Total Pageviews

Wednesday, 7 March 2018

Xabsiga Orlando – 10 Sano, 7 Bilood & 1 Maalin - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Saddex iyo Labaatanaad

Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta ee Havana
Orlando Cardoso Villavicencio waa duuliye u dhashay dalka Cuba.  Waxay ciidammada Soomaaliya ka soo qabteen aagga Harar.  Taliyihiisii iyo rag kaleba waxay ku dhinteen weerarkii gaadmada ahaa ee isaga lagu soo qabtay.

Waxaa lagu soo xiray xabsiga Laanta Buur ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu halkaa ku xirnaa toban sano, toddoba bilood iyo hal maalin. Keligii ayuu gooni u xirnaa.

Wuxuu ka mid ahaa Maxaabbiistii la sii daayay 1988.  Waxaa la geeyay Dire Dawa.  Halkaas oo uu kula kulmay ehelkiisa iyo Madaxda Ethiopia.

Ka dib waxaa la geeyay Havana, caasimadda Cuba.  Wasiir ayaa ku soo dhoweeyay garoonka dayaaradaha.  Waxaa la marsiiyay baaritaanno caafimaad iyo daaweyn, u badan xagga dhimirka.

Markii la qabtay da'diisu waxay ahayd labaatameeyo.  Derajadiisa ciidan hadda waa Gaashaanle Dhexe.   Waxaa u dheer in la siiyay Billad-geesi.  Waa Billadda Geesinnimada ee Jamhuriyadda Cuba.

Buug uu qoray ayuu uga warramay sannadihii badnaa ee uu ku jiray xabsiga Soomaaliya.

Buugga oo cinwaankiisu yahay Reto a la Soledad, wuxuu ku qoran yahay afka Spanish-ka oo ah afka looga hadlo dalka Cuba.  Cinwaanka waxaa loo fasiri karaa U-Gegsiga Kelinnimada ama Iska-caabbinta kelinnimada.

Wareysi

Idaacad ayuu uga warramay sida uu isu maareeyay sannadihiisii xabsiga Soomaaliya iyo dareenkiisa amaba dareen la’aantiisa marka uu Cuba ku laabtay.

Xabsiga wuxuu sheegay in uu dhib badan kala kulmay.  In ka badan konton jeer ayay duumo igu dhacday ayuu yiri.  Daawana ma helin.

Sannadkii afraad ayay iigu darnayd ayuu yiri markii ay igu goobteen duray culus iyo duumo. Ninkii i ilaalinayay ayaa iga naxay oo Asparin i siiyay ayuu yiri.  Wax badanse ima tarin.

Maaddaama raashinka la i siin jiray uu ahaa mid ay nafaqadu ku yar tahay, ilkaha ayaa i bolalay, ayuu yiri.

Dhowr jeer ayaan ka fekeray in aan is dilo.  Laakiin haddana marna kuma qancin in aan isdilo.

Waaq-Laawe

Dadka qaarkii marka ay xaalad noocaas ah ay galaan waxay u weecdaan xagga diinta oo ay ka raadiyaan awood ay isku xajiyaan.  Adigu sidaa ma yeeshay?  Ayaa la weydiiyay.

Anigu qof diineed ma ahi ayuu yiri.  Inkasta oo mar ay xaaladdu i geyeysiisay in aan Jilbajabsado oo aan Rabbi baryo.  Haddana waxaan u arkay xaalad silloon in ay tahay sababta oo ah waxba ma dareemeyn.  Markaa waan iska daayay.

Qoraaga Ruushka ah ee Fyodor Mikhailovich Dostoyevsky ayaa hadda ka hor shaqo gacmeed khasab ah lagu fulinayay sannado isaga oo ku jira xabsi ku yaalla Siberia.  Dostoyevsky wuxuu sheegay in markii xabsiga uu ka soo baxay aanuu waxba dareemin.  Markii aan Dostoyevsky  ku akhrinayay xabsiga ma fahmin arrintaas.  Laakiin markii aan ka soo degay gegida dayaaradaha José Martí ee Havana ayay igu dhacday tabtii uu qoraalkiisa ku tilmaamy Dostoyevsky ee isaga ku dhacday markii laga sii daayay xabsiga Siberia.

