Total Pageviews

Friday, 22 January 2016

Liido iyo Madashu isu keey qaban la'

Madaxda Dowlad Goboleedka iyo Madaxda Qaranku waa in ay runta dalka iyo xaaladda shacabka Soomaaliyeed uu ku sugan yahay ay fahmaan, dareemaan, una dhaqmaan si ka tarjumeysa xaaladdeenna.

In Shabaab ay weerar joogta ah ku hayso shacabka, bil kasta aan la taahno murugo haddiiba aan ka badbaadno weerarka, in ciidammadeennu ay xag daryeel, tababbar, iyo qalab intaba ay wax badani ka dhimman yihiin, haddana lagu mashquulo kulammo aan dastuurka meel uga oollin oo marba magaalo lagu ballammo natiijo xaaladda wax ka qabatana aanay ka soo bixin wey isu keey qaban la’ yihiin.

2016 waxa ay tahay in la qabto madal iyo safarro uma baahna ee Dastuurka ayay ku qoran tahay. Haddii la qaban diiday Dastuurkana la reed mari rabo, in 7 bilood aan doorasho xalaal ah lagu abaabuli karin waa wax u cad maskax kasta oo fayow iyo af kasta oo runta yaqaan kuna dhiiran kara.

Qoyska saddex walaala ah oo Jaamacad dhigta xalay looga dilay Liido oo ay u shaah tageen, bal maxaa ka khuseeya muranka Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha kale ee tirada badan ku dhex maraya madasha "wadatashiga"?

Ilaaheey ha laga yaabo. 

Ummaddaan waa laga shaqeystaa. Madaxda aan sheegay mid kasta oo ka mid ah oo aan ka faa’idin dhaqaale iyo martabad xilka uu hayo anigu ma aqaan. Aayar ugu fiirso nin kasta oo hadda xil haya. Bal qiyaas sida uu maanta u nool yahay, sida loola dhaqmo, awooddiisa iyo inta aanuu xilka qaban meesha uu joogay iyo sida uu u noolaa.

Madaxdu sida ay uga shaqeystaan si le’eg ama ka badan waa in ay ugu adeegaan ummadda.

Wax kasta oo naga qarsoon Ilaaheey ayaa daalacanaya, mas’uul kastana kula xisaabtami doona xilka uu hayo iyo waxa ay ahayd in uu qabto ee uu hareer maray iyo sababta uu saa u yeelay. 

58 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb aragtidaada ama dareenkaaga.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Fikir run ah oo nadiif ah ayaad soo gudbisay,madaxda maantu ma aha madaxdii aad yaqaanay,waa dad maskaxiyan jab ah oo dhaqankoodu LA qaybsaday dhibta shacbiga haysta waxanay u arkaan dhimasho boob iyo caddaalad la'aanta waddanka taal nolol caado ah( normal life)

      Delete
    2. Fikir run ah oo nadiif ah ayaad soo gudbisay,madaxda maantu ma aha madaxdii aad yaqaanay,waa dad maskaxiyan jab ah oo dhaqankoodu LA qaybsaday dhibta shacbiga haysta waxanay u arkaan dhimasho boob iyo caddaalad la'aanta waddanka taal nolol caado ah( normal life)

      Delete
  2. Asc aad baan uga xumahay xasuuqa shacabka muqdisho loo geysaneyo maalin walba. Waa in shacabku somaliyeed uu u gurmodo reer muqdisho maaha in maalin walba korkooda lugu gorgortomo.
    Waa in ciidan somaliyeed oo gobolkasta laga keeney la geeyo isku duubni iyo somalinimo loo badbaadiyo loolana degaalomo wuxuushta dhiig caruurteeno maalin kasta daadinaya.

    ReplyDelete
  3. Asc aad baan uga xumahay xasuuqa shacabka muqdisho loo geysaneyo maalin walba. Waa in shacabku somaliyeed uu u gurmodo reer muqdisho maaha in maalin walba korkooda lugu gorgortomo.
    Waa in ciidan somaliyeed oo gobolkasta laga keeney la geeyo isku duubni iyo somalinimo loo badbaadiyo loolana degaalomo wuxuushta dhiig caruurteeno maalin kasta daadinaya.

    ReplyDelete
  4. Haddii dacwadan xafiisyadda ay quseyso lagu hagaajin lahaa wey qurux badnaan lahayd, ma aqaan waxa diidan in madasha iyo meelaha kuwa madaxda sheegta laga hor sheego war sidan u cad iyadoo aan aragno inaad kamid tahay dadka fursadu u heysta la kulankooda.

    ReplyDelete
  5. Yusuf graad werarada hotelada mugdisho waxaa Ka masuula mulkiilayaasha sababtoo ah way ogyihiin in werar lagu soo hayo lakin xil Iskama saarin mamul gobaleed wuxuu masuul kayahay magaaladiisa eeda mamul ka mugdisho baa leh xitaa dowlada xasan sheikh eed kuma leh

    ReplyDelete
  6. aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuulaaban. birmagaydho ayaa lagu laayeey xeebta liido. allaha u naxariisto waa arin murugo badan. khaasatan qoyska ay kabaxeen labad gandhood iyo wiilka walaalaha ah. samir iyo iimaan allaha ka siiyo. waa dhacdo xanuun badan. amaa MADASHA warkoodu waa shinbira yahow heesa. 4.5 iyo waxay isu hayaan deegaan, shacabkiina waa la xasuuqayaa. maxaa kasoo bixi kara shirka madash muqdisho oo aan kasoo bixin kii kismaayo. waxaa kasoo bixi kara in ay qolo tanaasudho ama meel dhexe laysugu yimaado waaba hadii lagu heshiiyo. hadii kale qoladii cadaanka oo muqdisho joogta ayaa u meerinaysa waxay iyagu rabeen, dabadeedna ku amraya midwalba in uu saxiixo, reerkoodana kadhaadhiciyo. tii alley noqon.

    ReplyDelete
  7. Mogadishu oon hogaan maamuli kara yeelan wax walboo la sheego wax tari mayso. Muqdisho waxaa ku sugan 20 kun oo ajnabi iyo in toban jibaar ka badan oo ciidan Somaliyeed magaceey rabaan ha sitaan. Intaa waxay wax ku qaba wayday waa hogaan xumo oo kaliya baan ku sifaynaa. Tan maamul goboleedyada waxa Muqdisho ka dhacaya eed kuma laha saa kii xukumay, seexanayay, ubadkiisana ku noolyihiin haduusan dan ka lahayn.

    ReplyDelete
  8. Dagaalada Muqdisho
    Waayaha Muqdisdho ee Maanta.
    Cirku mayay buu la madaw yahay,
    Magaal midab buu la madaw yahay,
    Masku malag buu la madaw yahay,
    Anna murugiyo maxay mudan baan,
    La madoobahay.(*)

    Cirka waxa ku gedaannaa daruuro colaadeed, dhulkana waxa ku gedfanaa duruufo nololeed. Waayuhu waa sumaysnaa, siyaasadduna waa silloonayd; gabbal baa u sii dumayay dawlad ku sheegtii jirtay. Galawguna cida ma kala goynayn. Salow colaadeed baa sidaa geyiga ugu baahayay. Dadku iyaga oo walaalo ah, haddana waa isku ciil qabey, oo naxli iyo xumaan in xuni beertay baa bislaatay, oo baalal goroyo yeelatay. Dugaaggu wuxuu u hamuun qabey hilbaha darayga ah ee dadka. wax walba meel xun baa laga eegayay, wax walbana si silloon baa loo fiirinayay. Nafo badan baa caleentoodu caddaatay, kuwa kale oo ayaan daranna iniintoodaa biqishay!! Anigu kuwaa danbe ayaan ka mid ahaa.

    Waxaan ifka imid aniga oo ooyaya, ma aqaanno oohintaydu inay odorasaysay aayaha noloshayda iyo inay baroor diiq u ahayd baradii diiranayd ee aan ka imid. Aniga oo aan oohin dhamaysan baa balaayadu hig tidhi. Deryanka hoobiyaha iyo duryanka rasaasta waxaan u haystay damaashaad loogu dabaal degayo dhalashadayda. Waa danbesa waxaan ogaadey inay birta iska aslayeen walaalo wada dhashay.

    ReplyDelete
  9. Yusuf, Soomaaliya maanta waxa ay u baahan tahay Hoggaamiye Qowmi ah oo mayal adag, go'aan qaadadasho wacan, aan qaainu wadan aheyn, una naxariista umadda. Inta maanta xilka heysa midna astaamahan kuma aan arag. Waxa weeye mid caqligiisu ku dhisaaleysan yahay laca iyo tabac aduunyo, mid aan mas'uulba aheyn oo caafimad ahaana liita oo kursiga aan kaba kici karin, kaaga sii darane ku howlan lunsasho hantida qaranka bad iyo biriba iyo kuwa Dowlad-goboleedyada qabyaaladeysan ee ay Ethiopia u sameysatay in ay ragaadiyan Umadda Soomaalida iyo aayohooda. Soomaaliyeey Illahey ka baqa oo qabyaalada ka xorooba oo dalkiina in aad hanatan u soo kaca.

    ReplyDelete
  10. Yusuf Garaad Hadii lagu dooran lahaa Waqtigii aad u ordaysey Madaxtinimada Dalka U malayn maayo in aan wax kale iska dhaafe xataa aad lifaaq yar nala wadaagi lahayd Marka wixii dhacay waanu ka xunahay alshayaadiina ilahay Cadaabta ha geeyo dadkana ha ka qabto

    ReplyDelete
  11. 1991: USC, SNM, SSDF, SPM...

