Total Pageviews

Wednesday 18 November 2015

Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka

Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla qornay oo isla qaabeeynay.  Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in aan wax ka qoro Cawke aniga oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa…

Xaqiiqadu  waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo. In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray. Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta, wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu Soomaali ka dhaliyay.

Axmed waxaan isku barannay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay cirkaa mareyaan. Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.

Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo. Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii. Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay laakiin aan cidina magceyga aqoon.

Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo ku yeeshay. Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Axmed Siciid Cige, Shukri Maxamuud Afrax iyo Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo Zakariye oo isagu hadda Barnaamij Telefishin sii daaya. 

Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay. Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel, fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka uu yahay. Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan yihiin.

Waxaa kale oo ay isbarteen Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd. Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye Afrax.

Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno. Khibraddaas oo markii dambe uu uga faa’iideystay Bush House in isaga oo wakhtigu ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.

Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri jirnay telefoonka. Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC. Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.

Raadiye iyo Telefishin

Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo biyo kama dhibcaan ah, diyaar garow maskax ku saleysan, xowli howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku sargo’an. Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa gudboon, suurta galna noqon kara in laga yeelo.

Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo Telefishin waa howlwadareed oo qof keliyihi ma qaban karo. Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka la soo saarayo - war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.

Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr maalmood ama ka badan ay koox dhami ka soo shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta qaadaya ee dhegeystaha ugu gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya baaburka si uu farriinta ugu gudbiyo.

Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay in uu ka tarjumo. Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.

Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta. Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay Barnaaij wada diyaarinayaan.

Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.

Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa. Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.

Hibo Allah

Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.

Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax. Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.

Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo. Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi. Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani ay qiran yihiin. Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaannada gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.

Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida madaddaalada.

Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada Soomaalida. Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.

Dabeecad-wanaag

Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada. Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.

Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula macaamilyaan. Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).

Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan, kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar la’aan ah howsha ula fuliya ikm.

Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.

Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.

Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo koobi karo.

Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo. Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan ay cafiyaan, una duceeyaan.


Muqdisho

Dad badan ayaa shalay iyo xalay iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan Cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn. Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen. Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu yiri.

Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.

Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay Facebook. In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794  waxaana share gareeyay 432.

Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro baabuurta ka gudbeysa la baaro oo mugdi ah uu soo istaagay baabuur aan la socday. Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido. Askariga oo wadaha soo ag istaagay ayaa markii uu i aqooday uu baabuurka la soo wareegay oo dhankeyga yimid. Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan. 

80 comments:

  1. Aaamin Ilahay qabriga ha u waasiciyo, waxan weynay halyey ku caan ah saxafadda, luqada iyo Somalinimada intaba..........

    ReplyDelete
  2. Allaha unaxariisto Axmed Xasan Cuuke. Nin la jecel yahay buu ahaa. Qofka dadku jecelyihiina Alle waa jeclaadaa. Qaranka Soomaaliya wuxuu waayay ruug cadaa. Yuusuf adigana waan kaaga tacsiyeynayaa.
    #Kaligiiduul

    ReplyDelete
  3. Allaha unaxariisto Axmed Xasan Cuuke. Nin la jecel yahay buu ahaa. Qofka dadku jecelyihiina Alle waa jeclaadaa. Qaranka Soomaaliya wuxuu waayay ruug cadaa. Yuusuf adigana waan kaaga tacsiyeynayaa.
    #Kaligiiduul

    ReplyDelete
  4. Inaa lillaahi wa Inaa Ileeyhi Raajicuun Rabi ha u Raxmado Adeer Coowke. Sabar iyo Iimaan Allaah hanagawada siiyo. Amiin.

    ReplyDelete
  5. allaha unaxariisto walaalkeen oo maanta duco uun inooga baaahan

    ReplyDelete
  6. Inaa lillaahi wa Inaa Ileeyhi Raajicuun Rabi ha u Raxmado Adeer Coowke. Sabar iyo Iimaan Allaah hanagawada siiyo. Amiin.

    ReplyDelete
  7. Ebbe naxariisti janno ha siiyo wariye Ahmed hassan awke.

