Total Pageviews

Monday 5 March 2018

Dire Dawa 1988 - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Kow iyo Labaatanaad

Dire Dawa, 1988
Khamiis, 1-da September 1988, waxaan subax hore u shaqo tegey xafiiska ICRC.   Waa maalinta ugu dambeysa howlgalka kala beddelashada Maxaabbiista Soomaaliya iyo Ethiopia. 

Waxay maalintu iigu qorsheysnayd in aan xafiiska ka shaqeeyo ugu dambeyn ilaa saddexda iyo barka galabnimo.  Wax ka ogow, ayaan is lahaa, gunaanadka howlgalka.

Muqdisho 1988, Cabdinuur Sh. oo ka socda Radio Muqdisho 
Markaa ka dib waxaa ii qorshaysnayd in aan u shaqo tago Radio Muqdisho oo aan ku qoran ahay in aan soo jeediyo warka Shanta galabnimo iyo kan Siddeedda fiidnimo oo isagu ah war ka baxa labada idaacadood ee dalku leeyahay, Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

Aniga oo xafiiska ICRC fadhiya ayaa garoonka dayaaradaha Muqdisho waxaa iga soo wacay Madaxa ICRC.  Wuxuu ii sheegay in aan degdeg ku imaado gegida dayaaradaha, kuna soo talo galo in aan tegayo Dire Dawa, galabtana aan soo laabanayo.

Madaxa Radio Muqdisho ayaan farriin u diray in socdaalkaas aan u baxayo, qorshuhuna yahay in aan imaan doono wakhti iigu filan in aan warka diyaariyo akhriyana.  Laakiin haddii ay dayaaraddu wax noqoto ama ay wax kale dhacaan oo aan imaan waayo in aan warka la igu halleyn.

Farriintaas waxaan faray weryiga SONNA ee gegida dayaaradaha, Cali Jaamac Cali, Cali-Kuus, oo isaga dayaarad kasta oo kacaysa iyo mid kasta oo soo degeysa ka warqabay, xataa haddii uu gurigiisa joogo.

Waxaan dayaaradda la sii raacay qaybta ugu dambeysay Maxaabbiista Ethiopia oo dalkooda lagu celinayo.

Garoonka Dire Dawa

Sheekooyinka aan ka haysto Ethiopia oo ilaa yaraanteydii aan dadka ka maqlayay ayay markaas ku saleysan tahay aragtideyda aan ka qabo Ethiopia.  Sheekooyinkaas oo dhan marka la isu geeyo, wax fiicani kuma jirin.  

Hadda waxaan u socdaa Ethiopia. Weliba munaasabaddu waa mid dhinac farxad ka leh oo Maxaabbiistii la soo daayay, dhinacna murugo ah oo ku soo xusuusineysa dhimashadii, dhaawicii iyo burburkii dagaalka.

Inkasta oo aan u socdo howl samafal ah, dayaaradda aan la socdo iyo aniga jeebka shaarkeygaba ay ku asteysan tahay calaamadda Laanqeyrta Cas, haddana baqdini igama maqneyn.  Waayo sheekooyinka aan maqli jiray ayaan ii oggoleyn in aan cabsi la'aan ahaado.

Waxaan ka degnay Dire Dawa.  Garoonka waa la buuxaa.  Madax Dowladda ah, Saraakiil Sare oo ciidanka ah, fannaaniin, weriyayaal iyo dadweyne.

Eskista - Sawir tusaale ah
Markii ay billaabeen Maxaabbiistu in ay soo degaan ayaa waxaa billowday, sawaxan isugu jira miyuusik, baroor iyo maxaabbiista oo qaar badani ay dhulka dhunkanayaan.

Baroortu waxay isugu jirtay dad kor u ooyaya oo hadal ku daraya iyo qaar ay ilmadu dhabannadooda iyo dharkoodaba qoysay laakiin afkoodu xiran yahay.

