Total Pageviews

Tuesday, 6 February 2018

Sarkaalka Goobta ee ICRC

Sarkaalka Goobta ee ICRC

Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Labaad


FIAT 127
Sannad ka hor ayaan soo dhammaystay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Weli ma guursan. Waxaan hadda u shaqeeya Bankiga Dhiigga ee Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo aan mas’uul ka ahay xiriirka Dadweynaha.  Si kale haddii aan u dhigo, waxaan qaabbilsan ahay in dadweynaha aan ka dhaadhiciyo in ay dhiig ugu deeqaan bukaanka iyo dhaawaca. 

Sidoo kale shaqaale ammin dhimman ayaan ka ahay Radio Muqdisho, halkaas oo aan ka tirsan ahay Xafiiska Wararka.  Howsheydu marna waa Tifatirka Wararka Idaacadda, marna waa tebinta Wararka iyo ugu yaraan hal barnaamij oo aqoon kororsi ah oo ay tahay in aan toddobaadkiiba mar soo saaro.  

Wargeyska Xiddigta Oktoobar, isagana waxaan ugu shaqeeyaa qoraa ka tirsan Bogga Saddexaad ee Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta oo waxa la iga rabaa tiro cayiman oo maqaallo ah bil kasta.

Toddobaad kasta waxaan saddex galbood Macallin ka ahay Xarunta Dhaqanka Faransiiska oo aan markaa af Soomaali u dhigayay fasal Ajnebi ah oo ay ardaydiisa ka mid yihiin Australian, Jarmal, Mareykan, Carab iyo qaar kale.  Ka dib waxaan uga wareegay baridda Af Faransiiska arday Soomaali iyo ajnebi usgu jirta.

Waxaan wataa gaari yar oo ah FIAT 127 oo Bankigu leeyahay oo taargadeedu tahay G. D. oo markaa u taagnayd Gaadiidka Dowladda.

Habeenkii ama galabtii aan firaaqo helo waxaan marba meel ku ballannaa dhallinyaro Soomaaliyeed ama ajnebi ah si aan muxaadaro ama dood uga wada qeyb galno, maktabad isu raacno, shineema ama tiyaatar u wada aadno, u caweyno, u sheekeysanno ama aan ku tartanno kubbadda koleyga ama shataranji oo aan aad u jeclaa.

Galbaha qaar waxaan tagaa xeebta Liido ama xeebta Hotel Curuuba si aan wax ugu akhristo ama qoraal ugu diyaarsado aniga oo ka faa’iideysana neecawda badda.  Ama si aan ugu fekero halkaa aniga oo daawanaya qorrax dhaca quruxda badan siiba marka aad xeebta joogto.

Isu geyn waxaan ahaa nin ku xiran dhallinyaro aad u badan iyo dad kaleba. Ha ahaadeen dhallinyarada Jaamacadda weli ku jirta.  Kuwa aan isla soo qalin jebinnay oo hey’adaha Amniga iyo kuwa kale ee Dowladda u shaqeeya.  Ama qaar aan qalinley wada nahay oo aan Saxaafadda ka wada shaqeyno.  Ciyaalka  xaafadda iyo kuwa aan macallinka u ahay markaas ama aan hore ugu ahaan jiray.  Dhallinyaro aan basketball wada cayaari jirnay oo qaarkood hadda ay u saftaan naadiyada heerka koowaad.

Waxaan ahaa nin yar ah oo faraxsan aadna ugu han weyn mustaqbalka.

ICRC

Aniga oo nolshaa ku jira ayaa bartamihii 1987, waa toban sano ka dib dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Ethiopia ay Laanqeyrta Cas, ICRC, waxay ii xil saartay in aan baadi goobo qoysaska maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran Ethiopia oo aan ku wargeliyo in ay nool yihiin, kuna jiraan xabsi Ethiopia.  Howshaasi waxay ahayd mid markaas ka hor ku adkaatay Laanqeyrta Cas maaddaama la diiday in qabiil lagu baadi goobo dadka, isla markaasna la diiday in idaacad ama meel kale oo fagaare ah lagu soo bandhigo magacyada maxaabbiista.

