Total Pageviews

Monday, 19 March 2018

Xeerarka Dagaalka - Taxanaha 89 iyo 90 - Qaybta Saddexaad

Saaxiibbadeydii la xiray intii aan waxbarashada ugu maqnaa Faransiiska, markii aan dalka ku soo laabtay waan ka baqay in aan soo booqdo.  

Maxkamadda badbaadada ayaa maalin loo qabtay in la soo taago.  Warku waa i soo gaaray laakiin marnaba kuma aanan talo jirin in aan tago Maxkamaddooda.

Mid saaxiibbadeyda xiran ka mid ah ayaa walaalkiis iigu yimid gurigeyga.  Wuxuu i weydiistay cinwaanka Amnesty International in aan siiyo si uu hey'addaas ugu wargeliyo in walaalkii la xiryay.  

Inkasta oo intii aan Faransiiska joogay anigu aan Amnesty ku wargeliyay in raggaas xabsiga la dhigayintii, haddana asaga waxa keliya oo aan u sheegay in aan u soo raadin doono cinwaanka uu i weydiistay.

Saaxiib laga Shakiyay

Bishii Abriil 1990 waxaa la soo daayay mid ka mid ah saaxiibbadeey.  Arrintaasi la yaab ayay noqotay.  Dhallinyaradii magaaladu waa ay ka shakisay ninka la soo daayay.  Welibana waa ay ku xanaaqday.  Waxaa suuqa loo geliyay in ay dhici karto in uu ahaa basaas ka tirsan NSS.  In sababta nimanka loola xiray ay ahayd in uu xabsiga gudihiisa ku soo basaaso oo xogtooda ugu dambeysa uu ka soo ururiyo.

Ragga qaar lafahooda ayay uga baqeen oo waxay billaabeen in ay isaga ka fogaadaan kana sheekeystaan ayaga oo xamanaya. 

Anigu gurigeyga ayaan ku martiqaaday si aan uga wareysto sida ay wax u dheceen.  Isagana aan afkiisa uga helo waxa uu ku fasiro sii deyntiisa. 

Waxaa uu ii sheegay in raggii ay isla xirnaayeen iyo isagu ay iska warqabaan raallina ay isaga yihiin in uu xabsiga ka soo baxay.  Wuxuu iigu daray in uu yahay nin iyaga ka wakiil ah, danahoodana ka shaqeeya. 

Wuxuu ii sheegay in uu toddobaad kasta uu iyaga ku soo booqdo xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo markaa loo wareejiyay.  Awal waxay ku xirnaayeen oo isaga laga soo daayay Godka Nabad Sugidda oo dadku ay ugu yeeraan Godka Jilicow.  Xilligaas waxaa Godka Madax ka ahaa Jilicow naftiisa.

Kooxdu waxay weli ku eedeysan tahay dembiyo ku abtirsada Qaran - Dumis oo xukunkoodu noqon karo dil toogasho ah.

Waxaa kale oo uu ii sheegay in ninka labaad ee aan saaxiibka ahayn ee awal la igu wargeliyay in la xiray aanuu xirnayn.  Markii uu ka warhelay in la is xirayo ayuu magaalada ka cararay oo baaddiye aaday ayuu igu yiri. Mar dambe waxaa soo baxday in aanuu baaddiye aadin.  Wuxuu ku dhuuntay guri aan guriga waalidkii ahayn oo degmo kale oo isla Muqdisho ah ka tirsan.

Waxaa kale oo aan ogaa Macallin Jaamacadda wax ka dhiga oo isagu marka uu ka warhelay in amar lagu bixiyay in la soo qabto, markiiba dhakhsa isu qaban qaabiyay oo u fakaday baadiyaha Ethiopia.  

Saaxiibkeyga xabsiga ka soo baxay, arrinta iigu yaabka badnayd ee uu habeenkaa ii sheegay waxay ahayd in markii la xiray la tusay sawirkeyga oo la yiri ma taqaan ninkaan.  Ka dibna wax laga weydiiyay xiriirka aniga iyo isaga naga dhexeeya.  Iyo in aan howlaha qaar ka wada shaqeyno iyo in kale.