    2016: Jinniland, Jinnistate...

    Farqiga u dhexeeyay hoggaamiyaasha:
    1991 Qabqable dagaal + horjoogeyaal.
    2016 Madaxwayne Gobol + waziirro.

    Natiijada:

    Dhiig shacabka oo qubanaya iyo lacag ku qulqulaysa jeebabka madaxda.

    Shacabka:
    Wali waxaynu wadnaa sacabkii bilaa su'aal 1991. Waayo shalhsoyadda hoggaamiyaha waxaa ka wayn qabiilkiisa.

    Ganacsiga ugu fiican ee Soimaaliya waa siyaasadda. Waxaad ka ganacsan kartaa: badda, berriga, dadka, diinta, iyo xitaa xidhiidh caaöamiga ah. Aqoon iyo raasamaal badan uma baahnid. Aakhiro maxaa kaa galay. Maalintaajir weeyel xaalku.

    Maalinta nin walbaa qiro, in taagerista qabiilku tahay salka cudurka, waxaa soo dhawaan kara xalka Soomaaliya.

    ReplyDelete
  12. garad waxaadn ka gartay qoralka canaanta.madaxda markii laga yimado iney maqayada ka socoray dood ah shirkii wada tashiga qaran.iyo maamulada.dalka ma saas baa.mise waa.si kale.
    dooda.dadweynaha ayey.u dhexeysay somahan

    ReplyDelete
  13. ABDI DAHIR JOOGA DALKA AHANA WARIYE SOMALI KENYA AH WAAAN KA XUNAHAYA DHIBKA GAARAYA SHACABKA SOMALIYED & BIR MAGADAYADA KUWA XASUUQAYNA ILAHOW NAGA QABO AMII N KOOXAHA DHAGARA QABAYASHA AH EE SOMALIYA KA DAGAALAMA WAA KUWO ARXAN DARAN OO XASUUQA MAATADA & CARUURTA WAXAAN UGU BAAQAY DOWLADA SOMALIYA IN AY KUWAAS GACAN BIR AH KU QABTOO OO CADAALADA LA HORKEENO KOOXDA ALSHABAB WAA GAALO AAMINSAN IN LA LAAYO DHAMAAN DADKA MUSLIMKA AH WAAN IN LA LAGA SIFEEYAA DALA SOMALIYA GABI AHAANBA?

    ReplyDelete
  14. ALSHABAB ALOW NAGA QABO AMIIIN DOWLADA SOMALIYA WAA IN AY GACAN BIR AH KU DHIGTAA KOOXDA UGUS AMA KOOXDA GAALADA AH EE ALSHABABA

    ReplyDelete
  15. Yusuf Garaad Walaal adiga waxa isu kaa qaban waayey Liido iyo Madasha, anigana waxa isu key qaban waayey Liido iyo waxa ay Shabaab rabaan iyo hadafka ay rabaan in ay gaaraan. Madasha madaxda hadba meel isla tegaya waxa ay ka wada hadlayaan ama ay isku haystaan waa la yaqaan oo way sheegaan oo ma qariyaan, waa sidii nin waliba uu Xukunka asagu ama u haysan lahaa jagada uu hadda haysto ama mid ka sarraysa u heli lahaa is uu ugu noolaado nolosha uu hadda haysto ama mid kasii lacag iyo raaxo badan. Intaas ayey isku haystaan oo kolba meel isla tegayaan ilaa uu nin waliba tiisa gaarana sidaas ayey ahaaneysaa isuna taasuli maayaan oo majiro nin u diyaar ah in uu nolosha iyo lacagta uu helo iska daadiyo intaas ayey isku haystaan kuwaasi dal iyo dad toona dan kama laha lagana sugi maayo. Waxa aanan anigu fahmin ama isu key qaban waayey waxa weeye waxa ay Shabaab rabaan iyo Liido maxaa iska galay!!! waa maxay xiriika ka dhaxayn kara Liido iyo waxa ay Shabaab rabaan?? Shabaab ma waxa ay rabaan in ay Shacabka Soomaaliyeed laayaan oo ay tirada dadka Soomaalida ah yareeyaan? wax kale oo aan ku micneeyo waan waayey ficilka ay Shabaab ka kasameeyeen Liido. Marka runta loo hadlo Shabaab waxay rabaan xukun iyo in ay ayagu ku fariistaan kuraasta ay hadda ku fadhiyaan kuwa hadda dadka ka shaqaysta laakiin aan u shaqayn laakiin Shabaabku wadadii taa loo marayey ayey si aad iyo aad u qaldan u fahmeen. Waxay u fahmeen in haddii ay dadka shacabka ah iyo Ardayda Jaamacadaha dhigata iyo kuwa ka qalin jebinaya iyo dhakhtarrada iyo Culimada Diinta Islaamka iyo Dumarka iyo Carruurta biri mageydada ah iyo dadka bulshada qiimaha u leh ay laayaan in ay sidaa Xukunka ku helayaan oo ay inta ay dadku jeclaadaan ay ayaga dooranayaan. Mase waa maya oo xukun marabaane waxay rabaan oo ay uga dhegan tahay in ay dhiig uun daadiyaan oo waa niman jirran oo uu hayo cudurka haya Askartii Maraykanka ee kasoo dagaallantay dalalka Ciqaaq iyo Afghanistan ee depression-ka qaba oo aan seexaneynin illaa ay dhiigga iyo hilibka dadka arkaan haddii ay cid ay dilaan waayaanna ayagu is dilaya, sidaa darteedna dhakhtarro gaar ah lagu waardiyeeyo? taas eyeyna u dhowdahay waayoo ayaguba in badan ayey dagaallamayeen oo ay dhiig daadinayeen. Haddii ay na leeyihiin maya oo xukun ma rabno ee waan Jihaadeynaa hadde Jihaadka ayey qalad u fahmeen ee haloo sheego in aan dadka Islaamka ah ee Ashahaadanaya oo Ahlu Towxiidka ah oo aan wax dembi ah oo lagu dilo aan gelin in dilkoodu aanu Jihaad ahayn Jannana lagu gelin ee Naaru Jahannama lagu galo. Haloo sheego Shabaab in hal dhibic oo dhiig ah oo qof Mu'min ah xaqdarro looga daadiyo ay Ilaahey uga qiimo badan tahay Dunida dhan oo la rogo. Haloo sheego Shabaab hadii ay jirto cid ay wax ka maqlayaani in dadkii ay xalay ku laayeen Liido iyo kuwii lamidka ahaa ee ka horreyeyba in aaney Janno ku geleynin ee ay caro iyo cadaab Allaah ku mutaysanayaan. Haddii ay rabaan in ay naga dhaadhiciyaan oo ay naleeyihiin dadkii aan Liido ku laynay waxay ahaayeen "MURTADDIIN" waa halku-dhega ay isticmaalaane taa ma caddayn bay u hayaan in ay shacabkii ay Liido ku laayeen iyo wukii ka horreeyeyba in ay Murtaddiin ahaayeen? Iska daa dad Islaam ah oo Ashahaadanayee xitaa Gaalada Kaafiriinta ah gardarro iyo iska dil waa gaale laguma dili karo. Gaalka Ilaahii abuurtay ayaa kula xisaabtama camalkiisa ee adiga laguma oran iska dil waa gaale, marka keliya ee dilkiisu bannaan yahay gaalka waa marka uu Diinta Islaamka kusoo duulo oo ay tahay in layska dhiciyo Diintana laga difaaco, laakiin haddii uu si nabad ah ugu noolyahay waddanka asaga iyo xoolihiisa iyo Kaniisaddiisa midna lama taaban karo. Dadkii Xalay ay Shabaab Liido ku xasuuqeen ma Gaalo Diinta Islaamka kusoo duushey bey ahaayeen? Taa Jawaabteeda Shabaab ayaa looga baahan yahay mana helayaan jawaab dadka qancisa laakiin maalin aan muran jirin ayey Ilaahey hortiiisa uga jawaabi doonaan. Maalintaa oo aan filayo in Shabaabka si qaldan loogu fasiray sida ka muuqata dhaqankooda

    ReplyDelete
  16. Runtu waxey tahay in aanan laheyn madax masuul ah. Maalin dhoweyd markey ku heshiin waayeen Kismaayo waxaa la laayey ciidamadii Kenya ee ka masuulka ahaa amaanka Kismaayada ey ku shirsanaayeen. Weyna og yihiin hadii dowlada Kenya tiraahdo ciidamadeena waan la baxney jubooyinka waxey u gacan geli doonaan Shabaab ileen ciidamadii kala wareegi lahaa lama diyaarine. Madaxda soomaalida waxey ku mashquulsan yihiin mansabraadis iyo daneysi qabiil. Mana lahan dareen masuuliyadeed!Mid walbo oo ka mid ah waxuu dareemilahaa murugo badan hadii la dhihi lahaa mansabka waa lagaa qaadayaa, laakiin hadii dadka intaas la eg la xasuuqo dareenkoodu waa cambaareyn.