    ReplyDelete
  8. paragraphka ugu danbeeya runtii ilin ayuu iga keenay , odhaah carabi ah ayaa tidhaa
    Asxabul qadiimi khayru mina nasabi . ilahay cawke qabriga ha u nuuro


    ReplyDelete
  9. Aamiin Allaha u naxariisto, dembigiisana Allaha dhaafo, qabrigana u waasiciyo. Wuxuu ahaa rug-cadaa usoo shaqeeyay dalkiisa & dadkiisa... Qoyskii & asxaabtii uu ka tagayna samir & iimaan Allaha ka siiyo...

    اللهم اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله
    بالماء والثلج والبرد ونقه من الذنوب والخطايا كما ينقّى الثوب الأبيض من الدنس
    اللهم باعد بينه وبين خطاياه كما باعدت بين المشرق والمغرب
    اللهم اجعل قبره روضة من رياض الجنة

    ReplyDelete
  10. Allaah ha u naxariisto dambigiisana ha dhaafo eheladii iyo qoyskii uu kageeriyoodey samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo iyo dhamaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga si gaar ah Yusuf Garaad wuxuu ahaa nin aad qaali inoogu ah bulshadana kuweyn Rabbi qabrigiisa ha u waasiciyo.

    ReplyDelete
  11. Gabangabada qormadu, runtii way itaabatay, marka askarigu kaaga tacsiyeeyay geerrida ruug cadaaga saxaafada somalida ee cowke. Ilaahay naxariistii jano hasiiyo

    ReplyDelete
  12. mahad sanid
    maadaama oo ay soomaalidu ka wahsato in ay akhrido qoraalada dhaadheer inkastoo aanu kani dheeraynba hadana waa muhiim in la duubo codkan waxaan isku dayeyaa caawa in aan duubo qoraalkaagan yuusuf kadibna ku faafiyo baraha bulshada somaliland

    ReplyDelete
  13. Aamiin yaa rabbi. Jannatul firdowsa Allaha ka waraabiya

    ReplyDelete
  14. Aamiin yaa rabbi. Jannatul firdowsa Allaha ka waraabiya

    ReplyDelete
  15. ilaahay ha u naxariisto, qoraalkaagu waa abaalgud wayn. runtii aad ayaan uga naxay markii aan shalay maqlay. mana nasan ilaa aan ka ogaaday ehelkii uu ka tegay iyo caruurtiisa oo internet-ka ka ogaaday, taasoo niyadda ii dejisay, iguna qancisay inuusan naga dheeraan Cawke, allaha u naxariisto oo denbigaasa ha dhaafo.

    ReplyDelete
  16. alle ha u naxariisto, waxanse adiga aanaan ilaabi karin marka aad cid wareysadi amaba barnaamij sii deyneysida sida uu kuu amaanijirey " Madaxa laanta afsomaliga Yusuf-garad cumar axmed ayaa wareysi la yeeshey madaxweyne Geele" ilaahey ha u naxariisto codkiisa ayaan xaley ka seexan waayey marwalba dhagahayga ayuu ka sii guuxayaa

    ReplyDelete
  17. ilhy naxariisti janno ha ka waraabiyo samir iyo iiman ha ka siiyo qoys iyo qaraabo iyo ciday sxbo gaar ah ahaayen sida adiga o kale yusuf garaad ruti wan dareemi karaa sxb aad isagu dhawdiin inuu kaa baxo oo waliba wax idinkoo wada qori jiray marka danbe qalinka aad u qaadato adigoo aad u isticmaaalaya wuxu ahaaa wuxu ahaaa runti waa dareen murugo badan lkn sunaa nolosha aadamaha ayaa ku dhisan wxn alle ka baryayaaa in danbisa dhaafo cid walba oo jecelaydna samir iyo iman

    ReplyDelete
  18. INAALILAHI WA INA ILEYHI RAJICUUN ALLAHA UNAXARISTO JANATUL FARDOWZA ALLAHA GEEYO AAMIIN.

