Danjire Axmed Cawad iyo Danjire Yusuf-Garaad |
Waxaan maanta la joogaa Danjiraha Soomaaliya
ee Washington Axmed Cawad si aan uga qaato warbixin ku saabsan howlaha
Safaaraddeenna iyo wadashaqeynta kala dhexeysa Dowladda Mareykanka iyo
Soomaalida Mareykanka. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay sida ay labadeenna xafiis ay u yeelan lahaayeen
wadashaqeyn dhow.
Waxaan jecleystay sida Soomaalida Mareykanku
ay isugu xilqaantay gacansiinta safaaradda, siiba xagga dayactirka xafiiska quruxda badan ee Safaaradda iyo taageerada guud. Waxaan u bogay dhallinyaro si
mutaddawacnimo ah ula shaqeysa safaaradda. Cosob oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee mutaddawiciinta ah ayaa naga qaadday sawirka.
Safaaradda Soomaaliya ee Washington waxay
hadda ku jirtaa qabanqaabada soo dhoweynta wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta
oo maalinta Jimcaha ah Washington ku soo bandhigi doona Qorshaha Horumarinta
Dalka ee Saddexda Sano ee soo socota.
Maalintaas oo ah 18-ka November waxay ku
beegan tahay sannadguurada koowaad ee dib u furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee
Washington.
No comments:
Post a Comment