    ReplyDelete
  17. Yusuf Allah Yahfidka Waa Runtaa Waa Arrin Muddan In Laga Fikiro Wayna Tahay Inta Aad Inoo Sheegtay Runtii waxan Dhihi Laha Bal Hafahmasno Kuwa Ay Quseyso Taladanu

    ReplyDelete
  18. Asc, aadaan uga murugooneynaa dhibaata shacabka ku hayaan ragaan ilaahey ka cabsaneyn aaqiro iyo aduun ee Alshabaab, waxaan aaminsanahay in layska celin karo laakiin shacabka koonfurto garbaduub lagu hayo Dowlada Somalia ugu horeyso. Waa inay ummadda hadeysan xal u keeni kareen xilka iska casishaa. Dowladda uma baahno in xal dambe laga sugo, shacabkana is difaacaan. Haddii kale ummadda saas u dhamaaneysaa, Yusuf qalinkaaga maanta wax ma qaban karo waa in ficil lagu daro, waa in shir Koonfurta la qabtaa xalna la.gaaraa ayadoo ilaahey la kaashanayo.

    ReplyDelete
  19. Waa Hadal run oo uu kadanqan karo qofkasto damiir leh, Dadkan looma shaqeeyo ee waa laga shaqeystaa uun.

    ReplyDelete
  20. Hadal naguma yara!isbadal na mahayno! Xagee iska qabban la'dahay!?
    Masuuliyiinta aan sygayno miyaan noo maqnayn?
    Mise wayba nagu maqanyihiin?

    ReplyDelete
  21. Illaah baa la xisaabtamaya oo kaliya. Majirto maantey Soomaali ama dhalin yaro aan anigu kujiro oo is badal sameyn kara kacdoon samayn kara oo madaxtooda la xisaabtami karta majirto oo sidii la doono baa anaga nala kusameeyaa oo waliba bahdil ah oo fool xumaa oo dalkayaga iyo sharafkayagaba aan u fiicnayn.

    Kaligii Duul

    ReplyDelete
  22. Illaah baa la xisaabtamaya oo kaliya. Majirto maantey Soomaali ama dhalin yaro aan anigu kujiro oo is badal sameyn kara kacdoon samayn kara oo madaxtooda la xisaabtami karta majirto oo sidii la doono baa anaga nala kusameeyaa oo waliba bahdil ah oo fool xumaa oo dalkayaga iyo sharafkayagaba aan u fiicnayn.

    Kaligii Duul

    ReplyDelete
  23. Madaxda markii hore ma shacabka ayaa doortay mase qola kale ayaa dooratay? Nin haduu shaqaale yahay qofkii shaqada u dhiibtay uun baa la xisaabtami kara!

    ReplyDelete
  24. Caqligu waa inuu nasiiyaa dhibkastoo dhaca waa inaan wax ka barano.ayaado badan oo qur'aanka kariimka ka mid ah waxay soo degeen markii wax qaladameen ama lagarawaayo si loo wajaho, markaas ayaa xalkii la helaa.ma Anan Fahmi weyn In ay dhacdo muran siyaasi,ismaan dhaaf madaxda dalka,beer laxawsi beeleed qibyaaladaysan, murugo iyo mashaqo dabataal.ee waxan fahmi waayey tiiyoo naan waxba ka baran iskaba daa Xalkeedee.

    Muusanaawga dadkeena micno la'aan kuma iman allena wax dulmiyo. Sidaan arkana wax kalaa noo dhiman.
    Mahadsanid yusuf.

    ReplyDelete
  25. Caqligu waa inuu nasiiyaa dhibkastoo dhaca waa inaan wax ka barano.ayaado badan oo qur'aanka kariimka ka mid ah waxay soo degeen markii wax qaladameen ama lagarawaayo si loo wajaho, markaas ayaa xalkii la helaa.ma Anan Fahmi weyn In ay dhacdo muran siyaasi,ismaan dhaaf madaxda dalka,beer laxawsi beeleed qibyaaladaysan, murugo iyo mashaqo dabataal.ee waxan fahmi waayey tiiyoo naan waxba ka baran iskaba daa Xalkeedee.

    Muusanaawga dadkeena micno la'aan kuma iman allena wax dulmiyo. Sidaan arkana wax kalaa noo dhiman.
    Mahadsanid yusuf.

    ReplyDelete
  26. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  27. Su'aal furan:

    Aragagixsadu ma cadow baa mise waa sxb?

    Shabaabku markay weerareen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, ee Ceelcadde, dad baa u dabaaldagay!

    Markay xeebta Liido weerareenna isla dadkaas murugaa ka soo yeedhtay!

    - Soomaalidu maxay rabtaa?
    - Argagixisada falalkeeda ma qaarbaa fiican?
    - AMISOM ma kala labaa: kuwa beeshaada ilaaliya iyo kuwa beelaha kale ilaaliyaa miyay lala fadli badanyihiin?

    - Ma munaafaqad baan arkaa?
    - Mise jahwareer dad isku dhexyaacay?

    Jawaabtu way u furantahay nin kasta, oo arrimahaas dadweynaha u iftiimin kara.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Jabkii CeelCadde waxa ay dadka Soomaalida intooda badani ugu farxeen siyaasadda hunguriga qaawan ee Kenya Ku dooneyso Badda Soomaaliya, sida qaawan ugu kala hiilineyso uguna dhex jirto qabaailka walaalaha ah ee Gobolada Jubba iyo in ay tahay arrin taariikhda ku haboon in Ciidamada wadamada dariska ee danaha kale leh cashar lama illaawan ah ku qaatan Ciida Soomaalida. Malaha Ethiopia sidaa ayaa loogu farxi lahaa.

      Delete
  28. Maxamed anigu jawaabtaada waan hayaa laakiin kuuma jawaabayo waayoo waxa ku haya cudur aan dawo lahayn markaa waqti iskaga lumin maayo in aan kuu jawaabo oo aan dawo kuu raadiyo, intanaaba khasaaro igu ah

    ReplyDelete
    Replies
    1. (Yusuf Garaadow, aflagaaddada ma dad gaar ah baad u gasaxday?)

      Ahmed Salad, dad badan markay su'aasha dhibsadaan waxay u baddalaan weerar shakhsi.

      1. Wxd sheegtahay inuu i hayo cudur aan dawo lahayn.

      1. Ima taqaannid ciddaan Somali Maxamed ka ahay.
      2. Wxn kuu sheegayaa, in Bloggan Yusuf Garaad uusan u furin in la isku aflagaaddeeyo. Waxaa ku sheekaysta dadka aqoonta leh, akhlaaqda wanaagsan, ee is waydaarsada fikrado wax ku ool ah.

      Delete
  29. walaal waxaas oo dhan waan ognahay laakiin aniga waxaa ila muhiiim ah in hadalka lo bedelo ficil, yuusuf dadka wax bartay ee dalku uu u baahanyahay ayaad ka mid tahay, fiiri, shaqsi baa qoys u soo kaca, midna beel ama qabiil inuu wax taro, day shaqsi ba u soo kaca qaran, marka goormee u kacaynaa oo hadalka wax qabad loo bedeli karaa xilligaasaa muhiim ah. No more talk

    ReplyDelete
  30. Shacabka soomaaliyeed weligii waxaa xuxuu ku noolaa nolol la mid ah xoolo lagu ooday meel shilin leh. shilin waxaa la dhahaa xasharaad yar yar oo aan muuqan marka hore laakiin marka uu neefka ku mudo ilkihiisa muddo ku dhegganaada oo dhiiga ka dhuuqa kamana fuqo illaa ay dheregtu ka badato oo uu isku celin waayo ama ilkhii uu ku mudey ay hayn waayaan oo uu dantiis uga dhaco. marka cid cabsi alle iyo cisi shacab meesha uga tegeysa haddii ay wax qaban weydey ma jirto illaa ay sida muqlaha u dhergaan oo ay iyagu joogiwaayaan meesha wixii dhimanaaya iyo ciddii isku baaba,aysana damba kama laha.Ee shabacabka waxaa la gudboon in ay ka waantoobaan in ay shaah ka doontaan meelaha khatarta ah ee dhiigga shacabka lagu cabbo.

    ReplyDelete
  31. Maxamed uma baahni in aan ku barto umana baahni in aan ogaado cidda aad Soomaali ka tahay intaas oo dhan waxa iiga filaatay oo aan ku ogaaday shakhsiga aad taha in aan aqriyey waxa aad meesha kusoo qortay. Haddii aad aqoon iyo akhlaaq wanaagsan leedahay adiga ayey kuu wanaagsan tahay laakiin hadalka aad meeshan kusoo qortay taa kama turjumayo. Qofka aqoonta leh iyo akhlaaqda wanaagsani isuma quuro in uu wax walba ku hadlo ama qoro waxan sheegay in uu ku hayo cudur aan dawo lahayn waana runtay oo taasi oo qoraalkaaga ayaa caddaynaya in aadan caadi ahayn ee aad si xun u jirran tahay

    ReplyDelete
    Replies
    1. Axmed Salaad, sxb ma wzd ka badin wayday inaad sheegto qofka jirran iyo cudurka haya noociisa?

      Su'aasha furan jawaab uma noqoto aflagaaddo.

      Blogganna looma furin dhalhaatiir iyo bukaan.

      Haddaadan fikrad, su'aal iyo jawaab midna faagaraha keenin, waxba akhristayaasha ku kordhinmayso inaad qof aadan aqoon weerartid.

      Aqoonta iyo akhlaada qofka waxaa muujiya in qof aadan la fikir ahayn aad ixtiraami kartid, adoon caayinna aragtidaada soo bandhigtid.

      Sxb anigu ku caayi maayo, diin iyo dhaqan midna kuma wanaagsana falkaasi.

      Marka adoo mahadsan ilaali anshaxa doodda, Blogganna ha ka dhigin goob lagu caytamo.

      Haddaa fikir ama jawaab kayga duwan qabtid, fadlan soo bandhig, waanan kugu ixtiraami doonaa, xitaa haddaanan kugu raacsanayn.

