Total Pageviews

Thursday 8 February 2018

Suleymaan iyo Walaalkiis - Taxanaha Maxaabiistii 77 - Qaybta Saddexaad

Maalin uu xafiiska ICRC ka xumaaday mashiinka lagu sawiro dokumentiga, ayaan xilli qiyaastii kowdii duhurnimo ay dhaaftay waxaan tegey xarun wax laga sawiro oo ku taallay hotel Shabeelle hoostiisa.

Liiska maaxbbiista iyo dhowr xaashiyood oo ay Maxaabbiista qaarkood u soo direen ehelkooda ayaan ka sawirtay.  Waxaan u diyaarinayay in aan qof u dhiibo gacan iga siiya howsha.

Koobbiyadii aan meesha ku sameeyay iyo liiska ayaan Dukaanlihii mid mid isula tirannay ka dibna lacagtii ayaan bixiyay.  Intii aan waraaqaha kala gureynay, aan sawireynay ka dibna aan tirineynay ayaa wiil dhallinyaro ah oo meesha taagnaa waxaa uu yara qooraansaday liisaska.  Waxaa ka muuqday rabitaan in uu ogaado waxa ay yihiin magacyadani.

Amar Ilaaheey,  wuxuu markii dambe si ixtiraam leh ii weydiiyay liisasku waxa ay yihiin.  Waan u fasiray oo u sheegay in ay yihiin maxaabbiis dagaalkii 77 ay Ethiopia ku qabatay, laakiin reerahoodu aanay ka warqabin oo ay u heystaan in ay dagaalkii ku dhinteen.  

Suleymaan hadal kale ima dhihin laakiin aammuskiisu ma ahayn in uu jawaabta ku qancay ee waxaa weli ka muuqday in uu arrinta u hammuun qabo.  Sheeko ahaan miyuu u daneynayaa? War jacayl miyaya ka tahay? Mise waxaa dhici karta in dad uga maqan yahay dagaalkii? Sida ay tahay iimuu sheegin, laakiin igama dhaqaaqin, eegmadana kama uu joojin waraaqaha miiska saaran.

Markaas ayaan weydiiyay bal in uu jiro qof ay ehel yihiin oo la aamminsan yahay in uu ku dhintay dagaalkii 77.  Wuxuuna ii sheegay in walaalkii uu dagaalka ku dhintay.

Halkaas ayaan liiska ka baarnay ka dib markii uu ii sheegay magaca walaalkii laakiin waan ka weynay liiska aan markaa gacanta ku hayay.

Waxaan Suleymaan u sheegay in uu jiro liis kale oo aan xafiiska uga soo tegey.  Waxaan u tilmaamay halka uu yahay xafiiska ICRC iyo saacadaha shaqadu kuwa ay yihiin.  Nambarkeyga telefoonkana waan siiyay.

Wuxuu i weydiistay in uu hadda i raaci karo.  Waan ka aqbalay.  Xafiiska marka aan tagnay, ayaan fariisiyay fadhi dabacsan waxaanan soo hor dhigay liiska maxaabbiista oo dhammaystiran si uu uga baaro magaca walaalkiis.

Anigu waxaan fariistay kursigeyga oo waxaan ku mashquulay kombiyuutarka.

In muddo ah markii aan wax qoranayay, ayaan mar dambe madaxa kor u qaaday.  Waxaan ku soo baraarugay Suleymaan oo ay wejigiisii ilmo qoysay. 

Inta aanan farxadda la wadaagin, waxaan marka hore hoosta ka xirtay xafiiska si aan shaqaale ama dad kale iigu soo gelin oo aanay Suleymaan su’aalo ku boobin.

Ka dibna waxaan soo saaray kaarar uu maxbuus waliba mid gooni ah leeyahay, si aan u hubiyo tafaasiisha aan ka heyno oo dhan in qofkani uu yahay Suleymaan walaalkiis.

Magaca aabbaha, kan hooyada, meesha uu ku dhashay iyo da’da iyo in aan qoyskiisu weli ka warqabin, intaba waxay is yeesheen Suleymaan walaalkiis.

Waxaan markiiba u keenay biyo iyo faanta qabow si uu shucuurtiisa u dejiyo. Waxaanan geeyay meel uu wejiga ku dhaqdo.

Sida dareenkiisu noqday darteed Suleymaan markaas ma qori karin waraaq jawaab ah.  Waxaan siiyay foomka uu ku soo qori lahaa jawaabta.

Waxaan goostay ninkaas dareen ahaan dhaawacan in aanan magaalada ku sii deyn. Waxaan ku qaaday gaarigeyga oo aan geeyay guri General militeri ah oo adeerkiis ahi uu degganaa oo ku yaallay ka soo horjeedka akademiga militeriga.

