Total Pageviews

Sunday, 11 February 2018

Been-abuur - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Lixaad

Xiintooy, Jowhar.
Raadinta ehelka maxaabbiista Soomaalida ee ku jiray xabsiyada Ethiopia, ka dib markii lagu qabtay dagaalkii 1977, waxaa ka shaqeeynayay dad qaarba mar ku soo biiray.  

Xafiiska ICRC ee qaabbishan howshaan waxaan 1987 ku nahay saddex ruux.  Faadumo Shiikh Cabdi oo inta badan howsha xafiiska wadda, dibaddana marmar u shaqo tagta oo baadigoobta qoysaska maxaabbista, marna qoysas la helay oo la wargeliyay u geysa waraaqaha kana soo qaadda jawaabaha.

Aniga oo shaqadeyda oo dhami ay tahay baadigoodbka qoysaska maxaabbiista iyo xiriirintooda oo ah in waraaqaha bil walba loo geeyo jawaabana laga keeno.

Iyo Beatrix Attinger oo inta aniga iyo Faadumo aan qabanno oo kale qabata, Madaxna ka ah Waaxda Baadigoobka ee aan ka wada tirsan nahay.

Faadumo iyo Beatrix waxaa howshaan u dheer booqashada iyo ka warqabka maxaabbiista Ethiopian-ka ah ee ku xiran Soomaaliya.

Waxay hey’addu ammin kooban adeegsatay laba nin oo gacan ka geysta raadinta qoysaska maxaabbiista Soomaalida.

Midkood waxaan u dirnay Jowhar oo waxaa loo dhiibay waraaqaha u socday Shabeellaha Dhexe.

Sahay ugu filan baska, Hoteelka, Raashinka, Taksiga iyo telefoonka muddo toddobaad ah ayaan siinnay iyo waliba xoogaa dheeri ah haddii kharash aan la sii qorsheyn uu ku soo baxo.

Tababbar iyo hanuunin ku saabsan xasaasiyadda howsha iyo sida nabadsugidda ama booliisku haddii ay shakiyaan ay tahay in uu ku qanciyo ayaa la tusay.  Muhiimadda howshana waa loo fasiray waana la diray isaga oo sita koobbi waraaqaha Gobolkaas u socda oo dhan iyo liiska maxaabbiista.

Marka uu amba baxay waxaan ka filayay usbuucaas haddii uu laba ama saddex qoys soo helo in ay tahay libin mudan in loo dabbaal dego.

Laakiin ninkii wuxuu soo laabtay laba maalmood ka dib.  Waxaan u qaatay in hey’adaha amnigu ay ka soo saareen magaalada.  Laakiin wuxuu ii sheegay in ay howshii soo dhammaatay.  Dhammaantood wuu soo helay qoysaskii loo diray.  Mid kastana jawaab ayuu ka sidaa.

Maaddaama aan khibrad u leeyahay culeyska howshan waxaa igu adkaatay in aan aammino in laba maalmood lagu soo helay qoysaskii Shabeellaha Dhexe.

Waxaan soo xusuustay Xaawa Cabdi oo ah hooyo Soomaaliyeed oo deggan Budbud oo aad uga fog Jowhar oo wiilkeeda oo aanay ka warqabin in uu nool yahay uu waraaq uga soo diray xabsi Ethiopia ah.

Waraaqdeedii ayaan baaray, waxayna ku calaameysan tahay in loo geeyay, jawaab magaceedu ku saxiixan yahayna wuu ka sidaa.
Waxaan weydiiyay sida uu u helay Xaawa Cabdi oo ku nool Budbud oo ka fog Jowhar.  Wuxuu ii sheegay in ay isbitaalka ku jirtay oo ay xanuunsanayd oo uu halkaa kula kulmay.

Waxaan weydiiyay maaddaama cinwaankeedu yahay Budbud, maxaa kugu dhaliyay in aad Isbitaalka Jowhar ka raadiso.  Wuxuu ii sheegay wiil iyada la socday in uu magaalada kula kulmay.

