Total Pageviews

Tuesday 3 November 2015

Labo Shil oo dayaaradeed Oktoobar Gudaheeda!

Laba dayaardood ayaa ku soo dhacay agagaarka Afgooye bishii Oktoobar ee sannadkan 2015. Weliba dayaaradda hore oo ahayd mid weyn oo xamuul ah waxay soo dhacday ka dib markay in muddo ah dul heehaabaysay magaalada Muqdisho.

Iyada oo loo daneynayo bedqabka musaafarka - oo ay ugu badan yihiin Madaxda Dowladda iyo Hey'adiistayaashu, shaqaalaha dayaaradaha iyo weliba dadka dhulka jooga oo haddii ay dayaaradi soo dhacdo ay waxyeelleyn karto, sow ma ahan in la is weydiiyo waxa sababay in laba dayaaradood ay soo dhacaan bil gudaheed? Maxaa khaldama? Sowse ma habboona in la is weydiiyo in si uun loo baajin karay shilalkaas?

Wey dhici kartaa labada khaladba in ay u sabab ahaayeen duuliyayaasha ama cillad farsamo oo xagga dayaaradda ah.

Haddiise innaba ay dhacdo in sababta labadan shil ay tahay khalad ka dhacay shaqaalaha duulista ama tas-hiilaadka gegida dayaaradaha Aden - Cadde, waxaa habboon in sida ugu dhakhsiyaha badan loo baaro, loo ogaado, loona xalliyo cilladda.


Waan qiyaasayaa in Hey'adaha ku shaqada lihi ay og yihiin sababta. Waxaase ila habboon in dadweynaha lala wadaago oo lagu wargeliyo sida ay wax u dheceen si loo xoojiyo kalsoonida lagu qabi karo duullimaadyada Muqdisho.

Ma badna shilalka dayaaradaha ee Soomaaliya. Weliba waxaa mahad Rabbi ah in marka aad aragto, da'da iyo xaaladda daayaradaha qaarkood, iyo xaaladda garoommada dayaaradaha, in haddana lagu badbaado duullimaadyadooda.

Hadda oo ay soo kordhayaan duullimaadyadu, waxay ila tahay in la joogo xilligii sare loo qaadi lahaa shuruudaha ku xiran tayada iyo da'da dayaaradaha iyo isla xisaabtanka xagga bedqabka musaafurka.

6 comments:

  1. warar aanan hubin xaqiiqdoda ayaa sheegaya in labada diyaaradood midna hub waday midana Lacag wadey(Timir lafbaa ku jirta, ),

    ReplyDelete
  2. Yusuf waad ku mahadsan tahay qoraaladdaada u badan tusaalaynta iyo talo bixinta ee ku dhisan wadaniyadda. arinta dhicita diyaaradaha ee soo laab-laabtay.. waxaan ku raacsanay commentska ABDISHAKUUR.. ee ah timir lafbaa ku jirta.. waxay ila tahay waxa laga ogyahay waa tips of iceberg.

    ReplyDelete
  3. Waxaan ku dhashay, ku barbaaray, deganahayna degmada Afgooye... Labadii diyaaradoo ee nagu soo dul habsaday waxay noo keenaan wal-wal aad u badan... Ciyaalka badankood oo u ku luuqeeyn jiray (Dayuuro Daafeet dalkaayno maas an kooyti?*) markii aay diyaarad soo dul marto degmada, haddeer weey kala cararaan markii aay maqlaan guuxa diyaaradda... qaar baa sasa oo hooyadeed ku duubsama, qaar kale oo badana guryaha carshaanta ka sameeysan ayey ku dhuuntaan oo miciin badaan! Waxaay ka baqayaan midda sadexaad in aay soo caga dhigato garoonkii lagu ciyaari jiray "istunka" ee la oran jiray "aay uleey"...
    *Dayuuro Daafeet dalkaayno maas an kooyti? = Diyaarad Daafeet dalkeena maxaad u timid?

    ReplyDelete
  4. waa dhab yuusuf in la isweydiinayo suu,aalo haba yaraddaane waxaase anniga igala sii yaabbad neeyd markaan ku fikiray tollow xajaddu amey tahay raggi hubkaa ka dhamadeey see loogu gayn karaa.. siddasne loo galay halis macno leh ,

    ReplyDelete
  5. Yusuf waxeey suaasha tahay 2 diyaaradoodba waxey u socdeen garoonka Balidogle oo ay maamulaan qole lagu magacaabo Bancroft. Shaqaalahoodane ay u badanyihiin askartii calooshooda u shaqeysatadii South Afrika iyo askar Mareykan oo howl gab ah. Waxay ku candacodaan waxaan tababarnaa Amison. Laakin waxey doonaan ay wadanka soo galiyaan cid ay amar weydistaane ma jirto. Suaasha waxay tahay qolada duulista hawada ee Muqdisho ma ogayeen inay 2 diyaaro hawadayna soo gashay yaane la socdo waxey sidaan? Yusuf hala is waydiiyo shaqada ka socota garoonka Balidoogle, reeraha u dhawne hala weydiiyo imisa diyaarad ayaa ka duusha ama imaato garoonkaas. Kolley ma filaayo madaxdeena inay la socdaan.

    ReplyDelete