laha waliba wadanka Turkiga ogu diyarin laha, ardada claska markan shekeysano waxan dhihi jiray Master ayan Turkiga u aada, riyadina wey ii rumoowday, isla sandki an Jamacada kaso qalin jebiyay hal bil kadib wan so apply gareyey nasib wanag hori ayan kahelay iyado waxa kaliya isacida aheyd nasibka, alx hadana wan wada, si guud ahaneyd dhalinta wadanka waxay kufikiran, 1- sidi Europ or US u aadi lahayen, labo in biri madax sar sare inay wada noqdan dhamantood, labada aya ogu weyn guud ahan dhalinta wadanka jogty waxay kufikiran.

    ReplyDelete
  4. masha allah, mudane runti wax yaabo kala duwan ayee ku hamiyaan, waxaa ugu horeyso, hanti, awood helid siyaasad, maamul iyo ciidan, waxabarasho, shaqo lacag badan waqti ama culees yar, iyo ku daysiga dadka hal abuur yari, tahriib iyo muqaadaraad weli ha jiraan lkn ma badna, runti intaa ayaa ani hadda ii muuqata lkn waxaan dhihi lahaa dhanka wanaaga ayaa loo socdaa loona batay

    ReplyDelete
  5. Waxaan isleeyahay boqolkiiba 95 dhalinyaradda Somalida, wax ha barto ama yuusan baranin, waxey ku riyoodaan 4 shey:-
    1. Iney lacag helaan xalal & xaaraan waxey ahaataba.
    2. Iney guursadaan.
    3. Iney madax noqdaan si ay lacag, sumacad & magac dhalanteed ah u sameeyaan.
    4. Iney qaraabadooda ama qabiilkooda wax u qabtaan.
    Inta hammigooddu ka koray marxalaadaas aan kor ku soo sheegay waa 5%.... Ayakana waxaa ka maqan sida ay u mideyn lahaayeen ujeedooyinkooda wanaagsan ee ay ka aaminsanyihiiin dalka & dadka.

    ReplyDelete
  6. Riyadeydu waa somaliyoo nabad ah xur hogaan wanagsan dadkuna ay fahmeeyn nolosha aduun sida wadamada aan kunoolnahay oo kale

    ReplyDelete
  7. Mr yuusuf runtii waa muhiim in loo kuur galo ama qofkasta oo dhalinyaro ahi uu naftiisa waydiiyo waxaa ka guuxaya madaxiisa hurdo iyo soo jeedba.
    Runtii qoraaga talyanigu in badan ayuu u fiirsaday anigu waxaan joogaa italy gaar ahaan milano ardayda aan isku classka nahay iyo kuwa aan wada shaqaynaba hammigoodo waa intaa qoraagu sheegay iyo in wehelisa.

    Tan somalida aniga waxaa iiga muuqda dhalinyaro aanba fikir fog aan la hayn niyad jab baahsani uu ku habsadey dalanbaabi ah wax afkoodu soo qabto dhaha waxa gacantooda soo galana afka la'aada.
    Kofku inuu riyoodo waxaa ka horeysa in uu awoodi karaayo in naftiisa su'aal uu waydii karo, maxaa aniga mustaqbalkayga horumarikara yiraado. Uu isagu isla tasho karo inta uusan wax qalad ah ku hadlin ama samaynin.

    Magaalada milano italy waxaan hada ka dhisan urur dhalinyaro kii ugu horey ebid oo laga hirgeliyo waqooyiga italy oo aas aaskiisa anigu aan lahaa hadana hogaamiyo.
    Runtii caqabado badan iyo qalbi jab iyo jahawareer uun baan ka daawoobi waysanahay inkastoo aan dhihi karno hurumar xoog leh ayaan samaynay ilaa markii la hirgeliyey ururkaan.

    Aniga waxaan ku hammiya yuusufoow hadana wax barashada inaan balaariyo igu kalifay in aan mar uun dalkayga iyo dadkayga sumcadooda kaqayb qaato si kaatoo ay noqoto. Waxaan ka dhiishiya markasta waxa kadhacaya dalkayga oo aanan ka seexan habeenkii amaa aanba ku riyooda. Waxaan rajayna in dhalinta manta ay gartaan iftiin fog ay tiigsadaan sidii aan ku gaari lahayn wadadeena ay kuwad shacaan.

    ReplyDelete
  8. anigu waxaan ku riyoodaa
    1. Lacag , si aan u helo-na
    2. shaqo aan ku helo jaamacadaan dhigtay iyo cilmigayga,
    3. Nolol aan cabsi lahayn oon ku shaqeeyo kuna noolaado
    4. Dalkagyga oo qurux badan oo aanan meel kale ka aadin
    5. Internet xawaarihiisu sareeyo oon caalamka kala socdo .

    hadii aan intaas ku helo dalkayga aad baan u faraxsanahay waana jeclaan lahaa inuu Ilahay ii sahlo

    ReplyDelete
  9. Walala Yussuf, aniga aad baan ogola dhacay fikira aad halkan ku soo bandhigtey. waxaan ah shaqale gargaar mudo sagal sano aheyd. waxan intii 16 sano ah ku noolaa xerayaha qaxootiga ee dhadhaab ee waqootiga bari ee kenya. wadanka waxaan ku soo noqdey 2008, sababta keentey soo noqshadeyda waxa ahay bal in aan gacan ka geysani karo caawinta shacabka somaliyeed ee barakacayaasha ahee ee ku noolaa meel badan oo somaliya aheyd waayo taqasuskeyga waxbarasho ayaa humanitarian emergencies. waxaan socdaal ku tagey gobolada somaliya dhamantood anigoo ah shaqaale gargaar, waxaan xogogaal u ahay sooyaalka dhibtada shacab somaliyeed ee ku nool xerayaha barakacayaasha ee puntland, somaliland ,baratamaha iyo konfurta somaliya. dulac warkaas waxa ay tahay , riyadeyda dhabta baa wax ay tahay oo ah mid aan habeen walbo la ooyi in aan arko dadkaas dhibteysan oo dib ugu noqda beerahoodii,iyo deganadii ay xoolaha ku dhaqani jireen oo nabada , oo ka baxay concentration camps ay maanta ku noolyahiin. waxaan is leeyahay yoolkaas waxa lagu gaari karaa ayaado la helo muwadin u damqata shacabka somaliyeed, maanta naasib daro tii ugu xumeyd baa heysata shacabka iyo dhalintaba. waxay ay u baahantahay go'aan geesinimo oo xalada hada jirta wax looga qabto.

    ReplyDelete