Mar baan xusuustaa nin isku dayay in uu iga dhaadhiciyo in ay diintiisu ka sarreyso dhaqankeyga.  Bal qiyaas, muranka naga dhex  dhici kara nin muslim ah oo mintid ah iyo aniga oo Waaq-Laawe ah.

Waxaan hordhigay qaaciddada ah in wax kasta oo dunidan ka dhaca ay jiraan wax kale oo muuqda oo sababay.  Aad ayuu uga xumaaday.

Laakiin markii ugu horreysay oo diin aan dareemay inta aan xabsiga ku jiray waxay ahayd riyo. 

Waxaan ku riyooday baabuurkii aan la socday markii la i soo weeraray ee la i qabtay.  Waxaa baabuurka wada Nebi Ciise. Midigtiisa waxaa fadhiya, Captain Corona oo weerarka ku dhintay. Aniguna dhanka dambe ayaan sariirta baabuurka jiifaa. 
Nebi Ciise ayaa gadaal ii soo eegay oo igu yiri xaggeen u soconnaa?  Aniguna markaas ayaan gogasha ka soo booday oo aan is arkay in aan joogo Laanta Buur.

Waxay ahayd xilli calwasaad iyo islahadal badan.  Weligeey anigu Kaniisad ma tegin. Laakiin diimaha kama soo horjeedo.  Diimaha oo dhanna aad baan u xushmeeyaa.

Waxaa jira dad aan ku bartay akhriska Bible.  Qaarkood waa kuwa aan dad ugu jecel ahay, sida Maryam, Nebi Ciise hooyadiis.

Dhibka aan ku jiray waxaan isku illowsiiyay ayuu yiri ma-daneyn ama daneyn la’aan.  Derbi aan hawadu ka gudbi karin ayaan dunida isaga ooday, ayuu yiri.  Waxaa igu wareegsanaa, ayuu yiri, kuwii i soo xiray.  Waxaa i hareeyay cadaawadda la ii qabo.  Xataa marka ay sheelada ama qolka aan ku xiran ahay hortiisa jirdil ku sameynayaan waan iska xiri jiray, ayuu yiri, oo waan iska indhasaabi jiray waxa horteyda ka dhacaya.

Dadku waxay i weydiiyaan, ayuu yiri, waxa aan dareemay marka aan Cuba ku soo laabtay.  Waxay iga sugayaan in aan iraahdo farxad badan ayaan dareemay iyo niyaddeydu waa ay kacsaneyd. 

Jawaabteyduse waa, ‘Waxba’.  Wax aan dareemay ma jiraan.

Ma fileyn ayuu yiri billad geesi in la i siin doono.  Waana wax wanaagsan in la i siiyay.  Laakiin dareen uma lihi.  Derbigii aan isku ooday markii aan ku jiray Xabsiga Laanta Buur, oo dunida oo dhan aan isaga ooday ayaa weli dareenkeyga iyo qalbigeyga ku gadaaman.  Kamana rogi karo.

Walkman

ICRC marka ay xabsiga igu soo booqato ayaan heli jiray ayuu yiri qof aan af Spanish kula hadlo.  Xabsiga waxaan ku bartay ayuu yir afafka Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka.

Ingiriiska waxaan bartay ayuu yiri akhriska iyo qoraalka aniga oo aan aqoon sida loogu hadlo isla markaana aan fahmi karin haddii lagu hadlo.

Ilaaladeyda ayaa mid u sheegay buu yiri in aan af Ingiriis aqaan, waayo waxay arkeen aniga oo buugaag Ingiriis ah akhrisanaya.  Markaas ayuu ila hadlay, hase yeeshee waxba waan ka garan waayay.