    Waxa uu ahaay Cawke halyeey aysan jirin cid lagu qiyaaso , Markii aan maqlay aad aan uga naxay waxaan dareemay durbadiiba in soomaaliya oo dhan halyeey in uu ka baxay , Yusuf Qormada xili ay dhamaatay waan garan waayay sida aan coweke codkiisa ugu oomana una xisayn jiray aan u xisaynaayay inaan wax ka ogaado tariikhdiisa lamana soo koobi karo waxa uu mudan yahay in taalo loo sameeyo ama wasarada warfaafinta dhismayasheeda qeyb kamida loogu magac daro oo loogu maamuso, Tariikh diisana bugaag laga qoro Dugsiyada dalkana lagu dhigo.
    Waana kaga tacsiyeena Geerida ku timid saxiibkaadi qimaha badnaay ee xirfad wadaagta aad ahaydeen.

    ReplyDelete
  19. Aamin samir iyo imaan alaha nagasiiyo dhamantiin.

    ReplyDelete
  20. Aamin samir iyo imaan alaha nagasiiyo dhamantiin.

    ReplyDelete
  21. Cawke Ilaahey Jannadiisa weyn ha galiyo. Adiga oo Yuusuf ah iyo ummadda Soomaaliyeedna samir haka siiyo. Aad baad ugu mahadsantahay qormadan oo wax badan naga bartay marxuum Cawke.

    ReplyDelete
  22. Cawke allah u naxriisto qofwalibana wuu u duceynayaa isagu ma aheen siyaasi oo umada dulmi ka galay ee wuxuu ahaa wariye wanaagsan allah u naxriisto, Yusuf adigana samir iyo iman allah idinka siiyo.

    ReplyDelete
  23. ilaaheey hau naxariisto danbigiisana ha dhaafo walaalkeen

    ReplyDelete
  24. Amiiin ilaahay ha u naxariisto janadiina haka waraabsho.

    ReplyDelete
  25. Illaahay Naxriistii Janooyinkiisa Haka Waraabiyo Samir iyo Iimaana Haka siiyo, AAAAMIIIN, Qoraalkaagani waa mid aad qiimo badan oo ka waramaya intii aad ka taqaanay taariikhdii Marxuun Axmed Xasan (CAWKE).Runtii wuxuu ahaa Weriyihii dagaalkii 77kii ee Ethiopia iyo Somalia markuu faalada warka kasoo tibinaya Radio Hargeisa dadkoo oo dhami idaacada ka dhegeysan jireen ee lasoobuuxin jirey Makhaayada iyadoo lays buuxdhaafinjirey dhegeysigaa aadna loo dhegeysan jirey faaladiisa oo dadweynuhu ku dhiirigein jirtey in ay ka qaybqaataan. Imaqashii iyo madadaalidii Cawke iyana sidoo kale qofkastoo Soomaali ahiba wuxuu jeslaa in aanay dhaafin. CAWKE ALLAA YA RAXMA. AAMIIN

    ReplyDelete
  26. Allaha u naxariisto Wariye Cawke oo aan inbadan barnaamish yada youtube ugu jira aan daawaday si ku celcelis ah, kama xiiso dhaco xaqiiqdi. Waxaa laakiin illin aan filaneyn iga timid markaan soo gaaray gabagabada qoraalka iyo sida uu kaaga tacsi gutay askariga. Intii hore si dabacsan ayaan u aqrinayay laakiin aan qalbiga adkeynayay, markise gabagabada la yimid sidi ineey is urursaneysay ayeey isoo dhaaftay. Inbadan waan u duceeyay teer iyo shalay, dad badanoo aan wanaag ku aqaanana waa u duceeyeen ALLAHA naga wada aqbalo. Qoyskii uu ka baxay iyo umada soomaaliyeed oo dhan samir ALLAHA kawada siiyo. Isagana su'aasta qabriga Allaha u fududeeyo, qiyaamaha inta harka galeeyso, jannadana Firdowsa al aclaa. Aamiin yaa ALLAAH.