F. G. Adiga oo ku mahadsan, fadlan aragtidaada / dareenkaaga ku reeb halkan hoose. 

20 comments:

  1. Replies
    1. Runtii halkaa waxaa iiga muuqata inaad tahay masuuL garanaya Shaqada uu BuLshada uhayo waxay tahay
      Sidoo kale Ay kugu dheehanthy bisayl iyo Niyad sami

      Runtii waxaa iqancisay sida kaliya eee aad wiilka Yar ula Tacaamushay🤙

      Delete
    2. Maasha allah alle haku barakeeyo

      Delete
    3. Mutadawacnimo. Matihid ruux isla wayn. Hawl adag ayaad qabatay.waan qiiroday runtii.

      Delete
    4. Marka laga tago inaad haysay shaqo adag oo dadkaaga ugu adeegaysay,waxaa iga baxay sidaa aad aa ilaalinaysay dareemaasha qofka oo aad u dhaqmasay sidii dhakhaatiirta cilmi nafsiga ,waxaad samaysay wax qof bila aadama qof u sameeyo wuxuu ugu fiicnaa ee qof loo samayn lahaa.

      Delete
    5. Marka laga tago inaad haysay shaqo adag oo dadkaaga ugu adeegaysay,waxaa iga baxay sidaa aad aa ilaalinaysay dareemaasha qofka oo aad u dhaqmasay sidii dhakhaatiirta cilmi nafsiga ,waxaad samaysay wax qof bila aadama qof u sameeyo wuxuu ugu fiicnaa ee qof loo samayn lahaa.

      Delete
  2. Nin yaraantiisi xil kas ahay yusuf garaad, allah haku dhowro.somalia adiga oo kale ay u baahantahay in aw hogaamiyo xiliyadan adag, lkn nasiibkaas wali ma helin

    ReplyDelete
  3. Masha allah aad io aad ayaan u qiiroday waxana i muqda in aad hogamiye daacad ah oo shaqadise ka soo bixi kara si cdaalad ah suleyman sida aad ula tacamushay waxa ay aheed si dareen bini adanimo ku jirta lkn sual ku weydiye walakki ma ukeentay oo ma 8s arkeen tas aya ka farxad badan mudane waziir

    ReplyDelete
  4. Waxaa iga baxay sida hufan ee aad u gudatay xilkii balse waxaan la qiirooday sida aad ugu dadaashay wiilka

    ReplyDelete
  5. Wax badan baa iiga baxay mas'uul waxaa fiicnaan lahayd qormooynkan inaad buug ku qorto

    Balse waxan is yar waydiiyay laba qodob oo yar yar
    waxayna yihiin faantada iyo korontada laydhku waagaas 1987 aha may jireen

    ReplyDelete
  6. Waxaa iiga baxay naxariista iyo xil gudasha allah kugu maneystay
    Qaamuuus ayaad tahay fadlan xogahaas buugaag ka dhiga mudane

    Mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  7. Waxaa ka sheekadaan iiga soo haday 100 tilmaamood oo aad u wanaagsan oo aad leedahay



    ReplyDelete
  8. Qof garanaya xuduudaha ay shaqadiisu leedahay, iyo hannaanka loo maamulayo masuuliyadda ku saaran ayaad u muuqatay yuusfow, keliya hal qodob oo ka baxsan taxanaha ayaan talo kaa siin lahaa; waa in shaqo walba aad joogto, gaar ahaan mansabka siyaasiga ah aanuu kuu jiidin dhinaca shaqadaada suxufinnimo, oo aad yareyso tafaasiisha aan loo baahneyn, iyo siinta cid aan loogu talo gelin ama hawl kale ka dhalan karto, wakhtigeediina aan taagneyn.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  9. Waxan aad iyo uga helay woraaljaan wada naxariista ah runti waxaan jeclaan lahaa in aad buug yar ka qorto isla sheekadaan bilow ilaa dhamaad sifo uu dhaxal u nowdo waa hadii aadan qorin hada ka hor mudane

    ReplyDelete
  10. Wax bdn iga baxay dad laga quustay xata laga yaabo in dadkoda tacsi u dhigteen in aad so rajo celiso oo aad baadi goob u gasho dadkaas sidaad ugu hekin laheed dadkooda arintu ma ahan arin yar lknse dadaallaga isku geysay waxad aheyd geesi somaliyeed kaaso leh maanus in ka bdn dadka kale

    ReplyDelete
  11. Wax bdn iga baxay dad laga quustay xata laga yaabo in dadkoda tacsi u dhigteen in aad so rajo celiso oo aad baadi goob u gasho dadkaas sidaad ugu hekin laheed dadkooda arintu ma ahan arin yar lknse dadaallaga isku geysay waxad aheyd geesi somaliyeed kaaso leh maanus in ka bdn dadka kale

    ReplyDelete
  12. jah inta dalkaan dad saas ugu shaqeeya oo miiran lahelayo waxaan ku jiraynaa baahi

    ReplyDelete
  13. Titanium Backup Apk is one of the most potent backup tools that restores the files of Android devices. Titanium Backup Alternative is the rooted Android.

    ReplyDelete