Total Pageviews

Saturday, 30 January 2016

Aqal Sare xilligiis Lama Joogo


Saddex sababood dartood waxay iigu muuqataa in aan la joogin xilligii la dhisi lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Qaabka la go’aansaday in loo dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu lid ku yahay Midnimada Soomaaliya, wuxuu garabmarsan yahay Dasuurka Dalka, wuxuuna horseedi karaa xasillooni darro siyaasaadeed.


Somaliland Dowlad Goboleed ma aha

Aqalka Sare waxaa qorshuhu ahaa in la dhiso marka ay dhammaystirmaan dhismaha Dowlad Goboleedyadu.  Xataa midda Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo aan weli dhalan haddii lagu daro, Dowlad Goboleedyadu waxay ka dhismeen oo keliya Gobollada Koofureed ee magaca Qarammada Midoobay uu Talyaanigu ku gaarsiiyay xornimada.

Waxaa ka maqan Gobollada Woqooyi oo Ingiriisku gumeysan jiray ee Hargeysa ay caasimadda u tahay.

Khaatumo oo Gobolladaas ka tirsan laakiin Midnimo doon ah, waxay ku dhawaaqday Dowlad Goboleed ah qaab aan aad uga duwaneyn sida kuwa Koofurta qaarkood ay ku billowdeen. Haddana Federaalku ma aqoonsana kana mid ma ahayn Madasha Wadatashiga, kamana mid ahaan doonto Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya ee kuraasta qeybsanaya.

Somaliland inteeda kalena awalba diyaar uma ahayn in ay qeyb ka ahaato Baarlamaanka Soomaaliya, marka laga tago mas'uuliyiin ayagu iskood midnimo doon u ah.

Markaa Somaliland oo dhan waxaa laga soo qaaday in ay la miisaan tahay hal Dowlad Goboleed oo ka mid ah Shanta Koofurta. Taas waxaan u arkaa in ay meel ka dhac ku tahay Soomaalida woqooyi oo dhan. Waxayna sii fogeyneysaa Midnimada Soomaaliya, haddiiba rajo laga qabi lahaa in maalin uun la is afgarto.

Dastuurka yaan la reed marin 

Sida ay madashu u qoondeysay in kuraasta Aqalka Sare loo qeybsado waxay khilaafsan tahay Dastuurka.

Dastuurku wuxuu qorayaa in loo baahan yahay in ay Dowlad Goboleedyadu ay ku yeeshaan Aqalka Sare kuraas is tiro le'eg. Laakiin hadda markii si siman loo qeybsaday ayaa lix kursi oo soo hartay loo bixiyay qaab aan loo hayn qiil Dastuuri ah oo looga haro.

Dastuurku waxaa uu qabaa in murashixiinta u tartamaya Xubinnimada Aqalka Sare ay ka yimaadaan dhammaan 18 - ka Gobol ee dalka, taas oo hadda go'aanka soo baxay uu baal maray. 

Midda kale, Dowlad Goboleedyada hadda jira ma ahan kuwa la hubiyay in ay buuxiyeen shuruudaha Dowlad Goboleed lamana yaqaan soohdimahoodu meesha ay dhacaan.

Xamar lama Xaqiri karo

Gobolka Banaadir oo ka kooban 17 Degmo, cod kuma laha Aqalka Sare!

Haa, waa dhab oo hal kursi kuma laha.

Taasi ma ahan wax maangal ah. Dadka qaar u qaba in ay si aqoon iyo waayo aragnimo leh u hadlayaan laakiin aan ogeyn in wax aan isku nooc ahayn aan la isbarbardhigi karin ayaa ku dooda caasimadda Mareykanku, Washington, kursi kuma laha Aqalka Sare ee Mareykanka, Muqdisho-na waxba kama duwana.

Marka laga soo tago taariikhda Washington Kursi ugu yeelan weyday Aqalka Sare, wakiilkeeda Aqalka Hoose-na aanuu u lahayn xuquuq cod oo la siman inta kale, Washington iyo Muqdisho tirada dadkoodu kala badan, dalalka ay caasimadaha u yihiinna kala dad badan. Muqdisho laba jeer ayay ka dad badan tahay Washington.

Midda kale waxaan isu dhigmin saamiga ay dadka Washington ka yihiin tirada guud ee Mareykanka oo ah 318 milyan iyo saamiga ay Muqdisho ka tahay tirada aan la hubin ee qiyaas ahaan u dhexeysa 10 ilaa 15 milyan oo Soomaali ah.

Dadka Washington waxay tirada guud e dadka Mareykanka ka yihiin 0.21%. Laakiin Muqdisho waxaa ku nool, inkasta oo aanay muran la’aan ahayn, in ka badan 10% tirada guud ee dadka Soomaaliya.

Federaalku hadduu isku dayo in uu xuquuqda Muqdisho iska indha tiro, ma hubo in uu iska indha tiri karo dakhliga canshuurta Muqdisho ka soo gala.

Markaa inta la soo saarayo xeerka laga seexday ee qeexaya maqaamka Caasimadda, waxaan qabaa in aan lagu xad gudbin xuquuqda dadka Muqdisho deggan.

