Total Pageviews

Tuesday 2 December 2014

Hambalyo Guddoomiye Jawaari


Guddoomiyaha Baarlamaanku markii uu nooqu muuqday in uu xakameyn waayay xubnaha Baarlamaanka aad ayaa loo dhaliilay xataa la gaarsiiyay in lagu baaqo in uu shaqada isaga tago.

Sidoo kale, Baarlamaanka Soomaaliya marka howshiisu cakirantay, xubnihiisuna ay u dhaqmeen si aan jecleysan weynay, aad ayaan u dhaliilnay. Weliba qaarkeen way cambaareeyeen.

Maanta waxay ka gudbeen ismariwaa culus oo muddo soo jiitamayay. Waxayna guda galeen howshooda. Sow gar ma ahan in aan ugu hambalyeyno?

Guddoomiyaha ayaan marka hore u hambalyeynayaa oo ku guuleystay in uu Xildhibaannada ku qanciyo in nidaamka la ilaaliyo, la is isku dayo in la is qanciyo, ugu dambeyntana cod lagu kala baxo.

Sidoo kale Xildhibaannada oo laba fikradood oo aad isu diiddan, waxna aan isu hambeyneyn kala wata, ayaan ku bogaadinayaa in ay is xushmeeyaan, is dhegeystaan ayada oo runtana la isu sheegayo, oo ugu dambeynta la kala dooranayo yeelay iyo diiday.

4 comments:

  1. anagana waxaan leenahay hambalyo iyo insharciga loo hogaansamo.

    ReplyDelete
  2. Guddoomiyaha Baarlamaanku hambalyo ayan leyahay marka hore sida ow ugu dulqatay mudane yasha barlamanka runti sida eey ula dhaqmeen ma'ahan wax fcn marka waxan leeyahay keep up mudane jawari

    ReplyDelete
  3. Waa Arin wanagsan haduu kala qabtey dad kii aan dorashAda ku iman kurasta barlamanka!

    ReplyDelete