Total Pageviews

Friday, 15 January 2016

Cidna ha ku halleyn Soomaaliya



Ma dooneysaa in Soomaaliya ay gaarto nabadgelyo buuxda? Mise rabtaa in Soomaaliya ay ku tallaabsato horumar loo aayo? 

Waxaan rajeynayaa in labada su'aalood mid kasta aad Haa uga jawaabtay. 

Is weydii marka - Maxaa ila gudboon?

Soomaaliya in ay nabadgelyo buuxda hesho ayna ku tallaabsato horumar loo aayo kuma xirna siyaasadda oo keliya. Laakiin haddana bulshadu keligeed ma xaqiijin karto nabad iyo horumar waara haddii aan la helin siyaasiyiin horusocod ah oo wadashaqeyn kara iyo nidaam siyaasadeed oo xaqiijin kara himiladeenna.

Shirka Kismaayo, soo xulidda xildhibaannada, doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha, xulidda Ra’iisal Wasaare iyo dhismaha Gole Wasiirro cusub ayaa dhammaantood la filayaa in ay sannadkan 2016 gudihiisa qabsoomaan.

Qof kasta oo Soomaali ah oo qaangaar ah oo kara, mas'uuliyad ayaa ka saaran in uu saameyn wanaagsan ku yeesho isbeddelka si  aan hore ugu tallaabsanno. Qofkii talo wanaagsan siin kara mas’uul go’aanka wax ku leh, qofkii xaqiijin kara in xildhibaanka beeshiisa ama degmadiisa matalayaa uu noqdo qof karti leh una qalma mas’uuliyadda la saarayo, qofkii saameyn ku yeelan kara doorashada iyo xulidda mas’uuliyiinta kale, qofkii taageeri kara murashax uu si wanaaagsan u hubiyay in uu yahay qofka marxaladdan ugu habboon in uu qabto xilka uu u taagan yahay, qof kastaa si uun ayuu saameyn ugu yeelan karaa waxa socda. Haddii uu sameyntaas la seexdana waa uu gabay mas’uuliyadda dalka ka saaran.

Sidoo kale, qofkii aqoon, khibrad ama karti leh waxaan kula talinayaa in uu u istaago hadba xilka ay kula habboon tahay in uu hollin karo, horumarka ugu badanna ka sameyn karo. Qofkaasi haddii uu yahay dadka dibadda ku nool waxaan kula talinayaa in uu u bareero, mana fududa ee ogow, in uu u soo wareego dalka. Ama ugu yaraan in uu u soo diyaar garoobo inta uu xilka hayo in ka badan in uu dalka joogo, haddii uu xilka waayana in uu dalka joogo mar walbana uu qeyb ka ahaado isbeddel horusocod ah inta karaankiisa ah. Dabcan waa haddii duruufta shakhsigu ay taa u saamaxeyso.

Haddii aad u aragto siyaasadda Soomaaliya mid wasakheysan, weyna tahay in badan oo ka mid ihi, ogow in loo baahan yahay dad u istaaga oo u bareera in ay ka dhigaan mid nadiif ah.

Qofkii gurigiisu wasakheysan yahay hotel waa ku hoyan karaa. Laakiin aakhirka in uu nadiifiyo ayay tegeysaa. Gacantiisa ha ku nadiifiyo ama lacag ha u qoondeeyo si uu shaqaale uga adeejiyo gacantooda ku nadiifiya.

Waxqabadka waxaa ka mid noqon kara in qof aqoon, khibrad iyo hufnaan leh laakiin iskala weyn siyaasadda Soomaaliya ama quus ka jooga, lagu dhiirri geliyo in uu ka qeyb qaato isbeddelka dalka ka socda.

Qaar badan oo ka mid ah Madaxda iyo howlwadeennada maanta heer Qaran iyo heer Gobol wey ku yar yihiin waaya aragnimada maamulka iyo siyaasadda Soomaaliya. Qaar badan waa dhallinyaro aqoon leh ase aan haysan waaya arag ay talo wadaag yihiin. Qaar kale waa dad aan xiiseyn jirin ama aan dhug u lahayn Dowladnimada ka hor inta aan xil loo magacaabin. Qaarna khibrad wey leeyihiin laakiin khibraddoodu wey ka yara duwan tahay tan maamulka iyo Dowladnimada. Waa khibrad mucaaradnimo habqan ah oo af ama addin ah.

Dhinaca kale Keydkii maamulka ee hey’adaha gacan laguma heyo; mid gubtay, ku la bililqeystay iyo qaar lumay.

Sidaa darteed Madaxdii iyo howlwadeennadii maamuli jiray Soomaaliya waa dad khibraddooda aad loogu baahan yahay in ay talo ka bixyaan waxyaabaha qaar maanta taagan oo u baahan in lala kaashado soo jireenka.

Waan ogahay qaar badan oo ka mid ah khubarada aan tilmaamayo in ay dalka joogaan oo cid talo weydiisaana aanay jirin, ka-warqab iyo daryeelna aanay haysan. Waxaa kale oo aan ogahay in hawladeennada iyo Madaxda Dowladda qaarkood ay colaadiyaan qofka khibradda leh, sababo kala duwan awgood. Waxaanse leeyahay ma ahan dadka khibradda lihi sidii marti in ay sugaan in kaalin laga siiyo in ay dalkooda wax u qabtaan ama ay ku gaabsadaan dhaliil. Waa in ay diriqsadaan kaalinta uga aaddan nabadeynta iyo horumarinta dalka. Waxyaabaha saacidayana waxaa ka mid ah in qaar badan oo ka mid ah aan loo arki karin in ay khatar ku yihiin kursiga uu fadhiyo mas’uulka ay la talinayaan.

2016 fursad ayaa la jirsiin karaa. Waa sannad doorasho. Xilligaan doorashada la filayo ayay Madaxdu ugu dhega nugushahay. Madaxda joogta Madaxweyne ka billow, Guddoomiye Baarlamaan, Ra'iisal Wasaare iyo mudanayaasha labada Gole iyo inta aad uga tirada badan ee dooneysa in ay ayagu xilalkaas qabtaan dhammaantood wey dhega nugul yihiin ugu yaraan inta doorashada ka horreysa. Haddii dadka ayaga oo kale adduunka kale aad looga qaddariyo ee Qaranka u soo shaqeeyay ay doonayaan in ay talo iyo xuquuqba dalka ku yeeshaan waa in ay hadda dhaqdhaqaaq iyo abaabul billaabaan.

Dalka yaan sida cayaar kubadda cagta ah loo daawan loogana sheekeyn uun. Qof kastaa waa in uu ka qeyb qaato isbeddelka, waxqabad la taaban karana uu la yimaado si Soomaaliya looga dhigo Soomaaliyada aan dooneyno; Soomaaliya nabdoon oo horumarsan.

Abwaan hore ayaa yiri “Waar hooy ceelka nala qoda mar baa lagu qaboobiye”

Hadda oo qormada aad wada akhrisay fadlan dhowr daqiiqo keligaa ka feker.

Sow kulama gudboona in aad ka qeyb qaadato nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya?

Haddii ay jawaabtu Haa tahay adiga oo aan cid kale ku halleyn, cidna marti uga noqon, kana daahin, fadlan ku dhaqaaq wixii kula gudboon.