Waxaan weydiistay in uu qoro waxa uu ii sheegayo. Markii aan akhristay, oo aan fahmay, ayaan aniguna qoraal ugu jawaabay ayuu yiri.

Siddeed sano markii aan xabsiga ku jiray ayaa la ii oggolaaday, ayuu yiri, Walkman.  Markaas ayaan bartay sida erayada Ingiriiska iyo afafka kale ee aan bartay loogu dhawaaqo.

Waxaan billaabay in aan barto sida miyuusigga loo qoro, xataa waxaan sii baray maxaabbiis kale.

Tababbarka militeri miyaa ku siiyay adadayga aad uga badbaadday xabsigaa dheer iyo dhibaatada ku haysatay, ayaa la weydiiyay.

Wuxuu ku jawaabay – tababbarka militeri waa i anfacay, laakiin waxaa ka sii xoog badnaa tababbarkeyga siyaasadeed iyo mabda’a aan aamminsan ahay.

Inta aan xabsiga ku jiray waxaan isku dayay in aan akhriyo wax kasta oo aan heli karay. Sheekada Dagaal iyo Nabad ee uu qoray Leo Tolstoy ayaa ka mid ahayd waxa aan akhriyay. Waxaan ka helay in wax waliba sida ay yihiin loo qabto.

Galaangalka Cuba


In badan waxaan is weydiin jiray ayuu yiri, Cuba maxay wax uun u sameyn la’ dahay lagugu sii daayo.

Wuxuu mar dambe ka warhelay, in uu dadaal badan oo diblomaasiyadeed uu sameeyay Isidoro Malmierca Peoli, waa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Cuba laga soo billaabo 1976 ilaa iyo 1992.

Madax badan oo caalamka ah ayuu ka codsaday in ay xaqiijiyaan ama ay gacan ka geystaan in maxbuuska Cuba u dhashay laga soo daayo xabsiga Soomaaliya.

Madaxda uu Wasiirka Cuba uu arrinkaas dartiis ula kulmay waxaa ka mid ah, Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Bettino Craxi, oo isagu Soomaaliya yimid 1985.  Inkasta oo aanan markaa ogeyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arrinta maxbuuska Cuba, haddana waxaan ka mid ahaa weriyayaashii socdaalkiisa ka warramayay.  Wuxuu booqday Muqdisho, Kismaayo iyo Hargeysa.

Madaxda kale ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cuba uu ka codsaday sii deynta Maxbuuska Cuba ee ku xiran Soomaaliya waxaa ka mid ah Andreotti oo dhowr jeer Ra’iisal Wasaare ka noqday Talyaaniga,  Madaxweynaha Faransiiska Mitterand iyo Senator Kennedy.

Waxaa iyagana waraaqo isla codsigaas ah ay Cuba u qortay, Pope John Paul II oo ahaa wadaadka u sarreeya Kaniisadda Katooligga iyo madax kale.

Orlando Cardoso Villavicencio si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabtay Dareen la’aanta iyo qalbiga qufulan.  Wuxuuse sheegay in aanay ka wada baabbi’in ee ay marmar ku soo kacdo.

Cafis


Waxaa jira ayuu yiri dhib haddii uu ku gaaro aan magdhaw lahayn.  Si kale haddii loo dhigo, waxaa jira dhaawac aanuu kaa bogsiin karin magdhow.  Ciil iyo cuqdad midna uma qabo, ayuu yiri, kuwii Laanta Buur igu ciqaabay.

“Hawaale*, oo isaga oo tukanaya dhintay, beri hore ayaan cafiyay”, ayuu yiri.  Wuxuu raaciyay “Maanta iyo mustaqbalka ayaan culeyska saaraa.”

 ----------------------------------------------------------

*Hawaale, waxaan u qaatay in ay noqon karto Cawaale.