Total Pageviews

Monday 4 January 2016

Farriimo Mahadcelin ah

2015 waxaan bloggeyga ku qoray 100 maqaal oo xambaarsan macluumaad kala duwan oo aan ugu talo galay soo ifbixin waxyaabo dahsoonaa ama sida loo arkayay dhinac aan ahayn aan ka eegay, dhiirri gelin in uu akhristuhu su’aalo is weydiiyo oo si keli keli ah iyo si wadar ah labadaba loo fekero, wacyi gelin, dood iyo ra’yi wadaag.

Facebook iyo Twitter iyaga waxaan ku qaray intaa in ka badan oo gaa-gaaban oo qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin isla noocaas. Baraha internetka, wargeysyada iyo idaacadaha oo aan u fasaxay in ay qaadan karaan ayaa aad u sii faafiyay qaar badan oo qoraalladeyda ka mid ah.

2015 dhammaadkeedii iyo sannadkan cusub waxaan akhristayaasheyda qaarkood ka helay farriimo ay ii soo direen oo isugu jira mahadcelin, bogaadin iyo dhiirri gelin. Waxaa si gooniya ii taabatay farriin qoraal ah oo ay ii soo dirtay Canab oo aynaan si toos ah isu aqoon:

“Haddii sanadka 2015 Award (Jaa’izad) la bixin lahaa Qoraallada kuwa ugu fiican oo lagu bixin lahaa Billad dahab ah, adiga ayaan ku siin lahaa. Aniga oo og fikraddaan in ay dad badani ila qabaan, haddana miskiin aan ahay oo aan waxba bixin karin. Laakiin xaggayga waxaan jeclaystay in aan ku dhaho Mahadsanid Yusuf Garaad halkaas nooga sii wad Insha Allaah. Waan hubaa Taariikhda ayaa ku xusi doonta”.

7 comments:

  1. YG waan kaaga mahadcelinayaa qoraallada xambaarsan macluumaadka kala duwan ood mar walba nala wadaagto.Waxaan talo ahaan kuugu soo jeedin lahaa in, hadba sidey suurtogal u tahay,aad waayo'aragnimadaada warfidineed la wadaagto faca weriyeyaasha ee hadda nool oy khibraddu iyo aqoontuba ku yartahay.

    ReplyDelete
  2. Yusufow intaan odhan lahaaba inantaasaa tidhi.
    Waxaan kaloon filayaa in hadii uu alle idmo sanadkan 2016 ku uu xiisa gaara leeyahay maadaama aynu rajaynayno dhacdooyin taariikhiya in ay qabsoomidoonaan adna lagaaga fadhiyo qormooyinkaagii ahaa gorfaynta,tusmaynta,naqdinta wararka ama xalada markaa taagan.
    Dabcan aniga iyo in ilamidina aanu Ku raaxaysanno akhriska blogan...

    ReplyDelete
  3. Yusufow intaan odhan lahaaba inantaasaa tidhi.
    Waxaan kaloon filayaa in hadii uu alle idmo sanadkan 2016 ku uu xiisa gaara leeyahay maadaama aynu rajaynayno dhacdooyin taariikhiya in ay qabsoomidoonaan adna lagaaga fadhiyo qormooyinkaagii ahaa gorfaynta,tusmaynta,naqdinta wararka ama xalada markaa taagan.
    Dabcan aniga iyo in ilamidina aanu Ku raaxaysanno akhriska blogan...

    ReplyDelete
  4. Intaan aqrinayay qoraaladaada halka summad oo ay ka mideysnaayeen "waa ineysan waaqica ka boodsaneyn".
    Waxaan u maleynayaa inaan wada aqriyay 100-kaaga maqaal, gacantaada allaha kuu barakeeyo yuusuf.

    ReplyDelete
  5. Da,daada iyo taariikhda aad haysaa Yuusufow waa kala balaaran yihiin. Maqaaladaada waxaan ugu heclahay markaad taariikhdaas nala wadaagto iyo mar marka aad waxoogaa qoraaladaada aad falsafadayso.
    Waxaa kaloo bogaadin mudan tusaalaynta waayo aragnimadaada saxaafadeed ee aad siiso saxafiyiinta da'da yar siiba marka shaqaaqooyinku jiraan iyo qaraxyadu. Aniga laftaydu saxafi baanan ahayne wax badan oo qayligaygu diido ayaan ku arkaa saxaafadda cusub, waanse isaga cudur daaraayoo waxaan is dhahaa war intanba dadaaal bay ku keeneene ma cidbaa ku tacabtay. Tusaale waxyaabaha il diidada leh: meel baa qarax ka dhacayaa, sawiro badan baa laga soo qaadayaa oo qaar meyd ahi ku jiraan, dhaawac googo'ay, gelen gel lagu hoobtay. Markaad goraalkii oo dhiig ka da'ayo soo akhrido ayuu qoraagii warbixintu intuu link meesha soi dhigo ayuu ku dul qorayaa: DAAWO SAWIRADA!!!.Dhega, oo ma wax la daawadaad meesha soo dhigtay waa goob baas lagu hoobtaye, sowtii waxa fiican la daawan jiray. Waxaa kaga fillaan lahay inuu soo qoro:Fiiri sawirada ama dhugo sawirada.
    Waan dheereeyey, raalli ahaada.

    ReplyDelete
  6. Da,daada iyo taariikhda aad haysaa Yuusufow waa kala balaaran yihiin. Maqaaladaada waxaan ugu heclahay markaad taariikhdaas nala wadaagto iyo mar marka aad waxoogaa qoraaladaada aad falsafadayso.
    Waxaa kaloo bogaadin mudan tusaalaynta waayo aragnimadaada saxaafadeed ee aad siiso saxafiyiinta da'da yar siiba marka shaqaaqooyinku jiraan iyo qaraxyadu. Aniga laftaydu saxafi baanan ahayne wax badan oo qayligaygu diido ayaan ku arkaa saxaafadda cusub, waanse isaga cudur daaraayoo waxaan is dhahaa war intanba dadaaal bay ku keeneene ma cidbaa ku tacabtay. Tusaale waxyaabaha il diidada leh: meel baa qarax ka dhacayaa, sawiro badan baa laga soo qaadayaa oo qaar meyd ahi ku jiraan, dhaawac googo'ay, gelen gel lagu hoobtay. Markaad goraalkii oo dhiig ka da'ayo soo akhrido ayuu qoraagii warbixintu intuu link meesha soi dhigo ayuu ku dul qorayaa: DAAWO SAWIRADA!!!.Dhega, oo ma wax la daawadaad meesha soo dhigtay waa goob baas lagu hoobtaye, sowtii waxa fiican la daawan jiray. Waxaa kaga fillaan lahay inuu soo qoro:Fiiri sawirada ama dhugo sawirada.
    Waan dheereeyey, raalli ahaada.

    ReplyDelete
  7. Joogto ayaan u aqristaa qoraalladaada oo xitaa inbox-ka emailka ayay toos iigu soo galaan anigoo adeegsanaya G+ imana seegaan. Inta aanan aqriska billaabin ayaan eegaa dhererka qoraal kasta waxaanna u bogaa mid ba midka uu ka dheer yahay. ALLAA i lehe, ma arag qoraal aan saluugay. Aqoonta saxaafadeed iyo farshaxannimada ka sokow waxaan la iska helin xog-ogaalnimada iyo waayeelnimada ku lammaanan faallooyinkaaga iyo warbixinnadaada.
    Wax badan ayaan ka kororsaday waan na hubaa in dad badani taa igala mid yihiin.
    Aad ayaad u mahadsan tahay, Yuusuf.

    ReplyDelete