Gunaanad

Saddexdaas qodob oo aan kor ku sheegay, waxay muujinayaan in qaabka la doonayo in loo dhiso Aqalka Sare ee lagu go’aamiyay Madasha Wadatashigu uu halis ku yahay midnimada Soomaaliya, xad gudub ku yahay Dastuurka uuna horseedi karo qalalaase siyaasadeed.

Sidaa darteed waxaan qabaa in dib loo dhigo dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

40 comments:

  1. Waa Saddex qodob oo maan gal ah, waan kugu raacsanahay lama joogo wakhtigii ladhisi lahaa aqalka sare ee Barlamanka. Gar ahaan hadaanu nahay reer Somaliland waxaanu u aragnaa xaqiraad in anagoo dal gooni ah aheyn 26-Jun-1960 afar maalmood kahor intaanan lamidoobin walaalahaga koonfureed.

    25 sano kadib markaanu nidhi Somaliya waanu kala soo noqonay israacii aanu ku hungownay gooni baananu isu taagnay, halkaan Somaliya wax kale ka filayanay inay yidhaahdaan waxaa la saami tihiin gobol kamida gobol gobolada ay iyagu isu sii kala qaybiyeen haday yihiin (Italian Somalia) waxaanu u aragnaa gaf aan geedna loogu soo gaban.

    Waad Mahadsantihiin.

    ReplyDelete
  2. waxaa uku oran lahaa yusufow, gobolada waqooyi ee aad sheegaysid, qaar baa puntland ka tirsan,maamulka ugu goboladda baddana waa puntland oo waa 5 iyo degmo mana jiro maamul in taas haysta, marka ma nin labo degmo haysa ayuu laxaq noqonayaa? waa maya, marka taasi hadal malahe 4.5 kahadal.

    ReplyDelete
    Replies
    1. kkkkkkk maxaad tiri Libaan Xuxuule gobolada woqooyi qaar baa puntland ka tirsan waa ayaan daro inaad tidhaahdo taas malaa aqoontaadaa intaas gaadhsiisan sidee ayaan u odhan karaa gobollada koonfureed ama somaliana italiana qaar baa ka tirsan somaliland ama woqooyi macnaha waxaad u jeedaa in goboladii 26 june 1960 xornimada qaatay qaarkood ay puntland oo koonfurta somalia ama somalidii talyanigu guumaysan jiray ay ka mid yihiin bal isasax

      Delete
  3. Maqaal Caqli Ku Salaysan
    -Wacnaan Lahaydaa Inay Madaxdu Sida Sxbkeen Yusuf Garaad Wax U Fahmaan !
    5 - Gobol In Lala Simo Maamulk Gobaleedyo Laba Gobola Xaq Iyo Cadaalada Way Baal Marsan Tahay !
    -Waxayna God Dheer Kusii Ridey Midnimadii Somaliya Oo Ay Somaliland Kusoo Noqon Lahayd !
    - Sidoo Kale Maamulka Khaatumo Is Xaqiisii Waa La Duudsiiyey
    - Balse Tani Waxay Kalifaysa Is Afgarad Khaatumo Iyo Somaliland Dhex Mara Taas Oo God Madow Kusii Ridi Doonta Midnimadii Somaliya Oo ay Khaatumo Markasta U Dagaalami Jirtey

    ReplyDelete
  4. somaliland waxay kamid tahay maamulda somalia xaq dheeriya malaha, lkn waan ognahay in ay tahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma waana dad amni iyo hurumar haysta ,lkn puntland oo kale marna magaarayaa waayo waa maamulka kaliye somali ay ku baxsatay oo amni iyo hurumar ku talaabsaday wallahood somalina wax laqabtay, marka maanta in layiraado talidiina masoconayso meesha kuma jirto,

    ReplyDelete
    Replies
    1. hhhh gobolada woqooyi waxay qaar kamid ah ka tirsan yihiin koonfur caqligaas ayaad u jeedaa iska hubi taas

      Delete
  5. Hhhhhh
    hal xaaraam ahi nirig xalaal ah ma dhasho waxaan ka xumahay qaab iyo bisayl la'aanta ka muuqato so call federal gevornment somalia ma garanaysaan mana garan kartaa midnimada umada Soomaaliyeed mana tihiin kuwii keeni lahaa mana haysaan wadadeeedii fikirkeedii kartideedii iyo dowladnimadeediiba waanse ka xumahay mala awaalka beenta ah ee aad niyada ku dhisataan hassan sheik iyo xulufadiisu waar dadku iyagaa idinka dowladnimo jecel midnimo jecel nabad jecel lkn may helin cid hanan karta hogaaminta dalka waxaan filayaa inay Somalia judgement day-gu ugu dhaco iyagoo dunida 50yr ka maqnaa,
    mahadsanidiin

    ReplyDelete
  6. Y Garad waxaad xustay "Tastuurku waxuu qorayaa Dastuurku wuxuu qorayaa in si siman ay Dowlad Goboleedyadu u qeybsadaan kuraasta Aqalka sare" arintaas ma iska hubisey?
    PL & qolyaha tastuurka ku dhagan waxay leeyihiin tastuurku waxuu qorayaa ha lagu qaybsado 18 regions Pre-1991 mise 2 tastuur baa jira ?? arintaas noo cadee hadii 2 tastuur jiro kee soo xigatay ?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdikadir, waxaan qormada soo raaciyay qodobbada Dastuurka ee aan soo xigtay. Dastuurka aan soo xigtay waa kan hadda uu Baarlamaanku u aqoonsan yahay kan saxda ah, dalkuna ku shaqeeyo. Fadlan eeg sawirka qormada la socda.