      Anigu wax wayn uma arko inaan dhagaysto ama fikir is waydaarsano iska qof walaalkay aan u arko, sida adiga oo ila wadaaga af, diin, isir, dhaqan, dal iwm.

      Waligaa ma sheeko/dood ma la wadaagtay dad aadan intaas la wadaagi: yuhuudi, kiristan, mulxid(bilaa diin), caddaan, madow?

      Doodda aad la wadaagaysid bini aadan yaysan noqonnin: "cudurkaagu dawo ma leh".

      Keen wixii fikir ah eed haysid, haddii ay jawaabtaadu aflagaadda dhaafi waydana masuuliyadda waxaa iska leh Yusu Garaad, hadduu kuu oggolaado inaa aflagaaddo jawaab ka dhigtid.

      Delete
  32. Maxamed horta marka hore ha ku meeraysan Yusuf Garaad iyo Bloggiisa, asaga Yusuf Garaad ah naftirkiisa ayaa lagu maagaa oo lagu af lagaadeeyaa marka taa ka gudub oo iska illow. Waxan iminka miiska kuusoo saarayaa jawaabtii aan maanta oo dhan kaa ilaalinayey oo aan kaala war wareegsanayey anigoo ixtiraamaya ninkaa walaalkeen ah ee fikirka wanaagsan noosoo bandhigay waqtigiisana inoo hibeeyey si aanu aragtiyo iyo fikrado iskugu weydaarsanno waxa ka dhacaya waddankeenna. Jawaabta aan kaala meereysanayey laakiin aan hadda wajiga kaa saarayaa waxay tahay:- Waxa aad tahay Cadawga Ummadda Soomaalida ayna tahay in layska kaa qabto. Qoraalka aad meesha soo dhigtay wuxuu caddaynayaa in aad ahayd qoladii ka tiiraanyootay maalin dhoweyd markii la laayey Kenyanka, Markii Dadkii Soomaaliyeed la laayeyna is hayn waayey farxad aawadeed. Hadalka aad meesha kusoo qortay wuxuu ahaa ku digasho aad ku diganayso Dadka Soomaaliyeed ee ay Cadawgu laayeen. Waxa aad tahay dadka jecel in ay Magaalada Muqdisho dunto oo aaney wax nabad iyo hurumar ahi ka dhicin. Waxa aad tahay Cadawga Muqdisho, waxa aad tahay Cadowga nolosha iyo iftiinka Soomaaliya usoo bidhaamay. Waxa aad tahay waan kuugu celinayaaye CADAWGA UMMADDA SOOMAALIYEED. Wax lagaala doodo ama fikrad laga dhiibto meesha soomaad dhigin ee waxaad muujisay dareenkaaga iyo sida aad ugu faraxsan tahay dhibaatada ku dhacday dadkii Soomaaliyeed ee Liido lagu laayey. Dadka aad sheegtay ee diimaha iyo dhaqamada iyo midabyada kala duwan leh oo dhan dood waan la wadaagi karaa haddii ay dani nakala gasho laakiin adigu wax lagaala doodo maad keenin ee dareenkaaga iyo Damiirkaaga liita iyo farxaddaada ayaad muujisay anna taa ayaan kaaga jawaabey, haddii aad fikrad wanaagsan keeni lahayd waan kugu taageeri lahaa haddii xitaa ay aragti ahaan kasoo horjeedo sida aan anigu wax arko. Laakiin marka aad Cadawga Ummadda tahay lagula doodi maayo ee jawaab kooban oo laguugu sheegayo waxa aad tahay ayaa lagu siinayaa sidaa ayaanna maantadii hore goostay ee adiga ayaa joogi waayey tanina waa jawaabtii aan markii hore kaa leexiyey

    ReplyDelete
    Replies
    1. Axmed Salaad, wxn kaaga mahad celinayaa jawaabta cadhadu ka muuqato.

      1. Weerarkii Liido waxaa lagu laayay shacab birimagaydo ah. Waxaa ka mid ahaa 3 walaalo ah oo ay ku jirtay gabadh xaamilo ah. Qoyskaa kaliya waxaa ka baxay 4 qof marka lagu daro ilmaha caloosha ku jira.

      Waa runtaa, haddaan ku fahmay wxd u jeedday. Qofka ku farxa falkaas wuxuushnimada iyo fulaynimada ah wuu jirranyahay. Kuwa falkaas gaystay ayaa ah cadowga ummadda. Iyagoo ku gabbanayay shaadh diimeed.

      Wxn aaminsanahay, in ummadda soomaaliyeed ay u dhexeeyaan laba cadow: kuwaas shacabka xasuuqaya iyo kuwa ku jooga sabatooda.

      Anigu haddaan is kaa baro, wxn ahay Daarood, soomaaliduna way is dishaa, ma aaminsani beel beel ka sharaf badan ama ka ceeb yari inay jirto.

      Wxn ka soo soo jeedaa qoys ahlu diin ah, awogay waxaa dilay nin ka soo jeeda beel aan Daarood ahayn. Waana la qabtay ninkii. Aabahay ayaana cafiyay, isagoo ka aarsan kara.

      Xalku wuxuu ku jiraa in la is cafiyo, ma aha qasab in la is jeclaado ama isku fikir la ahaado. Baahida loo qabaa modnimada iyo wada noolaanshahaa ka wayn colaadda iyo kala aarsiga.

      Hadday Muqdisho dunto ama gubato, Hargaysa, Kismaayo ama Baidhabo wax khasaare ah mooyee faaiido ka heli mayso.

      Su'aashaydii dib u akhri adoo iska bixiyaya ookiyaalaha aragga dhaw.

      Sheekadu ma taagna Muqdisho iyo magaalo kale. Ummad dhan ayuu masiirkeedu miiska saaranyahay.

      Waa inaad fahantaa, in cadowgu ku joogo aniga iyo adiga oo cawdow isu aragna.

      Ilaahay ha ina fahansiiyo danteenna.

      Qoysaysakii ehelkooda Liido lagu xasuuqayna samir iyo iimaan kuwii dhintayna Jannatul firsows.

      Ma aaminsani inay i kala xigaa Hawiye, Dir, Daarood ama raxanwayn. Kulli waa soomaali, kulligood qaraabo waan la ahay: habaryar, xaas, ilmoabti, dumaashi, soddog iwm.

      Sxb jirrada aad sheegaysid cadhadaa laga qaadaa, ee caadi iska dhig.

      Delete
    2. Su'aashii aan soo dhigay eed ka cadhootay, iguna aflaagadaysay, ee waliba sida qof cilmulqaybka og calooshayda waxa ku jira ka warrantay aan far balballaadhan kuugu qoro:

      Falkii wuxuushnimo ka dhacay dadka ka murugooday, ee kii ciidama Kenya ee Ceelcadde lagu qaaday ku farxay,

      1. Ma argagisada ayay la jiraan markay AMISOM is dilaan, markay shacabka weeraraanna waa ok?
      2. Dowladdu waxay kaashadtaa AMISOM, qofkii dolwladda taageersan ee jabka AMISOM ku faraxsan ma taageeraa argagixisada?

      2. AMISOM waxay joogtaa:
      Xamar(Uganda, Burundi)
      Beledwayne(Jabuuti)
      Baydhabo(Itoobiya)
      Kismaayo(Kiiniya).

      AMISOM ma cadowbaa?
      Ciidamada AMISOM ma qaar "xalaal" ah?

      Waa su'aalo furan.

      Ani warkaygu wuu cadyahay:

      Wxn taageersnahay nabadda iyo dowladda. Xaq bay u leedahay inay kaadhato ciidan shisheeye hadday dantu kallifto.

      Lkn la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan wxn u aqaanna dhuumashada dhabarku muuqdo.

      Is xanaajin iyo sheekada oo loo wareejiyo qof baa jirran jawaab ma aha.

      Sxb warkaaga caddee, dalka, dadka iyo diinta midna iga jeclide. Haddii kale wxd hali u tahay inaad ku dhacdid baabul munaafiqiin.

      Delete
    3. *falkii wuxuushnimo wxn ula jeedaa kii Liido

      Delete
  33. Maxamed mar kale adiga ayaa aamusi la', waa hagaag nin gurbaan tumay ilaaq dalbay. Waan kuugu celinayaa mar 2aad iyo 3aad ee waad jirran tahay waxana aad tahay Cadawga Ummadda Soomaaliyeed, taana adiga ayaa isku caddaynaya oo uma baahna in cid kaleba la weydiiyo. Weli waxa aad ka dhammaan la'dahay oo aad ku meeraysaneysaa AMISOM MA CADAW BAA? Haddaa maxay Yihiin? adigu ka jawaab taa anigu ayaga iyo AL-SHABAAB-BA Cadaw baan u aqaannaaye waayoo labaduba waxa ay dilaan Dadka Soomaalida ah, ciddii dadka Soomaalida ah dishana anigu Cadaw baan u aqaannaa.

    Sidaas ayaan ugu farxmay markii Kenyanka la laayey, welina waan jeclaan lahaa in aan mid qudha laga reebin gebi ahaan Ciidammada Shisheeye ee Soomaaliya jooga, mana kala jecli anigu magaca ay doonaan ha lahaadaane, waayoo anigu sideydaba waxan ahay dadka neceb in Ciidan shisheeye ay cagaha soo dhigaan Ciiddeyda Soomaaliyeed, weligeyna sidaas ayaan ahaa.