    ReplyDelete
  27. Amiin ala ha unaxariisto janadiina illahay hakawarabiyo muwadan dhab ah buu ahaa runtii

    ReplyDelete
  28. Alla Yaa Raxma Ahmed waxaan ka xusustaa markii intuu qof la hadlo uu qofkii si wanagsan ugu jawaabo. wuxuu oran jiray. (esh qiyaasak)

    ReplyDelete
  29. Alla yaa raxma allaha ha u naxaristo cowke

    ReplyDelete
  30. Intii qof binu aadam ah uu kaqoro qofkale oo ay sxb yihiin runtii waad sheegtey waxaad la hadhay majiraan Mr Garaad Allaaha weyn ee adunkan iskale naxaristiisa waasaca ah iyo mida qaaska ah ba haku kulmiyo Halyeyga Caanka ah ee lagu naa neeso Cawke. Allaah amiin Allaah amiin Allaah amiin

    ReplyDelete
  31. Xadiis saxiixa wuxuu nabigu CSW ku leeyahay " waxaa tihiin marqaatiyaasha ilahay ee dhulka" oo macneheedu yahay wixii aad sheegtaan waa xaq. Kuli waxaan isku raacnay inuu Cawke ahaa nin wanaagsan ilahayna waa maqlayaa allaha u naxariisto.

    ReplyDelete
  32. Alle ha u naxariisto wariye Axmed xasan cawke, yusuf waa runtaa oo ninkasta bahda la shaqada ah ayaa looga tacsiyeynaaya. Axmed nasiib ayuu lahaa oo adiga ayuu kaa hormaray, saas waxaan u leeyahay qofkale maanta qormadaa wanaagsan, tafaftiran, xaqiiqada iyo khibrada ku salaysan kaama qori kareen.
    Adigana yuusuf waxaan rajayn in qormadaas mid lamida lagaa qoro doono insha allah maalinkaad gurigaaga dhabta ah u hoyoto.
    Waxaad kamid tahay dadka anigoo aqoon aan aaminsanaa inuu yahay qabiil iyo nin xun oo idaaca beeshiisa ugu adeega lakin facebook ayaa ikaabaray inaad tahay shaqsi hal door ah bulshadaba miisaan ku leh. Qodkasta fikirkiisa iyo dhaqankiisa ayaa la gartaa wanaagiisa adiga iyo inta kulamida alle hanoo kiin daayo aamin.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waan kugu racsanahay in yusuf garaad markuu BBC da joogay iyo Hada uu yahay laba qof oo dadku wax badan oo ay moodi jireen inuu yahay uusan ahayn.

      Delete
    2. Amiin Yuusuf waa nin wayn aniga saxaafada ayaan bartay oo aan ka gaaray Master balse kuma aanan shaqeenin ' waxan jeclaa oo an jeclahy mar un in aan isla shaqeeno Yuusuf Graad wareysiyada ayuu ku dheereya iyo qormada

      Delete
  33. Cawke alle how naxariisto dhamaan umada somaliyedna samir iyo iman alle haka siiyo.

    Lkn yusuf garadoow sxb adoo raaliya anigu magacaga uun baan maqlay si buxdana aqon kuma lihi somalidu dadka waxay faalo ka qoraan markuu dhinto ama xil loo dhiibo marka yuusufow aniga aad ban qoralkaga u aqriyaa sida aad hadalka u kala dhigdhigto ayaan waxaan isdhehaa ninkani waa nin ku soo barbaaray baadiye iyo meel afsoomali iyo dhaqan yaal lkn mararka qarna waxaan arkaa sawiro hore oo adigaa oo aad soo galiso oo ciyalka xafadaa marka in yaroo korimadadii ah bal nala wadaag adoo mahadsan haday suura galtahay.

    ReplyDelete
  34. Yuusuf wan isku dhacnay kadibna wan hishiinay wan cafiyay ma jirto miyaaa ALLAHA U NAXARIISTO

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aniga iyo Cawke weligeen iskuma dhicin in ka badan howl maalmeed markaa taagan.

