Total Pageviews

Sunday 7 February 2016

Dil Weriyayaal 1991

Wasaaradda Warfaafinta
Waxaan mar kale xasuusannay dilka weriyayaasha. Waxaan u duceynay weriyayaal badan oo al Shabaab ay dishay. Qaarkood shaqo toos ah ama mid dadban ayaa na dhex martay sida Siciid Tahliil, Nasteex Daahir, Yusuf Cali iyo Cali Imaan oo aan isagu weriye ahayn laakiin HornAfrik maamulayay.
Waxaa jirtay beri iyadana weriyayaasha sidaas oo kale loo laayay. Waxay ahayd 1991 markii ay Jabhadda USC dagaal ku qabsatay caasimadda.
Weriyayaashaas oo dhammaantood ka tirsanaa Radio Muqdisho, waxaa ka mid ahaa Mahad iyo Abuukar oo labaduba ogeysiiska sheegi jiray, Cabdi Shiikh Cali oo ahaa weriye xagga fanka u badan, Tiyaatarkana ka muuqan jiray isaga oo Riwaayado hordhac u sameynaya, MJ oo caan ku ahaa xayeysiinta iyo Imaqashii – inta bandanna dusha ka yaqaannay cajaladdii keydka looga baahdo meesha ay ku jirto isaga oo aan diiwaan iyo nambar midna ku goobin. Cabdulqaadir Cali Iidle oo markaas idaacadda Madax ka ahaa, horena ku caan ahaa soo saaridda Barnaamijyada bulshada iyo kuwa dhaqaalaha, Xaange oo afafka qalaad ka shaqeyn jiray iyo qaar kale.
Dhammaantood waa rag aan wada shaqeynay, xushmad iyo qaddarin badan ayaa naga dhexeeyay. Gaar ahaan waxaan saaxiib dhow oo sheeko iyo talowadaaga ahayn Cabdulqaadir Cali Iidle, oo dilkiisa la iigu soo sheegay aniga oo jooga Switzerland.
Qaarkood waxaa lagu dilay goobta shaqada. Dhammaantood Ilaahow Jannada hooy uga dhig.

7 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  4. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  5. Rabbi Ha u naxariisto dhamnaantood. Kuwii xaqdarrada ku dilayna waxii dhintay Allaha ka jaaseeyo kuwa nool ee la garanaayona il la marsiiyo maxkamad sharci ah oo caddaalad ah oo haddii dembiga lagu caddeeyo ciqaabto sharcigu qabo loo marsiiyo.

    ReplyDelete
  6. Alle ha u naxaristo dhaman wariyasha somaliyed gacan ka xaq daran ayaa dishay
    Waxaa I tabtay gerida aderkey cabdiqadir Ali idle

    ReplyDelete