Total Pageviews

Sunday, 3 January 2016

Muslimka iyo Yuhuudda India

Mohammed oo mas'uul ka ah Synagogue ku taalla Kolkata
India, inkasta oo khilaaf ba’ani uu marmar ka dhex dhaco, haddana dadka India ee diimaha kala duwan waxaa ku badan dulqaadka.

Magaalada Kolkata oo xarun u ah Gobolka West Bengal oo ay ku nool yihiin in ka badan 90 malyan oo ruux, waxaa 250 sano ee u dambeeyay ku dhex noolaa dad Yuhuud ah oo ka soo waxay Ciraaq.

Dadkaas oo markii ay ugu tira badnaayeen ahaa agagaarka 100 kun oo ruux, waxay sannadihii dambe billaabeen in ay u guuraan Israel.

Nazes Afroz
Synagogue oo ah meelaha ay diintooda ku caabbudaan oo shan ah ayay ku lahaayeen Kolkota. Saddex ka mid ah ayay tagaan Yuhuudda tirada yare ee ku soo haray Kolkota. Labadii Synagogue ee kale waxay u dhiibeen dad Muslimiin ahi in ay u hayaan oo ay iyagu mas’uul ka ahaadaan.

Ninka sawirka sare ka muuqda  oo la yiraahdo Maxamed Kahliil ayaa ka mas’uul ah Synagogue-a uu dhex taagan yahay.

Nazes Afros oo ah reer Kolkata, oo aan wadashaqeyn jirnay oo isagu sawirka qaaday ayaan weydiiyay sababta Yuhuuddu u doorbidday Muslimiinta. Wuxuu ii sheegay in ay u arkaan in ay ayagu fahamsan yihiin diinta Yuhuudda.

Waxaan xusuustay in Soomaalidu intii aanay Yurub ku soo badan oo aanay makhaayado ku yeelan, gaar ahaan kuwa jooga dalalka ay ku yar yihiin makhaayadaha hilibka xalaasha ah laga helo ay tegi jireen makhaayadaha Yuhuudda ee gada hilibka Kosher oo ah xoolo sida muslimka loo gowracay.

Waxaa kale oo aan xusuustay in meelaha aan muslimku ku badnayd ay Soomaalida wiilasha u gudi jireen Yuhuuddu.

17 comments:

  1. Fadlan wax ka dheh oo halkan ku reeb aragtidaada.

    ReplyDelete
  2. imawa qancin qormadan wax badan oo an fahmi awgeed

    ReplyDelete
  3. Waa sax oo waxay dhaaman gaalada aan haysa diinta. waxaan maqlay oo kale in aysan cunin doofaarka iyo xoolaha aan la goowricin, sidaas ayay uga duwan yihiin dadka diimaha kale haysta sida reer galbeedka

    ReplyDelete
  4. Waxaa iiga baxay in dadka diimaha heystaahi ay iskaga kalsooni badanyihiin dadka kale.

    ReplyDelete
  5. waad kumahasantahay yuusf gaard qormadan

    ReplyDelete
  6. Wadanka aan ku noolahay oo ku yaal europe dadka muslimiinta iyo yahuudu wax badan ayeey iska kaashadaan oo weliba aan dhihi karo waxyaabo badan oo aan isleeyahay muslimiinta looma ogolaan leheen yuhuuda la aanteed sida iskuulada diimaha lagu barto oo yahuudu iyada madaxeeda lagu heley oo xitaa la isku deyey in la joojiyo marki dambana loo daayey yuhuuda awgeed iyo sida gudniinka wiilasha, xoolaha sida islaamku qabo loo goowraco

    ReplyDelete
  7. Wadanka aan ku noolahay oo ku yaal europe dadka muslimiinta iyo yahuudu wax badan ayeey iska kaashadaan oo weliba aan dhihi karo waxyaabo badan oo aan isleeyahay muslimiinta looma ogolaan leheen yuhuuda la aanteed sida iskuulada diimaha lagu barto oo yahuudu iyada madaxeeda lagu heley oo xitaa la isku deyey in la joojiyo marki dambana loo daayey yuhuuda awgeed iyo sida gudniinka wiilasha, xoolaha sida islaamku qabo loo goowraco