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
  35. Yuusuf Garaad nin igu weyn ayaa tahay ka shaqsi ahaan ma ahan in aan isku heyb nahay ama ku garanaya laba dad baynu kala nahay nalse nin mihnafiisa lafa guray baa tahah

    ReplyDelete
  36. Runtiii qorma fiican ayaad ka diyaarisey walal YUSUF GARAAD walalkeen AHMED HASSAN CAWKE wana kaga mahadcelinayaa ilaahayna ha unaxariisto aniga shakhsiyan waxaan kamid ahaaa dadkiii jeclaaaa dhagaysiga barnaamijyadiiisa janatul fardowsa ayaan ilaahay uga baryayaaaaa aameen ameen

    ReplyDelete
  37. Runtiii qorma fiican ayaad ka diyaarisey walal YUSUF GARAAD walalkeen AHMED HASSAN CAWKE wana kaga mahadcelinayaa ilaahayna ha unaxariisto aniga shakhsiyan waxaan kamid ahaaa dadkiii jeclaaaa dhagaysiga barnaamijyadiiisa janatul fardowsa ayaan ilaahay uga baryayaaaaa aameen ameen

    ReplyDelete
  38. Ilaahay ha unaxariisto,wanaagiisa iyo waxqabadkiisa lamasoo koobi karee,

    ReplyDelete
  39. Inna Lillah wa inna ileyhi Raajicun. Allaha u naxariisto Cowke:(

    ReplyDelete
  40. Inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun, allah ha u naxariisto Cawke waxa uu ahaa weriyaha aan ugu jeclahay weriyaasha Soomaalida, afka Soomaaligana ereyo badan ku kordhiyay intuu ku dhexjiray saxaafadda...

    ReplyDelete
  41. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  42. Ina Lillahai wa Ina Ileyhi Rajicuun Allaha u raxmado walaal cowke wuxuu ahaa xaqiidii halyey Somaliyeed oo boos muhiim ah baneeyey. Run ahaantii waxay ahayd geeri aad u naxdin badan balse lahubo in loo wada socdo Allah ayaan marewlba uga baryeynaa inuu u naxariisto janadiisana ugu deeqo adigana waxaan kaa codsanayaa inaad buug taariikheed ka qorto shaqsiga uu ahaa iyo howlkarnimadiisii si dadku uga faaiideystaan tan kalena aad wax badan ka qorto xogta xalaasha ah ee aad dalka iyo dadka kaheyso si aanan u lumin xogta iyo qibrada aad u leedahay dalka iyo taariiqdiisa haduu waqtigu kuu yimaado waayo meel naloosoo jiro maan ogin.

    ReplyDelete
  43. allaha u naxariisto wariyihii caanka ahaa ee axmed xasan cawke adiga,anaga iyo dhamaan dadka af-soomaaliga ku hadla meelkasta oo ay joogaan samir iyo iimaan allaha kasiiyo waxaa la isku raacsan ahay in uu ahaa wadani dhab ah oo la jecel yahay waa hubaal in tiir wayn uu kabaxay bahda saxaafada af-soomaliga ku hadasha ama ay jabtay qayb kamid ah laf labarta oo muhiim ah

    ReplyDelete
  44. Innaa lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.
    geeridaas naxdinta leh waxaa culaskeeda nasii dareensiiyay qoraalkaan xog ogaalnimadu ka muuqato ee aad qortay.
    Ilaahay ha u naxariisto Cawke. Reerihiisii, adiga iyo bahda saxaafadda iyo inta Afsoomaaliga ku hadashana Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo.
    Aamiin.

