Total Pageviews

Wednesday, 15 March 2017

Doodihii JUS Qeybta Toddobaad - Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga

T55 waa dabbaabbadda Ruushka ee XDS adeegsan jiray
Xarunta Taliska Qeybta 21-aad Kulankii koowaad waxaan la yeelannay saraakiisha ciidanka oo nooga warbixiyay ciidanka qeybta 21aad iyo aagga uu difaaca dalka uga jiro.

Qeybta 21 waa mid ahaan labada qeybood ee ugu ciidanka iyo hubka badan Xoogga dalka Soomaaliyeed. Aaggeeda Difaacu waa Gobollada Dhexe oo dhan iyo weliba dheeraad.  

Kow iyo Labaatanaad waxay ka kooban tahay saddex Gaas – waa Gaaska 11 oo fadhiya Gelinsoor, Gaaska 8-aad oo fadhigiisu yahay Balanbal iyo Gaaska 5-aad ee Beled Weyne, Saldhigga Buulo Burte, iyo Guutooyin Madaxbannaan oo Gurmad ah oo ay ku jiraan Guuto Taankiyo ah, mid Madaafiicda Goobta ah iyo guutooyin ciidanka lugta ah.

Waxay intooda badan ku teedsan yihiin soohdinta laga soo billaabo Laanwaaleey oo Gaalkacyo ku beegan ilaa Burdhiinle oo Beled Weyne dushiisa ah.

Qeybta 26-aad oo fadhigeedu Hargeysa yahay ayay ahayd qeybta kale ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee sida aadka ah u hubeysan.

Subixii xigay waxaan meel iska dhignay baskii weynaa ee Jaamacadda. Waxaa la qaatay baabuur ciidanka ah oo u badan jiib, lancruiser iyo landrover. Baabuur kasta waxaa saaran wadaha oo askari ah iyo ugu yaraan sarkaal ciidanka ah.

Dhul carra-guduud ah oo aad moodeyso in ay indhahaagu ay si noqdeen, geed-gaab ah, cows badan, roob helay oo dhirta iyo cawskuba ay cagaaran yihiin ayaan marnay.  Waddo sida maska u qalqalloocan oo dhulka ka yara hooseysa hareeraha iyo mararka qaar labada shaag dhexdooda caws ka baxayo ayaa baabuurta lagu sii daayay.  Degaannada aan ku safarnay qaarkood reys qoyan ayaa yaallay qaarna roob la’aan ayay ahaayeen.

Baraago intii aynaan Xarunta Taliska ka soo bixin khariiidad nalaka tusay oo la sheegay in ay kooxaha mucaaradka hubeysan ay biyaha ka cabbaan marka ay ka soo tallaabaan soohdinta ayaa nala tusay.  Baraagahaas qaarna waa la burburiyay qaarna waa laga mamnuucay reer baadiyuhu in ay ka cabbaan.

Waxay ka mid ahaayeen baraagahaasi waxyaabaha aad loogala dooday general Morgan markii uu Jaamacadda nagu soo booqday.

Nin baabuurka i garab fadhiyay oo reer Galguduud ahaa wuxuu meelaha qaar ii jeedsiiyay baraago uu dadka leh qabiil ku kala saarayo oo uu leeyahay labada baraag ee intaa isu jira midna waa la burburiyay midna waa ay shaqeysaa. Anigu si aan ku hubiyo arrinkaasi ma jirin.

Caabbud Waaq ma aha Cadan

Waxaa safarkaasi uu u horreeyay safarro dhowr ah oo is xiga oo subax walba aan u bixi jirnay habeenkana aan u soo hoyan jirnay Dhuusamarreeb.  Mar waxaan tagnay Caabbud Waaq. Waxaan filayay magaalo cammiran oo aad u horumarsan.

Waxaan tagay magaalo aan hal laami lahayn.  Daaro waaweyni aanay ku ool.  Ay jiraan guryo badan oo la dhihi karo waa nooc cooshado ah.  Magaaladaas waxaa lagu xaman jiray oo weliba ay dadku isla dhex mari jireen in Madaxweynuhu uu u roon yahay heyb darteed.

