Total Pageviews

Saturday, 11 March 2017

Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed - Qeybta Labaad

Cabdirisaaq Maxamed Abubakar oo xubin ka ahaa Golaha sare ee Kacaanka, isla markaana ahaa Guddoomiyaha Hoggaan Xisbi* ayaa habeen la hadlay ardayda Jaamacdda.

Ka dib markii weydiimaha la furay ayaa waxaa su’aal weydiiyay Axmed Ducaale oo ka mid ahaa ardayda oo aan isku Kulliyad ahayn. Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) markaa qiyaastii toban sano ayuu jiray. Wuxuu ardaygu soo jeediyay in wakhtiga Xisbiga la dhisay uu dalku aad uga fiicnaa sida uu hadda1986 yahay.  Iyo in ay dhibaatooyinka shacabka haystaa sii bateen. Miyaan la oran karin XHKS dalka wax buu u dhimay ee waxba ma tarin?  Ayuu ku soo gunaanaday.

Cabdirisaaq inta uu ka kacay kursiga oo la soo wareegay miiskii hor yaallay ayuu soo istaagay banka yare ee u dhexeeya ardayda iyo meesha uu isagu fadhiyay.

Wuxuu yiri su’aashan jawaabteeda waa in aan u istaagaa.

Cabdirisaaq wuu qiray dhibaatooyin badan oo 1986 jira laakiin aan jirin markii Xisbiga la asaasayay. Wuxuu sabab uga dhigay saddex arrimood oo aan dowladdu ku jirin. Wuxuu eedeeyay wakhtiga, shisheeye iyo mucaarad Qarandiid ah.

Diiwaangelinta Carruurta

Cabdirisaaq waxyaabaha uu habeenkaa nagala hadlay waxaa ka mid ahaa in dhib lagu qabo si loo diiwaan geliyo carruurta dhalata.  Waaliddiintu xil iskama saaraan, ayuu yiri, in ay Dowladda Hoose ka diiwaan geliyaan ilmaha u dhasha. Haddii aan la aqoon tirada carruurta dhalatay waxay dhib ku tahay jaangoynta adeegyada ay bulshadu u baahan tahay.  Markaas talo ayuu naga weydiiyay sidii loo heli lahaa hab carruurta lagu diiwaan geliyo marka ay dhashaan.

Waxaan ka mid ahaa ardaydii maskaxdooda ka shaqeysiiyay si ay isugu dayaan in ay bixiyaan talo xal u noqota mushkiladda mas’uulku na soo hordhigay.  Waxaa kale oo aan ka mid ahaa intii fursadda loo siiyay in ay makrafoonka helaan. 

Waxaan dhaliilay nidaamka ay Dowladda Hoose iyada oo fadhida xafiis ay ka dalbeyso in ay waaliddiintu yimaadaan oo ay ilamaha dhasha soo diiwaan geliyaan.  Waxaan ku tilmaamay in nidaamkaasi yahay mid laga dhaxlay gumeysiga reer Yurub oo aan ku saleysneyn hab dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Tusaale waxaan u soo qaatay qoys reer baadiye ah oo xoolo dhaqda beerna leh oo deggan aagga Cali-Yaale oo ay ilmo yari u dhasheen.  

Aabbe ay ummusha iyo ilmaha dhashay ay uga baahan yihiin daryeel, beerta iyo xoolihiina ku noqday keligii oo ay xoogxumo hayso maxay tahay, ayaan weydiiyay, sababta ku kallifi karta in uu waxaas oo dhan ka soo dhaqaaqo.  Laamiga uu u lugeeyo, siteey ka soo raaco oo lacag ku bixiyo, oo Sinaay ka soo dego.  Dabadeed uu taksi ama bas ka raaco oo lacag kale ku bixiyo si uu u tago xarunta Dowladda Hoose oo Gobolka Banaadir oo ku taalla Xamar Weyne si uu ugu sheego in ay ilmo u dhasheen?  Intaas oo dhan waa haddii uu yaqaan Xafiiska Dowladda Hoose welibana uu og yahay in laga rabo in uu ilmihiisa diiwaan geliyo.

Ka dibna uu intii oo kale sameeyo si uu gurigiisii ugu hoydo iyada oo maalin dhan iyo kharash badani ay ka baxeen.


Waxaan soo jeediyay in Xafiiska Dowladda Hoose uu isagu raadsado diiwaan gelinta carruurta oo uu qoyska ugu tago meesha ay deggan yihiin.  Haddii ay dhacdo in ay taasi ku adkaato waxaan u sheegay in ay dhaqanka ka faa’iideystaan oo ay ka fekeraan qaab dhaqankeenna waafaqi kara. Tusaale waxaan ugu soo qaaday in dadka ilmaha dhasha ka qaata lacagta farxadda ah, in gunno loo qoro oo loo dhiibo foom ay tahay in ay ka soo buuxiyaan qoyska uu ilmuhu u dhashay.

Maanta haddii ay tahay waxaan ka doorbidi lahaa in ay umulisooyinka u qoraan gunno oo iyagu ay noqdaan kuwa foomka soo buuxiya oo ilmaha diiwaan geliya.

Si buuxda uma wada xusuusto jawaabtiisii, laakiin beri dambe ayaa nin madax ahi ii sheegay in uu ka mid ahaa Madax uu arrintaa la wadaagay Cabdirisaaq.
-----

*Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) wuxuu ahaa Xisbiga keliya ee siyaasadeed ee dalka ka jira. Xoghayaha Guud ee XHKS wuxuu ahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.