ICRC waxay igu qaadatay Sarkaalka Goobta (Field Officer).  Waxaa farta la iga saaray liis aan qiyaasayo in ay ku qornaayeen magacyada 238 maxbuus oo Soomaali ah oo ku xiran Ethiopia oo ehelkoodu u haysto in lagu dilay dagaalkii ay aadeen 10 sano ka hor kana soo laaban waayeen.

Waxaa kale oo la ii dhiibay waraaqda uu mid kastaa u soo diray qoyskiisa ama qof ehelkiisa ah. 

Qaar fara-ku-tiris ah ayaa horteey la wargeliyay qoyskooda.  Ka hor inta aanan shaqada billaabinna howshu waxay badankeedu ku koobnayd Muqdisho.  

Isla maalinta aan shaqada billaabay waxaa la i siiyay gaari Land Cruiser ah. Waan ka dallacay FIAT 127.  Waxaan hadda helay Land Cruiser marmarna Suzuki aan ku shaqeeyo iyo shidaal aan kala go’ lahayn. 

Waxaa ii dheeraa in la ii sheegay in diyaar la iila yahay wixii kale ee tas-hiilaad ah ee aan u baahdo si aan uga shaqeeyo baadigoobka iyo soo helidda qoysaska Soomaaliyeed ee maxaabbiista.  Waxaa la ii oggolaa in aan qof u dirsan karo howl muddo gaaban ama xataa dheer si uu gacan ii siiyo.  Waa in aan qori karo shaqaale ila shaqeeya oo howsha cayiman iiga qabta gobollada dalka.


Fasiraadda Magacyada


Waxaan shaqada ka billaabay in aan derso magacyada maxaabbiista Soomaalida iyo macluumaadka caatada ah ee la socda.

Maalin oo dhan waxaan akhriyaa oo ku celceliyaa oo qaar xafidaa magacyada maxaabbiista.  Mid kasta waxaan u fiirsadaa magaciisa iyo kan hooyadiis.  Waxaan magacyadooda ka dhex goobaa magac qof aan aqaan ay wadaagaan si aan qofkaas telefoon ama fool-ka-fool u soo weydiiyo bal in uu yaqaan maxbuuska ama hooyadiis.

Waxaa kale oo aan magacyada maxaabbiista iyo kuwa hooyooyinkood ka raadiyaa magac aan Soomaaliya oo dhan laga adeegsan ee lala xiriirin karo degaan gaar ah, sida, Qowdhan, Calas, Meecaad, Muunye, Mayow, Ayaanle, Qorane, Meydhane, Fiidow iyo qaar kale oo badan.  Magacyada haweenka waxaan ka baaraa Cambara, Xasna, Timiro, Asli, Mullaaxo, Faay iyo kuwo kale.  

Waxaan u fiirsadaa Magaalada uu ku dhashay.  Da’diisa waan is xusuusiyaa.

Waxaan isku dayaa intaasi in ay ra’yi iga siiyaan tallaabadii aan ku dhaqaaqi lahaa si aan u helo maxbuuska qoyskiisa.


Maab Maskaxeed


Waxaan howshaas ka billaabay Gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle, inkasta oo aan xoogga saaray Muqdisho oo berigaas ahayd magaalo si sahlan aad uga heli karto dad aad u badan oo nooc walba leh oo ka soo jeeda magaalo kasta oo dalka ka mid ah.

Waxaan xusuustay in caasimaddeennu ay tahay Soomaaliya oo la soo koobay.   Muqdisho ayaan u sameeystay khariidad maskaxeed oo magaalada iga dhex tuseysa Gobollada dalka oo dhan.

Iyada oo aan qabiil ahayn balse degaan ku saleysan, ayaa waxaa jiray goobo ganacsi sida dukaammo, makhaayado, hoteello iyo xafiisyada sharikado gaar loo leeyahay oo wararka gobollada ay isku weydaarsadaan dadka degaankaas ka soo jeeda.  Waxaa ka mid ahaa meelo laga shaaho oo galbihii iyo fiidkii idaacadaha lagu dhegeysto.  Khasab ma ahan ninka hoteelka ama makhaayadda lihi in uu Gobolkaa ka soo jeedo laakiin macaamiishiisa ayaa u badan.