      Delete
    2. Yuusuf Garaad Dastuurka saxda ah ma ahan kan hassan sheikh xiligiisa lagu tuntay adigu hadaad kaa u taqaano. Way badaleen iyadoo aan la hubin dadka wax kuleh iyo wada tashi danbe adiguna nin wariye caana ah oo wax qoraad tahay soomali oo dhan wax u dan ah qor kasoo bax dayrka reeraysan!!!

      Delete
  7. Ustad xaalku wuxuu u muuqdaa mid aan cadayn sida saxa ah ee wax loo rabo waxaa muuqata Hogaamiyaalka Maanta in ay iala raadinayaan Hangool Garkiisuna geed ku yaal Ganahiisu geed kale ku yaaaliin,Somaliland iyo Khaatumo, Puntland Dawlada federaalka waxaa laga rabaa in mawqif cad ka soo bandhigto hadii Somaliland ay dawlad goboleed tahay sicad ugu sheegto goboladee ka talisaa, Dabcan Puntland in kastoo uu hayb ku dhisanyahay hadana Dawladu waa u aqoonsantahay dawlad goboleed, waxaan degaan intee ah ayaa dawlada federalku ogoshahay in ay maamusho,Khaatumo ayana hayb iyo sheegasho gobolo maamula kalana sheegtaan, in kastoo dhulka gacanteeda ku jiraa ka yaryahay ka yaryahay midka dawlad goboleedyada dhinaceeda ah
    Muqdisho oo aan cidna ma talin waa nin geedo tiriyay oo Yaaq ka tagay muxuu tiriyay, isku wada duub waa aan wax wada qalano midiyahana aan qarsano

    ReplyDelete
  8. Ustad xaalku wuxuu u muuqdaa mid aan cadayn sida saxa ah ee wax loo rabo waxaa muuqata Hogaamiyaalka Maanta in ay iala raadinayaan Hangool Garkiisuna geed ku yaal Ganahiisu geed kale ku yaaaliin,Somaliland iyo Khaatumo, Puntland Dawlada federaalka waxaa laga rabaa in mawqif cad ka soo bandhigto hadii Somaliland ay dawlad goboleed tahay sicad ugu sheegto goboladee ka talisaa, Dabcan Puntland in kastoo uu hayb ku dhisanyahay hadana Dawladu waa u aqoonsantahay dawlad goboleed, waxaan degaan intee ah ayaa dawlada federalku ogoshahay in ay maamusho,Khaatumo ayana hayb iyo sheegasho gobolo maamula kalana sheegtaan, in kastoo dhulka gacanteeda ku jiraa ka yaryahay ka yaryahay midka dawlad goboleedyada dhinaceeda ah
    Muqdisho oo aan cidna ma talin waa nin geedo tiriyay oo Yaaq ka tagay muxuu tiriyay, isku wada duub waa aan wax wada qalano midiyahana aan qarsano

    ReplyDelete
  9. Mankax Nool ba kugu Jirta Yusufaw Somaliada kalana Alah xaqa ha garan siiyo

    ReplyDelete
  10. Yuusuf waad mahadsantahay lakin wax kasii daranbaaba jiro intaan lagu murmin sidaa aya aqalka sare ku haboon yahay horta WAA MAXAY AQAL SARE? sow ma haboonaan lahayn in dowladu waxa shacabkeeda ay u go aaminayso in ay marka hore barto kadibna su aalo ka waydiiso kadibna go aankii ku haboon la qaato, shalay waxaa dig soo yiri FEDERAL iyo wax aanaan aqoon maantana AQAL SARE. yaan laga dhigin howsha in siyaasiyiintu dad tahay inta kalena ari.

    ReplyDelete
  11. Somaliland afsaar baa ka dhiganaysaa we qabyaalad ba Ku gubaysa, caasimada Somali bay matashaa Cid gaara cod keeda maqaadan karo go'aan qaran weeye lagamana noqonayo

    ReplyDelete
    Replies
    1. qofka daahirkiisa raac iyo waxa uu soo qoray laakin marna ha isku dayin inaad uurka waxa ku jira istidhaa waxa ka sheeg waayo waad gafaysaa inta badan.si aad dambi uga badbaado waxa muuqda uun qiimee saaxib ,imikana waxa muuqda waa maqaalka.

      Delete
    2. Abdullahi Nur Eid, sxb ma aqaan meesha aan ku qoray oo aad ka akhrisay cid gooni ah in wax la siiyo. Caadi iska dhig sxb.

