Total Pageviews

Monday, 21 November 2016

Maalmahaygii Bankiga Dhiigga


Bulshada Soomaaliyeed cuqdad ayay ka qabi jirtay in ay dhiig ku deeqdo. Sheekooyinka aan maqlay waxaa ka mid ah nin xaaskiisu ay xanuunsatay, markii loo sheegay in loo baahan yahay in uu dhiig ugu deeqo ayuu cararay oo derbiga isbitaalk ka booday. Waxaa laga sheegay in uu ka baqay in carruurtiisu ay isku mar noqdaan rajo iyo agoon.

Dadka qaarba wax uun bay ka aamminsanaayeen bixinta dhiigga. Waxaas marka la isu geeyo waxay isugu soo biyo shubanayeen wax laga baqo oo ah in aad ka qaadi karto daciifnimo iyo xanuun aadan weligaa ka soo kabsan, haddiiba aadan u dhiman.

Agaasimaha Bankiga Dhiigga, Dr. Cusmaan Aden Cabdulle, oo annaga oo arday ah Jaamacadda nagula hadlay ayaa nooga warramay dhibka haysta keydka dhiigga. Wuxuu nooga warramay xaaladda bukaanka iyo dhaawaca u baahan dhiigga. Isla markasna si baaq ah oo talo weydiin iyo codsi ah ayuu noola hadlay.

Aniga oo ah Guddoomiyaha ardayda Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaan dhegeysanayay hadalka Agaasimaha, mana ogeyn in aan ka mid noqon doono shaqaalaha Bankiga dhiigga ee uu Agaasimaha u yahay.

Gocasho


Aniga iyo saaxiibbo kale oo ardayda ka mid ah waxaa macna weyn noo sameeyay eray uu yiri Agaasimuhu. Dhiiggu waa daawo aan warshad lagu sameyn karin, ayuu nagu yiri. Weedhaas dib ayaan u soo goconnay.

Arrintii ayaan ardeyda la dhex marnay. Ka dib markii ay is qoreen liis arday ah oo u diyaar ah in ay dhiig ugu deeqaan walaalo aanay garaneyn oo xanuunsan ama hadda ka dib dhaawacmi doona ama la qali doono, ayaan xafiiskiisa ugu tagnay oo soo wargelinnay Agaasimaha. Markaas waxaa Gahayr noogu yimid kalkaaliyaal caafimaad oo Bankiga ka tirsan oo qalabkoodu u dhan yahay.

Intaasi markii ay noo qabsoontay ka dib ayaan annaga oo saddex ah oo labada kale ay yihiin dhakhaatiir hadda waaweyn laakiin berigaa ahaa arday Kulliyadda Caafimaadku waxaan ku heshiinnay in aan wacyi gelin u sameyno bulshada. Waxaan goosannay in aan ka billowno dhallinyaro yaryar oo aan hadda looga baahneyn in ay dhiig bixiyaan – waa ardayda Dugsiyada Sare. Ujeeddadu waxay ahayd in ay weynaadaan iyaga oo aan dhiig ku-deeqidda cuqdad ka qabin oo markaa ay noqdaan dhiig-bixiyayaal.

Isku daygii howshaas oo aan qorsheynay in aan ka billowno Dugsiga Sare ee Banaadir nooguma hirgelin sidii aan jecleyn.

Markaa ayaan dhowr barnaamij oo wacyi gelin ah ka abaabulay Radio Muqdisho oo marna aan dhakhaatiir ku marti qaaday marna aqoonyahanno kale iyo weliba shacab caadi ah bal waxa ay ka aamminsan yihiin in ay ku deeqaan dhiig.

Aakhirkiina waxay noqotay shaqadeeda in aan bankiga Dhiigga u qaabbilsanaado dhanka Xiriirka Dadweynaha iyo wacyi gelinta.

Markii dadka ka baqaya dhiig ku deeqiddu ay iga badiyeen doodda ah in laga qaado wareer iyo madax xanuun joogta ah iyo daciifnimo, waxay noqotay in aan anigu dhiig ku deeqo.

Wax dhib ah ma dareemin markii aan dhiigga ku deeqay, inkasta oo miisaankeygu uu ahaa mid soo jiitay muran ay kalkaaliyayaasha caafimaadku iga geliyeen in aan dhiig ku deeqi karo iyo in kale.

Dhiig ku-Deeqayaal


Shakhsiyaadka aan xusuusto ee dhiigga sida joogtada ah ugu deeqi jiray waxaan soo qaadanayaa dhowr magac oo ka mid ah. Shakhsiyaadkaas qaarkood waxay dhiig ku deeqeen afartameeyo jeer.

Waa Dhakhtar Cusmaan Aden Cabdille, oo mararka qaar isaga oo aan dhammaysan saddexda bilood ee ay tahay in qofku uu sugo inta aanuu mar kale dhiig ku deeqin isku dayi jiray in uu dhiig bixiyo. Kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa marmar iska hor taagi jiray haddii ay ogaadaan in aan saddex bilood u dhammaan.

General Cabdinuur Yusuf oo ka tirsanaa booliiska iyo maamulka Sportiga isla markaasna ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Ururka Bisha Cas ayaa isaguna ka mid ahaa. Si joogta ah ayuu mudda dheer u bixinayay dhiig.

Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqa Magaalada Muqdisho isaguna wuxuu joogta u bixin jiray dhiigga.

Dadka qaar waxay bixin jireen dhiigga Plasma oo ay si joogta ah ugu baahan yihiin carruurta Hemophiliac ah.  Ku deeqidda Plasma waa howl ka culus dhiig mar qura la bixiyo oo inta qofka laga qaado dhiig ka badan inta uu awoodo in uu ku deeqo ayaa la geeyaa sheybaarka oo laga soocaa Plasma. Markaas ayaa unugyada cas iyo unugyada cad ee Dhiigga iyo walaxda loo yaqaan Platelets oo ah dhiig-xinjireeyaha dib loogu shubaa qofkii ku deeqay. Inta dhiigga la kala soocayo, qofka ku deeqay waxaa suran faleebbo ku shubaysa milan ku sima inta dhiigga lagu soo celinayo.

Dhiigga nooca ugu yare ee dadka Soomaalida laga helo waa nooca loo yaqaan 0 Rh- ama loo soo gaabiyo 0 Rh -.

Haddii qof dhiiggiisu yahay 0 Rh – oo jooga Soomaaliya uu dhiig baxo ama xanuun ama qalliin dartiis uu ugu baahdo dhiig waa ay adag tahay in dhiiggaas dhakhso loo helo haddii marka hore aanuu keydka ku jirin.

Mararka qaarkoodna waxaa dhacaysa in haddii muddo aad u kooban dhiigga lagu heli waayo aanuu bukaanku badbaadin.

Prof. Shahiid
Sidaa darteed Bankiga dhiiggu wuxuu diyaariyay liiska mutaddawiciin nooca dhiiggoodu uu yahay 0 -, oo mar kasta oo dhiig noocaas ah loogu baahdo si emergency ah, diyaar u ah in ay dhiig ku deeqaan.

Liiska oo aan u maleynayo in uu ahaa tiro ka yar toban mutaddawac, waxaan ka xusuustaa Prof. Shahiid oo lagu dilay qaraxii Hotel Shamo isaga oo ka qeyb gelaya qalin jebinta arday uu dhakhtarnimo u tababbaray. Isaga iyo macallimiin kale iyo dhakhaatiirtii ay wax bareen iyo madax munaasabadda ka qeyb gashay. Waxaa dilay wiil aanay aqoon isaguna aan iyaga aqoon, kana warqabin sida ay dadkaasi muhiim ugu yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariisto Dr. Shahiid waxaa dhiiggiisa daadiyay nin aan aqoon, aan hubana in isagu uu dhiiggiisa u shubi lahaa si uu naftiisa u badbaadiyo.

Dr. Cabdi Faarax Taano
Waxaa kale oo aan liiskaas ka xusuustaa Dr. Cabdi Faarax Taano. 

Saaxiibkeey Cabdi Faarax Taano oo aan Jaamacadda isku xilli ahayn, ahaana Guddoomiyaha Ardeyda Kulliyadda Daawada, beri dambe ayaan isaga oo dhakhtar ah aniguna aan ka tegey Bankiga dhiigga aan raadiyay, soo helay oo aan weydiistay dhiiggiisa in uu iigu deeqo. Wuxuu i weydiiyay cidda iga xanuunsan. Waxaan u sheegay qofka aan u doonayay taas oo waxoogaa kaftan ah na dhex dhigtay. Waxaan dhiig u doonayay maxbuus Ethiopian ah oo dalkeenna ku xirnaa oo waayeel ah oo xanuunsanaa.

Caymis


Beri dambe waxaa la gartay in dadka ugu badan ee dhiig u baahdaa ay yihiin dadka ku dhaawacma shilalka waddooyinka. Taas waxaa macnaheedu yahay in shil kasta uu ku lug leeyahay ugu yaraan wadaha hal gaari. Haddii ay yihiin laba ama ka badan baabuur oo isku dhacayna ay tirada wadayaashu intaas ka badan tahay.

Si dhaawaca shilalka dhiig loogu helo waxaa is afgarad sameeyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Bankiga Dhiigga. Waxaa la gartay in qofka doonaya in uu qaato Shahaaddada Wadidda Gaadiidka in shuruudaha ku xiran in uu buuxiyo ay ka mid noqoto in uu ugu yaraan hal mar ku deeqo dhiig.

Rayi kala duwan ayaa laga qabay arrintaas laakiin waxay xal u noqotay in yar oo ka mid ah baahida dhiigga ee ay qabeen Isbitaallada dalku.

F. G.
Dhowr jeer ayaa la ii sheegay in la jeclaan lahaa dadku marka ay dhintaan keliya in aan laga hadal wanaaggooda ee inta ay nool yihiin la sheego. Sabab waxaa badiyaa laga dhigaa in la jeclaan lahaa in wanaaggooda lagu qaddariyo loogana mahadnaqo. Shakhsiyaadkaas wanaagga badan ee samafalka ah dadkooda ugu deeqay ee aan ku xusay qormadeydu waa ay nool yihiin marka laga reebo Dr. Shahiid.