Waxaan la yaabay sida ay dadkeennu dacaayadda ugu dheereeyaan, u rumeystaan, iyada oo weliba ay muuqato in runtu sidaa cagsigeeda ay tahay.

Waxaan maqli jiray gabay ay ku jirto Maanaa Caabbud Waaq ka dhigay Cadanta loo dhoofo? Markaa waxaan is lahaa magaalooyinka Gobolka mid ka horumarsan ayaad arki doontaa.  Laakiin haddii aanay ka liidan kama horumarsaneyn.

Waxaan tagnay laanta Dusmada oo isla aaggaas ah.

Nooca baabuurka rogmaday
Waddada intii aan maraynay waxaa gaddoomay baabuur jiib ah oo Jaamacaddu ay lahayd.  Gaarigaas wuxuu ahaa gaariga Hormuudka Kulliyadda Jiyooliya Maxamuud Cabdi Caruush. Isaga iyo dhowr macallin oo kale ayaa gaariga saarnaa.  Prof. Ibraahim Xersi ayaa waxoogaa dawakhay isaguna safarkiisii ayuu sii watay.

Baabuurku marka uu gaddoomay askari ayaa hal xabbad oo baaq ah kor u riday.  Baabuurtii oo dhan waa ay istaagtay.

Markii baabuurka gaddoomay dadka laga soo saaray isagiina la toosiyay ayaa General Morgan waxaa uu askarigii xabbadda riday ku qabsaday cidda u fasaxday in uu xabbad rido.  Askarigu wuxuu u baaqayay baabuurta ka horreysay midka rogmaday in aanay socodkooda iska sii wadan ee ay shilka ku soo noqdaan.  Dabcan kuwa ka dambeeya ayaa iyaguna markiiba istaagay ayaga oo aan shilka arag maaddaama ay meeshu goolad ahayd.   Laakiin Morgan askariga wuu canaantay maaddaama ayuu yiri ay xabbaddu lacag ugu fadhido ciidanka, khatar kalena ay abuuri karto.

Mar kasta oo hadda aan maqlo rasaas dhacaysa oo aan dagaal ahayn waxaan soo xusuustaa hal xabbad oo askari riday dooddii ka dhacday maalintaas.

Weliba hadda waxay uga duwan tahay in aynaan rasaas sameysan oo Warshaddii Mahaddaay ee rasaasta soo saari jirtay ay mar hore burburtay, welibana ay dalkeenna ay Qarammada Midoobay saartay cunaqabateyn xagga hubka ah.

Goobo kala duwan ayaan ciidanka aaggaas kula kulannay oo warbixin aan ka qaadannay erayo guubaabo ahna ay u jeediyeen xubno ka tirsan wafdiga Jaamacaddu.

Meel duur ah ciidan ku sugnaa oo aan la kulannay ayaa wiil dhallinyar oo ka mid ahaa ciidanka oo tuuteysan, oo saf ku jira, ayaa mar nasta lagu yiri cod hoose igula hadlay.  Wuxuu iga codsaday in aan reerkiisa waraaq ka gaarsiiyo u sii diyaarsanayd.  Waan ka aqbalay, inyar ayaan la sheekeystay askariga maaddaama annaga naloo oggolaa in aan ciidanka su’aalo weydiinno ama aan wax u sheegno.  Wuxuu ii sheegay in uu yahay ardaydii ka baxday Dugsiyada Sare laakiin laba sano oo ciidan ah shuruud looga dhigay in ay hore u sii socdaan. Waa wixii berigii hore loo yiqiin shaqada Qaranka markii dambena noqday Gurmadka Difaaca Qaranka.


Waxay ahayd shuruud ku xiran arday kasta oo ka baxa Dugsiga Sare haddii uu doonayo in uu Jaamacd u gudbo, u shaqeeyo Dowladda ama keliya la siiyo Shahaaddadiisa Dugsiga Sare.