      Delete
  12. FIKRAD wanaagsan yuusuf garaad lakin dadkaa garanlahaa arinkaa aad dhankasta taabatay ayaan wali dhalin dhanka somaliland waa qaldanayd in lagu soo daro maamul gobleedyada somalia ka jira somaliland waa dal ka mida ah dalalkii xoriyada ka qaatay dawlada engiriiska markaa waa in iyada ahaan loola dhaqmo nidaam ka duwan nidamka dawlada goboleedka hadiii arinkana sidaa lagu ansixiyo somaliya fowda kama baxayso ilaa inta aduunkan aan ku nool nahay sii jiro waad mahadsan tahay

    ReplyDelete
  13. Aqalka sare yaa yiri maamul goboleed ha lagu qaybsaso ? Gobol ha lagu qay sado bay ahayd mise gobol iyo mamul goboleed baa yusuf isaga khaldamay

    ReplyDelete
  14. Maskaxdii fiyow way dareemeesaa in aan aqal sare hada la joogin xiligeeda hadana qaabka loo qeebshay maba noqon karto wax cadaaladda u dhaw, waayo Somaliland hal gobol in lala simaa waa qalad iyo sii kala fogeen walaalaheen ee reer waqooyi iyo inagoo koonfur ah

    ReplyDelete
  15. Maskaxdii fiyow way dareemeesaa in aan aqal sare hada la joogin xiligeeda hadana qaabka loo qeebshay maba noqon karto wax cadaaladda u dhaw, waayo Somaliland hal gobol in lala simaa waa qalad iyo sii kala fogeen walaalaheen ee reer waqooyi iyo inagoo koonfur ah

    ReplyDelete
  16. yuusufoow arin khaldan ayaad is barbar dhigtay. 1 SOOMAALI IYO DASTUUR,2 MUQDISHO IYO WAASHINTON 3 SOOMAALIDII 1960 IYO SOOMAALIDA MAANTA. soomaali dastuur kuma dhaqmaan mana jecla in ay ogowna dawladnimadu waa DASTUUR UMADAHA WAXAA KALA HAGA SHARCIGA, KAASOO KABILAABANAYA DASTUURKA LRAACSANYAHAY. HADAY SIDA DASTUURKA KUMEELGAARKA UU QABO WAXAY AHAYD IN AQALKA SARE LADHISO MARHORE ADNA YUUSUFOOW WAXAAD LEEDAHAY IN LADHISO MA AHAN ALMOST 4 SANO KADIB CAJII!. DHISMAHA GOLEYAASHA WAXAYAAS AAS U YIHIIN DAWLAD NIMADASOOMAALIYA WAAYO WAXAY KEENAYAAN SHURUUC IYO KALA DANBAYN. INAYSAN WAXBA JIRIN WAXAA KAFIICAN INAY WAX UUN BILOWDAAN. AMAA HADII LAGA HADLO WAAQICA SOOMAALIDA MAANTA AY KU JIRTO WAA ALOWSAHAL.WAXAAN OGSOONAHAY IN somaliland, puntland, jubaland, southwest, hiiraan shabeelada dhexe, ay yihiin maamul gobleedyo soomaaliyeed.khaatumo iyo galmudug iyaguna waa yihiin maamul gobleedyo laakiin waa min gobol iyo bar, marka lafiiriyo sida dastuurku sheegayo " waxaa maamul goboleed noqon kara 2 gobol iyo wixiikabadan. amaayuusuf aragtida kajirta soomaaliya maanta waa mid kudhisan ama ku salaysan QABIIL. 1960 waxay ahayd koonfur iyo woqooyi laakiin maanta waa 2016 arinkuna waa QABIIL. 4.5 waa QABIIL. waxaa la orankaraa oo xaqiiqo ah, waaqica maanta yaal inaysan jirin soomaali woqooyidii 1960 ee ay jiraan beelo soomaaliyeed oo kala qabiil ah kala ujeedana ah kala dana ah colaadina kadhaxayso xabadna isu haysta saacadaan aan qoraalkaan qorayo. soomalidii koonfureed ee 1960 na waxay ukala qaybsantahay maamulo 5 ah iyo caasimadii soomaaliya ee aan kudhashay oo gurigii aan kudhashay aanan tegi karin, mudo 26 sanoku dhawna free rent lagu degen yahay. maanta ka hadal yuusuf 1/30/2016. midnimada soomaaliya way fiicnan lahayd laakiin soomaali maanta waa col heshiisna maaha. hadaad si daacad nimo ah u dhuuxdidi dooda soomaalida waxaad durbadiiba ka dhadhansanaysaa QABIIL,ILAYN MUSHKILADOODA OO DHAN BAABA "QABIIL" AHE. ISAAQU WUXUU JECELYAHAY IN KOONFUR IYO WOQOOYI WAX LOO QAYBSADO AMA AY SOOMAALI KA GOAAN. DAAROODKU WAXAY JECEL YIHIIN FEDERALIZM KU DHISAN MAAMUL GOBOLEEDYO
    dawlada dhexena awoodeedu xadidan tahay. arintaan waxaa daaroodka kala mid ah beellaha digil iyo mirifle. hawiyuhu waxay jecl yihiin dawlad dhexe oo central ah, awooduna ay ku urursan tahay dawlada dhexe. yuusufow midnimadii soomaaliyeed waa horey luntay, qalalaasaheeduna saacad walba waa iskataagan yahay oo waa joogto. maxaa xal ah marka?. waxaan qabaa in lafahmo waaqica soomaaliya ama umada soomaalidaah ay maanta kujirto, kaasoo ah UMAD BEELAYSAN, COLAADAYSAN, HESHIIS AAN AHAYN, WADANKOODIINA U KALA DEGAN BEEL BEEL MID WALBANA GOOFKEEDII DEGENTAHAY. SOOMAALIDU WAXAY TIRAAHDAA BIYO MEEL GODAN BAY ISUGU YIMAADAAN. XAQIIQIYAN SOOMAALIDU FIKRAD AHAAN WAA GOOF GOOFEYSANYIHIIN, BEEL BEEL AHAANA WAA GOOF GOOFEYSAN YIHIIN, MAAMUL AHAAN WAA GOOF GOOFEYSAN YIHIIN. TUSAALE AHAAN HADAAD WEYDIISO,SOOMAALILAND YAALEH WAXAY KU ORONAYAAN ISAAQ, PUNTLAND, MAJEERTEEN, GALMUDUG HABARGIDIR, SOUTH WEST,DIGIL IYO MIRIFLE AND SO ON. WAXAASE IILA YAAB BADNAYD MARKAAN QOLO WEYDIIYEY DAWLADA FEDERALKA YAA LEH OO AY IGUYIRAAHDEEN YAA KALE HAWIYAA LEH. OGAADA WAXAAN AHAY CILMI BAARE DHANKA IJTIMAACIGA AH. GUNAANAD UMAD AAN SHARCI IYO NIDAAM LAHAYN DAWLAD YEELAN MAYSO, UMAD AAN DAWLAD LAHAYNA JIRIMAYSO. SI TAASLOOGA BAXO MARKA WAA IN UMADASOOMAALIYEED
    DHEXDEEDA KALSOONI LAGA ABUURAA. KALSOONIDU WAXAY KEENAYSAA IN AY IS AAMINAAN, MARKAY IS AAMINAANA WAXAA SAHLANAANAYSA IN AY WAX AY WADA LEEYIHIIN WADA DHISTAAN. KALSOONIDA WAXAA ABUURA CADAALADA, CADAALADU WAXAY KEENAYSAA ISAAMINAADA, ISAAMINAADUNA WAXAY KEENAYSAA IS JECLAANTA IYO WAX WADA QABSIGA. WAXAA MARKAAS DHISMAYA
    DAWLAD IYO UMAD JIRTA.

