Total Pageviews

Thursday, 15 February 2018

Bandow - Taxanaha Maxaabbistii 77 - Qaybta Tobnaad

Sawir tusaale ah
Habeenkaa Hargeysa dadka aan kula kulmay waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamed Nuur “Kolombo” oo aan Radio Muqdisho ka wadashaqeynay laakiin loo soo beddelay Radio Hargeysa.

Wuxuu ii kaxeeyay in uu i soo baro dhallinyaro reer Hargeysa ah.  Waxaan tagnay guri aan ka fogeyn Hoteelka Maaweel oo aan ku soo degey. Halkii ayaan ku sheekeysannay. Miyuusik ayaan dhegeysannay.  Dhallinyarada qaar way qayilayeen qaarna sheekada uun ayay ku jireen.  

Maaddaama aan yara daallanaa, howlaheyga berrito in aan u diyaar garoobana aan u baahan ahay, waxaan u sheegay dhallinyaradii in aan u hoyanayo Hoteelkeygii.   Waxaa la ii sheegay in aan la bixi karin oo ay bandow tahay.  Hadde ogow Hoteelkeygu waa meel ii muuqata.

Arrintaasi dhibaato ayay igu noqotay.  Inkasta oo aanan si buuxda u xusuusan, waxaan u maleynayaa in aan habeenkii seexday isla guriga.

Aroortii waxaan xusuustaa in aan arkay dad lagu sido baabuur shabaqle ah, kuwaas oo markii aan meelaha wareystay la ii sheegay in ay yihiin dad xalay ku xadgudbay bandowga.

Nin aan magaciisa Cali ku soo koobayo ayaan u xil saarnay in uu waraaqaha maxaabbiista ku raadiyo qoysaskooda.  Si kale haddii aan u dhigo, waxaan u sheegnay in uu wakiil naga ahaan doono, xataa marka aan Muqdisho tagno in aan isaga la soo xiriiri doonno.

Cali iyo waxaan isbaray Xasan – Kuuriya oo ah madaxa Idaacadda Hargeysa. Xasan wuxuu ballanqaaday in uu gacan siiyo Cali, haddii uu isgaarsiin u baahdana uu aniga igu soo xiro ama farriintaasa i soo gaarsiiyo.

General Morgan 

Aniga iyo Beatrix waxaan u tagnay General Morgan, Taliyaha qeybta 26aad oo shir kula jira Generaallo Xamar uga yimid oo malahayga kormeer ah.

Qol yar oo iska caadi ah oo salooto yari taallo oo aan qiyaasi karo in aanuu ahayn Xafiiskiisa rasmiga ah ayaa nala fariisiyay. 

Ma jecleysan arrinkaas.  Waxaan u qaatay mar haddii uu shir kula jiro wafdi Muqdisho uga yimid in ay suurta gal tahay in uu farriin noo soo faro cudur daar ah.  In aan berri u soo laabanno in naloo sheego.  Waxaa kale oo iyadana aan baqdin ka qabay in ay dhici karto in aan galno sugitaan aan natiijadiisa la hubin oo wakhti badan naga qaata.

Laakiin in yar ka dib, General Morgan ayaa noogu yimid qolkii aan fadhinnay.  Halkaas ayaan shirkeennii ku qaadannay. Si wanaagsan ayuu u aqbalay arrinka aan u soconnay.   

Waxaan ugu soconnay in uu saddex waxyaabood gacan naga siiyo.

In waa marka horee uu la socdo oo naga warqabo in aan degaanka joogno, howsha aan fulineynana waan u fasirnay.

Marka labaad in xeryaha ciidanka haddii aan u baahanno aan tegi karno oo aan magacyada maxaabbiista u sheegi karno.

Ugu dambeyn waxaan weydiisannay in Cali oo naga wakiil ah oo aan waraaqaha uga tagi doonno uu dusha ka ogaado, wax dhibaato ahna aan howshaas loogu geysan.

Xusuusnow, Maxaabbiista ehelkooda la raadinayo waa rag ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

General Morgan si wanaagsan ayuu u soo dhoweeyay howsha aan wadno, dalabkeenna si buuxa ayuu nooga aqbalay.

Markii uu shirku noo dhammaaday, isla markiiba kuma uu laaban Generaalladii uu ka yimid.  Annaga ayuu na sagootiyay.  Wuxuu nagula lugeeyay koriddoor dheer.  Aniga ayuu garabkayga gacanta saartay sidii ciyaalka xaafadda.  Wuxuu ii sheegay in uu shir kula jiray Saraakiil Muqdisho ka yimid, laakiin marka lagu wargeliyay in aan nimid uu iyaga u sheegay in uu u soo laaban doono.  Waan uga mahadceliyay arrintaas.  Wuxuu ku jawaabay in ay waajib ku ahayd maaddaama uu isagu nala ballamay.

Gaarigeenna markii uu na ag geeyay oo waan is macsalaameynay.  Beatrix oo la yaabtay sida uu Generaalku noo soo dhoweeyay iyo sida uu iila kaftamay ama uu garabka ii haystay oo kalsoonida uu iigu muujiyay waxay i weydiisay in aan Morgan wax isu nahay.  Waxaan u sheegay in aynaan wax gooniya isu ahayn.  Ka dibna waxay i weydiisay in aan isku qabiil nahay.  Sidii oo kale ayaan mar labaad ugu jawaabay.

Kismaayo, horraantii 1995. 
Kalsoonida uu maalintaa ii muujiyay ayaa keentay in horraantii 1995 aan General Morgan oo Warlord ah oo Kismaayo haysta, General Caydiid oo duullaan ku ahina uu Goobweyn u fadhiyo, in aan ku dhiirrado in aan dayaaradaha qaadka Nairobi ka raaco oo aan Kismaayo ugu tago.
 
Dad badan ayaa iiga digay safarkaas, laakiin General Morgan oo fooneeye East Leigh yaalla aan ku sii wargeliyay imaatinkeyga, wuxuu iga doonay airporka Kismaayo oo aad uga baxsan magaalada inkasta oo aan is dhaafnay.

Xaruntiisa markii aan tegey ayaa la ii sheegay marti u imaaneysa in uu airporka ka doonay. Markaas ayaan tegey Isbitaal ay MSF maamusho aniga oo dhakhaatiirtii wareysanaya ayuu Isbitaalka iiga daba yimid.

Dhowrkii maalmood oo aan Kismaayo joogayna, inta badan wuu ila socday.  Xataa Hargeysa ayuu iga wareystay.

Markii aan shirka Morgan soo dhammaysannay, aniga iyo Beatrix waxaan Cali, oo ah wiilkii aan howsha u xilsaarnay, u sheegay in haddii ay dhibaato kala soo gudboonaato ciidanka uu Xasan – Kuuriya u sheego si uu Generalka u wargeliyo.

Xasan – Kuuriya isagana waxaan ka codsaday in Cali haddii culeys ay hey’adaha amnigu soo saaraan uu wargeliyo General Morgan.

Magaalada inta aan joogay waxaan ku arkay Saraakiil Sare oo Jaamacadda aan isku soo gaarnay qaarnay.

Berigaas waxaa caadi ahayd in saraakiil sare oo militeri ama nabadsugidda ahi ay Jaamacdda soo galaan si ay u dhammaytaan aqoontooda heer digrii Jaamacdeed.  Waxay u badnaayeen Kulliyadaha Injineerinka, Sharciga iyo Dhaqaalaha.

Marka ay qalin jebiyaanna waxay ku laaban jireen howlahoodii Militeriga.

Hargeysa markii ay howsha badankeeda nooga dhammaatay waxaan u gudubnay Gebileey.