Total Pageviews

Sunday 14 December 2014

Lama-Tebaan


Nin saaxiibkeey ah ayaa wuxuu qabaa aragtida ah in gudaha iyo dibadaha dalka toona aan laga raadin qof aan hore loo maqlin. 

Sabab wuxuu ka dhigayaa in uusan jirin qof wax qaban kara oo aan hore loo maqal.

Wuxuu yiraahdaa, Soomaaaliya oo dhowr iyo labaatan sano xaalad adag ku jirtay, haba sii kala darnaatee, qofka wax uu qabtaye iska daaye aan la maqal wax uu isku dayay, hanti uu xalka doonistiisa ku bixiyay aan la hayn, talo uu keenay aan la arag, wax uu ka digay aanay jirin, ilama aha in hadda la raadiyo oo xal laga doono.

Si kale haddii loo dhigo wuxuu ku leeyahay, qof aan Soomaaliya hore uga fekerin, hadda kama fekersiin kartid.

Taasi meesha kama saareyso dad dhowrsan, khibrad iyo aqoon leh, damiir leh oo aan xatooyo aqoon ee xalaal quuteyaal ah, isla markaana aan qabyaalad ku dhaqmin oo aan la maqal in ay jiraan. Way dhici kartaa in ay dadkaasi yihiin kuwo waddani ah laakiin aan karti ama fursad u lahayn in ay dibadda u soo baxaan sababtu ha noqoto duruufta dhaqaale, midda amni ama wax kale oo aammusiyay.

Nuxurka doodda saaxiibkeey wuxuu ku qotomaa in ay tahay waajib in qof kasta oo wax isku falayaa uu dalka nabadeyntiisa iyo dib u dhiskiisa ka qeyb qaato, hadba kaalinta asaga ama ayada uga bannaan.
Xataa haddii aanuu raalli ka ahayn sida ay wax u socdaan, qofku waa in uu isku dayaa sida asaga la habboon in uu hirgeliyo.

Adiga maxay kula tahay?

3 comments:

  1. Waxaan ku dari lahaa in qof walba loo dhiibo shaqaduu aqoon durugsan u leeyahay

    ReplyDelete
  2. aragtidaas totally waa lunsantahay.
    1-dadka lagaranaayo ee dhaqdhaqooda aan aragno,intooda badan waa tuugo wax matarayaal ah intooda yarna waa dad wax tar leh dhowrsana. taasi waxaa daliil u ah wax qabadkooda oo ah waxa ka jira dalkeena. hadii intooda badan wanaagsanaan lahaayeen intooda yarina ay xumaan leheed wax badan ayaa inoo hagaagsanaan lahaa wax yarina waa ay inaga xumaan lahaayeen.
    2- dadka aan lagaranayn. intooda badan waa dad wanaagsan go`aansadayna in shartooda ay dalka ka fogeeyaan maadaama shar iyo shaydaanimo un socoto,intooda yarna waa nacas yaal iska hurda oo aan latebin wax wayna aan qaban doonin.
    dooda ah qof aan la garanayn oo inoo dhiman majirto waxaa ay ka dhigantahay in somalidu yihiin dad howlgab ah oo aan aduun ka wax ka qabsan karin sababtoo ah dadka hadda lagaranaayo howshoodii waa ay qabteen wax qabadkooduna wuxuu isugu tegay in aan nahay failed state.... dawlad ba'an. rajada kale ah ee aan qabi karno waa in ay jiraan in badan oo karti iyo xalaal miirad ah lkn gacmuhu isu saaranyihiin oo ay tahay in ay hadda waxqabad u diyaar garoobaan iyo in yar oo hadda shaqaysa oo xalaal miirad ah lkn ay shiiqiyeen tuugada wax ma tartada ah ee imminka na maasheeyey

    ReplyDelete
  3. Dad badan oo wax qabtay ummaduna u riyaaqday way Jireen laskiin waxaad moodaaba inay wax qabadka & Dadaalkooda eedeen

    ReplyDelete