    ReplyDelete
  45. waxaan hayaa barmaamijyo kahadlaya taariikh da soomaalida oo kabaxay bbc oo soojeedinayaan AUN cawke iyo aadan nuux dhuule runtii wax badan baa laga dhaxlay cawke AUN yusuf garaad waad ku mahadsan tahay qormadan iyo taariiqda aad noo faa'iday say ilahay samir iyo iimaan hakaa siiyo

    ReplyDelete
  46. Ilahay ha unaxariisto Marxuumka Jinaasadiisii baa laga gartaa in uu ahaa ruux wanaagsan

    ReplyDelete
  47. Ilaahay Naxariistii Janno Haka Waraabiyo Ahmed Hassan Sheikh Suufi (Cawke )

    ReplyDelete
  48. Ilaahay Naxariistii Janno Haka Waraabiyo Ahmed Hassan Sheikh Suufi (Cawke )

    ReplyDelete
  49. Ysuf: Cowke gabbi ahaan wuu naga wada baxay Ilaah qabriga ha u waasiciyo. Inti uu ka dhintay oo aan anagaba kamid nahay samir ha inaga siiyo

    ReplyDelete
  50. Alle naxariistiisa haka waraabiyo nin Qaali ah ayaa inagabaxay Runtii

    ReplyDelete
  51. Allaha u naxariisto Ahmed Hassan Cawke, Eheladii, qaraabadii iyo asxbtii uu tagayna Allaha samir iyo iimaan haka siiyo, runtii waxan kusoo bar-baaray xiligii uu BBC da London kaga tabin jiray barnaamijyada, runtii waxa uu ahaa qof Ilaaheey hibad u siiyay cod iyo soo jeedin, Qabriga Allaha u waasiciyo.

    ReplyDelete
  52. ALLAH unaxariisto AXMAD XASAN (KAWKE) masha ALLAH waa qormo wanaagsan sido kale waxaan rabnay taariikh dhanka xiligu dhashay mesha u ku dashay iyo inta xil uu qabtay hada iyo aqoontiisa AUN

    ReplyDelete
  53. Inaanilaah Waa inaa Ilaahi Raajicuun,Yusuf Garaad samir iyo Iiman

    ReplyDelete
  54. Waa qormo wax ku ool ah .. Ilaahay h U NaXaristo qabrigAnA hA u waSiciyo janada hoygiisa haka yeelo

    ReplyDelete
  55. اللهم أغفر له وأرحمه واعفوا عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الذنوب والخطايا كما ينقى الثوب الابيض من الدنس اللهم جازه بالحسنات احسانا وبالسيئات عفوا وغفرانا اللهم يمن كتابه ويسر حسابه وابدله دار خير من داره اللهم نور عليه قبره وامدد له فيه مد بصره واجعل اول منازله من الجنه ... امين

    ReplyDelete
  56. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Geeridu waa xaq. Allah waxaan uga baryayaa inuu u naxariisto addoonkiisaa oo uu noqlosha dunida ugu beddelo mid ka khayr iyo raaxo badan, ehelkiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo. Axmed X Xawke waxan aamminsanahay in uu ahaa qofkii ugu caansanaa ama dhowr kii qof oo ugu caansanaa dadka ku hadla afsoomaaliga. Qof kastana wuu jeclaa inuu mar uun arko oo la kulmo Cawke. Waa astaanta lagu yaqaanno qofka wanaagsan.

    Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay Yuusuf qoraalka walaaltinnomo ee aad ka qortay marxuumka. Allah ha kaa jazaa'i siiyo.

    ReplyDelete
  57. Cawke Ilaahay ha u naxariisto, adiga iyo kulligeena samir iyo iimaan.

    ReplyDelete
  58. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  59. Mar aa is dagaasheen soo majirin, BBC oo madaxaaga uga tagay, inti aad laanta Af-Somaliga haysatay!?