    ReplyDelete
  17. Yusuf Garaad walaal dood wanaagsan oo waaqici lkn isbarbadhiga Muqdisho iyo Washington waxaad ka tagtay in Muqdisho ay tahay magaalo qabiil Somaliyeed degan yahay halka Washington dadka maraykanka oo dhan degan yahay. Ha ilaaawin in Somalida Muqdisho qabiil ka dooratay qaran.

    ReplyDelete
  18. Mudane waa kumahadsantahay qormadaada waxayna kusalaysantahay caqli lkse waxaa meesha kujirta inaga oo dhan ayaa kusocon dastuur ama nidaam la dhowrayo saa waxaadba kagaran nidaamka aynu hadda kutalinay ayaaba ah mid aan xaq kusaleysneyn cadaaladna ku dhisnayn dadkana markaa weydiiso kuleh 4.5 xaq maahe waa xal marka haddii loo arkey iney kolba sheekadu tahay yaan lakala tegin uun sidey arkaan wax ha usoo dhiseen muhiimaddu waxa weeye in waxkasta oo khaldan dib loo saxo dastuurka naftiisa ayaanba ansax aheyn oo ubaahan afti in loo qaado marka sheekadu hadda sidey ku quruxbadneyn majoogto sidee aan kabadin weynay ayey mareesaa saan u arko ama la odorosikaro ...Mahadsanid

    ReplyDelete
  19. Qormadaaada qiimaha badan wad ku mahadsan tahay Waxayna mudan tahay in taladaas la qaato, sadexda qodob aa aad soo gudbisayba waa qodobo valid ah oo qofkii Midnimada Somalia daneynaya uu Fahmi Karo. Mahadsanid Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  20. Mahadsanid Mudane Yusuf.

    waxey iila muuqdaan sababo aad macquul u ah
    Runtii waa qormo wax nabartay.

    ReplyDelete
  21. Horta yusuf waxaan kaga mahad celinaa sida aad noogu soo bandhigtay macluumaadka taas oo kamuqato shaqo iyo dadal runtii yusuf waxa maanta aaan la ooyneyno oo inaga maqan waa dowlad leh dhamaaan inta maamus iyo maqaam ay leeyihiin dunida inteeda kale, taas ayaan u wada bahanahay taas ayaa haqabtiri karta qofkasto oo Somali ah. qeybtuu doono ha ka tirsanaado ganacsade arday dibad joog kuli, walahi taas sidii aan ku heli laheyn waxa moda in ay caqabad badan ku hor gudbantahay, aniga taladeeda waxa weeye ina adeeryaalooy dowlada inaga oo dhan ayey dadn nootahay ee caqabada aan ka deeno oon ilaah ka cabsano , fa ii dada dowlada aan ka heleeno ayaa ka weyn in hebel kursi helo ama waayo ama reeer hebel midba , runtii aan wada aragno silaca ay nabaday dowlad la'aanta barbaarta badaha ku dhamaday , hooyooyinka iyo inta xabsi ku jirta waxa magac qaxooti naga raacay iyo tuugsi waxa sharaf la' aaan aan dunada ugu xunahay ugu liidano, runtii waxan dhihi laha siyasiyiinta manta joogta iyo inta codka leh in dadka loo turo oo dowlad adag loo sameeyo tanasulna lagu dhiso qeyli iyo burbur intii hora inagu filan

    ReplyDelete
  22. Hawiye iyo Daarood mid kee tiro badan?