    Adiga haddii ay kuu kala aabe sokeeyaan ama ay magacyo kuu kala leeyihiin oo aad kala jeceshahay aniga waa iskugu kay mid, waa ciidan shisheeye oo Cadaw ah oo Dalkeyga kusoo duuley xoogna ku haysta cid kasta oo disha ama la dagaallantana waan ku taageerayaa waanan ku farxayaa mar kasta oo dhibaato gaarto, ama Shabaab ha ahaadaan cidda disha ama cid kale ha ahaadeene, aniga waxa i farxad gelinaya in dilo Cadawgaa Dalkayga xoogga ku haysta.

    Shabaab ayagana Cadawga Ummadda Soomaaliyeed kuwa ugu xun baan u aqaannaa kol haddii ay Dadka Soomaaliyeed dilayaan, joogitaanka ciidanka shisheeye ay Dalkayga ku joogaanna ayaga ayaa loo adeegsadaa oo mar marsiinyo laga dhigtaa oo la yiraahdaa waxanu la dagaallamaynaa ARGAGIXISO, taasi oo aan haba yaraatee hunta shaqo ku lahayn, dalalka ay Soomaaliya Ciidamadu ka joogaan ayagaa dano gaar ah ka leh Soomaaliya oo doonaya in ay qabsadaan ee uma imaan in ay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan. Al-Shabaab iyo Ciidanka Shisheeye ee Dalkeenna xoogga ku haysta waxa ka dhexeeya MASHRUUC ma dhammaade la yiraaho. Haddii aad dooneyso in aad wax intan ka badan ka ogaato fikradda aan ka qabo Al-Shabaab iyo dhaqankooda intood waxoogaa is yara dejiso oo AMISOM-TAN baase aad ku khafiiftay u yara kaadiso dib ugu noqo oo soo aqri isla boggan Comments-ka aan ka qoray dhacdadii LIIDO anigoo markaa ka jawaabayey iswey-diintii Yufus Garaad ee Cinwaanka u ahayd boggan ee ahayd: (LIIDO IYO MADASHU ISU KEEY QABAN LA'), halkaa ayaad kaga bogan kartaa fikraddayda.

    Markan dib ugu yara laabto qoraalkaagii kan ka horreeyey, waad abtirsatay oo waxad tiri waxan ahay oo ka dhashay Qabiilka DAAROOD, Maa Sha'allah waa Qabiil weyn oo Soomaaliyeed oo sharaf badan, laakiin aniga ayaa sxb Maxamed kaa Qabiil weyn kaana Qabiil wanaagsan waayoo waxan ahay oo ka dhashay Qabiilkeyguna yahay SOOMAALI ma garatay SOOMAALI BAAN AHAY wax intaa ka yarina ima qanciyaan. Qabiilkeygu wuxuu degaa inta u dhaxaysa Raas Kaambooni illaa Raas Casayr, Jabuuti illaa Iimey, halkaa iyo xaga Kenya usoo wad iyo Dhulka Sawaaxiligu iga haysto ee NFD illaa halka ugu dambaysa ee qof Soomali ahi ka deggan yahay gayiga geeska Africada Bari oo dhan ayuu aniga Qabiilkaygu degaa.

    Xagga Diinta iyo adigoo yiri waxa aan kasoo jeedaa qoys Ahlu Diin ah, taana waxan kaa leeyahay Diintu waa barasho ee u dhalasho ma ahan, ayadoo Aabuhu Shiikh Caalim ah yahay oo dadka Diinta bara ayaa ubadkiisu noqon karaan Shayaadiin laga cawdi billeysto.

    Haddii uu Aabahaa cafiyey ninkii Awowgaa diley ajar iyo xasanaad ayuu ka helayaa wuxuuna dabaqay Aayadda Qur'aanka ah ee oranaysa:
    ومن عفى واصلح فأجره على الله

    Intaa ayaan hadda ku joojinayaa haddii aad mar kale isoo dalbatana diyaar baan ahay ee bal haye sxb

    ReplyDelete
  34. Axmed Salaad, anigu lagama yaabbana inaan shakhsiyaddaada liido oon cudur kugu sheego si aan dooddayda u xoojiyo. Dooddaadii danbe aad bay u qurux badnayd, lkn adduunku dareen(jacayl ama nacayb) kuma shaqeeyo wuxuu ku shaqeeyaa maslaxad iyo xisaabtan.

    Soomaali Maxamed - oo Daaroodku ka mid yahay -
    Iyadaa cadowga isu loogtay, markaa ma wxs sugaysay in cadowgu kuu sacbiyo oo intaan isku maqnayd xuduudaha badda iyo berriga kuu sii ilaalin?

    AMISOM laba u kala qala qaad. Deriska, Kiiniya iyo Itoobiya waxay u joogaan maslaxaddooda oo ay ka mid tahay inaadan iyaga khatar danbe ku noqonin mustaqbal(dowlad xoog leh yeelan)

    AMISOM ta shihse, sida Yuganda dano dhaqaale waxaa u dheer Musafeni wuxuu isa soo dhaafiyay jabhad dhan oo uu la heshiiyay, mushahar fcn niman soomaali la yidhaa oo xoolo noqday ayuu uga sooo saaraa.

    Marka xaqiiqada ha ka warwareegine, haddaad tahay nin waxgarad ah, shacabka soomaaliyeed ma awoodaa inuu dhinac walba xabbad ku rido?

    Mise waxaa haboon in dowladda tabarta yar la taageero, si loogaa maarmo ciidan shisheeye?

    Markii hore wxd iga dhigtay nin qabiil u doodaya, markaad aragtay inaanan ahayn nin qabiil, in la is cafiyana aaminsanahay, Muqdishana aadan iga jeclayn anoo waliba kuu sheegay inaanan ahayn qabaail muqdisho degaan ahaan ku abtirsada, ayaad hadalkaagii qurxisay. Waana arrin fcn.

    Wxn ku dhihi lahaa markaad qof la dooaysid,1.

    Ha malaysan waxa caloosgiisa ku jira, wxd fahmi waydid waydii, ha aflagaadayn qof soo qoray fikrad aadan jeclayn 100% isku aragti lama noqon karo.

    2. Haddaad tahay wax garad, nala wadaag fikir saliim ah oo lagaga maarmwo cadowga.

    3. Somaliya wxd sheegtay in AMISOM iyo Alshabaab yihiin laba cadow oo isu baahan mashruucna ka dhexeeyo. Waan kugu raacsanahay.

    Wxd ilowday cadowga 3aad ee ay labaduba martida u yihiin. Cadowgaasi wuxuu taageero ballaadhan ka haystaa ummadda soomaliyeed dal iyo dibad.

    Cadowgaas waxaa dhahaa AL-QABIIL.

    Ha iiga dhigan jawaab "soomalidu waa dad qalbi fcn", "waa la isku diray" "hadday midoobaan wax ka xoog badan ma jiro"

    Qalbi fcn reer lagu ma dhaqo.

    Ficil fcn ayaa la rabaa oo ay kow ka tahay, inaan qofka fikraddiisa ama suaashiisa la dhibsado la yidhaahdo, Muqdishuu necebyahay, Hargaysuu necebyahay,Kismaayuu necebyahay.

    Waa qaab liidta oo madhalays ah doodda noocaas ku meeraystaa.

    Wxn kaa sugayaa dood iyo xikmad bisil iyo stratgiyad dalka lagu samatabixiyo.

    "Sidee xeego lagu xagtaa, ilkana ku nabad galaan".

    Inaan jirranahay iyo cadowga ummadda dhawr jeer baad sheegtaye bal mar markanna wax talo ah keen( anigu kuma danbaabu kari inaad jirrantahay iyo inaad caafimaad qabti midna).

    ReplyDelete
  35. Maxamed, hadda intii hore waan iskagasoo dhowaaney waanan kaa daayey wixii aad dhibsatay, waxana aan kuu sheegayaa walaal markii hore ee aan sida carada leh kuula hadlayey kuula aanan hadlaynin anigoo Qabiil ahaan kuula dagaalsan waayoo kumaba aanan aqoon qolada aad Soomaali ka tahay, haddadan aan kula hadlayana adigu ma taqaanid qolada aan ahay waayoo kuumaan sheegin, kumana oran Xamar anigaa kaa xiga ama Daarood baa Xamar laga xigaa toona, kumana aanan oran waxan ahay qolooyinka Xamar deegaan ahaan ku abtirsada, intaa midna kuma oran, haddii aad sidaa u micnaysatay hadde adiga ayaa yiri Ha malaysan waxa qofka calooshiisa ku jira Cilmul Geybka ma ogide, markaa adiguna taa isku xukun oo mala awaalka ka daa qolada aan ahay, lagaba yaabee in aynu aniga iyo adigu dad iskugu dhownahay jufa ahaan.

    Runtii waan hayaa wax badan oo aan ka doodi karno markan oo fikrad waanu is weydaarsan karnaa, waxanan ku bilaabayaa tan dhibkaba keentay iyo caro u hadalka, waa Nimankan Amisom la dhaho.

    1- AMISOM hakala qaadin ee isku wada duub, waa wada Cadaw isku dan ah, iskamana imaan ayagu ee quwado kale ayaa keensaday, mushaharka ay qaataanna African ma bixiyo ee qolooyinkii soo dirsaday ayaa bixiya oo waad ogtahay, kuwa deriska ahi dantoodii ayey u yimaadeen kharashkana qolo kale ayaa bixisa ee ayagu maba haystaan.

