Total Pageviews

Monday, 13 March 2017

Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed - Qeybta Afraad

Cabdiraxmaan Jaamac Barre
Doodaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee xusuusta igu reebay waxaa ka mid ah hadal uu jeediyay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo madaxda dalka ugu sarreysa ka mid ahaa oo habeen nagala hadlay waddaninnimada. Dhinacyo badan ayuu naga tusaaleeyay.

Cabdiraxmaan waxaa uu in badan ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, marna wuxuu noqday Wasiirka Maaliyadda.

Hadalkiisa marka uu dhammaystay ayaa waxaa su'aal weydiiyay sarkaal sare oo militeriga ka tirsan oo ciidanku u soo diray Jaamacadda in uu wax nagula barto.

Sarkaalku wuxuu sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiishii ka qeyb galay dagaalkii 1977.  Wuxuu xusay in sarkaal kale oo ay dagaalka ku wada jireen uu goostay oo uu u galay ciidankii ay la dagaallamayeen.  In ilaa markii uu isagu ciidanka ka tirsanaa daacadna u ahaa dalka.  In beri dambe uu sarkaalkii Ethiopia u galay uu dalka dib ugu soo laabtay aad loo soo dhoweeyay  laguna abaalmariyay dhul uu dego oo caasimaada ku yaalla lana dallacsiiyay.

Maxamed Sh. Cusmaan (Dhexda)
Sarkaalka ardayga ahi wuxuu sheegay in aan isaga oo marnaba daacadnimadiisa dalka iyo u adeegiddiisa aan maalin shaki gelin aanuu helin dhul iyo dallacsiin toona. Markaa sidee ayay isu keenayaan dhaqanka Dowladda iyo waddaniyadda aad nagu waanineysaa?

Su’aashaas waxaa u dhacay sacab weyn waayo waxaa loo arkayay mid gubeysa Cabdiraxmaan Jaamac oo ka tirsanaa Madaxda ugu sarreysa Dowladda siyaasaddaas qaadatay.  Waxaana loo arkayay su’aal ay ka muuqato dhiirranaan iyo in uu sarkaalku u bareeray in ugu yaraan magaciisa hoosta laga xarriiqo. Dabcan waa sida ay ardayda qaar u arki kareen.

Waxaa la yaab nagu noqotay jawaabtii uu Cabdiraxmaan Jaamac Barre bixiyay habeenkaas. Wuxuu yiri, aniga haddii ay teyda tahay sarkaalkaas u galay Ethioopia ee dhankeeda ka soo dagaallamay, haddana dalka ku soo laabtay waan toogan lahaa.

Waxay noqotay wax aan aad ula yaabay.

Markii ay burburtay Dowladdii uu Wasiirka ka ahaa ayaan Cabdiraxmaan Jaamac Barre isku aragnay London oo aan dhowr jeer ku kulannay marna aan ku wadaqadeynay Bush House.  Dacaayadda laga faafiyay ka sokow, waxaan ogaaday in uu ahaa nin wax bartay ilaa heer Jaamacadeed, kuna soo shaqeeyay macallinnimo.  Sheekoole, kaftan iyo dacaayadba yaqaan ayaan u arkay.

Wasiirrada kale ee intii aan Jaamacadda ku jirnay noo soo bandhigay waxqabadka Wasaaradhooda iyo culeyska horyaalla waxaa ka mid ahaa Maxamed Shiikh Cusmaan oo in badan ahaa Wasiirka Maaliyadda kana tirsanaa Golaha Sare ee Kacaanka. Maxamed Shiikh Cusmaan wuxuu nagala hadlay dhaqaalaha dalka. 

Markii aan Jaamacadda ka qalin jebiyay ka dib, ayay ahayd kulanka keliya ee aan Maxamed Shiikh Cumsaan si toos ah u wadahadalnay ka dib markii uu habeen noogu yimid Radiyo Muqdisho isaga oo keligiis wata baabuur.

Wasiirka Maalaiyadda ayuu ahaa wuxuuna nagala hadlay arrin fahamkeedu nagu adkaaday laakiin fasiraad badan ka dib laga qoray war.  Waxay ku saabsanayd lacag ay Dowladdu iibineyso.

Cusmaan Jaamac oo hadda London deggan oo Wasaaradda Kalluumeysiga aan u maleynayo in uu Wasiir ka ahaa 17 sano oo aan kala go' lahayn ilaa isaga naaneys looga dhigo Wasaaraddiisa ayaa ka mid ahaa Madaxda na soo booqatay.  Habeen ayuu nagala hadlay sida ay badaha Soomaaliya qani ugu yihiin noocyo kala duwan oo kalluun aa iyo kaalinta uu ka geli karo kobcinta dhaqaalaha dalka.  

Hubin ayay u baahan tahay waxaanse u maleynayaa in uu ahaa Cusmaan Jaamac, mas’uul si uu noogu dhiirri geliyo cunidda Kalluunka noogu deeqay Kalluun maalin looga qadeeyay labada Makhaayadood ee Kulliyadaha Gahayr.

Cusmaan Jaamac oo aan London ku noqonnay saaxiib aan wax badan ka kororsado, waxaan u aqaan in uu yahay nin ay Soomaalinnimadu ku weyn tahay, runtana aan la gabban.