Total Pageviews

Sunday, 25 March 2018

Borame - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Siddeedaad


Muqdisho intii aan joogay waan maqli jiray colaadda iyo dhibaatiinyinka kale ee ka jira Hargeysa iyo Burco. Marmarna waxaan maqli jiray dhib ka jira Berbera.

Marka laga soo tago saddexdaa magaalo ee jiho ahaan isugu beegan sida ku dhowaad xaglaha Saddex-xagal xagla-siman, ma fileyn in aan arki doono dhib kale oo weyn oo woqooyi ka jira oo colaaddu ay u sabab tahay.

Qiyaastaasi sax ayay noqon weyday markii aan tegey Borame iyo nawaaxigiisa.

Dhowr jeer ayaan Awdal tegey sannadihii 1989 iyo 1990.  Markii aan tagay xaaladdeedu ma wanaagsaneyn.  Marnabana kama soo reyn muddadaas.

Garoon dayaaradeed oo aan laami la saarin ayaan ka soo nabad degnay.  Dadkii hey’adda u shaqeynayay ee na soo doonay iyo kuwii dayaaradda raaci lahaa ayaan ugu nimid garoonka.  Nin Soomaali ah oo waxaa halkaa taagan ay shaqadiisu tahay in mar kasta oo ay dayaarad soo degeyso ama ay kaceyso uu ku rooro dhabbaha dayaaradaha ilaa dhanka ugu dambeeya si uu xoolaha iyo dadkaba uga fogeeyo ugana ilaaliyo ilaa ay dayaaraddu soo degto ama ay kacdo.

Markii aan Borame gudaha u galay ee aan arkay tirada badan ee dadka magaalada ku sugan iyo sida ay u cammiran tahay waxaan moodayay magaalo caadi ah. Markii iigu dambeysay Borame 1987 ee aan wada soconnay Beatrix, hadda ayayba igala dad badan tahay.

Wakhti badan iguma qaadan in aan fahmo in ay magaaladu ku jirto xaalad aad u xun oo gobolka Awdal intiisa badani uu la wadaago.

Adduunyo-Gaddoon

Borame waxaa ku goobtay colaad laba jiho ka haysata, dad ku soo jabay oo ka soo qaxay magaalooyin kale siiba Hargeysa iyo Gebiley, Qaxooti ka yimid Ethiopia oo xeryo magaalada bannaankeeda ah ku sugan iyo jilaal adag oo daba dheeraaday.

Colaaddu waxay ka socotaa laba jiho.  SNM waxay badiyaa ka soo weerartaa dhinaca Bari.  Beel kale oo inta badan ay xulufo ahaan jireen reer Borame, Goblka Awdlana ay wada yaallaan, ayay dhowr jeer isku laayeen dhinaca woqooyi taas oo markii dambe keentay in ay kala qaxaan labada beelood. Isku dhaca labadan beelood, Borame waxay markaas ku eedeyneysaa saameyn SNM.

Waxaa intaa dheer Qaxooti aad u fara badan. Waxaa Borame dul deggan Qaxooti reer Ethiopia ah oo inta aan arkay aan ahayn Soomaalida Ethiopia.  Aroortii waxay u foofaan buuraha iyo meelo kaleba si ay u soo jejibiyaan dhir ay xaabo ahaan u shitaan qaarna ay magaalda u iibgeeyaan. Hadde waa subax kasta.

Taasi waxay xaalufisay dhirtii.

Sidii in aan intaasi dhib ugu filneyn, waxaa ugu darsamay jiilaal aad u kulul. 

Akhristaha aan ka warqabinow, inkasta oo degaanka Borame xoolo laga dhaqdo haddana waa degaan qodaal ama beeraleey ah.

Magaalada Borame culeyska saaran waxaa ka mid ah mid uga yimid ehel iyo qaraabo.  Magaalda waxaa ku soo biiray barakacayaal ka soo qaxay Hargeysa iyo magaalooyin kale oo dagaalku dhulka dhigay.  Ma ahan keliya dad asal ahaan ka soo jeeday Borame oo u soo gurya-noqday.  Laakiin rayid badan oo degganaa Hargeysa, markii dagaalka fool-ka-foolka ahi uu ka billowday dad badani waxay u qaxeen magaalada weyn ee ugu dhow - Borame. 