    2. Waxad tiri Shacabka Soomaaliyeed ma awoodaan in ay dhinac walba xabadda uridaan mise waxa haboon in aynu taageerno Dawladdan tabarta daran si looga maarmo ciidan shisheeye? waxan kuu sheegayaa Maxamed intaa uu xaalku sidan yahay Dawladduna tabar yeelan mayso AMISOM-NA tegi mayso oo laga maarmi maayo waayoo loogumaba tala gelin in ay xaaladdu sidaa iska beddesho oo aynu Dawlad awood leh noqono sida aad adiguba sheegtay. Miisaal yar haddii aan kusiiyo waxa aanu Dawlad ku noqon karnaa waa in aynu Ciidankeenna dhisanno oo ay nabad gelyada dalka ayagu hantaan sidii xaalku ahaan jirey taana waad ogtahay in aan la ogolayn, taa micnaheedu waxa weeyaan in weligeen nala haysto, tusaale Ciidanka shisheeye ee waddankeenna jooga waxa lagu sheegaa in ay yihiin 22000 oo askari, askariga caadiga ahi wuxu mushahar u qaataa US$1200 bishii, markaa (22000x$1200=$26,400,000), intaasi waa hal bil mushaharkeed, sanadkiina waxay noqonaysaa ($26,400,000x12=$316,800,000), waa saddex boqol toban iyo lix Million iyo sideed boqol oo kun oo USD. Intaa waxa qaata Askariga dablaha ah ee AMISOM, Saraakiishoodu waxa ay qaataan lama sheegin, lacagtaasi Maxamed waxa ay mushahar ugu filan tahay (132000) boqol iyo soddon iyo laba kun oo ASKARI OO SOOMAALI AH OO KIIBA LA SIIYO BISHII $200 oo keliya markaa ma kula tahay in aynu u baahnaan lahayn
    Askar shisheeye oo Amaanka dalkeenna ilaalisa?.

    3- Ma ii sheegi kartaa laba qabiil oo Soomaali ah oo dagaal kadhex taan yahay oo ay kala dhex joogaan oo ay nabad kala dhex dhigeen? Dhulka Soomaaliyeed ee ay Amisom joogto ayey amaan darraduna ka jirtaa Shabaabkuna joogaan oo ay dadka ku laayaan ee dhul weynaha Soomaaliyeed ee aaney Amisom joogin dhibaato iyo dagaalla Sokeeyena kama jiraan Al-Shabaabna ma joogaan markaa dhibkuba miyaanuu Amisom ahayn adigaan ku weydiiyeye? Runta haddii la sheegayo Dadka Soomaaliyeed dagaal kama dhexeeyo meel walbana way wada deggan yihiin qof walibana halkii dani ka gasho dalka dhexdiisa cidi kama celiso AMISOM-na ma joogto marka laga reebo 4ta meelood ee aad adigu sheegtay mooyaane, qof isagu dakane qaba oo baqaya waa meeshiisa.

    Amisom dhowrka xubnood ee Dawaladda ka tirsan ayey ilaalisaa oo Scort u samaysaa marka ay dhoofayaan iyo marka ay soo laabanayaan kharashka intaa le'egina wuu ku baxaa iyo mid kale oo intaa aad uga sii badan haddii ay tahay xagga Hubka, Raashinka, Shidaalka, Dawada iyo in kaloo ciiddaa ka badan markaa ma is leedahay waxay ogolaan doonaan in laga raysto? war nabad gelyo ninyohow waxa aan rabo oo dhan hal mar wada sheegi karayee

    ReplyDelete
    Replies
    1. Axmedow, sxb wax badan oo dhab ah ayaad ka hadashay.

      Cudurku waa qabiilka.

      Dunida muslimka wxd maqasha dad isu dilaya qoomiyado ama madaahib, shiico, sunni, kurdi, carab, turki...

      Soomaalida markii la waayay meel lagu kala kexeeyo waxaa loo helay meel fudud: u soo iibi durbaan uguba qor DAAROOD, HAWIYE, RAXANWAYN, DIR...

      Durbaankana iyagaa tumaya waliba naftooda iyo maalkooda ku bixinaya

      Mxd u haysataa ciddii ka shaqaysata axmaqbimada soomaalida?

      Qabqable, Siyaasi, AMISOM nin walbaa dantiisuu wadtaa.

      Yusuf Garaad wuxuu yidhi shacabka waa laga shaqaystaa. Taasi waa 50% xaqiiqada. 50% ee kalena waxaa qabta soomaalida lafteeda.

      Marka soomaalida 50-50 waa laga dhaqaystaa waana lagu shaqaystaa.

      Xalka mxd u aragtaa?

      Delete
  36. Maxamed Xalka waxan u arkaa kuwa Soomaalida ah ee naga shaqaysanaya iyo kuwa Aqmaxnimadeenna ka faa'iideysanaya in ay naga tagaan oo ay nadhaafaan gebi ahaantood, qolooyinkan mad madow sideennoo kale inagama axmaqnimo yara oo qaarkood dalalkoodu keennaaba ka wanaagsan, Burundi oo kale tusaale ahaan, Kuwan kale ee Ethiopia, Kenya Uganda, Jabuuti iyo Sierra Leone tii inaga tagtay haddii aad taariikhahooda dhow dib ugu laabato qaar badan innagaa ka wanaagsan, iminkana weli ma dhibaato la'a oo kama aaney wada bogsan wixii ay soo mareen, weliba qaarbaaba hadda dib ugusii siqaya mar kale in ay is gumaadaan. Soomaalidu ayadoo Qabiillada aad sheegtay u dhalatay ayey dalkana wada degganaan jireen nabadna ku noolaan jireen haddana waa la siyaasadeeyey oo niman dano siyaasadeed leh ayaa bahasha cirkaa geeyey ee Soomaalidu weligeedba qabiilka way ahaan jirtey dagaalkooduna kama badnaan jirin laba nin oo ceel isku ulaysa ama waxoogaa geel ah kala qaada oo markaa intoo dhawr nin layska dilo ayaa geedka hoostiisa lagu dhamaysan jirey, haddana arrintu intaa kama badna.

    Markaa nimanka danleyda ahi qabiilka haka daayaan siyaasadeynta, odayadii Soomaaliyeed ee marka ay arrintu isku dhabaqdo dhirin dhirin jirey may dhammaanine

    ReplyDelete
  37. Dhibku waa 2:

    1. Waddaniyadda waxaa ka xoog badan qabaliyadda. Tuseele: anigu wxn ku noolahay qurbaha, waxaanan haystaa baasaboor Yurubiyan ah, inaan dalka u dhintana ma rabo. Wxn rabaa inay dad kale u dhintaan, isagoo hagaagayna aan qorrax iyo caano geel u soo doonto.

    2. Siyaasadda Soomaaliya markaan ka sheekaynayo wxn jeclahay inay beeshaydu ugu sarrayso.

    Xalku waa mid: qabiilku inuu ahaado wax la isku garto siduu Ilaahay ina baray. Aynaan siyaasiga dalka gadanaya ku taageerin abtirkiisa ee aynu ku qiimayno

    a) shakhsiyaddiisa
    b) aqoontiisa
    c) kartidiisa
    Iwm.

    WaLLaahu aclam

    ReplyDelete
  38. Maxamed aniga qudhaydu qurbaha ayaan ku noolaa 38-dii sano ee ina dhaaftay, Baasaboor shisheeyena waan haystaa hadduu wax tarayo.

    Sidaadaa oo kale waan jeclahay in aan dalkayga usoo dalxiis tago caano geel iyo dhaylana usoo doonto mana rabo in aan u dhinto dalka aniga iyo cid kale toona oo maba rabo in ay cidiba inaga dhimato.

    Laakiin arrinta ah inay beeshaydu ugu sarrayso, taa in aan kaaga yara duwanahay ayaad mooddaa, tusaale ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida kuwa aan ugu necbahay Wallaahi been kuuma sheegayee intooda badani waa beeshayda, weliba waa jufadeyda hoose, kuwa aan ugu jeclahayna waa kuwa beel ahaan iigu fog. Markaa kuma oranayo qabyaaladi iguma jirto oo taa haddii aan iraahdo been baan sheegayaa oo taa dadka Soomaalida ah ayaan kala mid ahay oo kuma oranayo Malaa'ig baan ahay, laakiin waxan jeclaan lahaa in qofka ugu wanaagsan Soomaalida rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee anigoo weliba jeclaan lahaa in uu beeshayda iyo weliba jufadeyda hoose noqdo, in uu talada dalka qabto qofka ugu wanaagsan Soomaalida marka aan leeyahay waxan ula jeedaa dhan walbaba, Xagga Shakhsiyadda, Aqoonta dhan kastaba mid diineed iyo mid maaddi ahba, waaya aragnimada ama khibradda, Akhlaaqda, Kartida oo aanu/aaney noqon qof intaa aan soo sheegay oo dhan leh laakiin jilicsan oo iska hurdaya/hurdaysa.

    Qofkii intaa isku darsada haddii la helo ee uu/ay talada inoo qabto ama qabato, wuxuu qofkaasi xulan lahaa dad sidiisoo/sideedoo kale ah oo uu/ay u magacaabi lahaa/lahayd jagooyinka iyo xilalka kale ee Ummadda loogu adeegayo asagoo ama ayadoo aan loo eegin beesha iyo jufada uu qofkaasi kasoo jeedo.

