Total Pageviews

Thursday, 15 February 2018

Hargeysa - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Sagaalaad

Berbera jawigeeda dabiiciga ahi ima soo jiidan.  Berigaas noloshu weli ima barin oo khibrad uma lihi ku noolaashada dhul aad uga kulul ama aad uga qabow magaalada Muqdisho.

Kaba darane waxaan aad u dhibsaday jawiga 
col-u-joogga ah ee Berbera ay habeenkii ku sugan tahay.

Ma ogeyn in aan ku soo laaban doono Berbera sannad iyo bar ka dib.  

Ma ogeyn in uu xafiiskeygu noqon doono halkan, gurina aan ka degi doono xaafadda Burca-Shiikh.  

Ma ogeyn in aan markhaati ka noqon doono xadgudub xuquuq aadane oo culus oo aan dhegta uun ka maqli jiray.

Ma ogeyn in ay ahaan doonto magaalo ay dadka deggani, siiba raggu, ay noqon doonaan ku dhowaad sidii naloo xukumay markii aan Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane aan ku jirnay oo ninka doona in uu xerada ka baxo, looga baahan yahay ruqsad uu ku baxo.

Ma ogeyn Bandowga aan hoos-jooggiisa hal habeen dhibsaday in aan habeenno badan ku hoos noolaan doono.

Ugu dambeyn waxaan u dhaqaaqnay jihada Hargeysa.  Waa waddo aan  1985 baabuur ku maray, mar aniga oo ka socda Radio Muqdisho aan soo raacay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Bettino Craxi oo dalka booqanayay oo uu Xamar ka soo kaxeeyay General Maxamed Cali Samatar.  Iyagu Hargeysa ayay toos uga degeen, laakiin qaar weriyayaasha iyo ciidanka hor dhaca ah ka mid ah ayaa ka soo degey Berbera.

Hargeysa waa Caasimadda labaad ee dalka.  Waa magaaladii ugu horreysay ee sare u taagta calan Soomaaliyeed oo xor ah saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960.  Waa munaasabaddii uu Allah ha u naxasriistee gabayaaga Soomaaliyeed ee muxtarimka ah, Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu gabayga caanka noqday ka tiriyay asaga oo tilmaamaya markii la dejinayay calanka Ingiriiska, la saarayna oo lagu beddelay calanka Soomaaliya.  

Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego e
Kaana siib kanna saar

Marka aan Muqdisho joogay, Hargeysa waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ahaa hal-abuurka dhanka Fanka, quruxda hablaha, hantida ama aan iraahdee xawaaraha dhaqdhaqaaqa shilinka Soomaaliga iyo nooca raashinka loo kariyo siiba hilibka.

Waxay ahayd meel aad uga fog caasimadda, haddana magaalo wanaagsan ah.  Qofka yiraahda Hargeysa ayaan tegey ama waan ka soo shaqeeyay, wuxuu Muqdisho u digmay qof ku leh waan kaa khibrad badan ahay, dalka iyo dadkana waan kaa aqaan.

Hargeysa ayaan soo galnay.  Gaadiid badan iyo dad aad uga badan waddooyinka magaalada dhex iyo hareera socda.  Saddexdeenna socdaalka ku nimid midkeenna ma yaqaan waddooyinka magaalada. Hoteel aan ku degno iyo xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo aan dooneyno in aan tagno midkeenna ma yaqaan.

Dhowrkii saacadood ee aan laba sano ka hor la imid wafdiga, waxa keliya oo aan xusuustaa in aan booqannay xerada Qaxootiga Gannad iyo Rugta Saraakiisha oo General Gaanni uu qado ugu sameeyay wafdiga, iyagana waddo loo maro ma aqaan.

Nin waddada maraya ayaan u istaagnay oo aan is niri tilmaan ka qaata.  Waan is af garan weynay.  Ninku af Soomaali wuu fahmi waayay.  Ingiriisna ma aqoon. Qaxooti ayaan u qaadannay oo waan isaga gudubnay.

Waxaanse la yaabnay in midkii labaad ee aan u istaagnay uu sidoo kale nagu noqday.  Waxay ahayd wax isku soo aaday oo aan aad ula yaabay.  Maalmihii yaraa ee aan magaalada joogay meel kasta oo aan maro ama aan tago dadka aan kula kulmaa Soomaali ayay ahaayeen.  Ma aqaan maalinta koowaad labadii ruux ee ugu horreeyay ee aan tilmaan weydiisto sababta ay u noqdeen ajnebi.

Hotel Maaweel ayaan filayaa in uu ahaa halkii aan ku degay.

Xasan-Kuuriya


Waxaan markiiba Raadiyay Allah ha u naxariistee, Xasan Ciise Cali Xasan oo loo yiqiin Xasan-Kuuriya oo aan ka wada shaqeynay Radio Muqdisho haddase Madax u ah Radio Hargeysa.  Xasan si qurux badan ayuu noo showeeyay.  Wuu na qado geeyay.

Ujeeddada socdaalkeenna marka aan u sheegnay iyo madaxda aan dooneyno in aan aragno wuxuu ballanqaaday in uu gacan nagu siin doono shaqadeenna, madaxdana uu ballammo nooga soo qaban doono.

General Morgan oo ah Taliyaha Qeybta 26aad ee militeriga ayna u muuqato in inta kale ee Madax joogtaa ay isaga hoos tagaan, ayaa aniga iigu muhiimsanaa in  ballan ka helno.  Waxaan qiyaasayay in uu i xusuusan doono maaddaama Qeybta 21aad ee Dhuusa Marreeb aan ku booqannay annaga oo Jaamacadda ka soconna.  Xasan - Kuuriya ayaa ballanqaaday in uu Morgan soo ballamiyo.

Xarunta Gobolka waxaan ugu tagnay Gaashaanle Sare Buulle.  Markii aan inyar u fasiray ujeeddadeenna, waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan u tarjumo hadduu doonayo gabadha ila socota in ay wada hadlaan, haddii kalena uu kula hadli karo luqadaha badan ee ay ku hadasho midka uu doono.  Waxaan u sheegay in ay ku hadasho afafka Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Spanishka.

Wuxuu ii sheegay in uu kula hadlayo Spanish. Inkasta oo aan mararka qaar u beddelennay af kale si aan isu wada afgaranno.

Waan ogaa saraakiishu in afafka Yurub oo ku hadlaan aanay Ingiriis iyo Talyaani ku koobnayn ee Ruushna ay ku hadlaan qaar badan.  Waxaane illowsanayaa in kuwa ay soo tababbartay Cuba oo militeri iyo nabadsugidba lahaa ay ku hadlaan Spanish.

Buulle guud ahaan wuu soo dhoweeyay howsha aan wadno.

Berri waxaan xerada Birjeex kula kulmi doonnaa General Morgan.