Total Pageviews

Saturday, 9 January 2016

Min 4.5 ilaa Qof iyo Cod

Haddii loo fekero anigu maxaan helayaa, ama reerkeygu muxuu helayaa waa mid aan isku dan la ahaan karin. Waxaa ka habboon in la garto in danta shakhsiga ah iyo danta reerku sida keliya ee xalaasha ah ee ay ku jiri karaan ay tahay in ay qeyb ka ahaadaan danta guud ama aanay ka hor imaan.

Si aan u garanno jihada ay tahay in aan uga  dhaqaaqno meesha aan hadda joogno waa in aan isla garaannaa meesha aan ka nimid iyo sida aan halkan ku soo gaarnay.

Dowladnimada Soomaaliya ee aan maanta haysannaa waa mid curdun ah oo weli aan tallaabada isla helin. Waxay dhalatay ka dib markii 10 sano 1991 – 2000 aan ahayn Dowlad la’aan.

Waxaa na kala geeyay dagaal sokeeye oo ujeeddo-badan ah, mararka qaarna uu ajnebi ka qeyb qaatay welina uu ku lug leeyahay. Marar badan ayaa koox diineed, qabiil ama qabaa’il isgaashaan buureystay oo dagaal ku lug leh waxaan anigu weydiiyay sababta ay hubka u qaateen. Jawaabta ugu badan oo igu soo noqnoqotay waxay ahayd in ay ka dagaallamayaan caddaalad darro.

Dagaalka sokeeye xabbaddiisii inta badan wey istaagtay laakiin dadkii lagu laayay, hantidii lagu kala dhacay, cuqdadadihii uu reebay weli si buuxda oo heer Qaran ah looma turxaan bixin. Is aamminaad buuxda oo gees ka gees Soomaaliya oo dhan la helay iyo mid loo dhan yahay oo Dowladda la siiyay ma jirto.

Xataa Dastuurka uu dalku ku dhisan yahay ee ku meel gaarka ah waxaa uu ku saleysan yahay kala shaki iyo is aamminaad la’aan haddana la rabo in la wada shaqeeyo. Bal eeg awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Bal eeg awoodaha Federaalka iyo waxa uu Dastuurku u yaqaan Dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya, laakiin dadku ugu yeero Dowlad Goboleedyo. Bal eeg xilalka Hoggaamiyayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya ay la baxeen waa Madaxweyne, oo eeg jagooyinka Wasiirrada ee heer Gobol iyo Guddoomiyayaasha Baarlamaannada.  Bal eeg salaan qaadashada calammo aan la aqoon ay ka daba babbanayaan Madaxda Gobollada ee isbooqanaya, muusig loo garaacayo, oo salaanta ka qaadanaya ciidanka dowladda xubinta ka ah dowladda Soomaaliya. Bal eeg nidaamka 4.5 ee xilalka siyaasadda lagu qeybsanayo.

Waxaas oo dhan ma ahan in ay yihiin habka Dowladnimo ugu wanaagsan adduunka, mana ahan in ay yihiin habka ugu habboon Soomaaliya in lagu dhaqo. Waxay ahayd habka keliya ee la isku af garan karay in wax lagu billaabo bal si marka hore talo iyo Dowlad wadaag loo noqdo oo dalka la isugu soo celiyo.

Inkasta oo aad is dhihi karto Dowladnimada Soomaaliya tan iyo Carta 2000, marba marka ka dambeysa kor ayay u sii socotaa, haddana weli lama hayo dal Soomaaliyeed oo mideysan, lamana hayo Dowladnimo si buuxda u hanaqaadday oo dalka oo dhan gacanta ku haysa ama ka shaqeysa.

Waxaa hore loogu heshiiyay oo la qoray habka looga gudbayo nidaamka 4.5 oo ah in dastuurka afti la geliyo doorashaduna ay noqoto qof iyo cod. 

Dowladda Federaalka oo iyada ay mas’uuliyaddeedu ahayd in ay labadaas qodob meelmariso waxay la soo taagan tahay doorasho qof iyo cod ah ma awoodno in aan qabanno.

Maaddaama aan la hayn doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa la soo jeediyay hab ka duwan kan hadda Baarlamaanka lagu soo xulo. Iyaga oo sabab uga dhigaya in ay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 oo ay dad badani ku dulman yihiin, ayay dhinacyada qaar soo jeediyeen in degaan lagu soo xulo Xildhibaannada Baarlamaanka. Dadka qaar ayaa iyaguna diiddan in 4.5 laga guuro.

Degaanku ka wanaagsan Hayb

Ra’yiga ah in degmo wax lagu qeybiyo aan qiyaasno waxa uu soo kordhin karo ama uu u dhimi karo xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.

Waa run in degaan ka wanaagsan yahay qabiil. Nidaamka degaan ku saleysan waa mid ka sarreeya kan haybta. Waa mid siyaasadda heer Qaran iyo midda heer degaan isku xiraya oo Xildhibaan kasta ku xiriirinaya degaan ay tahay in uu ka warqabo baahidiisa, rabitaankiisa iyo aragtidiisa.

