Total Pageviews

Wednesday 27 January 2016

Baarlamaanka: Anna waa i kan

Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray baaq ku wajahan Madasha wadatashiga ee nidaamka doorashada 2016.

Baaqa Baarlamaanku wuxuu u muuqdaa in uu sii biirinayo cadaadiska lagu hayo Madaxda Madasha fadhida oo looga dalbayo in ay gaaraan go’aan ay isaga raalli yihiin.

Haddana baaqu wuxuu ka digayaa go’aanka la qaadanayaa in: 
  • Aanuu wax u dhimin Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.
  • Horseedin Xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo colaad horseedi karta.
  • La waafajiyo Dastuurka ayada oo la marayo hey’adaha Dastuuriga ah ee ay khuseyso.

Hallkan waxaan kugula wadaagayaa macnaha iiga baxay saddexda qodob ee digniinta ah.

Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.

Laba macne ayaa iiga muuqda.

In aan la qaadan go’aan jujuub ah oo keeni kara in Dowlad Goboleedyada qaarkood ay ka niyad jabaan ka mid ahaanshaha Dowladda Soomaaliya oo markaas ayaga oo aan afka ka dhihin ay billaabaan ama sii kordhiyaan in ay u dhaqmaan si aan u daneyneyn wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Midda labaad ee iiga muuqata waxay tahay in aan Aqalka Sare ee Baarlamaanka lagu koobin Dowlad Goboleedyada hadda jira ee la aqoonsan yahay iyo midda ku foolaneysa Webiga Shabeelle jiinkiisa. Waxay taasi la mid tahay in Somaliland la siiyo shahaaddo caddeyneysa in aanay dalkan xuquuq ku lahayn oo laga tashaday.

Xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo colaad horseedi karta.

Arrintani waxay iila ekaatay in loola jeedo in haddii Madashu ay isku daydo in ay sadbursi aan maangal ahayn ay dalka ka hirgeliso, in ay taasi horseed u noqon karto qalalaase siyaasadeed iyo/ama mid amni.

Tusaale waxaa u soo qaadanayaa laba:

Waxa dhici kara haddii laga boodo 4.5 iyada oo aan tirkoob la sameyn, isla markaana aan la is qancin ee ay dhacdo in Baarlamaanka ay qabaa’ilku ku kala bataan.

Haddii shacabka faraha badan ee magaalada Muqdisho loo diido Aqalka Sare ee Baarlamaanka in ay wakiil ama wakiillo ay ku lahaadaan.

In la waafajiyo Dastuurka ayada oo la marayo hey’adaha Dastuuriga ah ee ay khuseyso.

Qodobkan Baarlamaanku wuxuu na xusuusinayaa in uu isagu yahay hey’adda keliya oo sharci dejin karta wakhtigiisana ay weli uga harsan tahay dhowr bilood. Sidaa darteed wuxuu Dowladaha Gobollada iyo Madaxda Laamaha kale ee Federaalka uu uga digayaa in aanay isku deyin in ay shaqada Baarlamaanka la wareegaan. Wuxuu xusuusinayaa in go'aanka Madashu aanuu sharci noqon karin ilaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay ku tufaan.

Anigu sidaas ayaan u fahmay ee adiga maxaa kaaga baxay?

10 comments:

  1. Waxay noqotaba hada waxaa la isku afgartay in Baarlamaanka 4.5 lagu soo xulo aqalka sarena 18ki Gobol ee ka horeeyey 1991. Baarlamaanku wuxuu yeelayo isagay utaal. Warkaas illo xog ogaal ah Madaxtooyada ah ii xaqiijiyey

    ReplyDelete
  2. Waxay noqotaba hada waxaa la isku afgartay in Baarlamaanka 4.5 lagu soo xulo aqalka sarena 18ki Gobol ee ka horeeyey 1991. Baarlamaanku wuxuu yeelayo isagay utaal. Warkaas illo xog ogaal ah Madaxtooyada ah ii xaqiijiyey

