Inta aan taariikhda ku hayo waxay ahayd
markii ugu horreysay ee meel maxfal ah uu Maxamed Siyaad isaga oo Madaxweyne ah
uu la soo istaago Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aden Cabdulle Cusmaan.
Waa Qabuuraha Qaranka oo ahaa meel ka soo
horjeedda Tiribuunka. Waa aaskii Cabdullaahi Ciise, oo
ahaa halgamaa Gobannimo doon ah, isla markaana hoggaamiye u ahaa Xukuumaddii
Daakhliga ahayd.
Waa ninkii ay Soomaalidu u dirsatay
Qarammada Midoobay magaalada New York si uu qaddiyaddooda u daafaco.
Waa ninka markii Talyaanigu yiri waa in
lagu tallaalaa si aad buug caafimaad u qaadato marka aad aadeyso New York sy
Soomaalidu ka baqday in la sumeeyo ama ugu yaraan uu ku qandhado tallaalka. Halgamaa
Maxamuud Yusuf Muro oo ay isu ekaayeen Cabdullaahi Ciise ayaa noo sheegay in uu
isagu qaatay aqoonsigii Cabdullaahi oo uu magaca Cabdullaahi isku soo tallaalay
una bareeray khatarta looga baqay Cabdullaahi Ciise.
Muro waxaa uu hadalkaa noo sheegay mar isaga iyo halgamayaal kale oo SYL u badan la keenay Jaamacdda oo ay nala hadleen annaga oo markaa arday ah.
Muro waxaa uu hadalkaa noo sheegay mar isaga iyo halgamayaal kale oo SYL u badan la keenay Jaamacdda oo ay nala hadleen annaga oo markaa arday ah.
Muro waxaa uu Cabdullaahi Ciise sidaa ku guddoonsiiyay buuggii caafimaadka isaga oo aan la tallaalin oo ka bedqaba khatarta lagu tuhmay
tallaalka.
Naftii-hure Muro waxaa iigu dambey
say
isaga oo waayeel ah oo xanuunsan. Dadkii i dhihi jiray dadku inta ay nool yihiin waa in wanaaggooda la sheego si loogu qiro ama looga abaalmariyo, waa runtood, waxaan ku xujeysanayaa sida ay u qiimeeyaan Muro.
Naftii-hure Maxamuud Yusuf Aden Muro |
Cabdullaahi Ciise waa ninka ilaa beri dhow
aan London ku arki jiray niman badmaax ah oo ku faana in ay ka mid yihiin
Soomaalidii London ku soo dhoweysay kuna jiscintay Cabdullaahi Ciise.
Markii ay gobinnimada qaadatay, Soomaaliya
waxay Cabdullaahi Ciise u magacwday Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda ee ugu
horreeyay.
Qabuuraha Qaranka
Waa 1988. Galabta waxaa fagaaraha loo taagan yahay
aaska Cabdullaahi Ciise.
Maxamed Siyaad wuxuu soo gaabiyay safar uu
dhib kala kulmay oo uu ku marayay Gobollada woqooyi ee dalka. Wuxuu Madaxweynuhu wajahay Rabshado iyo kar aanuu hore ugala kulmin woqooyi. Dabcan karkaasi wuxuu marayay meeshii ugu dambeysay inta aanuu qarxin isla sannadkaas gudihiisa. Madaxweyne Maxamed Siyaad wuxuu toos ugu
soo duulay Muqdisho si uu goobjoog uga ahaado aaska.
Ummad aad u fara badan ayaa isugu soo
baxday xabaalaha. Qaar waxay daba socdeen baabuurka meydka sida. Annaga oo koox
weriyayaal ah ayaan dusha ka saaran nahay baabuur siible ah oo dhigo leh.
Qaar kale waxay sii joogeen qubuuraha.
Dadka qaarna marka ay arkeen aaska sida weyn loogu soo baxay ayay iyaguna ku
biireen dadka xabaasha tuban.
Madaxweynaha waxaa dhinacyada ka taagnaa
ragga ugu dhowdhow ee isaga ku soo xiga. Meel aan ka fogeyn oo isla safka hore
ah kuna beegan Madaxweynaha Garabkiisa midig ayaa waxaa taagan Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aden
Cabdulle Cusmaan.
Aden-Cadde in badan ayay soo wada shaqeeyeen Cabdullaahi
Ciise. Markii uu Cabdullaahi madaxa u ahaa Xukuumadda, Aden-Cadde wuxuu ahaa
Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Kama badna laba ama saddex dadka labada
Madaxweyne u dhexeeya. Ma arkayn anigu markii hore sida ay labadoodu isu
salaameen ama loo soo dhex galay, laakiin waxaan si wanaagsan u xusuustaa
markii la aasay meydka wixii dhex maray Madaxweyne Maxamed Siyaad iyo
Madaxweyne Aden-Cadde.
Waxaa la keeny xirmo ubax ah oo lala soo
hor istaagay Madaxweyne Maxamed Siyaad si uu qabriga u dul dhigo. Muu qaban ubaxa. Isaga oo
gacanta Midig ku soo taagaya ayuu yiri u dhiiba Adan.
Keyd Media |
Qof kale ayaan codkiisa maqlay. Wuxuu yiei maad isla qabataan. Qof kalena wuu ku celiyay erayadaas.
Markaas ayaa Maxamed Siyaad uu ubaxa dhinac
qabtay, durba soo eegay Aden-Cadde isaga oo ku marti qaaday in uu dhinaca kale qabto.
Halkaas ayay Maxamed Siyaad iyo Aden-Cadde wadajir ubax u dul dhigeen qabriga
Cabdullaahi Ciise. Saddexdaba Allah ha u naxariisto.
No comments:
Post a Comment