Total Pageviews

Saturday 17 March 2018

Montpellier – Taxanaha 89 – 90 – Qaybta Koowaad

Paris, 14 Luulyo 1989
1989 ayaan waxbarasho kooban u tegey dalka Faransiiska.  Waxaan tegey Jaamacadda Paul Valéry ee magaalada Montpellier. 

Waxaan ahayn Shan Macallin oo Soomaali ah oo af faransiis ka dhiga xarunta Dhaqanka Faransiiska ee Muqdisho.   Afarta kale hore ayay waxbarasho ugu tageen dalka Faransiiska oo mid naga mid ah waxaan u maleynayaa in uu shan sano halkaa degganaa.  Cali-mar-dhoofku waa aniga.

Dayaarad nooca airbus ah oo ay leedahay Somali Airlines oo Muqdisho aan ka raacnay ayaan ku tagnay garoonka Fiumicino ee magaalada Roma. Dayaaraddeennii waxay u gudubtay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.  Saacado yar ka dib waxaan Roma ka raacnay dayaarad kale oo markiiba na geysay garoonka Charles de Gaulle ee Paris goor fiid ah.  Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan arko iftiinka qorraxda oo maalin oo kale ah iyada oo saacaddu ay tahay sagaalka fiidnimo.

Subixii xigay ayaan train-ka dheereeya ee TGV ka raacnay istaanka tareennada Paris-Gare-de-Lyon. Saacado ka dibna wuxuu na geeyay Montpellier.

Montpellier waa magaalo dalxiis iyo waxbarasho oo 10 km keliya u jirta xeebta koofureed ee dalka Faransiiska ee badda Mediterranean-ka.

Waxaan ugu tagnay dhallinyaro reer Djibouti ah oo na soo dhoweeyay oo qaarkood aan anigu weli isku xiran nahay.  Mid ka mid ah oo Diblomaasi sare noqday ayaan dib isu helnay muddo hadda dhowr sano laga joogo.

Kacaan 200 jirsday 

Université Paul-Valery Montpellier 3
Montpellier waxaan u tagnay in aan qaadanno casharro loogu talo galay Macallimiinta dhiga afka Faransiiska.  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa qabanqaabisay.  Waxay ku soo beegtay sannadguurada laba boqolaad ee ka soo wareegytay Kacaankii Faransiiska.

Fantasiyo iyo damaashaad ayaa meel walba ka socda.  Munaasabadda ugu weyn ee loo dabbaal degayaa waa maalinta 14 Luulyo 1989 oo ah sannadguurada laba boqolaad ee Kacaanka Faransiiska.  Laba boqol oo sano ayaa ka soo wareegtay markii xabsiga Bastille ee magaalada Paris loo dhacay, taas oo ku asteysan maalinta Kacaanka Faransiiska.

Wuxuu ahaa Kacaan dhiig badani ku daatay.  Taariikhyahannada qaar ay ku tilmaamaan dhacdooyinka ugu waaweyn ee dunida in uu ka mid ahaa.  Ma ahayn in Boqor Louix XVI la dilay oo keliya.  Ma ahayn oo keliya in Boqortooyadii Faransiiska lagu beddelay Jamhuriyad.   

Faransiisku wuxuu weerar ku qaaday dalal ka baxsan kiisa qaarkoodna ay aad uga fog yihiin oo Bariga Dhexe iyo bartamaha Ameerika ku yaal, halkaas oo uu dhulka dhigay wixii Boqortooyo ka jiray.

Laakiin 14-ka Luulyo markii aan gaarnay waxay noqotay in aan maskaxdeennu u soo jeedin Kacaan Faransiiska oo dhacshay 200 oo sano ka hor iyo damaashaadka hadda loo sameynayo.  Magaalo iyo dal qalbigeenna meesha ugu muhiimsan uga yaal ayaa hadda qalalaase ka taagan yahay.  Muqdisho ayaa la isku dilayaa.

Subaxnimada  Jimcaha ee 14-ka Luulyo 1989 waxaan nabad uga soo toosnay Hoyga Vert Bois ee Jaamacadda oo aan deggan nahay.  Ma ogeyn in dalkeenna ay maanta ka dhici doonaan waxyaabo naga sii jeediya munaasabadda weyn ee muddo la sii hadal hayay.  Ma ogeyn in dhowr boqol oo Soomaali ah la dili doono maanta.

