Total Pageviews

Sunday, 18 March 2018

Xarig & Xabaal-Wadareed - Taxanaha 89 - 90 - Qaybta Labaad

In afar boqol oo ruux isla maalin gudaheed lagu dilay Muqdisho waxay ahayd murugo inteeda la'eg. Laakiin intii aan joognay Faransiiska dhibka Soomaaliya ka dhacay kuma koobnayn 400 oo ruux oo maalin keliya lagu dilay Muqdisho.  Ma ahayn oo keliya in isla maalintaas xabsiga loo taxaabay dad aad u fara badan.  Dilka iyo xariggu intaas kuma istaagin.  

Waxaa la dilay 47 qof oo rayid ah oo aan Maxkamadi xukumin.  Xataa dacwad laguma soo oogin.  Waxaa lagu dilay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho.  Waxaa la sheegay in ay qabiilka ay ahaayeen dartiis loo beegsaday.  

Laakiin warkaasi iguma soo gaarin inta aan joogay Faransiiska.   Waxaan ogaan doonaa isla subaxa aan Muqdisho ku soo laabto.

Sida ay saxaafaddu uga hadashay dhacdadii 14 – ka Luulyo ee Muqdisho, iyo wararka toos noo soo gaaray waxay nagu abuureen walaac.

Qaarkeen waxay codsadeen in wakhtiga la soo gaabiyo si aan Muqdisho ugu noqonno.  Waxaase jiray saaxiib aad isugu dayay in uu iga dhaadhiciyo in aan labadeennu iska dhiibno Paris.  Waan ka diiday. Isaga laftiisu wuu yara shakisanaa oo markii aan ka diiday wuu na soo raacay.  Laakiin Talyaaniga marka aan soo mareyno ayuu naga haray oo uu Roma iska dhiibay.

Sannad ka dib ayay ahayd marka aniga oo Muqdisho ka soo cararay uu igu soo dhoweeyay Talyaaniga.  Wuxuu igula kaftamay in aan hadda gartay in aan khaldanaa markii aan sannadkii hore diiday in aan is dhiibo.


Qabiil Dulman

War naxdin leh oo i soo gaaray inta aan Faransiiska joogay wuxuu ahaa in Xamar lagu xiray tobaneeyo dhallinyaro ah saaxiibbadeey ka mid yihiin oo lagu eedeeyay dembiyo dhowr ah oo ku abtirsada Qaran-dumis.  

Waa eedeyn culus oo keeni kartay dil toogasho ah.  

Qaar badan oo nimankaas ka mid ah waan is naqaan, ugu yaraan laba ka mid ahna waxaan nahay saaxiibbo dhow.

Waraaq uu ii soo diray ayuu walaalkeey iigu sheegay xarigga nimankaas gaar ahaanna saaxiibbadeey. Labada saaxiib waa niman aan Jaamacadda wada dhigannay, isku xaafad nahay, marmar aan is raacno, mar marna aan guryaha isku booqanno.  Walaalkeey isaga oo dhankaa ka eegaya ayuu iiga digay in aan dalka ku soo laabto. 

Walaalkeey waan ku ogaa in uu dalkiisa aamminsan yahay.  Waddaniyadduna ay ku weyn tahay.  In aanuu dalka ka quusanna waxaa daliil u ah in inta aanan anigu dalka ka soo bixin in yar ka hor uun uu ka soo laabtay waxbarasho uu ku soo qaatay magaalada Bath ee dalka Ingiriiska iyo ka sii hor dalka Jarmalka.

Waxaanse ogaa in aan walaalkeey ogeyn in aan anigu ogaa waxa nimankaas loo xiray.  Sidoo kale in aan ogaa waxa aan aniga iyo iyagu ku kala geddisan nahay.

Hadda ka hor ayaa mid ragga la xiray ka mid ah oo aynaan xataa aad isu aqoon, uu igu martiqaaday in aan howsha kala qeyb qaato.  Sabab wuxuu iiga dhigay in aan nahay qabiil dulman oo markaa aan u baahan nahay in aan wax iska caabbinno. Waxaan weydiiyay cidda ay howsha ku wada jiraan.   Dhowr nin ayuu ii sheegay oo dhammaantood ka mid ah kuwa hadda la ii sheegay in la xiray. 

Waxaan ku iri ninyahow aniga iyo adigu isma naqaan.  Arrinta aad igala hadleysaana waa xasaasi.  Waxaan arrintaa kala xaajoon doonaa ragga aad tirisay mid ama qaar ka mid ah oo kalsooni ay naga dhexeyso.  

Gaarigi ayuu watay.  Marka uu iga dhaqaaqay ayaan qaatay gaarigeyga oo waxaan gurigiisa ugu tegey nin saaxiibkeey ah oo kooxda ka mid ah.  Cabasho ayaan u jeediyay dadka aynaan si wanaagsan isu aqoon ee ay ii soo dirayaan ee arrimaha xasaasiga ah ila soo gelaya in ay iga joojiyaan.  Wuxuu ii ballanqaaday in ay ammaan i siin doonaan.

Waxaan xusuustaa in habeen aniga oo tobankii fiidnimo socda oo shaqo ka soo rawaxay aan ku arkay isla saaxiibkaas asaga oo fadhiya makhaayad ku taalla Xamar Jadiid.

Waxaan u sheegay saaka shaqadii aan u kallahay markii ay galabta ii dhammaatay in aan mid kale u gudbay oo aan hadda uun ku laabanayo gurigeyga.  Waxaan u sheegay in aniga oo sidaa mashquul u ah aan haddana ka warhayo shirarkooda iyo dacaayadaha ay derbiyada ku qoraan ama waraaqaha ay daadiyaan.  Waxaan u sheegay in aan hubo dadka sida aan howlaha kale ugu mashquulsan ahay si la mid ah u mashquulsan laakiin ku mashquulsan daba-galka dadku in aanay ku war la’ayn xogta aniga i soo gaartay.