    ReplyDelete
  60. cowke haloo duceeyo bulshoy faarfaaritaan uma baahna wixii horey u dhacay

    ReplyDelete
  61. Waa Tiir Dumay Tiirarkii Saxaafadda Ilaahoow Naxriistaada Ugu Deeq Adaa qaniyee

    ReplyDelete
  62. taas waxay cadeyn u tahay in cawke allah u naxariste iyo adiga xiirri weyn idinka dhaxeyay

    ReplyDelete
  63. Rabbi Naxariistii janno ha siiyo. Cawke wuxuu ahaa nin culus

    ReplyDelete
  64. Cawke samir iyo Iimaan allaah naga wada siiyo adigana waxaad aheyd saaxiib nooga dhowaa anagana waa naga baxaye ilaah samir saadaq ah hakaa siiyo isagana jana Fardowsa ilaah ha geeyo

    ReplyDelete
  65. ALLAH u raxmado qabrigiisa ALLAH U waasiciyo kitaabkiisana gacanta midig ALLAH ka siyo.

    ReplyDelete
  66. Allahunaxariisto weriye Axmed Xasan Cowke, weriyihii soomaalida oo dhan. Yusuf adigana waad ku mahadsantahay qormadasn dahabiga ah. Mabeer jilicsani lkn runtii qormadaan waa la ilmeeyay oo xitaa akhriskii joojiyay muddo daqiiqad kudhow. Runtii adigu xitaa halyaay ayaad iila muuqata qormadaan kadib. Sabar iyo iimasn dhamaanteen.

    ReplyDelete
  67. Allaah ha u naxariisto Janadana hoygiisa rasmiga ah ha uga dhigo

    ReplyDelete
  68. Alaha u naxariisto Axmed Xasan Cawke, xaqiiqdii qormadan waxaan ka bartay wax badan oo aanan ka aqoon shaqsiyaddii, dad la dhaqankii iyo hawl karnimadii Cawke inkastoo ay taasi daliil u ahayd magaca uu ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda hadana marka aad ka maqashid shaqsi Yuusuf oo kale ah waxaad xaqiiqsanaysaa in uu magacaas ku gaaray inta laga sheegay. Ilaahay ubadkiisana ha xafido gadaashiis asagana ha u naxariisto.

    ReplyDelete
  69. Yusuf qormadani Waxay I xasuusisay barnaamij caan ahaa oo aan filayo intiisa badan inaad soosaare ka ahayd oo la odhan jiray QARNIGII TAGAY IYO TAARIIKHDA SOMALIDDA, habkii darandoorigga ahaa ee aad u wadaagi jirteen adiga (yusuf) heraari iyo AHN cawke

    ReplyDelete
  70. Illaahay ha u naxariisto Cawke. Danbigiisana Ha dhaafo. Aamin.Aamin. Aamin.

    ReplyDelete
  71. Allaha u naxariisto Axmed Xasan cawke wuxuu ahaa shaqsi aan codkiisa aad u jecelahay, waqtiyadii aan yaraa hadii cawke uusan warka dunida aqrineyn BBC waan iska damin jiray...... ilaahey qabriga ha u waasiciyo

    ReplyDelete
  72. Cowke ilah ha u naxaristo qabrigana alah u waa siciyo dhamaten sabar alah naga wada siiyo runtii aad ayay u xanun badan tahay marka qof aad taqaan uu geeriyoodo.
    In askari haben mugdi ah control tagan uu kaaga tacsiyeeyo cowke waxay cadeynaysaa in dadKa uwada sinaaa ilahow qabriga u nuuri

    ReplyDelete
  73. Cowke ilah ha u naxaristo qabrigana alah u waa siciyo dhamaten sabar alah naga wada siiyo runtii aad ayay u xanun badan tahay marka qof aad taqaan uu geeriyoodo.
    In askari haben mugdi ah control tagan uu kaaga tacsiyeeyo cowke waxay cadeynaysaa in dadKa uwada sinaaa ilahow qabriga u nuuri

    ReplyDelete
  74. Alle ha u naxariisto Marxuumka. Adigana ha kaa jazaa'i siiyo sida wanaagsan eed noola wadaagtay xogta wariyaha qaaliga ah ee inaga baxay

    ReplyDelete
  75. Cawke Allaha u naxariisto, Saaxiibkii Makarafoonka.

    ReplyDelete
  76. اللهم ارحمه واغفر له في اليوم الدين

    ReplyDelete