Oday reer Borama ah ayaa soo koobay xaaladda Awdal ay ku jirtay xilligaas.  Wuxuu ka mid ahaa rag aan baabuur isla raacnay oo safar dhulka ah aan gobolka Awdal intiisa badan ku marnay. Borame gudaheeda sida looga dareemayo si ka culus ayaan intaba indhaheenna ugu soo aragnay colaadda, qaxootiga iyo jiilaalka.

Odagu wuxuu qabay oo ka dhab ahayd in adduunku dhammaan rabo oo adduunya gaddoonkii la soo gaaray.

Da’diisa isaga oo cuskanaya wuxuu yiri:  Intaas aan jiray weligeey ma arag waxan oo colaad ah, Qaxooti wax walba diiranaya, iyo jiilaal sidan u adag oo haddana wada socda!  Waxani waa adduunyo-gaddoon.


Duullaan

Aniga oo galab la sheekeysanaya akhyaar reer Borame ah ayaa waxaa korkeenna isdaba joog uga dhacay qori aad u culus oo weligeey aanan maqal shanqartiisa argaggaxna wata.  Raggii aan wadajoognay markiiba way dhaqaaqeen iyaga oo wejiyadoodu ay durba isbeddeleen.  Mid ii warramay iyo laba is wareysatay ma jirin.

Waxay u dhigantay marka hadda Muqdisho meel aad joogto uu qarax ka dhaco dareenka ay dadku muujiyaan.

Inta badbaadda iswareysigu waa dambeyn doonaa laakiin qacda hore waa nin walbow naftaa.

War maxaa dhacay? Ayaan ku celceliyay.  Baabuurkii u horreeyay ayaa dhaqaaqay iyada oo qof ii jawaabay aanuu jirin.

Anigu waxaan u qaatay in la isa soo galay oo uu magaalada dagaal ka dhex socdo.

Nin ayaa hadal kala dhimman oo aan isku toosneyn igula hadlay waxaanan ka fahmay in isbitaalka ay raggii wada qabteen xataa ilaaladii guriga qaarkood.  Isbitaalka ayaan aniguna aaday.

Sannadaha badan ee aan dhex marayay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya weligeey ma arag goob dhiillo dagaal oo intaa le’egi ay taallo. Waan arkay goob ka murugo badan, laakiin ma arag goob ka walaac, qiiro iyo xamaasad badan.  Baabuur weyn oo dhiig leh ayaa laga dejiyanayaa dhaawac qaarkii taahayo iyo meyd. 

Hooyada barooraneysa, tan la aammusinayo, gabadha laga hortaagan yahay in ay indhaheeda saarto muuqaal la is leeyahay qalbigeedu ma xammili karo...  Baroorta iyo catowga haweenka iyo waxa is qabsatay qeylada ka baxaysa ragga oo qaarkii uu amar bixinayo, ini ay dayac tilmaamayso, kuwo kale ay wax saxayaan, mid kale ila qabo leeyahay iyo waxyaabo la hal maala.

Ma ahayn muuqaal indhaha iyo dhegaha toona u roon.

Waxaa isaguna meesha taagan baabuur weyn oo kacsan oo u diyaar ah in uu dhaqaaqo oo rag qaylinayaa ay ag taagan yihiin. Waxaan moodayay in ay dhaawac kale doonayaan. Waxayse ahayd marka keliya ee aan abidkeey isa soo taagay goob dagaal laga abaabulayo.

Dhallinyaro ayaa markiiba gaariga ku boodday.  Qaarkood waxay sitaan qoryo.  Kuwo kalena waa gacna maran yihiin oo waa sacabbooleey.  Gaarigii koowaad waa dhaqaaqay, kii labaadna wuu sii buuxsamayay marka aan ka tegey.

Meesha dhaawaca laga keenay oo aan magaalada ka fogeyn ayay u socdaan. SNM ayaa soo weerartay Goraya-Cawl oo in badan ka sokeysa Gebileey.