    ReplyDelete
  8. Yusuf sxb waxaa keenay duruuf markey waayeen mee ay tagaan

    ReplyDelete
  9. Yusuf halkaan ayaa fikir an isku weydaarsan karna millions qof oo maala yacni ah iyaa Facebook ga ka buuxa

    ReplyDelete
  10. Sababtoo ah yuhuudu waa ehlu kitaab addunyada kale way kaaga dhowyihiin ehlu kutaabku

    ReplyDelete
  11. 1. Diimaha yuhuudda iyo masiixiyaddu waa ina la bah. Waa ahlul kitaab.

    2. Waligeed waxaa caado u ahaa, in marka ay dadka diimaha kale haystaa is qabtaan, inay garta u dhiiban jireen muslimiinta, kalsooni ay ku qabaan.

    3. Taariikhda qarniyadii tagay yuhuudda Yurub laga soo eryo waxaa soo dhawyn jiray musliinta.

    4. Salaaxuddiin Ayyuub markuu masiixiyiinta dib uga saaray Quddus(Jerusalam),oo ay 150 sano haysteen, yuhuuddu aad ayay ugu dabbaaldageen guusha muslimiinta, waayo Islaamku diimaha ahlu kitaabka ah wuxuu siiyaa xorriyad buuxda ay diintooda ku caabudaan, iyagoo ku dhexnool dawlad islaami ah. Tusaale ahaan, qasab kuma aha inay dhiiggooda/naftooda kaga qaybqaataan difaaca qaranka, iyo sugidda amniga lkn dhaqaale ahaan ayay kaga qaybqaadan jireen, canshuur(jizya)

    5. Nasiibdarro maanta markaad maqashid Islaam waxaa kuu sawirmaya bahal miciyi dhaadheer oo dad qalato ah, afka dhiig ka da'ayo oo raba wax uu dilo.
    Dadka wax akhriyaa -gaal iyo muslinba, way ogyihiin inuu islaamku leeyahay taariikh dheer oo wada noolaansho iyo tacaamul kala dhexeeyay dunida muslimka iyo caalamka kale waliba gaalada ku dhex noolaa muslimiinta

    5. Diintan Alle ayaa inagu nimxaystay, aadamaha kale ee aan haysanna Alle iyo diintiisa kama xigno. Muslimiin badan ayay ku jirtaa cunsurimo ay moodaan inay diinta ka xigaan ummadaha kale.

    7. Yusuf Garaad, Mahadsanid

    ReplyDelete
  12. Yuhuuda waa dadka aduunka ugu xun weyna dhagar badan yihiin
    wexeyna jecel yihiin ineey adunka ka sifeyaan muslimiinta

    ReplyDelete
  13. Mr Yusuf waxaad soo tabisay fariin nin walba dhan u dhigan karo hadaan nahay muslimiin maanta waxaa moodaa in na loo xirayo shaati dhiig Badan halkii aan ka ahaan lahayn kuwa wanasga looga daydo

    ReplyDelete
  14. Waxaan Maqli jiray (Maka iyo Yuhuud baan kala nahay) laakin malaa intaa waa isaga dhow nahay hadii lays fahmo.

