Total Pageviews

Saturday 12 November 2016

Qaabbilaadda Ban Ki-moon


Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta iga guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda.

Intaa ka dib, ayuu Xoghayaha Guud igu martiqaaday xafiiskiisa magaaladan New York, halkaas oo aan ku qaadannay kulan gaaban.

Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba. Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

Maaddaama ay Soomaaliya ku biirtay Qarammada Midoobay isla sannadkii ay xorriyadda qaadatay, waxaan Xoghayaha Guud uga mahadceliyay guulaha inta uu xilka hayay uu gaarsiiyay Qarammada Midoobay. Waxaa guulahaas ka mid ah taageerada dalalka colaaddu ay soo wajahdo iyo horumarinta xuquuqda haweenka.

Waxaan xusay horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhammeystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020.

Wuxuu Xoghayaha Guud sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda. Wuxuuna ku cliyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay wuxuuna igu dhiirri geliyay in aan xoojiyo xiriirkeyga wakiillada Dowladaha daneeya Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee dalka ka howlgala. 

Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa ah goobta loo siman yahay oo ah Dowlad iyo Cod.

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon wuxuu iiga warramay mar uu Soomaaliya tegey. Isaga oo ka jawaabaya su'aal aan weydiiyayna wuxuu ii sheegay in marka uu shaqada ka fariisto uu ku laaban doono dalkiisa, Kuuriyada Koofureed.

Fadhiga waxaa igu wehliyay Maxamed Rabiic Yusuf oo ka tirsan ergada Soomaaliya.


Mahadcelin


Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ii wakiishay in aan Qaranka Soomaaliya ku matalo fagaaraha Diblomaasiyadda wadar-geesoodka ah ee ay ku falgalayaan wakiillada 193 Dowladood. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisaln Wasaare Cumar Cabdirashiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Hadliye iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada.

Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ee igu hambalyeeyay magacaabidda xilkaan, kuwa talooyinka ila wadaagay iyo kuwa martiqaadyada iigu sameeyay Muqdisho inta aanan ka soo dhoofin.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjire Dr. Cilmi Ducaale oo muddo dheer soo hayay xilka aan maanta sida rasmiga ah u billaabay isaga oo weliba ku shaqeeyay xaalad ka sii adag midda maanta. Waxaan isagana u mahadcelinayaa Danjire Cawaale Kulane oo ahaa Ku Xigeenka isla markaana sii hayaha Ergada ee xilliyo badan, anigana intii aanan Muqdisho ka soo safrin i siiyay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Ergada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa una duceynayaa dhammaan Madaxdii soo qabatay xilkaan oo ay ku jiraan kuwii Xafiiska hayay xilligii Dowlad la’aanta. Iyo Danjirayaasha xilkaan soo qabtay oo uu ugu horreeyo Danjirihii markii aan gobonnimada qaadannay la soo magacaabay ee furay Xafiiska Ergada Soomaaliya ee New York, Danjire Xasan Nuur iyo Danjirayaashii kale ee soo maray oo dhan oo ay ugu magac weynaayeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Cabdiraxiim Caabbi Faarax.

Fadlan ducada igu kaba in Rabbi igu gacan qabto xilkan aan Qaranka u hayo ee ku wajahan ilaalinta iyo hore u marinta danaha Soomaaliya iyo kobcinta xiriirka Soomaaliya ee saaxiitinnimo iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeya Dowladaha adduunka iyo Laamaha Qarammada Midoobay. 

No comments:

Post a Comment