    Waad aragtay wadammada aad joogto qabiil layskuma doorto ee xisbi ayaa laysku doortaa, xisbigana waxa lagu doortaa ama lagu qiimeeyaa waxqabad, xisbiguna wuxuu xubnihiisa ka dhex xushaa sida ay u kala karti iyo waxqabad badan yihiin ee lagumasoo xulo uun kanaa saaxiibkay ama xisbigayga ah oo keliya waayoo berrito marka doorasho laysugusoo laabto xisbigu wuxuu doonayaa in uu dadka u sheego wixii uu u qabtay muddadii uu xilka hayey si mar kale uu xukunka ugusoo laabto haddii aanu marka hore iskasoo dhex xulin dadka aqoonta iyo howlkarnimada lehna xukunka kumasoo laabanayo oo doorashada ayaa lagu ridayaa waayoo dadku way xisaabtamayaan wixii loo qabtay iyo wixii loo ballan qaaday laakiin aanan la qaban iyo sababta loo qaban waayeyba, markaa xisbigii mucaaradka ahaa ayey dooranayaan.

    Sidaas ayaan u baahanahay in aan Dalkayga Soomaaliya ku arko oo aan helo dad aan kala doorto anigoo ku qiimaynaya inta aan kor kusoo sheegay, ee aanan ku qiimaynaynin qabiilkiisa.

    Aniga qofka qabiilkiisu ima anfacayo imana dhibayo ee waxa i anfacaya ama i dhibaya waxa uu qabanayo.

    Intaa marka ay Dadka Soomaalida ah intooda badani isla fahmaan ayaana nabad iyo wanaag iyo horumar u horraysa iyo Dawladnimo dhab ah.

    Waxana aan hubaa in taa la gaari doono haddii Alle idmo, muhiimna ma aha maalinta ama taariikhda la gaarayo, mana ogi in aynu aniga iyo adiguba nolol ku gaari doonno oo uu cimrigeennu intaa gaari doono iyo kale laakiin waxan hubaa in la gaari doono taa waayoo haddii aad dib u eegto wadammada reer Europe ee aad ku nooshahay iyo kuwa kaleba sida Maraykanka oo kale wixii ay isla soo mareen iyo hooggii iyo ba'ii ay isu geeysteen kadib ayey usoo gudbeen halka ay maanta joogaan, tusaale ahaan Maraykanka, magaalada Atlanta ee gobolka Georgia nin General ah ayaa gebi ahaanteed dhulka la simay oo Map-ka ka tirtiray magaaladaa oo macal geedihii iyo howdkii ku wareegsanaa gubey oo dab qabadsiiyey, maantana waad aragtaa sida ay tahay.

    Ilbaxnimada ay sheegtaan ee ay ku faanaanina waxa weeyaan dersigii ay soo qaateen ayey si wanaagsan usoo xifdiyeen oo aaney diyaar u ahayn in ay markale dib ugu laabtaan, innaguna taaseyno ku soconnaa ee hala sabro oo yaan la degdegin dhibaatada inteedii badnayd Insha'allaahu waa lagasoo gudbaye.

    ReplyDelete
  39. Axmedow waa xaqiiqa arrimahaas aad sheegtay oo idil.

    Siyaasiga soomaaliga ah wuxuu ogyahay meesha dadkani u nugulyahay. Markuu iska dhex arki waayo ama uu booskiisa u baqo wuxuu la soo baxaa kaarka qabiilka

    Tusaale ahaan Somaliland oo in badan ka hormarsan koonfurta xagga maamulka, ayaad marmar maqlaysaa Faysal C. Waraabe oo ku janjabaya, inay beeshu kalsoonida kala noqon doonto dawladda. Waa hoggaamiye xizbi!

    1960 markii soomaalidu xorowday qabiil iyo qabyaalidi way taallay, lkn waxaa ka xoog badnaa wadaniyadda, heer ay laba dal oo gaar u kala xoroobay isku biireen. Maanta laba dowlad gobol ma laga filayaa ficilkaas?

    Somaliya burburkeeda waxaa ku qanacsan dalal badan: kuwo u arka inay soomaali midowda sharkeeda aan loo adkaysan karin, kuwo ka shaqaysta oo ciidankoodu mushahar ka helo, kuwo badda si xor ah uga kalluumaysta intay ka eryadeen(riwaayaddii budhacadbadeedka sameeyay) dalalkii kale ee iyadu bililiqaysan jiray badda, sida Hindiya, Jabaan iwm.

    Waxaasoo dhan waxay ka bixi lahaayeen daaqadda haddii la kobciyo fahanka siyaasadda ee shacabka oo la baro sida caalamka loo kala adeegto iyo inaan loo naxariisanayn ninkii dantiisa garan waaya.

    Midda aan ku lahaa inay beeshaydu ugu sarraysaan rabaan wxn uga jeedaa sida aad mooddo inay dad badan ula egthay oo qurbaha ku nool inuu faaiido ka helo arrintaas.

    Anigu shakhsiyan Madaxwaynaha, Golaha waziirrada, Gud. Baarlmaanka taliyeyaasha laamaha amniga kulli hadday u dhiibno 20 nin oo ilma adeer ah beeshay doonaan ha noqdaane shuruudaha xillana laga helo, oo ay kow ka tahay ammaano, wxn u arkaa inay dal u dhaanto 4 tuug oo 4.5 ku qaybsada xilka, ciyaalkoodu qurbaha wax ugu bartaan, marka 2 sano joogaanna guryo waaweyn ka iibsada dibadda.

    Cudur waa qabyaaladda oo salka ku haysa jahliga diimeed iyo mid maaddiba tuugo hadday doonaan aqoon lihin ay si fiican uga ganacsadaan kuna noqdaan maalqabeen.

    ReplyDelete
  40. Maxamedow waa runtaa sida aad sheegtay oo intii aanu xabadda iskula maqiiqnayn ayaa nalaga shaqaystay oo cid waliba dantii ay lahayd inaga fushatey, burbukeennana aad loogasii shaqeysiiyey oo la gaarsiiyey meel la isleeyahay Soomaaliyi dib ugasoo kaban mayso.

    Sidaasoo ay tahayna anigu weli ma rajo dhigin, malaha waa ii nacasnimo aniga ii gaar ah laakiin ifafaalo wanaagsan ayaad arkaysaa haddii aad waddanka gudihiisa tagto. Tusaale, waxad arkaysaa dhallinyaradii oo intooda badani wax baranaya oo book iyo qalin wata halkii ay berigii hore qoriga ka wadan jireen amaba wax bartay oo dhammaystayba oo ku shaqasysta wixii ay barteen taasina aniga waxay iiga dhigan tahay bilowga iyo aasaaska nolosha aadanaha.

    Dhallintaasi iminka mashquul kuma aha qabyaalad ee waxay mashquul ku yihiin sidii loogaba gudbi lahaa oo loo dabar goyn lahaa Cudurkaas dilaaga ah. Dadka kale ee aan ardayda ahaynina qof waliba wuxuu dhex ordayaa magaalada oo wuxuu mashquul ku yahay sidii uu carruurta biilkooda usoo heli lahaa oo kaasina xoog uma helo waqtina uma hayo intuu meel fadhi ku dirir ah fadhiisto uu qabyaalad iyo reer hebel maxaa la yiri ku sheekeeyo. Dadka qurbaha jooga oo runtii maskax ahaanna ku habsaamay berigii ay dagaallada sokeeye xoogga u socdeen oo ay dalka ka carareen oo u haysta in ay weli arrintu halkii taagan tahay ayaa qabyaaladdii xoogeedii ku haray iyo dhowr nin oo ganacsato ah badeecadda ay ka ganacsadaanina ay tahay siyaasadda. Qolooyinka budhcadda ah ee baddeennii iyo birrigiiba xaalufiyey waxay meesha sii joogaani waa inta aanu suuxsan nahay laakiin marka uu miyirku noosoo laabto wallee in aaney sii joogeyn, weligoodba hayna xadaan. Nin beri hore gabyey ayaa yiri TUUG HOODADII WAA INTUU UUNKU KA HURDAAYE. Inta AMISOM hubka iyo shidaalka ka iibineyso Shabaab ayey ayey arrintaasi sii socon doontaa, marka aanu 2daa meel iska saarno bal Hindi uraya iyo China uus buur iyo Sawaaxili gafuur weyni baddayada hasoo hunguriyeeyaan.

    Qolada tuugta ahina waxay noogu hoos gaban yihiin Amisom iyo Ethiopia iyo Kenya, ayagana in waqtigii kasii dhamaanayo waxad ka ogaan kartaa bal maanta website-ka Hiiraan online gal oo akhri waxa ku qoran iyo halka uu Kenya xaalku la marayao

    ReplyDelete
  41. Waa dhab, waxaa laga faaiidaystay laba arrimood: aqoon yarida shacabka iyo hunguri waynida iyo iimaan la'aanta siyaasiga.

    Wxn arkaa 3 cadow oo isu baahan:
    1. Nin jeclaysiga(qabyaaladda) oo salka ku haysa damac sadbursi ama kalsoonidarro "ninka kale".

    2. Siyaasi qodobka hore ka ganacsada.

    3. Shisheeya ka faaiida labada qodob ee hore oo is biirsday.

    Xalku waa in xidid loo siibaa cadowga 1aad. Geedka xaddii xididdad uu biyaha ku cabayo ama kalluunku biyaha uu ku neefsanayo laga saaro ma noolaan karo.

    Waan kugu taageersanahay, inaan la quusan. Hal qof ayaa wax baddali kara. Isbeddelladii taariikhda aadama ugu waawaynaaana shakhsi unbaa billaabay.

    Wxn dhihi lahaa aynu gu goobanna cadowda 1aad, si labada kale harraad ugu bakhtiyaan.

    Labada kalena si xeeladaysan aynu ula macaamilno ileen ciyaar kaga fuqi maayaan dhiigga ay tuubadu ugu jirto oo in laga afqabto ka fuqimaayaane.