    ReplyDelete
  15. Bal marka hore aan aqrino, barano oo dhuuxno waxyaaba Ilaah noogu sheegay Kitaabka Kariimka ah ee Quraanka ee Nabi Maxamed Eebe noogu soo dhiibay muddo hadda lagu joogo in ka badan 1400 sano. Markaas, haddii aan Islaam khaalis ah nahay, waxaan si aan mugdi ku jirin u fahmeyna aragtida Islaamku ka qabo Yuhuuda. Si hoose uma ogi sababaha ku dhaliyay qoraaga iyo ujeedada ka dambeysa inuu xilligan baahiyo qoraalka noocan ah iyo munaasibada uu la beegsaday laakinse wuxuu iila muuqda inuu yahay yool-baar lagu gasbeynayo in Soomaalida wax kasta maanta laga iibin karo diin iyo waxyaabo kale. Macbad yuhuudu leedahay ee ku yaala Kalkata oo lagu wareejiyay dad ku abtirsada Islaamka waa halkeeda, waxaanse u baahanahay tafasiil inta ka badan marka laga soo tago xaraantinimada cunista doofaarka iyo wiilasha oo la gudo. Mar kale iyo mar kale, tolow aan Kitaabka Kariimka aqrino si aan u ogaano dhagarta Yuhuuda.

    Taariikhda casriga ee maanta waxay ka marag kacaysa in wixii ka soo bilowda sannadka 1948 ilaa xilligan ay Yuhuudu kula kacday dadka Palestina wax bani'aadmnimada ka baxsan oo xasuusq arxan la'aan ah iyo barakicin salguurin ah.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdulkadir Walayo, aad ayaad ugu mahadsan tahay bidhaaminta mowduucan adiga oo diinta iyo taariikh casri ahba soo xignaaya.Waan kaaga mahadcelinayaa in adiga oo kaashanaya aqoontaada iyo khibraddaada gaammurtay aad qalinka u qaadato in aad aniga iyo akhristayaasheydaba aad nala wadaagto aqoon. Aniga ahaan ma ahan wax aan dadka ku tijaabinayo ama aan ujeeddo kale ka leeyahayma jirto. Waxay ahayd wax aanan fileyn in Macbdu Yuhuudi leedahay ay u dhiibato qof Muslim ah, laakiin haddana waa xashar khibradda adduunka ka mid ah. Waxaanan jecleystay in aan la wadaago saaxiibbadeey. Dhanka kale, oo aan ka hadlay waa dadka Yuhuudda ah oo Yurub ay tahay qaaraddii lagu xasuuqay haddana looga tiro badan yahay. Waxyaabaha aanan qormada ku sheegin waxaa ka mid ah in iyaga oo tooda daafacanaya in ay u doodaan kooxaha laga tirada badan yahay ama isir ahaan ama diin ahaan. Markaana ay ka mid yihiin dadka Qaxootiga iyo diimahaba aan Yurub ku xoogganeynba u dooda. Isku soo duub waxay iga ahayd wax laga yaabo in aan dhallinyaro badani la socon in aan ka wacyo geliyo.Waxaan u arkaa quruum kasta iyo gobol kasta oo caalamka ah oo aan qeyb ka mid ah noloshooda, dhaqankooda ama Soomaalida qurbaha sida ay u macaammilaan in ay kor u qaadi karto sidii ay dhgallinyaradeennu faham durugsan uga yeelan lahayd caalamka. Mahadsanid mar kale.

      Delete
    2. Yusuf Garaad. Waa ku mahadsan tahay jawaabta aad soo dhigtay bartan. Aniga waxaan tixgelin iyo xushmo u haya mehned-yaqaanimadadaada dhanka warbaahinta guud ahaan.

      Ma rabo in qoraalkeygu u muuqdo inaan labadeena isla tirsaneyno, waxaanse raba inaan kuu cadeeyo in caqiido ahaan aan aaminsanahay inta uu Rabbi duulkaas uga sheegay quraankiisa xakiimka ah.

      Fiiri aayada 120aad ee suuratul Baqarah oo Eebe Nabi Maxamad (NNKH) uga digayo dhagarta Yuhuuda iyo Nasaarada taaso ah in labada aaney weligooda raali marnaba ka noqoneynin (Isaga) ilaa uu ka raaco miladooda (Diintooda).

      Intaas iyo in ka badan ayaa Rabbi noogu sheegay Kitaabka Kariimka.

      Delete