Total Pageviews

Friday 17 March 2017

Doodihii JUS - Qeybta Sagaalaad - Balanbal iyo Gelinsoor

Xaaji Maxamed Axmed Liibaan
Intii aan ku jirany booqashada Qeybta 21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaan ku soconnay jadwal buuxa oo subax iyo galab aan safar u nahay marba gaas, marba guuto, marba xero ciidan ama meelo kale. Habeennada qaarna waxaa riwaayad ama goos goos murti xambaarsan nagu madaddaalin jiray kooxda fannaaniinta Ciidanka.

Subax waxaa nalaku sharfay in aan saraakiil, saraakiil-xigeen iyo askar aan u tolno derejooyin hore loogu ansixiyay laakiin aanay weli ku lebbisan.

Waxay ahayd xero ku taalla dhanka koofureed ee magaalada Dhuusa Marreeb oo laamiga aan ka fogeyn.

Waa markii iigu horreysay ee aan garaaddo u tolo xubin ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.  Sharaf ayaan dareemaa mar kasta oo aan soo xusuusto. Waxay ahayd markii iigu dambeysay.

Kulan Dadweyne

Golaha Hanuuninta Dadweynaha ee Magaalada Dhuusa Marreeb ayaa waxaa soo dhoweyn noogu sameeyay dadweynaha magaalada oo ay horkacayeen Guddoomiyaha Gobolka Galguduud oo aan u maleynayo in uu ahaa mas'uul lagu naaneysi jiray "I Say" laakiin ku caan ah Bankiga oo berigii dambe uu ka mid noqday Madaxdiisa.

Dadweynihii galabtaas na soo dhoweeyay iyo hadalladii halkaas la isku weydaarsaday waxaa ka mid ahaa gabay uu tiriyay Xaaji Maxamed Axmed Liibaan oo ku magac dheer Axyaa Waddani. Waa weriye Cag-ma-dhige awoowgiis. Wuxuu halkaa ku mariyay mid ka mid ah gabayadii waddaniga ahaa ee uu caanka ku ahaa.

Waanwaanta Gelinsoor

Waxaan maalin qaadannay baabuurta waaweyn ee militeriga waxaanna tagnay Gelinsoor. Waxaa naloo geeyay laba beelood oo degaankaas dagaal ka dhexeeyay in aan midkood dhegeysanno cabashadooda lana hadalno oo aan isku dayno in aan nabad raadinta ka mid noqonno.

Qorshuhu ma noqon sidii uu Taliyaha Qeybtu ugu tala galay ama aan annagu rajeyneynay.  Af gobaadsi ay nagu soo dhoweeyeen ka dib, si adag ayay ula garrameen General Morgan.  Nin ka mid ahaa Odayaasha beesha aan u tagnay oo aan u maleynayo in ay ka soo jeedeen Cadaado, wuxuu yiri niman baan is haynaa oo dhiig naga galay.  Nimankaas ayayna xaajo ka falantaa ee dhallinyaradaan u badan Iskuulleyda ee aad Xamar ka keentay col iyo nabad midna nooma hayaan.  Ragga aan is hayno waad taqaan ee goobta soo fariisi ama nagu kala wada.

Ma wada xusuusto erayadii la is weydaarsaday oo dhan laakiin wadahadalka nuxurkiisu sidaas ayuu ahaa. Annaga oo aan wax guul ah ka soo hoyn ayaan habeenkii u soo hoyannay Taliska Qeybta 21aad. Waxaan u maleynayaa in markii aan Dhuusa Marreeb ku soo laabannay uu General Morgan uu noo sheegay in ujeeddadiisu ay ahayd in aan si toos ah u arago xaaladda amniga gudaha.

Labadii beelood ee degaankaas isku dilayay uma maleynayo in ay Dowladdu ku guuleysatay in nabad laga dhex dhaliyo.

Dabridka Balanbal


Goobaha aan tagnay waxaa ka mid ahayd Balanbal.  Meel ka sokeysa oo bannaan caws ka baxayo ayay ciidanku ku sameeyeen dabrid ay ka qeyb qaateen ciidammada qeybahooda kala duwan.

Waxay ahayd khibraddii iigu horreysay iiguna dambeysay ee agteyda laga rido qoriga lidka Taangiga ee Bazooka ama Seven loo yaqaan.  Nasiib wanaag waxay ahayd markii shanqartiisa iigu dambeysay.

General Morgan iyo qaar ka mid ah xubnaha wafdiga Jaamacaddu waxay dabridka ka daawanayeen geed Garas ah oo dushiisa leh jaranjar lagu fuulo dushiisuna ay goglan tahay.

Dabridku markii uu dhammaaday waxaa Taliyaha Gaasku uu na siiyay warbixin tifatiran.  Waxyaabaha oo nooga warramay waxaa ka mid ahaa tirada ciidanka ka qeyb qaadatay dabridka, rasaasta la riday noocyadeeda iyo tiradeeda, shidaalka baxay inta uu le’eg yahay, cid wax ku noqtay cayaarsiiskan militeri in ay jirto iyo in kale.  Dabcan halkaas waxaan ka qiyaas qaadannay kharashka ku baxay howshaas wakhtiga kooban socotay.

Isdhexgal

Mar kasta oo aan jiidda soohdinta joogno waxaan la cunteyn jirnay ciidanka goobta uga jira difaaca, marka aan Taliska joognana waxaan ku miis ahayn saraakiisha.

Dhuusa Marreeb inta aynaan ka soo bixin cayaar saaxiibtinnimo oo kubbadda koleyga ah ayay ciidanka iyo Jaamacaddu ay ku yeesheen garoonka Taliska. Waxay ii ahayd markii u horreysay ee aan kubbad la cayaaro saraakiil miiran oo uu ku jiro Sarreeye Guuto kaas oo ahaa Taliyaha Qeybta 21aad General Morgan.

Halkaas waxaan ku soo gebagebeynay booqashada Xarunta Taliska Qeybta 21aad iyo laba gaas oo ka tirsan oo ay Taliyayaal u ahaayeen Gacma-gooye iyo Cabdullaahi Axmed Jaamac, Ilka-jiir, oo 1990 aan isugu nimid Berbera isaga oo ah Taliyaha Qeybta 26aad ee Hargeysa, haddana ah Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Federaalka.

Waxaan subixii dambe u amba-baxnay Beled Weyne si aan u booqanno Gaas kale oo isaguna ka tirsan Qeybta 21aad  ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Galabnimadaas Waxaan ku billownay cayaar kubbadda koleyga ah oo labada dhinac oo nagu dhex martay Garoonka Degmada ee rayidku adeegsado.

Saraakiisha u cayaarayay dhinaca Ciidanka waxaan ka xusuustaa General Morgan iyo General Mukhtaar oo hadda ah Taliye ku Xigeenka booliiska Soomaaliyeed, laakiin berigaas ahaa Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

No comments:

Post a Comment