Goobahaas iyo suuqyada ay baabuurtu gobolladu ka baxaan sida Siinaay iyo Yoobsan waxay ka mid ahaayeen goobaha aan tago si aan magacyada maxaabbiista ula wadaago.

Waxaa kale oo aan tegi jiray xafiisyada Dowladda, iskuullada, goobaha waxbarashada, Saldhigyada booliiska, suuqa xoolaha, suuqa Huri Waa', Suuq Bacaad iyo marba xeryaha ciidan ee aan u helo fursad aan ku tago sida Madaxtooyada oo Booliiska Dableyda la ii oggolaaday in aan u akhriyo magacyada ciidanka iyo saraakiisha xabsiga ku jira.

Muqdisho ayaa ii noqotay Soomaaliya oo la soo koobay.  

Makhaayadaha waaweyn oo ay caan ku yihiin reer woqooyigu oo ay Hudheello ugu yeeri jireen.  Meesha ay ka baxaan basaska iyo baabuurta kale ee woqooyi u socda. Woqooyi aniga markaas wuxuu ii yahay woqooyi uun.  Ma aqaan magacyada ama lahjadda lagu kala garto Hargeysa iyo Borame ama xataa Hargeysa iyo Gebileey.

Goobaha ay reer barigu fariistaan galabtii iyo fiidkii.

Hoteelka iyo makhaayadaha dadka Gobollada Dhexe ay u badan yihiin iyaga oo weliba u kala qeybsanaa degmo degmo. Sida reer Ceel Buurka iyo reer Ceel Dheer oo lahaa degaanno goobo dhowr ah oo kala duwan.

Reer Hiiraanka meesha laga helo.  Sida aan Baydhaba iyo Gedo aniga oo aan aadin aan reer Baydhaba iyo reer Gedo ugula kulmi karo Muqdisho.

Reer Waamo halka aan ka heli karo ayaan dersay.  Liisku kala go' ma lahayn.

Waxaa mar kasta fure ii ahaa saaxiibbada idaacadda, ardaydii aan wax soo wada barannay iyo macallimiinteydii in aan raadiyo qofka reer Kismaayo ah oo aan weydiiyo meesha aan ka heli karo dad badan oo reer Kismaayo iyo haddii ay suurta gal tahay qaar hadda tegeya Kismaayo si ay farriin iga qaadaan.

Maalin iyo habeen waa waxa iigu badan ee aan ka shaqeeyo, maskaxdeyduna ay ku mashquulsan tahay.

Qoysas dhowr ah ayaan sidaa ku helay oo aan wargeliyay.  Waxay ahayd fursa aad u weyn.  Mar kasta oo aan qoys helo oo aan ku wargeliyo in aabbahood ama wiilkoodii aanuu dhiman ee ku jiro xabsi Ethiopia waxay ahayd munaasabad farxaddeeda aan la koobi karin inta badanse ku billaabata ooyin.

Aniguna marka aan howshaas soo qabto waxaan maalintaas u farxi jiray ku dhowaad sida uu qoysku ugu farxay warka aan u geeyay.

Howshaas waxaan u galay safar dhulka ah oo aan ka billaabay Muqdisho waxaanna ku tegey tegey Boorama.  Waxaan ku hakaday degmo kasta oo ku taalla waddada dheer ee Muqdisho iyo Borama isku xirta.  Qaaarkood habeen ama laba ayaan seexday.  Waxaan maray Garowe ilaa Boosaaso oo aan Qardho saacado joogay sii socod iyo soo laabadba.  Muqdisho ilaa Luuq oo aan midba mar ku sii hoyday Buur iyo Baydhaba, ka dibna aan soo laabadkii ku leexday Garbahaarreey, Buur Dhuubo iyo Qansax Dheere.

Waixii aan kala kulmay ka akhriso qoeybaha soo socda oo Taxanaha Maxaabbiistii Dagaalkii 77.

F. G. Adiga oo ku mahadsan in aad Qormada akhrisay, fadlan aragtidaada ku reeb halkan hoose.