Xaa la Yiri?

Anigu ma ogi cidda ka mas’uulka ahayd, laakiin xaaladda Muqdisho ee berigaas waxay ahayd mid kacsan.  Waxaana socday oo la dareemi karay awood isku dayaysa in ay dadka oo awalba careysnaa ay sii kiciso iyo in ay ka hor keento Dowladda.

Muqdisho, waxaan dhowr jeer ku arkay waraaqo la yiri magaalada ayaa xalay lagu daadiyay.  Ma hubo in ay isla kooxdan qaarkood ay saaxiibbadeey yihiin ay ka dambeeyeen iyo in cid kale ay soo abaabushay. 

Waraaqahaas waxaa ka mid ahaa qaar madaxda Qaranka lagu bahdilayo iyo qaar Madaxda looga been sheegayo.  



Waraaqaha middood aan aad u xusuusto cinwaankoodu wuxuu ahaa Xaa la yiriQaab waxay u qornaayd la leeyahay Hebel wuxuu yiri oo markaa hadal xanaf leh afka loo gelinayo.  Siyaad wuxuu yiri iyo Samatar wuxuu yiri ayaa ka mid ahaa, laakiin kuma koobnayn labadaa mas'uul.

Madaxdaas waxaa afka loo gelinayay hadal gef ku ah mansabkooda. Erayo shacabka ama reer loogu gooddinayo.  Hanjabaad iyo baqdin gelin.  Faan iyo wax kasta oo shacabka ku diri kara.

Mawaaddinka caadiga ah ee warqaadda dariiqa ka helaa in uu rumeysto waxa ku qoran waraaqda iyo in kale waa howl isaga u taalla.  Laakiin marnaba suurta gal uma ahayn muwaaddinku in uu xaqiiqada ogaado.  Ma jirin  si uu ku ogaan karin in Siyaad uu hadalkaa yiri ama uu fikirkaas qabo iyo in kale.  Xaggeyba isku arki?

Kuma koobnayn Madaxda Dowladda oo keliya.  Waxaa la qorayay magacyada dad Siyaasiyiin hore ah ama Ganacsato waaweyn ah iyo xataa Hoggaamiyayaal Dhaqan.  Waxaa markaa iyagana afka loo gelinayo hadallo iska caabbin ah, caddaalad u dirir ah ama ku saleysan u-daneynta iyo daafaca xuquuqda shacabka.  

Meesha madaxda markaa joogtay laga yeersiiyay hadallo qadaf iyo xilkasnimo darro ah oo shacabka ku diraya, waxaa kooxda kale ee la Boqrayo loo xulay erayo uu shacabku ku jeclaado oo xilkasnimo iyo xikmad ku dhisan.

Harare


Dhowr usbuuc ka dib waxaa aqoon kororsi la iigu diray magaalada Harare ee dalka Zimbabwe. Tababbarku wuxuu ku saabsan yahay howlaha Laanqeyrta iyo bisha Cas gaar ahaan Xeerarka Caalamiga ah ee Dagaalka iyo faafintooda.

Kenyan, Ethiopian, Ugandan, dad Sudan u dhashay iyo qaar ka socda dalal kale oo badan oo Afrikada Bari iyo tan Koofureed ah ayaan ku biirnay aniga oo ICRC ka socda iyo nin sammigeey ah oo ka socday Ururka Bisha Case e Soomaaliyeed.

Haddii aan soo kobo xeerarka dagaalka ama Axdiga Geneva waxaa uu ka digayaa in wax la yeelo dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha dagaalka.  Wuxuu ka digayaa in la dilo dadka aan markaa dagaalka ka qeyb qaadan karin sida dagaalyahanka dhaawaca ah ama xanuunsan iyo kuwa is dhiiba.  Sidoo kale wuxuu ku baaqayaa in aan marnaba wax loo dhimin goobaha diinta sida Masaajidda. Iyo goobaha Caafimaadka, gaadiidka caafimaadka iyo hantida rayidka ee aan dagaalka qeyb ka ahayn.