    Waligaa baadiye neef bahal ku dagay oo uu dhiigga ka jaqayo oo YUR ta la hayo ma aragtay ama ay bahallo kale ku haystaan raqda? TV ma daawadtay xayawaanka duurjoogta?

    Soomaaliya waa tabtaa. Xididka laga cabbayaana waa inmaga, inmagaana waraab la daba taagan!!!

    ReplyDelete
  42. Maxamed mushkiladdii Soomaaliya oo dhan adigu qabyaaladda ayaad eeddeeda dusha ka saartay, waa runtaa oo xididka ay beladu ka biya cabayso waa kaa oo waa qabyaaladda laakiin su'aashu waxay tahay sidee xididkaa loo siibi karaa oo taa looga gudbaa oo dadka looga weecin karaa? Anigu waxan arkayaa in Temperature-ka ama heer kulka qabyaaladdu uu hadda hoos uga yara dhacay sidii uu ahaa oo waxoogaa jawigu soo qaboobayo oo hadda la bilaabay is bahaysiyo aan isku qabiil ahayn ee isku dan oo doonaya in ay xukunka sidaa ku helaan oo ganacsatadii siyaasaddu ay taa bilaabeen,taana anigu waan bogaadinayaa oo waxay iigu muuqataa in ay sidii hore ka wanaagsan tahay.

    Waxad arkaysaa kuwiiyoo kolba meel ku shiraya, kolba magaalo Soomaaliyeed isugu tegaya, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Garowe, Boosaaso, Cadaado, Gaalkacyo, Dhuusamarreeb, Beledweyne, Jowhar ... intaasoo magaalo wax ka yar sanad gudihi ayey isugu wada tageen oo ay ku shireen welina way socotaa.

    Waxad arkaysaa dhibaataduba in ay ayaga uun ka dhaxayso oo ku kooban tahay ee aaney dadka shacabka ahi shaqo ku lahayn waxa socda iyo waxa ay kawada hadlayaan toona.

    Markaa dhibkuba waa ayaga aniga aragtidayda. Berigii aanu Midowgii Soviet saaxiibka ahayn duruustii laga baran jirey ee la oran jirey Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan dersi ka mid ah ayaa wuxuu oranayey: Dadka intii isku dan ah ayaa isku qabiil ah. Tusaale ahaan Siyaasiyiintu waa isku dan, sidaa darteed waa isku qabiil, ardaydu waa isku qabiil, macallimiintu waa isku qabiil, dhakhaatiirtu waa isku qabiil, beeraleydu waa isku qabiil, shaqaalaha Dawladdu waa isku qabiil, askartu waa isku qabiil, ganacsatadu waa isku qabiil, xoolo dhaqatadu waa isku qabiil, warshadlayaashu waa isku qabiil, gar yaqaannada iyo qaalliyaduna waa isku qabiil, baabuur leydu waa isku qabiil, shacabweynaha aan intaa midna ka tirsanaynina waa isku qabiil, kolba intii kale ee isku dan ahina waa isku qabiil.

    Haddii aad arrintaa si wanaagsan ugu dhaba gashid haddadan la joogo xaqiiqatan arrinku waa sidaa oo sina ugama beddelna. Soomaaliya gees ka gees dadku Dawlad wax u qabata ayey u baahan yihiin oo siisa ageegyadii Dawlad looga baahnaa ciddii doontaa madax ha noqotee, markaa dhowrkaa nin ee isku danta ah ee kolba meel isla tegayaana waa isku qabiil, Soomaali inteedii kalena waa isku qabiil. Arrintu bartaa ayey hadda taagan tahay. Waxanu u baahan nahay cid na xukunta laakiin services kii dowlad looga baahnaa na siisa, nimankan danwadaagta ahna intaa in ay fahmaan ayaa looga baahan yahay oo waxan baase ay kala jiidanayaan intey meel isugu geystaan way kasoo kala hartaaye in ay dadka jid u bixiyaan ama ay ka hor wareegaan.

    Dadka Soomaalidu qabiilka way u dhasheen oo kama bixi karaan oo Ilaahay baaba sidaa u dhaliyey mana xuma haddii aan la xumayn oo wax ceeb ah ma leh qabyaaladdu, Ilaaheyba dadka sidaa u abuuray ee qofna isagu iska dhigin qolada uu yahay, Ilaahayna uguma talo gelin in qabiilka laysku dilo oo laysku dhibaateeyo ee wuxuu ugu talo galay in layku garto oo Ilaahay wuxuu Qur'aankiisa noogu sheegay Aayaddan:

    وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا ان اكرمكم عند الله اتقاكم

    Isku soo xoori Maxamed 3da cudur ee aad sheegtay labo waa siku mid oo waa qabyaaladda iyo siyaasiga awrka ku kacsada qabyaaladda iyo shisheeyaha oo ah Parasite-ka ama ur-kunoolha inta ay labadaasi iskusii jeedaan ka faa'iideysana. Afartan nin ee isku meeraysanaya haloo sheego in ay ama naga hor wareegaan ama nogu heshiiyaan, ayagu hadday nagu heshiiyaan shisheeye dambeba lama arkayee.

    Aniga xalku sidaa ayuu iila muuqdaa ee Maxamed adiga maxay kula tahay? sideed xal u aragtaa Dadka Ilaahay baa qabiilka ka dhigay oo ka tegi maayaane?

    ReplyDelete
  43. Axmed, sxb fikirkaagu wuu qurux badanyahay runtii.

    Marka culuumta siyaasadda lagu baranayo culuumta siyaasadda waxaa loo kala baxaa laba school(mad'hab) oo kala aha IDEALISTIC iyo REALISTIC.

    Qolada hore qaabka adduunku ku qurux badanyahay ayay u ololeeyaan, qolada danbena waxay dhahaan adduun sinnaan iyo caddaalad ka dhici maysee, nin walbaa dantiisa ha ilaashado, kii ilduufana aakhiraa loo diri.

    Arrinta aad sheegtay way fiicnaan lahayd hadday fududdahayna waa inaan la sugin.

    Lkn labada qolo -siyaasiga iyo shisheeyaha- is wadta ee danohooda ilaashanaya, in laga takhulluso ma fududa.

    Waxay wadtaan, una hurayaan dantooda, dhaqaale, hub iyo maskax.

    Marka waxaynu u baahannahay rag hura wakhti, maskax iyo maalba.

    Hawl sahlan ma aha.

    Xusuusnow, meeshu waa dunida 3aad wali ka sii ah dunida Islaamka, ka sii ah Africa.

    Shacab la waydiiyo maslaxaddooda oo rabitaankooda la fuliyaa wuu yaryahay.

    Waxay u baahantahay:
    1. Niyad
    2. Shaqo
    3. Samir

    Oo lala kaashad Alle.

    Allaahu aclam

    ReplyDelete
  44. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete

  45. Innaa Lil-laahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, إنا لله وإنا إليه راجعون Allaha u naxariisto walaalkeen Cabdi Xaaji Goobdoon. Jannatul Firdowsa Allaha ugu bishaareeyo annagana gadaashiis Alle na fitneeyo

    ReplyDelete
    Replies
    1. Axmed Salad, jawaabtaad ii soo qortay Yusuf Garaad ayaa bixiyay. Wxn jeclahay inuu u cuskaday xeerarka iyo anshaxa saxaafadda.

      Ma wxd qortay wax dhiirrigalinaya colaad? Ma cid/shakhsi baad sharafkiisa ku xadgudubtay?

      Adiga, Yusuf Garaad iyo Alle ayaa aniga iyo akhristayaasha kale naga wixii aad qortay ee uu Yuusf saaray.

      Wxn ku soo koobayaa dooddeenna, in shay xaaraan ah uu xalaal noqon karo. Tusaale ahaan, bakhtigu waa xaaraan, lkn haddii nafta lagu badbaadinayo waa daruuri waana xalaal.

      Somalia bakhtigaa u xalaal ah(aminiyan?). Xaqna waxay u leedahay inay bakhtiga cunto(ciidan shisheeye), ammaankeedana u kaashato wixii ay danteeda ku gaadhayso.

      Nimanka shacabka ku gumaadaya meelaha lagu qaxeeyo ma siin bay matalaan? Yaa dirsaday?

      Xal ma u tahay shacabka inay ciidan meel fadhiya intay gaadmo ku weeraraan kadibna ka cararaan? Wixii shacabka ka soo gaadh yaa masuul ka ah?

      Su'aalahaas in la is waydiiyo si cilmiyaysan oo daacad ahna looga doodo waa arrin wanaagsan.

      Delete
  46. Maxamed waxa aad meesha ku aragtay ee laga saaray Yusuf Garaad kama saarin ee aniga ayaa ka saaray (This comment has been removed by the author) authorkuna aniguu ahaa. Cidna kuwa xad gudbin adigana waxba kuuma soo qorin ee Tacsida Cabdi Gobdon ayaa wax iga qaldameen aniga ayaana delete gareeyey ayada oo sax ahna mar kale dib meesha usoo dhigay oo waadiga arkaya. Bal haddaba tijaabi adigu oo intaad wax post garayso oo publish gareyso arag optionka aad haysato oo ah Reply Delete isla computerkii aad ka dirtay marka sidaas ayaan sameeyey oo waan delete gareeyey ayadoo sax ahna mar kale ayaan dib u post gareeyey, Yusuf Garaadna shaqo kuma lahayn 2da qoraal midna

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ok wll cafwan, si khaldan ayaan u fahmay. Anaaba wax kaa faaiday. Mahadsanid

      Delete