Total Pageviews

Wednesday, 8 March 2017

Yabooh, Qofna Qado uma Gooyo - Socdaalkeyga Beydhaba

Waxaan shalay fursad u helay in aan booqdo xero Barakacayaal gaajeysan oo ku taal duleedka Koofur Galbeed ee magaalada Baydhaba iyo Isbitaalka magaalada.

Waxaan ka mid ahaa mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo wehliyay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, oo booqasho maalin ah dalkeenna ku yimid.  Wuxuu sheegay in uu goostay in safarkiisa ugu horreeya ee uu dibadda ugu baxayo isaga oo ah Xoghaye Guud in uu noqdo Soomaaliya, magaalooyinka uu booqanayana ay Baydhaba ka mid ahaato.

Jir ahaan aniga waxay ii ahayd maalin aad u kulayl badan.  Qorraxda aan wax badan taagnaa kuna dhex lugeyay.  Dhidid ayaa i qooyay gebigeey.  Siigo badan oo indhaha, afka, dhegeha iyo timahaba kaa geleysa ayaa ii wehlisay.

Shucuur ahaan waxay ii ahayd maalin dareenkeygu uu heer xanuun ah gaaray.

Waxaan halkan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah waxa ay indhahaygu qabteen ama dhegeheyga ku dhacay.  Waxaa kale oo aan kula wadaagayaa muuqaallada aan arkay qaarkood oo sawir ah.

Barakacayaal


Dadka oo ka soo barakacay xoolahoodii iyo beeraahoodii saboolnimo baahsan ayaa ka muuqatay.  Waa xero ay ku sugan yihiin dad tiradooda lagu tilmaami karo tuulo aan dad yareyn.  Il biyo laga dhaansado kuma taal. Berked ama haan iima muuqan.  Musqulo ma arag.  Xarun caafimaad ma laha.  Iskuul haba sheegin.

Dadka qaarkiis xataa aqal ama waab ay qorraxda ka harsadaan kuna hoydaan ma laha.  Roob oo Ilaaheey laga baryayo xilligiisuna uu dhow yahay haddii uu yimaado waa u halis in ay ku dhintaan ama ay cudur ba’an ka qaadaan.

Macluul aad u daran oo laga arga-gaxo dadka ay ka muuqatay waaa ay tiro yaraayeen.  Waan arkay shakhsiyaad kooban oo macluulay oo xataa madaxooda aad mooddo in uu yaraaday oo sii dhammaanayo.  Dadkaasi marka ay hadlayaan waxaad arkeysaa in tamar ay codka ku soo saaraan ay dhib ku tahay.

Waxaan arkay dad masaafo dheer soo lugeeyay markii ay xoolihii ka dhammaadeen ama ay beerihii ka ba’een roob la’aan darteed.  Waxaan arkay kuwo ay labaduba isugu darmeen.

Dad meel tuban oo haween iyo carruur ah ayaan arkay.  Waxaa ay qaarkood sitaan caagag maran.  Hanti kale ma haystaan.  Xalay ayay xerada soo gaareen ayaa la igu yiri.  

Meeshii ay farfariisteen ayay weli tubnaayeen oo xataa waab ay galaan ma haysan.  Weel, hambo ama raad kale oo muujinaya in ay raashin cuneen maalintaas oo dhan anigu ma arag.  Ciyaalku ma cayaareyn ee sida dad waaweyn ayay si edeb leh u fadhiyeen.  Taasi iima muujin in ay gaajo la’ yihiin.

Dadka aan wareystay ee xerada ku sugnaa ma jirin wax raashin ah oo loogu deeqay.  Marka laga reebo ballanqaad.  Maanta ayaa naloo sheegay, ayuu igu yiri nin iyaga ka mid ahaa, in raashin nala siin doono.

Isbitaalka


Isbitaalka waxaan ku aragnay dad badan oo xanuunsan gaar ahaan kuwo fuuq baxay.  Carruur, hooyooyin iyo ragba wey lahaayeen.  Qaarkood xaaladdoodu ma fiicneyn.  Teendhooyin waaweyn ayay intooda badan dhex jiifaan.

Dadka muuq ahaan ugu naxdinta badan ee aan shalay la kulmay waxaan ku arkay isbitaalka.  Waa isbitaal weyn oo waaxyo badan leh.

Markii aan ka soo baxaynay qeybta shubanka iyo daacuunka, qof kasta oo naga mid ah waxaa la dhaqay kabaheeda. Waxaa naloo tilmaamay in lagu dul istaago sagxad duf leh oo lagu qooyay milan dilaya bakteeriyada cudurka dhalisa.  Ka dibna waxaa kabaha lagu buufiyay biyo ay la socoto kiimikada Chlorine.

Sidaas ay tahay waxaad arkeysaa wacyi gelintu in ay hooseyso.  Waxaad arkeysaa in dadku ay isa salaamayaan oo ay is gacan qaadayaan.  In ay garabka ama gacanta is qabsanayaan.  In ay cuskanayaan derbi, albaab, sariir, geed ama tiir aanay ku khasbaneyn in ay taabtaan.


Amniga


Sababaha marka horeba dhaliyay baahida iyo cudurka waxaa ka mid ah amni darrada dalka ka jirta.