Wuxuu si faahfaahsan u qeexayaa xuquuqda dhinacyadaas aan sheegay oo dhan.  Waxaa kale oo uu xeerku qeexayaa in dilka dhinacyada ay tahay in la nabadgeliyo uu yahay dembi dagaal.

Zimbabwe waxay markaas xor ahayd sagaal sano oo keliya. Halka dollar ee Mareykan ah wuxuu sarrifkiisu ahaa laba dollar oo Zimbabwe ah.

Waxaan berigaas ku soo bartay Harare, Shiikh Maxamed Yaasiin oo markaa hanti ku haystay, mucaaradna ahaa.  Shiikh Yaasiin dhowr jeer ayuu Madaxweyne u tartamay laga soo billaabo 1994.

Sii socod iyo soo laabad waxaan midkiiba saddex maalmood joogay magaalada Nairobi oo ahayd markii iigu horreysay.  Waxaan ku degey Panafric Hotel.  Soo laabadkeygu wuxuu ku beegnaa Toddobaad taariikhi ah. 

Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan arko xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Kenya waxaa ka socday howlgal lagu kala asteynayo Soomaalida Kenya iyo Soomaalida Soomaaliya.  Qofkii loo aqoonsado in uu yahay Soomaalida Soomaaliya meel ayaa la isugu geynayay ka dibna soohdinta dhulka ah ee labada dal ayaa laga soo tallaabinayay ayaga oo ah masaafuris.  Ganacsato waaweyn ayaa ka mid ahaa dadka la soo masaafuriyay.  

Taariikhda kale oo caalami ah ayaa ixlsa xilligaas dhacday. Waxaa la dumiyey derbigii shubka ahaa ee kor u dhisnaa 3.6 miitir ee kala qeybin jiray magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, oo berigaas u kala qeybsanayd laba dal oo kala madax bannaan - Jarmalka Bari iyo Jarmalka Galbeed.  

Waxaan arrintaa u soo qaadayaa in ay astaan u ahayd billowga dhammaadkii dagaalkii qaboobaa. Wuxuu dabciyay loollankii u dhexeeyay reer Bariga oo Soofiyeetigu hormuud u ahaa oo Berlin-ta Bari ay ka mid ahayd.  Iyo reer Galbeedka oo Mareykanku hoggaanka u hayay ayna ka mid ahayd Berlin-ta Galbeed.

Dadka qaar ayaa qaba in duminta derbigaasi ay saameyn dadban ku yeelatay burburka Soomaaliya.


Markii aan Muqdisho ku soo laabtay shaqadeyda ICRC waxaa lagu soo daray in wakhtigeyga shaqada aan barkiis ka howlgalo Xafiiska Berbera.  Iyo sidoo kale in aanan Berbera ku ekaan ee inta aan halkaas joogo aan safarro joogto ah ugu baxo degaannada woqooyi ee ay ICRC ka howgasho hadba midkii howsheyda looga baahdo.  

Xafiiska Berbera ku soo xigaa waxay markii dambe hey'addu ka abaabushay Borame.  Laakiin howlgalku kuma koobnayn labada magaalo ee wuxuu ku baahsanaa Hargeysa, Burco, Ceeri-Gaabo iyo markii dambe Sallaxleey.  Wuxuu gaaray tuulooyinka qaar sida baadiyaha Gobolka Awdal iyo tuulooyin ay ka mid yihiin Darar weyne oo nawaaxiga Hargeysa ah iyo Beer oo Burco bannaankeeda ku taal.

Wixii aan Berbera iyo magaalooyinka kale ee aan tegey aan kala kulmay qaarkood waxaan ku soo qaadan doonaa Qaybaha soo socda ee Taxanahan 89 iyo 90.