    Yusuf Garaad, waan ku salaamay wll. Wxn ku faraxsanahay, inaadan la xishoonin fikirkaaga, adoo ka baqaya in lagugu shaanbadeeyo qabyaaldiiste.

    Qofka ku dooda war cadli wax ha loo qaybsado ma ceebaysna, ee waxaa ceebaysan qofka diiddan taas.

    Maalin dhawayd odayaal Hawiye & Daarood ah(anigu daarood baan ahay) ayaan la qaxweeyay, waxaanan waydiiyay su'aasha kor ku qoran. Qolo walbaa "annaga!" ayay la soo boodday. Caddayn i hor dhiga markaan idhina way adkaatay jawaabtii.

    Anigu shakhsiyan in gobolaysi(fedaralism) ama qabiilaysi(4.5) wax lagu qaybsado waxaa ila qurux badan gobolaysiga waayo dad aan isku beel ahayn ayaa maamul wadaagaya(tus. Galmudug, Jubaland).

    Lkn waxaa labadaba ka sii muhiinsan in cadli wax lagu qaybsado.

    Midda uu Yuusu Garaad goobayana waa taas ayaan filayaa.

    Wxn rabaa inaan doodda ku biiriyo sidaan u arko cadliga:

    4.5 waxaa lagu eedeeyaa inuu cadliga ka fogyahayy maadaama oo ayna dhici kari xisaab ahaan in waddan laga helo 4 ama 5 beelood oo is le'eg. Maxay haddaba caddaaladda ku soo kordhin kartaa in gobollada laftoodu isku saami helaan?

    Illeen waxaynu ognahay sida 4.5 oo kale inuusan gobol gobol le'eg, baaxad iyo tiro midna.

    Tusaalaha Wanshinton waa tusaale fcn. Waddamo waxaa jira aysan caasimaddu ahayn magaalo muhiim ah, xagga tirada dadka ama dhaqaalaha, sida Australia iyo USA ama dalal caasimaddu tahay dalka oo idil, sida Jabuuti iyo Kuwayd.

    Qaabka kuraasta loo qaybsado(doorashada kadib) lafteeda kama jirto hal shax oo caalami ah. Waxaa jira gobolla hela saami ka wayn baaxadda iyo tirada dadkooda sida Scotland(UK) ama xizbi hela kuraas aan u qalmin tirada codkii uu helay, sida UKIP-party(UK).

    Marka caddaaladdu kuma iman karto iyadoo aan la isticmaalin kafad iyo miizaan, shay walbana culayskiisa loo jarin. Dhinacaas marka laga eegana midnimada dalka waxyaalo badan oo tanaazul ah waa loo huri karaa, oo caddaaladda ku khaldan.

    Lkn halka sartu ka qudhunsantahay waa 2 meelood:

    1. Siyaasi ka baqaya inuu damaciisa ku hungoobo
    2. Beel ka baqaysa, la duudsiyo haddii beel kale gasho kaalinta 1aad.

    Allaahu aclam

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sababta Soomaali badankeed ay qaab deegaan u diidday waa iyadoo degmadu aysan miisaan noqon karin,maxaa yeelay gobollo iyo degmooyin kala badan isku saami ma qaadan karaan, isla markaasna gobol walba beesha ku xooggan ama awood shisheeye ku tiirsan ay sadbursanayso.

      Tusaale, baarlamaan-goboleedka Jubbaland waad la socotaa buuqii ka dhashay markii Ogaadeen iyo Mareexaan ay sadbursadeen,oo beelihii faraha badnaa ee gobolka degganaa la xaqiray, ilaa heer baarlamaanka federaalka uu qaraar ka soo saaray, inkastoo markii dambe la iska indho-tiray. Marka maanta haddii Axmed Madoobe la yiraahdo qeybi xubnaha gobolladaas ka soo galaya baarlamaanka federaalka ah, waa la hubaa inuu u sadburinayo beel gaar ah.

      Waxaa kaloo dadka qaar isaga qaldan (gaar ahaan reer Buntland) in baaxadda dhulka aysan ka tarjumeynin tiro badni. Hal magaalo ayaa ka dad badnaan karta dhowr gobol. Tusaale ahaan, Soomaaliya ayaa 10 jeer ka dhulballaaran dalka Bangladesh, laakin xagga tirada dadka waa kaaf iyo kala dheeri. Bangladesh waxaa deggan 160 malyan.

