Total Pageviews

Tuesday 22 November 2016

Yaaqshiid iyo Berbera

Dugsiga Sare ee Jeneral Daa’uud annaga oo fasalka fadhinna ayaa waxaa soo galay maamulaha Iskuulka oo aan u maleynayo in uu markaa ahaa Maxamed Maxamuud Sabban, ahaana Macallinkeenna Juqraafiga.

Waxaa wehliya Guddoomiyaha Laanta Wabarashada Bari ee Gobolka Banaadir.

Waxay noo sheegeen in macallimiin-yari ay ka jirto Dugsiyada Hoose ee Laanta. Waxay noo sheegeen in wiilasha iyo gabdhaha walaalaheen ah ee Dugsiyada Hoose ku jira aan loo hayn macallimiin ku filan oo waxbara.

Waxay naga codsadeen in aan si mutaddawacnimo ah galabtii wax uga dhigno Dugsiyada Hoose ee Laanta. Markii ay dhowr jeer marba dhinac naga tuseen arrintan muhiimka ah, welibana ay noo sii macaaneeyeen ayay naga dalbeen in keennii arrintaa u diyaar ah uu gacanta taago.

Waxaan ka mid ahaa ardaydii ugu horreysay ee gacanta taagta. Ardayda kale ee gacanta taagtay waxaan xusuustaa in ay ka mid ahaayeen saaxiibbo aan isku fasal ahayn badankood sida Cabdullaahi Cabdi Geeddi, Cusmaan Dhega-Cadde, Cabdirisaaq Warsame Xaayow iyo qaar kale.

Markii aan aqbalnay ka dib waxaa naloo ballanqaaday in bil kasta nala siiyo gunno yar oo ah 100 shilin.

Aniga iyo Geeddi waxay nagu qoreen Dugsiga Yaaqshiid oo ku ag yaalla Ceel Tubba-Weyne, agagaarka Hotel Kaah, waa Degmada Yaaqshiid. Iskuulku wuxuu ku yaal xaafad ka fog meesha aan degganaa.

Annaga oo iskuulka aan ardayda ka nahay ka nimid, ayaan marka aan dharka ardayda iska beddelno, qubeysano, qadadana aan afka ka qaadno waxaan lug ku aadi jirnay Iskuulka aan Macallinka ka nahay.

Inteennii ku waalnayd Kubbadda Koleyga ee Gym-ka Iskuulka aan ku cayaari jirnay sida Geeddi iyo Xaayow waxaan noqonnay cayaar la'aan subixii aan sikuul dhiganno, galabtiina aan annagu dhigno. Cayaar iska daaye waxaaba qilqiil naga galay wakhtigii aan annagu wax akhrisan lahayn ama aan cashar u diyaarin lahayn ardaydeenna.

Khibraddeenna macallinnimo aad ayay u yarayd. Annaga lafteenna waxay noo ahayd tababbar.

Hal sannad-dugsiyeed oo kaamil ah ayaan wax ka dhigeynay dhowr dugsi oo Laanta ka tirsan.

Sannado badan ka dib ayaa nin ka mid ah dhallinyaradii aan ka wada shaqeynay BBC wuxuu ii sheegay in uu Dugsiga Yaaqshiid wax ku soo bartay.  Xilliga uu ardayga ka ahaa wuxuu ku beegnaa xilliga aan annagu ka ahayn macallimiinta.

Farxad ayay i gelisay arrintaasi.

Berbera


1989 iyo 1990 ayaa aniga oo ka shaqeeya Degmada Berbera oo aan Iskuul laga dhigan waxaan ka fekeray in aan dhallinyarada magaalada u abaabulo Iskuul. Waxaan ka shidaal qaadanayay khibradda aan ka helay sida uu u shaqeeyay nidaamkii ardayda Dugsiyada Sare ee General Daa'uud ay barayaasha ka ahaayeen Dugsiyada Hoose ee Laanta Waxbarashada Bari.

Waxaan ka fekeray in aan helo macallimiin Soomaali iyo ajnebi isugu jira oo wax u dhiga ardayda reer Berbera ee heer Dugsi Sare. 

Macallimiinta qaar waan diyaariyay. Dadka aan u bandhigay ee iga aqbalay in haddii aan jiif iyo cunto ka bixiyo ay mushaar la'aan wax uga dhigi doonaan Iskuulka waxaa ka mid ahaa, ina abtigeey Allah ha u naxariistee Maxamuud Muxumed Cabdikariin oo loo yiqiin Durunow. 

Maxamuud oo hal abuur mu'allif ah ahaa wuxuu ahaa Macallin ka soo qalin jebiyay Lafoole,. Wuxuu ahaa Macallimiinta ku tilmaaman aqoonta ay hibadu ku laran tahay ee uu u lahaa Xisaabta iyo saddexda laamood ee Sayniska ee lagu baran jiray Dugsiyada sare ee Soomaaliya.

Dad ajnebi ah waxay iga oggolaadeen in ay af Ingiriis ka dhigaan haddii Iskuulka dib loo durayo. Anigu waxaan diyaar u ahaa in aan maaddooyinka qaar qaato.

Qorshaheygu wuxuu ahaa in intaa ka dib ardayda Dugsiga Sare laga xulo Macallimiin wax u dhiga ardayda Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga Hoose.

Sidaasna ay ardayda reer Berbera oo hadda seegseegga ah ay dhammaantood helaan waxbarasho.

Waxaa fikirkaa qeyb ahaan igu dhaliyay markii aan Berbera ku arkay nin Macallimimiintii hore ah, oo la igu yiri waa reer Sool oo aanan hadda magaciisa xusuusan. Si mutaddawacnimo ah ayuu isugu duway ardayda magaalada ee Iskuulku ka istaagay. Keligii ayuu wax ku bari jiray dhismihii Iskuulka ahaan jiray. Ninkaas waxaad moodday carruurta oo dhan in uu isagu dhalay sida uu isugu taxallujiyay.

Markii aan arkay ayaan dhowr jeer soo booqday oo marna aan cashar iyo laba siiyay, dhowr jeerna aan u dhigay filim aqoon kororsi ah aniga oo adeegsanaya Projector 18 mm ah iyo koronto-dhaliye ay labadaba leedahay Laanqeyrta Cas. Waxaa kale oo aan u qeybiyay qalmaan iyo buugaag ay wax ku qortaan. Shaqaalaha ajnebiga ah ee aan wadashaqeyneynay ayaan qaarkood geeyay oo iyaguna soo booqday lana hadlay ardayda. Waxaa laga hadlayay waxay ahaayeen Laanqeyrta Cas, samafalka, waxbarashada iyo sheekooyin shakhsi ah.

Ardaydu ma qaadan jirin dhar Iskuul. Waxa uu Macallinkaas keligaa ahi dhigayana ma ahayn wax ay Wasaaradda Waxbarashadu ansixisay ama shahaado lagu qaadan doono. Berigii dambe waxaan u maleynayaa in Bare labaad uu ku soo biiray oo ay iskaashadeen.

Aniga oo soo koobaya, sababo awooddeyda ka baxsan awgood, isku daygeygii aan damcay in aan ku soo nooleeyo Iskuulka Berbera wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay.

No comments:

Post a Comment