    ReplyDelete
  3. culeys mug leg ayaa ka muuqda sadexda qodob ee soo jeediyeen baarlamanka wayna muuqataa dhibka ka imaan kara wadanka maanta xal uma ahan waxaan ahayn 4.5 waxii ka soo hara kala go khalaaso siyaasadeed dagaal sokeeya ayay horseedi kartaaaa
    mahadsanid yusuf garad

    ReplyDelete
  4. Baarlamaanku waa hayaddii hawsha Madsha lagu lafa gurayo iska lahayd. Waxay u muuqdaan kuwo mar hore la dar daray oo sida shacabka wararka Madasha u dhegeysta. Sidaa darteed soomaalidu waxay tiraahdaa: tiisaba daryeelaa, tu kalena ku dara" Dhawrkan qodob laftooda ma rumaysni in ay iyagu hal abuurkooda leeyihiin ee shaki kuma jiro in cid ka mid ah kuwa Madasha ku bardoodamayaa ka dhex hadlayaan ka dib, markay dan sidaas u arkeen. Hab dhaqanka Madashu wuxuu si cad oo aan laga leex leexan karin wixii maan leh u xusuusinayaa shirarkii dib u heshiisiinta ee waayadii aanay Soomaaliya dawladi ka jirin qabqablayaasha loo qaban jirey.
    Qabqablayaashii 4.5 bayba ku heshiiyeen oo dawladnimada hadda jirta lagu dhisaye bal kuwani maxay isku af-garan doonaan? Saadaashii xumayd ee in ay Soomaaliya kala googo'ayso tilmaami jirey soow ragga hadda Madasha ku hardamaya, kuwooda ugu sii muran qalafsan kama dhex muuqato.Talooy Caynkaa Ba'.

    ReplyDelete
  5. waxay ilatahay shaqadaan baarlamaanka ayaa iska lahaa in uu sitoosa ogala munaa qashoodo cidkasta oo ay wax ka quseeyaan.

    ReplyDelete
  6. Raga hada masuuliyiinta Somaliyed ah heer Federal iyo heer Gobolba waxaa kamuuqata inay kafikirayaan dano gaar ah islamarkaana aysan isugu iman danaha umada Somaliyed,ayagoo fulinaya ama isku diidan wax looyeedhiyey.

    Baarlamaanku shaqadan ayagaa lahaa markii ay mooshinada diyaarinayeen ayay ahayd inay shaqo qabtaan hadana waxba yaanay noosheegin ileen awalba qabiil ayay ku yimaadeene mana jiro qiimo iyo Somalinimo madasha ku fadhiyaa!!

    ReplyDelete
  7. Raga hada masuuliyiinta Somaliyed ah heer Federal iyo heer Gobolba waxaa kamuuqata inay kafikirayaan dano gaar ah islamarkaana aysan isugu iman danaha umada Somaliyed,ayagoo fulinaya ama isku diidan wax looyeedhiyey.

    Baarlamaanku shaqadan ayagaa lahaa markii ay mooshinada diyaarinayeen ayay ahayd inay shaqo qabtaan hadana waxba yaanay noosheegin ileen awalba qabiil ayay ku yimaadeene mana jiro qiimo iyo Somalinimo madasha ku fadhiyaa!!

    ReplyDelete
  8. Xaalku wuxuu iila muuqdaa inan 4.5 laga gudbi karin waqtigan la joogo

    ReplyDelete
  9. ugu horeynti barmamishkan logu magac daray higsiga cusub ee dorashada 2016 waxaan u bixiyaya magac la yiraahdo shinbirayohow heesa waan qaab xukumaduhu is ticmaalan si ey isga sii jeediyan siyaasiyiinta iyo shacabka san dirada losaarin wax qabad kooda oo ey u mashquuliyaan shaqada ansixinta isbadalka dalka iyo waxi kuso kordhayo dalka waxa ku shaqaleh barlamanka somaliya sababto ah waxey leyihiin sharci iyo kala danbeeyn codku meeshu u bato ayaa sharcigu ansixiyay lkn maamulada waa dowlado siman mana isu tanasulaayan

    ReplyDelete