      Delete
  23. Horta yusuf waxaan kaga mahad celinaa sida aad noogu soo bandhigtay macluumaadka taas oo kamuqato shaqo iyo dadal runtii yusuf waxa maanta aaan la ooyneyno oo inaga maqan waa dowlad leh dhamaaan inta maamus iyo maqaam ay leeyihiin dunida inteeda kale, taas ayaan u wada bahanahay taas ayaa haqabtiri karta qofkasto oo Somali ah. qeybtuu doono ha ka tirsanaado ganacsade arday dibad joog kuli, walahi taas sidii aan ku heli laheyn waxa moda in ay caqabad badan ku hor gudbantahay, aniga taladeeda waxa weeye ina adeeryaalooy dowlada inaga oo dhan ayey dadn nootahay ee caqabada aan ka deeno oon ilaah ka cabsano , fa ii dada dowlada aan ka heleeno ayaa ka weyn in hebel kursi helo ama waayo ama reeer hebel midba , runtii aan wada aragno silaca ay nabaday dowlad la'aanta barbaarta badaha ku dhamaday , hooyooyinka iyo inta xabsi ku jirta waxa magac qaxooti naga raacay iyo tuugsi waxa sharaf la' aaan aan dunada ugu xunahay ugu liidano, runtii waxan dhihi laha siyasiyiinta manta joogta iyo inta codka leh in dadka loo turo oo dowlad adag loo sameeyo tanasulna lagu dhiso qeyli iyo burbur intii hora inagu filan

    ReplyDelete
  24. Yusuf adigoo walaal mahadsan ayaan wax yar ku darsanayaa is bar bar dhigidda Muqdisho iyo Washington.

    1- Washington Gobol Maaha ee waa Degmo waa (District of Colombia) Waxayna u dhaxaysaa 2 gobol ama State oo sharci ahaan aysan midna raaci (Virgina iyo Maryland) Muqdisho waa Gobol, waa Gobol ka mid ah 18ka Gobol Soomaaliya ka kooban tahay waana Gobolka ugu degmooyinka iyo daka badan Dalka oo dhan waa Gobolka Banaadir oo ka kooban 17 Degmo oo mid kasta sharci ahaan la mid ah Degmada Washington, waxayna u dhaxaysaa 2 Gobol oo mid kasta ay ka degmooyin iyo dad badan tahay, waa Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose ayey Muqdisho u dhaxaysaa mid kastana way ka dad iyo degmooyin badan tahay, laakiin Degmada Washington 2da State ee ay u dhaxayso mid kasta way ka dad iyo degmooyin yartahay, Aqalka hoose ayey Washington 3 mudane ku leedahay ayaguna sharci ahaan cod malaha oo marka la codeynayo ayagu codba malaha maadaama uusan jirin State ay matalayaan, sharica Maraykankana States-ka ayaa cod leh iyo mudanaha matalaya markaa Gobolka Banaadir oo 17 degmo ka kooban ayna ku noolyihiin in ka badan 3 Million oo Soomaali ahi asaguna ma sidaasuu ku socdaa? in aan cidina matalin codna uusan yeelan Is Maamul Goboleedna uusan ka tirsanayn iskiina u taagnayn? Sidaasi ma xaqbaa oo xal ma lagu gaarayaa?

    Su'aal kale ayaan qabaa aan u baahanay Yuusufow in ciddii jawaabteda haysa ay iiga jawaabto waxana ay tahay su'aasheydu:

    Waa maxay awoodda uu leeyahay Dastuur ahaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda la hadal hayo in la dhaqan geliyo? waan fahamsanahay awoodda uu leeyahay Aqalka Hoose ee Baarlamaanku oo waa Sharci dejin, ee waxanan Fahamsaneyn awoodda uu leeyahay Aqalka Sare ee Baarlamaanku oo tiro ahaanna ka yar kan hoose. Markaa bal Yuusufow adiga iyo ciddii kale ee wax igu dhaanta arrintaa fadlan ha iga jaahil bixiso.

    Waad ku Mahadsan tahay walaal Yuusuf waqtigaaga qaybta qaaliga ah ee aad naga siisay

    ReplyDelete
  25. Madaxda federaalka waxey ka fekerayaan keliya sidii ey ku soo noqon lahaayeen. Muqdisho na cid iska leh oo u doodaa ma jirto. Dhakhliga federaalka ee gudaha oo dhan iyaga keligood ayaa laga qaadaa . Xaqna uma lahan iskool dowladeed, cisbitaal, wado dayactiran mida keliya ee la dayactirayna lacagtooda ma ahan ee turkida ayaa ku sadaqeysatay. Amnina maheystaan. Xataa in ey madax matasha yeeshaan xaq uma lahan. Gudoomoyuhuna waa nin la magacaabey haduu is waalana mid kale oo aan hadli Karin ayaa lagu bedelaayaa!

    ReplyDelete
  26. Yusuf waa ku salaamay
    Salaan ka dib Anigu ma qabo in ay jirto wax la yiraahdo midnimo soomaali. Yes magac ahaan soomaali waa u jirta laakin fikirka ah aqqlka sare wuu sii kala fogeynayaa soomaaliya waa riwaayad walaahi 26 sano soomaali kala tagtay oo waxba iskuma ogola oo weli inay isdhacaan oo is boobaan ayaa weli u sii cad . Muqdisho waa qalad in aqalka sare la siin waayo xataa 6 kursi re soo hartay waa sheekadii 1954 kii hadday reer muqdisho yeelaan ayagay u taal.