Baydhaba deked malaha.  Dekedda iyo suuqyada waaweyn ee ugu dhow waa Muqdisho.  Waddada 240 km ah ee isku xirta Xamar iyo Baydhaba si xor ah uma socon karaan gaadiidka gargaarka ama shixnad ganacsi ah sida. 

Waxaa waddada qaarkeed ku sugan Shabaab.  Inta kale waxaa yaalla Isbaarooyin lacag lagu qaato.  Qaarkood waxaa lacagta sii dheer qashqashaad iyo wax kasta ka filo.

Isbaarooyinka qaarkood waxaa naloo sheegay in ay ciidanka Dowladdu fadhiyaan.

Gaar ahaan aagga isku xira Muqdisho ilaa Wanla Weyn.  Lacagta lagu qaado Isbaarooyinka waxaa igu maqaal ah in aanay ku dhicin khasnadda Dowladda.

Ka soo billow Shabaab waxaa loo baahan yahay in xilligan gurmadka ah la sahlo isu socodka iyo daryeelka marrasta Soomaaliyeed.

Isbitaalka ay shubanka iyo daacuunku ka jiraan dhexdiisa iyo hareerihiisaba dadka joogaa si caadi ah ayay isu gacan qaadayaan ama garabka ay isu qabsanayaan ama ay u taabanayaan derbi, sariir geed ama wax kale oo goobta yaalla oo aanay ku khasbaneyn in ay taabtaan.

Mustaqbalka Dhow

Ilaa bisha soo socota ee April haddii roob la waayo waxaa la sheegay in cunta yaridu ay isu beddeli karto xaalad khatar ku ah duunyada hartay iyo dadkaba.

Meelaha ugu darnaan doona waxaa la tilmaamay in ay ka mid yihiin degaanno ka tirsan Sool, Sanaag iyo Nugaal iyo sidoo kale degaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle iyo Shabeellaha Hoose.

Dadaalka Barakacayaasha

Dadka aan shalay ku soo arkay Baydhaba waxaa ku jira kuwo badan oo isku dayaya in ay naftoodaa maareeyaan.  Qaarkood waxay isku dayeen in ay suuqyada Baydhaba ay si uun wax uga soo saaraan.  Qaar kale waxay galeen ganacsi yaryar; yaanyo gadow iyo wax la mid ah.

Qaarkood waa dhallinyaro ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee Kenya waxna ku soo bartay.  Waxaan arkay dhallinyaro dhowr ah oo af Ingiriis fiican ku hadlaya.  Si uun waa ay uga shaqeyn karaan howlaha gargaarka iyo kuwa kale ee magaalada ka socda.

Dhallinyaro kale oo badan oo ay indhahoodu nuurayaan ayaan arkay oo u bisil tababbar si ay noloshooda u maareeyaan inta kalena ay ugu gargaaraan.

Yabooh, qofna qado uma gooyo

Soomaalida qurbaha waxaa ila habboon in ay fekeraan.  Jeebkooda ay gacanta geliyaan.  Oo ay kaashadaan xiriirkooda gudaha ee shakhsiyaad, shacab ama Dowlad Goboleed.

Waxyaabaha dhakhso loo hirgelin karo waxaan u maleynayaa in ay ka mid tahay in la asaaso dheryo aan demin habeen iyo maalin oo raashin iyo goosaar lagu diyaariyo.

Inta uu shalay joogay Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, wuxuu wakhtigiisa ugu badan la qaatay dadka barakacayaasha ah oo uu waababkooda ku booqday.  

Waxaan is leeyahay socdaalkiisu wax weyn ayuu ka taray in saxaafadda caalamku ay fasirto xaaladda.  Maanta waxaan ka daawaday, ka dhegeystay ama aan ka akhristay saaxafad badan oo caalami ah oo uu ka mid yahay CNN. 

Waxaa kale oo socdaalkiisu tarayaa in ay bulshada caalamku u dhug yeelato hadalladiisa Soomaali u doodka ah.  Waxaa erayadiisa ka mid ahaa in caalamka ay danaihiisa iyo amnigiisu isku xiran yihiin.  In qofka u arka in abaarta, cudurka iyo colaadda Soomaaliya ka jira ay dalkan u gaar tahay kuna koobnaan doonto uu khaldan yahay ee isagana si uun ay u saameyn doonto.  Waa haddaan la gurman oo aan Soomaaliya gacan la siin.

Mas'uuliyadda caalamka ka saaran in loo gurmado dadka tabaalleysan ee Soomaalida ah, waxay mas'uuliyad ka ballaarani ay ka saaran tahay dadweynaha Soomaaliya.  Siiba inta wax heysata ee karta in ay gaajada iyo cudurka ka gargaaraan walaalahood.

Waxaan hubaa in Dowladda Soomaaliyeed, hantileyda dalka, shacabka iyo qurbajoogtu ay wax weyn ka beddeli karaan xaaladda ayaga oo Rabbi la kaashanaya.


Xusuusnow, niyad wanaag, ballanqaad iyo yabooh midna qado ma noqdo.  

Wax ka qabo.  Hana la daahin.  Waxna ka dheh si aad dad kale u saameyso in ay wax ka qabtaan.