Waa mid haddii ay xaaladdu caadi tahay oo aan Somaliland gooni isu taaggeedu aanuu jiri lahayn la dhihi kari lahaa dalka oo dhan ayay koobeysaa oo isu keeneysaa, laakiin hadda Somaliland degaannadeeda intooda badan lagama fulin karo howshaan.

Degaan mise Beel gashan shaar Degaan?

Su’aal muhiim ah waxay tahay, marka la soo jeedinayo in 4.5 laga guuro runtu ma tahay in degaan lagu fekerayo? Mise qabiil ayaa lagu fekerayaa, si degaan ah wax loogu doonayo? Oo sida qabiilka ay ugu badan karaan kuraasta Baarlamaanku ayaa la eegayaa oo ay tahay ujeeddada oo dhami?

Haddii aad u fiirsato Madaxda dooneysa degaan waa kuwo u haysta in degaan ahaan ay qabiilladooda ugu badanayaan kuraasta ay hadda Baarlamaanka ku leeyihiin oo ay u arkaan in ay ku dulman yihiin.

Madaxda diiddan haddii aad eegtana waxaad arkeysaa in ay yihiin kuwo u arka in Degmooyin haddii la aado ay dhimi doonto tirada kuraasta uu reerkoodu ku leeyahay Baarlamaanka.

Haddii ay arrintu sidaa tahay, ma dhihi karnaa in Soomaaliya loo fekerayo? Mise waa mid leh reerkeyga sidan ayaa u roon iyo mid kale oo leh aniga reerkeyga sidani uma roona?

Markaa waa qabiilka meesha laga qiyaas qaadanayo ee ma ahan degaan.

Si kale haddii loo dhaho waa reerihii dagaallamay, Dowladdoodii dumiyay, sida keliya ee ay heshiis ku noqdeen si Dowlad ay u yeeshaanna ay tahay in ay si siman u qeybsadaan kuraasta Baarlamaanka iyo kuwa Wasiirrada oo hadda uu qaarkood leeyahay maya ee annaga ayaa badsaneyna oo idinka degmooyin badan.

Muqdisho Vs Hargeysa

Sida cad tirada dadku degmo iyo degaan kuma xirna. Haddii Degmo lagu saleeyo kuraasta Baarlamaanka,  waa wax khilaafsan mabda’a Dimuqraaddiyadda ee ah in ay dadka intii isla tira le’egba ay kuraas isu dhiganta ka helaan Baarlamaanka. Waayo Degmooyinka lama tiro koobin, ismana tiro le’eka dadka degmooyinka ku nool.

Degmooyinkeennu waa kuwo la sameeyay berigii xorriyadda la qaatay qaar kale oo bandanna uu Taliskii militerigu ku daray, kuwaas oo aan ka tarjumeyn tirada dadka ku nool degaan kasta hadda oo la joogo 2016. Magaalooyin badan oo ka dad badan Degmooyinka qaarkood ayaa sameysmay kuwaas oo aan degmooyin ahayn, Degmooyin hore u jireyna hoos ayay u dhaceen saami ahaan marka loo eego kororka tirada dadka Soomaaliya.

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa magaalada Hargeysa oo iyadu aan raalli ka ahayn in ay qeyb ka ahaato Baarlamaan Soomaaliya, laakiin kolley ay dad Xamar jooga ama imaan doonaa ay ku qeyb qaadan doonaan.

Nidaamka Degmooyinka haddii la raaco waxaa la rabaa in Hargeysa la yiraahdo waa Degmo oo waxay heleysaa 3 kursi ama 3 Xildhibaan ayaa ka soo baxaya.

Laakiin dhinaca kale waxaa la rabaa in la yiraahdo Muqdisho waa 16 Degmo oo waxaa ka soo baxaya 48 Xildhibaan.

Caddaalad darrada ay Somaliland sheegtay in ay ka goosatay iyo middaan hadda la rabo in la jideeyo tee weyn weyn?

Jannaale iyo tuulooyinkeeda oo ka badan tuulooyinka Gobollada qaarkood ku yaalla oo dhan, dadweynaha faraha badan ee ku nool wuxuu codkoodu noqonayaa 0, kuwo aan hal kursi ku lahayn Baarlamaanka. Sababtu maxay tahay? Hadde Jannaale Degmo ma ahan.

Misaanka Beelaha

Dhinaca kale, in Degmooyin lagu saleeyo awood qeybsigu waxay horseedi kartaa in kuraasta ay qabaa’ilka qaarkood ku leeyihiin Baarlamaanku ay kororto. Ogow tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka lama kordhinayo, sidaa darteed qofka hoos u soo xisaabtamay ee ku fekeraya in ay kuraasi ugu kordheyso nidaamka degmooyinka ha is weydiiyo xaggee ka imaaneysaa kuraastaasi?

Waa kuraas qabaa’il kale ay hadda ku fadhiyaan oo laga qaadan rabo iyada oo aan tirokoob, codeyn iyo doorasho xalaal ahi dhicin.