    ReplyDelete
  27. Yusufow waxaan deganahay magaalo madaxda canada. Ottawa.ontario
    Ottawa , dowladfu meel bay ka degan tahay oo parlamnka ku yaal , RCMP ( police gooni i ah federalja ayyaa ilaaliya xaruumaha dowladda federallka.magaalaada ottawa waxaa dowladda dhexe u fadhiya12 xildhibaan waxaa ku nool ku dhawaad million qof. Aqalka sare Canada province walba 2 qofood ayaa matasha no matter the number of the population. yes muqdisho aqalka hoose wax waa laga siin karaa laakiin ma arko sabab ay reer muqdisho ku helaan kursi aqalka sare ilaa loo sameryo maamul ka madaxbanaan magaalo madaxnimada.

    ReplyDelete
  28. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  29. Waa maqaal qabyaalad xirfadaysan... xaq maahee waa xal (Geele 2000), (Xasan 2016). Baroortu orgiga ka wayn. Deegaan, gobolaysi, qabiilaysi. i jiid aan ku jiidee, annagaa badan iyo annagaa xaq leh, laandheere iyo laangaab, goormaa la helayaa aqoonyahan ka gudba?

    ReplyDelete
  30. Waa maqaal qabyaalad xirfadaysan... xaq maahee waa xal (Geele 2000), (Xasan 2016). Baroortu orgiga ka wayn. Deegaan, gobolaysi, qabiilaysi. i jiid aan ku jiidee, annagaa badan iyo annagaa xaq leh, laandheere iyo laangaab, goormaa la helayaa aqoonyahan ka gudba?

    ReplyDelete
  31. Yuusuf Aad baan kuugu mahadcelinayaa,
    ok Anigu uma jeedi illaa hadda wadani dhab ah madaxda dowladda. waayo Masiir umadeed mahan wax ku tijaabi ee waa ka run sheegid iyo isku tanaasul dhab ah iyo mid walaal nimo, DOWLADA DHEXE MAR HADEEYBA QAADATAY GO,AANKII WAXEEY EHEEDAY INEEY KAJIRTO WAX SHACABKU KU AAYO OO LAYIRAA WAA SAX. TANKLE MARKII HORABE MAAMUL GOBOLEED KAMA SUGEEYN WADANIYAD OO WAXAA DHISTAY QABIIL AMA QABAA,IIL SIDAA TIRAABA WAXEYNA U DHISTEEN INEEY AYAGA HORMARISO XAQA DADKA KALANE RAAD SADAAN HADEEY U SUURA GALEEYSO AMA TOODA ILAASHTAAN HADEEY SAXAN YIHIINBA , MARKA ISKASTO GARAAD KEEYGU YAR YAHAY HADANE SIDDAASI WAXAAN UMUJIYAY. DADKA DHAHAYA AQAL SARE DHABTI UMA MALAYNAYI INEEY WAX SOO KORDHINAYAAN AMA KHILAAF XALIN KARAAN. WAA MOWSHIN BATAY UUN. OK MIDA MUQDISHU DHABTII HADDA AAN WAX QORAYO WAXAAN XIRAN SUUQ YADDA MAGALADA CASHUR DARTEEN HADANE XAQOODII LAMA HAYO WIXII LABIISHANE WAXAA RAGG HOTELA KU CUNAYAAN WAA NASIIB DARO MUDAN INEEY SAMEYAAN BANAAN BAXA SAX AH KANA DHIIDHIYAAN

    ReplyDelete
  32. A/c. Walaal yusuf arinkan wa lagaadhay goaan na wa laga qaatay, suaasha meesha taala waxay tahay.
    1-dowlada somaliya iyo beesha caalamku ma khasbi karan cid kasta oo ka hortimada amarkan.
    Tusaale, puntland ma jirta beesha caalamku culays dhaqaale oo ay saari karaan. Afeef, jubaland, galmudug iyo koonfur galbeed suaashan la iskama waydiin karo waayo way cadahay sida ay ugu tiirsanyihiin beesha caalamka iyo dowlada dhexe.
    Dhaqaala ahaan teba isku filan dowlada dhexe, puntland iyo somaliland.
    Gabagabadii hadii ay puntland dhaqaale isku filan ledahay cidina kuma khasbi karto goaankan dowladu gaadhay.
    Somaliland iyada teedu wa ka adagtahay oo iyada gacmo shisheeya ayaa ku jira goaan aan laga fiirsan oo xamar lagu gaadhaana wuu soo dadajinaya burbur ku yimaada midnimada somaliya.
    Yusuf waxaan jiclaan laha in aad si qoto dheer uga hadasho sida dowladu u fulinkarto goaanka ay gaadhay iyo waxa ka dhalan kara goaankan.

    ReplyDelete
  33. @Yusuf-Garaad

    Anigu shaqsiyan ma taageersani waxkasta oo Somalida koonfureed kala fogaynaya waxaanan aaminsanahay in wixii 20kii Sano ee u dambeeyay dhacay ay dhib ugu filantahay maantana la joogo xiligii caqligu shaqayn lahaa.

    Dhibta ugu wayn ee Somalia haystaa waxa weeye madax aan garanayn waajibaadkooda maxaa madasha iyo Somaliland iska galay.

    Somaliland iyo Somalia wada hadal ayaa u socday kina way carqaladaynayaaan somalina khayr uma wadaan, anaguna ma aqbalayno waxkasta oo ay soo saaraan waayo inuu madaxwayne ii yahay inaan aqoonsadaaa ka horaysa inaan hadalkiisa aqbalo.

    ReplyDelete