Sheekadu waa ay isu keey qaban weyday.  Qof weyn oo ku hor taagan oo wax ku kallifaya aan la aragna in aad hadalkiisa rumeysan weydo waa ay culus tahay.

Waan u mahadceliyay wixii uu lacag shaqeystayna waan siinnay.  Laakiin markii aan arrinta ka fekeray waa ay igu cuslaatay in aan sidaas ku aammino.   Xataa farta ay ku qoran tahay inta badan waa isku mid oo wuxuu ii sheegay in uu isagu u qoray.

Safar Hubsiimo 

Waxaan Xafiiska la wadaagay tuhunka aan qabo.  Kaas oo la ila gartay.  Waxaan goostay in aan arrintan daba-gal ku sameeyo oo aan soo hubiyo.

Waraaqihii aan koobbigooda isaga u dhiibay ayaan soo qaatay.  Waxaan tegey Jowhar.  Waxaan ka billaabay nin cinwaankiisu ahaa Shaneemada Jowhar.  Ninkii waan ka waayay goobta.  Laakiin meel la iigu tilmaamay ayaan ka helay.   Waxaan uga warramay askarigii waraaqda u soo qoray oo xabsiga Ethiopia ku jira.

Meeshii aan ka filayay in uu yiraahdo shalay ama dorraad ayaa waraaqdaas la ii keenay, arrintu waa ay ka fogeyd.  Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu maqlo in qofkaasi nool yahay, xiran yahayna. 

Maaddaama safarkeyga gaabani ahaa hubinta in Jawaabihii Jowhar laga keenay ay sax ahaayeen iyo in kale, safarkeygii halkaas ayaan ku soo geba gebeeyay.

Agaasime ka tirsan Warshadda Sonkorta, ahaana garsoore Kubadda Koleyga, Cabdulqaadir Mille, oo ahaa arday aan Jaamacadda ka wada baxnay laakiin iga horreeyay ayaan la soo qadeeyay. Liiska maxaabbiista ayaan la wadaagay bal in qoyskii uu ii heli karo i soo wargeliyo. Ka dibna waxaan ku soo laabtay Muqdisho.

Wuxuu qadada iigu sameeyay guri qurux badan oo uu degganaa, leh beer nasasho oo dhir iyo ubax udgoon oo leh wiifow carruurta iyo dadka is jeceli ku cayaaraan.  Sababta aan xusayo waa in aan sheego in gurigaasi ahaa mid ay Dowladdu siisay.


Jawaabihii uu keenay wiilkii aan shaqada u dirnay dhammaantood waxaan u aragnay been-abuur, waxaanna ka soo qaadnay waxba kama jiraan.


Wakhti kale iyo safarro dhowr ah oo gaa-gaaban ayay nagu qaadatay in aan soo helno dhammaan qoysaskii ay waraaquhu u socdeen ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Khatar weyn ayay ahayd iyo cuqubo laga gelayo in maxaabbiis iyo ehelkooda.

Waxay khiyaamo ku ahayd Maxaabbiista oo is moodsiinayay in reerkoodu ka warqabo, dhanka kalana aan war sax ah ka heleyn reerka yaa dhashay, yaa dhintay, yaa guursaday.

Sidoo kale waxay khiyaamo ku ahayd qoysaska oo iyaga oo weli u haysta in wiilkoodii, aabbahood ama walaalkood uu ku geeriyooday dagaalka, haddana laga warbixiyay in qoyska la wargeliyay.

Ugu dambeyntana waxay khiyaamo ku ahayd hey’adda intaas oo dadaal iyo kharash ah gelisay isku xirka maxaabbiista iyo qoysaskooda in laga wasakheeyo shaqada sharafta badan.

Laakiin nasiib wanaag intaas oo dhan waan ka badbaadnay.


Sagaashameeyadii aniga oo BBC u shaqeeya ayaan ninkii is aragnay, iguma soo qaadin arrinkii anna dacwad ma qabin.

F. G.

Qormada toddobaad ee Taxanaha Maxaabbiistii 77 waxaan ku billaabayaa, safarkii dheeraa ee dhulka ahaa ee Muqdisho ilaa Boorame aan ku marnay aniga iyo Beatrix Attinger.