Nooca dambe waxaad ku arkeysay madaxda qaarkood iyo gabdhaha sida quruxda badan u cayaaraya Eskista oo ah cayaar Ethiopia ay dhaqan u leedahay oo caan ku ah in garbaha looga cayaarsiiyo hannaan ay ishu la dhacayso. Galabtaas ayaa iigu horreysay waana cayaar aan weli jeclahay daawashadeeda.

Ayaga oo jiibka iyo jaanta la haysta, sinaha haysta, oo garbaha ka cayaaraya ayay haddana ilmadu ka qubaneysaa.

Marba qof ayaa burburaya. Intuu madaxa gacmaha saarto, ama dhabannada qabsado ayuu qeylo ama ooyin ku dhufinaya marka uu u jeedo  Maxbuus ehelkiisa ah oo albaabka dayaradda ka soo baxay oo cagta soo saaray meesha u sarreysa sallaanka.

Aad ayaan ugu faraxsanaa in maxaabbiista la is weydaarsaday.  Aadna waxaan ugu faraxsanaa in howshaas oo dadkii fulinayay aan ka mid ahay ay si wanaagsan maanta ku soo gaba-gabowday.

Haddana waxaan niyadda iska iri, khalqigan oo dhan waxa ka ooyiyay waa Soomaali.  Haddana dadka garoonkan buuxiyay aniga ayaa Soomaali ka ah.

Ma Khasab baa?

Xafladdii marka ay dhammaatay, ayaa la keenay nimankii ugu dambeeyay Soomaali ee berigaas laga soo qaado Ethiopia.

Ma xusuusto in ay laba ahaayeen iyo in ay saddex ahaayeen.  Midkood caato ah, timo jilcan oo indha godgodan asii eegmadiisu ay fiiqan tahay ayaa diiday in la soo qaado.  Waxaan maqlayay asaga oo keligii isla hadlaya oo leh – ma qasab baa?

Ninkaas isaga oo weli la jooga ICRC iyo saraakiishii Ethiopian-ka ahayd ayaan uga soo tagnay Dire Dawa.

Wuxuu ka mid ahaa maxaabbiis labada dhinac ah oo diiday in ay dalkooda ku laabtaan.  Somaalida diidday in Xamar lagu soo celiyo waxay ahaayeen fara ku tiris.

Ethiopian-ka qaar badan ayaa diiday in ay Ethiopia ku laabtaan.  Waxaa dib-u-dejin loo weydiiyay dalal ay ka mid yihiin Canada, Mareykan iyo Australia.

Muddo dhan ayaan magaalada isku arki jirnay iyaga oo dhoof sugaya.  Qaarkood waxay arday ka noqdeen oo aan macallin ugu ahaa Xarunta Dhaqanka Faransiiska oo ay af Faransiis ka baran jireen.

Maxaabbiista diidday in lagu celiyo dalkoodii, ama aan dhaho dalka ay dartiis u xirnaayeen waxaa ka mid ah gabar Soomaali ah, oo la xirnayd Ethiopianka.  Markii la soo daayay ayay diidday in lagu celiyo Ethiopia.  Qorma gooniya ayaan uga warrami doonaa.

Markii ay dayaaraddu ka kacday Dire Dawa oo ay hawada gashay ayay cabsidii I deysay.  Waxaa kale oo aan ku farxay in xilliga aan Muqdisho tegi doonno uu ii saamaxi doono in aan ka gaaro oo aan akhriyo warka Shanta Galabnimo.

F. G.

Sawirka koowaad oo ah Dire Dawa, anigu waxaan gashan ahay jaakad madow iyo funaanad cagaaran oo ay in yari  ka muuqato.  Waxaan taagan ahay meel u dhow dayaaradda laakiin aan aad u muuqan. Ninka gashan khamiiska cad ee caafimaadka ee dayaaradda hoos taagan, ninka dheer ee dhabarkiisa ku beegan ee gacmuhu ay xabadka u saran yihiin isuna dhaafsan yihiin ayaan daba taagan ahay. Heinz oo i garab taaganina wuu i soo eegayaa.

No comments:

Post a Comment