Total Pageviews

Tuesday 16 December 2014

Mahadcelin 30,000



Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbadeyda Saxaafadda Bulshada oo tiradooda guud ay kor u dhaaftay 50,000. Gaar ahaan saaxiibbadeyda Facebook oo maanta tiradoodu ay gaartay 30,000 bartan oo keliya.

Waxaan idiin kaga mahadcelinayaa akhriska qoraalldeyda, ka faalleyntooda iyo wax ku biirnta ku dhisan cilmiga, aqoonta, waayo aragnimada iyo madaddaalada.

Waxaa kale oo aan idiinkaga mahacelinayaa wararka iyo macluumaadka aad ku soo bandhigtaan barihiinna oo wargelin, wacdi, aqoon kororsi, talo soo jeedin, ka fekersiin iyo madaddaalaba isugu jira.

Waxaan u mahadcelinayaa dadka barteyda ku taxan oo dhallinyarada u badan wiilal iyo gabdhaba. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa aqoon yahannada ka faallooda qormooyinkeyga si aan wax uga kororsanno.
 
Waxaan gaar ahaan u mahad celinayaa Xildhibaannada, Diplomaasiyiinta, weriyayaasha, fannaaniinta iyo mas’uuliyiinta kale ee badan ee sida joogtada ah ugu xiran taladana uga dhiibta barteyda.

Wasiirrada, Xildhibaannada, Danjirayaasha, Sraakiisha Ciidanka, aqoonyahanna, dhallinyarada nooc walba leh ee bartaan  ra’yigooda ku dhiibta ayaan u wada mahadcelinayaa, waxaanna ku dhiirri gelinayaa kuwa kale eek u xiran laakiin aan talo dhiiban in ay ayaguna talo nagu biiriyaan.

6 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad qoraalada qiimaha badan noogu soo gudbisid anagana aan ka faa,ideysano, hadaan nahay bulsho weynta ku taxan bloga

    Hambalyo ayaan ku leeyahay waxii xumaan ah bulsha ha ku dhex faafin bloga

    ReplyDelete
  2. Yusuf Sxb adan mudan, waxan isku dayi dona inan ku si xirnano bartadan, waxan kaga mahadinayna fikirkaga saliim ka ah,qoraladada wanga badan iyo talooyinkagaba , markale wan ku mahadinayna yusuf

    ReplyDelete
  3. Hambalyo inaad gaadho lambar intaa la eg. Waxaad heshay warbaahin cusub (New Media) taas oo dadka ku akhrisanaya ay ka falcelin karaan. waan la socdaa qoraallada waxtarka leh ee aad nala wadaagto.
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. waxaan salamayaa dhamaan walaalaha ku xiran FB yusuf Garaad. walaal waad ku mahadsantahay garashadaada ah in dadka kafaa ideysanaya aad mararka qaar xusto oo aad ku dhiiri galiso fakirka ay dhiibanayaan iyo inaad xogogaal utahay in maskax tuujintu tahay waxa kaliyah ee bulsho ku hormarto. waxaan ku darsan lahaa in falqaymaha qaar aad ku casuunto dadka aad isleedahay waxbey ku kordhin karaan marxaladaha dhaqan dhaqaale, cilmiyeed, fariimo xanbaarsan wadaniyad, cadaala iyo in loo samofalo kuweyna liita ee aan fursadaha helin. waxaan kaaga mahed celinayaa sida aan kala go'a laheyn ee aad qoraalada wax faa iideynaya noogu soo gudbiso. waxaan kuu rajeynayaa in dadka bartaada ku taxan ay sanadkaan sanadkiisa lamidka ah ay kor udhafaan 100,000 iyo wax kabadan.

    ReplyDelete
  5. Mr Yusuf runtii adiga ayaa mudan in aan anagu kaaga mahad celino inta aad soo xustey iyo inbadan oo runtii aad muhiim u ah oo aad had iyo jeer inoogu soo gudbiso bartaadan. Runtii anigaa oo inta badan waqtigayga ciriiri yahay hadana hadaan qadka soo galo murtida iyo warbixinta hubaalka ku saleysan ee idhaafta ama erayada wacyi gelinta iyo dhiiri gelinta, baaqyada yuusuf graad ayaan ku tashadaa.

    Waxaan kaaga mahadcelinaa dulqaad kaaga badan ee in badan oo dhalinyarada ka mid ah mar marka ay kugu xag xagtaan iyaga oon fikirkaga sifiican u dhuuxin. Runtii hadaanan ka baqayn in beri hadaad hogaan dalka qabato inaad is bedesho, waxaan kugu tilmaami lahaa muwaadiniinta fara ku tiriskaa ee qarsoon ninka ku jira lkn in hadal iga tago ma rabo.
    Aad aad ayaad ugu mahadsantahay sida dhalinyarada aad u wacyi geliso una dhiiri geliso.

    ReplyDelete
  6. Adiga ayaa mudan Yusuf
    Hadii eey dhacdo in aad ka mid noqoto xukumada hada lasoo dhisaayo qoraaladada dhex dhexaadka ahaay kuna saleysna soomaalinimo ma naga goosaneysa? Su'ashan in aad nooga jawaabto ayaan rajeynaya dad badan ayaa isweydinaayo

    ReplyDelete