Markaa si kale haddii loo dhigo waxay noqoneysaa nidaamka hadda jira ee shaqeynaya aan beddelno. Aan ku beddelno mid noo kala badiya kuraasta Baarlamaanka. Aan ku beddelno mid in uu shaqeynayo aan la hubin. Waa tijaabo hor leh aan galno.

4.5 waxay noqon doontaa 4.0

Beelaha sida gaarka ah ay tirada kuraastoodu 0 ama tiro u dhow ay noqon doonto waa Beelaha awalba dulmanaa ee 0.5 saamigooda laga dhigay. Bal hadda qiyaas meeqa Degmo ayay Guddoomiye ka yihiin dadka 0.5 loo bixiyay?

Waa mid aad arki doonto in afarta qabiil ee waaweyn uu Baarlamaanku ku koobnaado maaddaama dadka aan hubeysneyn ee lagu xaqiray caasimadda, indhaha caalamka iyo saxaafadda hortooda aan cidina u hadli doonin marka kuraas qeybsashada lala tago Gobollada iyo degmooyinka ay beelaha hubeysan malliishiyadoodu ilaalineyso.

Caddaalad ma tahay Baarlamaan aan 0.5 ku jirin iyo Gole Wasiirro aanay xubin ka ahayn in dalku u baahan yahay?

Tan kale, waxaan maqlaa iyada oo la leeyahay Degmo waliba wey is yaqaannaan qabaa’ilka wada deggani. Waa run oo dhowr iyo tobanka qabiil ee Hiiraan deggani wey is yaqaannaan, laakiin ma isu yaqaannaan sida ay u kala tiro badan yihiin? Ma isla oggol yihiin beelaha ay tahay in ay kuraas helaan iyo kuwa ay tahay in la qadiyo? Kuwa kuraasta helaya ma la isla oggol yahay inta kursi ee ay helayaan? Isqabqabsi hor leh ayaa billaaban kara.

Laba qabiil oo hadda kuraas ay tiradoodu is le’eg tahay ama ay iska daba dhowdahay ayaa noqon doona in mid uu kan kale aad uga badsado kuraasta Baarlamaanka. Kaba darane waxay dhali doontaa in laba beelood oo hadda min hal Wasiir ku leh Golaha Wasiirrada ay noqon doonto in beeli ay weydo Wasiir, meesha ay beesha hadda la simani ay ka heli doonto laba ama saddex Wasiir.

Waa mid abuuraya in Degmooyinka Somaliland badankood aan dad laga soo xuli kari doonin oo markaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay noqon doonaan qaar Degmo laga soo “doortay” oo markaa iskala weyn Xildhibaanno la soo xulay oo Baarlamaanka la fadhiya. Macnuhu kala sarreyn ama kala mudnaan Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa soo bixi karta.

Nidaamka Degmooyinku waa mid horseedi kara in kuraasta Baarlamaanka ay beeluhu u kala badsadaan si aan sharci ku saleysneyn, horena aan loogu heshiin.

In beeluhu ay kala badsadaan kuraasta Baarlamaanka iyada oo aan waliba ku saleysnayn tirada dadku waxay horseedi kartaa qalalaase soo gala Dowladnimada Soomaaliya iyo is aamminaad la’aanta oo sii kororta.

Haddiiba ay dhacdo in Degaan wax lagu qeybsado waa in la helaa damaanad ah in saamiga ay Baarlamaanka ku leeyihiin beelaha aan hubeyneyn ee 0.5 in aanuu hoos u dhici doonin.

Gunaanad

Ugu dambeyntii talada Degmooyinku haddii ay hirgasho waxay sii fogeyn doontaa xilliga doorasho qof iyo cod ah la qaban lahaa. Waayo dadka ku fadhin doona inta badan kuraasta Baarlamaanka iyo inta badan kuraasta Golaha Wasiirradu ma rabi doonaan in laga buriyo sadbursiga ay heleen.

Qof iyo cod ma yaqaan degmo iyo tuulo iyo qabiil, mana yaqaan 0.5. Ma yaqaan qof hubeysan iyo mid aan hubeysneyn ee wuxuu kuraasta u badinayaa meesha ay tirada dadku ku badan tahay. 

Meesha aan ka nimid waa dagaal sokeeye iyo 10 sano oo Dowlad la’aan ah. Meesha aan joogno oo ah dolwadnimo waxaan ku soo gaarnay nidaamka foosha xun asii noo shaqeeyay ee aan hadda heysanno oo ah kan 4.5. Jihada ay tahay in aan uga dhaqaaqno oo hore loogu heshiiyay Dastuurkana ku qoran waa qof iyo cod.

Inta aan taas ka gaareyno waa in aan doonta la gilgilin, socodkeeda gaaban aan hore ugu sii siqnaa jihada ay naga jirto doorasho qof iyo cod ah.

Go’aan kasta oo la qaato waa in lagu jimeeyaa cabbirka ah in aanuu xasilloonida wax u dhimi karin, Dowladnimada aanuu dhaawici karin amaba nafta yar ee ku jirta ka saari karin.

Afeef
Inta aan ka warqabo Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Koofur Galbeed waxaa ay isku af garteen in Degmooyin lagu qeybsado kuraasta Baarlamaanka.