Qoriga la riday waxaa markii dambe la ii sheegay in uu ahaa qoriga Ruushku u sameystay lidka dayaaradaha ee dhumcdiisu ay tahay 37 mm ee Soomaalidu ay ugu yeerto dhexroorka dumcdiisa oo tiro Talyaani ah, Trenta Sette. Rabbi mahaddii waxay ahayd markii iigu horreysay iiguna dambeysay ee qorigaas shanaqatriisa aan maqlo.

Waa baaq ay magaaladu isla taqaan in marka la maqlo Trenta Sette la isugu soo baxo barxadda Isbitaalka hortiisa ah. Waa saddex midkood – waa dhaawac la keenay, ama waa qeylo-dhaan gurmad-doon ah. Haddii kale waa sida galabta oo kale oo labaduba ay isla socdaan.

Mobile-foon ma jiro, haddana wararka ka imaanaya jiidda dagaalku si joogta ah ayay isaga soo daba dhacayeen.  Magaalada oo dhanna waxay la mid ahayd in ay dagaalka ku jirto.

Sheekada aan maqli jiray waxay ahayd in ay Dowladdu hubeyso reer Borame si ay ula dagaallamaan SNM. Muuqaalka aan anigu galabtaas arkay wuxuu ahaa mid inta markaas ah aan ka dareemi karay in reer Awdal ay ahaayeen dad ku jira dagaal ku-qabatay ah oo aanay xataa beel ahaan ugu abaabulneyn.

Habeenkaas waxaan Borame gudaheeda ku arkay gaari kuwa dagaalka ah oo cilladeysan.  Nin makaanik ah ayaa habeenkaa ku dhafray oo ku shaqeynayay iftiinka tiriig ama mataramakis u shidnaa.

Isbitaalku ma ahayn meel la isku wareysan karo.

Markii aan ka soo laabannay ayaan nin weydiiyay dhallinyarada dagaalka u socday qaarkood qori ma sidan ee maxay u aadeen goobta?  Wuxuu ii sheegay ragga qoryaha sita marka mid la dilo in qorigiisa la siin doono mid sacabbooleey ah.

Nin aan Borame ku saaxiibnay oo aan hore uga doodi jirnay dagaalka ayaan is aragnay.  Ra’yiga aan kula doodi jiray ayaa ahaa in ay hubaal tahay in xal loo heli karo dagaalka kala dhexeeya SNM.  Waxaan ka eegayay in labada dhinac ay in badan oo fac-ka-fac ah is dhaleen, degaan wadaag ay yihiin iyo SNM oo ciidanka Dowladda dagaal kula jirta in ay danteedu ku jirto in aanay is leyn reer Awdal.

Wuxuu hadda ka hor ii qiray in la is dhalay, oo hooyadii ay tahay beelaha taageera SNM.  Inanta uu isagu dhaleyna uu qabo nin isaga reer abtigiis ah.

Laakiin saaxiibkeey wuu iga diidi jiray sida aan arrinta u dhigayo. Isaga oo dooddiisu ay mar walba ahayd reer Awdal duullaan kuma aha SNM ee difaac ayay uga jiraan.  SNM haddii aan dani ugu jirin in ay nala dagaallamaan heshiis kale uma baahna ee duullaanka uun ha naga daayeen.  Annagu dhulna kuma haysanno, wax kalena uguma soconno.

Galabtaas wuu ila hadlay isaga oo isku dayaya in uu ra’yigeygii u quus-gooyo.  Wuxuu igu yiri waad arkeysaa.  Ma innaga ayaa duullaan ku ah degaan SNM mise iyaga nagu soo duulay?

Carada wejigiisa ka muuqatay iyo garaaca wadnihiisu xowliga uu ku socday oo neetfiisa laga dareemi karay ma ahayn kuwo saamaxaya in dood deggan lala geli karo.

Hadalka uu yirina waxaa uu inta markaas ah u markhaati furayay xaaladda aan dhex taagneyn.  Waan ka gaabsaday oo Doodda lama sii wadin.