Waxay ahayd markii Salaadda Jimcaha ka dib uu dhacay bannaanbax.  Wuxuu ka billowday Masjidka Shiikh Cali Suufi ee Xaafadda Casa Popolare ee degmada Hodon.  (Masjidka Shiikh Cali Suufi, xusuusta keliya ee uu markaa ii lahaa waxay ahayd in aabbahay aan kula tukunnay janaasada).

Bannaanbaxa waxaa ka dhalatay Rabshad.  Bannaanbaxayaasha iyo ciidanka Dowladda ayaa foodda is daray.  Ciidanku waxay fureen rasaas.  Waxaa la rasaaseeyay dadkii bannaanbaxayay ayaguna dhagxaan ayay la dhecayeen ciidanka amniga.  Wararka qaar waxay ku doodeen in shacabka bannaanbaxaya ay ku soo dhex dhuunteen dad hubeysan.  Dhimashada iyo dhaawaca ka sokow, dad badan ayaa xabsiga loo taxaabay.

Wararka qaar ayaa sheegeen in dadka dhaawaca ahi aanay isbitaal tegi karin, baqdin ay ka qabaan in la xiro awgeed.

Internet weli ma dhalan.  CNN ma dhowa.  Al Jazeera ha sheegin.  Radio Muqdisho Montpellier lagama dhegeysto.  Haddana, warku wuxuu nagu soo gaaray Montpellier.

Waxaa keliya oo aan haysannaa waa Telefishinka iyo wargeysyada Faransiiska iyo Raadiyayaasha RFI iyo BBC.  Iyagana wararka aan ka dhegeysannay walaac uun ayay noo sii kordhiyeen.  Waxaa noo dheer telefoon aad u qaali ah. 

Sida ay qortay New York Times oo soo xiganeysa wakaaladda wararka AP, Africa Watch oo ah urur Xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa faafisay in 400 oo ruux lagu dilay Muqdisho 14-ka Luulyo 1989.

Kaniisadda Muqdisho

Si buuxda la isuguma waafaqsana dhacdadaas waxa sababay iyo xataa sida ay u dhacday.  Sagaalkii bisha Luulyo ayaa Muqdisho lagu dilay Salvatore Colombo oo ahaa baadariga u sarreeya Kaniisadda Katooligga ah ah ee Muqdisho.  Dilkaas waxaa loo xiray wadaaddo la tuhunsanaa in ay ku lug leeyihiin.

Colombo wuxuu ahaa nin muddo dheer degganaa Muqdisho. 1947 ayuu xersiga wadaadnimada ka soo qaatay magaalada Milano.  In yar ka dibna wuxuu yimid Muqdisho.  Intii ka dambeysayna Muqdisho ayuu degganaa.

Kaniisadda waxaa ugu badan oo ay u adeegtaa qiyaastii kun Talyaani ah oo deggan Muqdisho. Ajnebi kale ayaa isaguna taga.  Danjire Mareykan ah oo bartamihii siddeetamaadkii Muqdisho joogay ayaa sheegay in uu habeen saqdii dhexe Kaniisadda uga qeyb galay ducada ciidda masiixiga ah ee Easter.

Safiirka oo ay sheekeysteen Baadariga ayaa qoray in Maxamed Siyaad Barre aanuu Salvatore Colombo u oggoleyn in uu Soomaaliya ku faafiyo diinta Katooligga.  Laakiin Siyaad uu doonayay deeqda Katooligga.  Sidaa darteed ayuu Colombo dalka keenay wadaaddo kaniisadda ka tirsan oo ah kalkaaliyaal caafimaad oo isugu jiray lixdan Talyaani ah iyo dhowr iyo labaatan Hindi ah.  

Waxay ka howlgalayeen Isbitaallada magaalada qaarkood.  Waxaa kale oo kalkaaliyaasha caafimaadka garab socday mashruuc ay waddo hey’adda Caritas Somalia oo 100 ceel oo tuulooyin ku yaal lagu rakibayo bamba gacan-maal ah oo shidaal la’aan biyaha ka soo saareysa ceelka. Bambadu waa sanca Austria.


Habeenkaas waxaan Montpellier seexannay annaga oo la murugeysan warka dhiillada ah ee naga soo gaaray dalkeenna.  Laakiin meesha aan joogno iyo telefishinkaba waxaa ka socda fantasiyo iyo damaashaad aan kala go’ lahayn.  Dhallinyarada reer Djibouti oo keliya ayaa ogaa xaaladda aan ku sugan nahay.

No comments:

Post a Comment