Waan xusuustaa isaga oo isku daraya kaftan iyo kiis-iska-waal  ayuu igu yiri, Yusuf marka aan dalka xoreyno waxaan ka baqayaa xilka aan kuu dhiibno aad ka baqdo in aad qabato.

Inahaas dartood, waxaan ogaa nimanka la xiray in ay ahaayeen koox bareertay oo ku howlan falal lid ku ah Dowladda.

Anigu waan isku kalsoonaa oo waan ogaa in aanan lug ku lahayn falalka saaxiibbadeey loo xiray.  Laakiin waxaanan hubin in ay nabadsugiddu sidaa og tahay iyo in kale.

Inta aynaan ka soo bixin Faransiiska, waxaan la xiriiray Diblomaasi Yurub u dhashay oo aan is naqaan si aan xog uga helo xaaladda Muqdisho.  Wuxuu ii sheegay in ay xaaladdu aad hoos ugu dhacday, mustaqbalkana aan la saadaalin karin. Wuxuu ii sheegay oo kale in uu diyaar iila yahay in uu igala shaqeeyo haddii aan goosto in aanan Soomaaliya ku laaban oo aan doonayo in aan dalkiisa tago si aan magangelyo u weydiisto.  Waad mahadsan tahay ayaan ku iri, laakiin isma dhiibayo.

ICRC oo aan u shaqeeyo iyadu waxay ii soo jeedisay in haddii ay wax i tareyso uu Peter Stocker, Madaxa ICRC ee Soomaaliya uu diyaar u yahay in uu airporka isagu iga soo doono.

Taasna waan ka mahadceliyay laakiin waan iska diiday.  Weli markaas waxaan aamminsanaa Qaranka iyo Dowladda.  Waxaan is ogaa in siyaasadda la isku baacsanayo aanan qayb ka ahayn.  Waxaan u haystay xataa haddii la igu qaldamo oo la i xiro in aan caddeyn karo in aanan qayb ka ahayn waxa socda ee aan ahay samafale qunyar socod ah.  Waxaan moodaa in la kala garqaadanayo.

Paris ayaan ka soo duulnay oo Roma uga degnay dayaaradda.  Ka dibna Roma ayaan ka soo raacnay dayaaradda Somali Airlines oo subax hore na keentay dalkeenna.

Muqdisho

Airporka Muqdisho markii aan ka soo degay oo aan ka soo gudbay Saraakiisha Socdaalka, waxaan ku imid saraakiisha kastamka.  

Dadkeennii dayaaradda ka soo degay oo hal saf isdaba soconna ayaan ku nimid miisas is garab yaalla oo dhanka midig naga haya. Miis kasta waxaa gadaashiisa taagan nin ama laba baaraya boorsooyinka.  Midka igu soo aaday wuxuu furay boorsadeyda, asaga oo aan aniga i eegeyn ee boorsadeyda marba shey kor u qaadaya ayuu igu yiri hebel iyo hebel waa la xiray.  Waa labadeydii saaxiib ee walaalkeey ii soo sheegay.

Waan ka gudbay waxaana i soo qaaday walaalkeey Ismaaciil oo wata gaari Land Rover ah.   Markii aan ka soo baxnay albaabka airporka ayuu i weydiiyay waxa dhacay ma maqashay?  Waxaan moodayay nimanka la xiray in xukun ku dhacay laakiin arrin ka culus ayuu iiga warramay.

Wuxuu ii sheegay 47 ruux oo isku beel ah in lagu dilay xeebta Jaziira.  Sida wax u dheceen ayuu faahfaahin iga siiyay. 

Madaxeyga way ka dhaadhici weyday in sidaasi ay suurta gal tahay.  Wax uun baa meel ka khaldan ayaan is iri ama xogta ayaa kala dhimman.

Haddana walaalkeey iga weyn oo aanan been ku aqoon Dowladdana u shaqeeya  ayaa ii faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.  Waan ka xishooday in aan ku iraa waxa aad sheegeysaa macquul ma ahan laakiin runtii warkiisu waa iga daaddegi waayay.

Walaalkeey waxaa ka muuqday niyad-jab weyn iyo murugo. Sida wuxuu u hadlayay in talo fara ka baxday oo ay Dowladdu gaartay meel aan ka soo noqosho lahayn.  Xataa su’aalihii aan weydiiyay qaarkood wuu ka aammusay in uu iiga jawaabo qaab muujinaya in uu ii arko nin aan weli xaaladda fahmin.  Airporka ilaa Xamar Jadiid wax kale kama aynaan hadal.  Xataa reerkeenna oo dhib noo gaar ahi uu nala soo gudboonaaday intii aan maqnaa, ilama soo qaadin.

Markii aan shaqooyinkeygii ku laabtay, maalinba maalinta ka dambeysa xaqiiqo aan rajeynayay in ay been tahay ayaan ku khasbanaaday in aan rumeysto.

Dhacdadaas xanuunka badan aad ayaa wax looga qoray.  Qofka doonaya in uu wax ka ogaado  buug af Soomaali ku qoran oo dhacdadaas keliya ku saabsan oo cinwaankiisu yahay Xeebta Geerida ayaa waxaa qoray Cabdi Shire.

Xogta ugu badan ahna mid sugan waxaa bixiyay nin dhibbanayaasha ka mid ahaa, oo rasaasta Rabbi ka badbaadiyay.