Total Pageviews

Wednesday 10 December 2014

Marxuumka ehelkiisa ma la wargeliyay?

Marka qof la dilo ama uu iskiis u geeriyoodo, dadka ugu horreeya ee ay tahay in ay ogaadaan waa qoyskiisa; waalid, xaas ama say, carruur hadduu dhalay iyo walaalo.

Markaas ka dib ayaa saxaafadda lagu faafiyaa.

Hadda adiga oo Facebook iska dhex mushaaxaya ayaa waxaa kaa soo hor baxaya Innaa Lillaahi…waxay hadda naftu deysay… iyo waxaa hadda la ii soo sheegay geerida saaxiibkeey …

Qaar ka sii daranna marka qarax dhaco ayay meydka iyo dhaawaca sawiraan, isla markiiba waxay sawirradaas ku soo bandhigaan saxaafadda.

Bal qiyaas Marxuumka qoyskiisu inta magaalo, dal ama qaaradood ee ay ku kala firisanaan karaan. Ma rabi lahayd aabbahaa oo in naftu ay deysay aan weli laguu soo sheegin in aad Facebook ku aragto? Ama walaalkaa ama Xaaskaaga?

Waxaa habboon in la qaddariyo ehelka Marxuumka dhintay. Aniga waxaa ila habboon in aan isla saacadda uu qofku dhinto aan hore lagu soo qorin saxaafadda, haddaan qoysku sidaa dooran.

Qofka tacsida ku diraya saxaafaddu ma ahan weriye war la cararaya oo wakhtigu ku dhacayo. Wax diidaya ma jiraan in uu hal maalin sugo ama uu aaska ka dib uu tacsida ku gudbiyo saxaafadda.

Inta aadan tacsi ama sawir soo dhigin Baraha Saxaafadda Bulshada, su'aasha ay tahay in aad is weydiisaa waa cinwaanka qormadaan: Marxuumka ehelkiisa ma la wargeliyay?


10 comments:

  1. Cajiib waa wax lala yaabo waa wax ku haboon in lafahmo.
    Xusiis waxaa noogu filan su'aashan

    ReplyDelete
  2. Nin soomaali ah oo sarkhaansan oo tareenka dhulka hoos mara saaran, ayaa islaan caddaan ah oo ay wadataa la soo ag fadhiistay. Intuu booday oo uu qayliyay ayuu yidhi: "iga durki ayga, muslinbaan ahay!". Waxay tidhi diintaadu khamrigaba ma oggola. Qofku isagoo wanaag samee is leh ayuu dhaqanxumo ki kici karaa. Waa ayaan darro qofka war ama sawir mayd laga yaabo inaan wali ehelkoodii maqal ama raalli ka ahayn sawirka marxuumkooda inuu idan la'aan ku faafiyo netka. Waa su'aal runtii giligishay dareenkayga. Qofna ma jecla inuu maydka ehelkiisa ki arko netka. Garaad, waad ku mahadsantahay inaad nagu baraatujisay arrinkaas muhiimka ah. Jazaaka Allah.

    ReplyDelete
  3. maashaa allah allaha kuu siyaadiyo aqoontaada waa waano nagu filan hadaan wax maqleyno

    ReplyDelete
  4. Wa fikir saliiima Somali waxaan ubadanahah bulsho wareeed taa aya keneysa inu qofku ladag dago warka sida wariye waqti ku dhacayo. Marka Yusuf Garad wa bararujin xilligeeda kuso aaaday e Allaha na fahansiiyo arinkaaas. Aaamin. Thanks Mr. Garaad for d sharing such amazing reminder.

    ReplyDelete